Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Siilaanyo's Speech at the Somali Script Anniversary in Djibouti

Recommended Posts

Baashi   

Nin akhyaarta waaweyn ka mid ah baa berrigii la soo qaxay (1991) noo yimid annaga oo nin Toronto ka yimid oo sita waraaqo badan oo leh waxan qorayaa qaamuus uu ku idil yihiin erey-bixinta Af-Somaliga iyo English-ka uu gurri adeerkay deganaa (Nairobi) noogu sheekanayo

 

Odaga waa la qaabilay waana la fariisiyey. Cabaar hadduu dhageystay sheekada ayuu sida Silanyo hadda ka sharqamiyey waxuu nooga sheekeeyey sida wasaaradaha iyo wakaaladaha loogu xulay magacyada.

 

Waxuu yirri Tourism baa la damcay in Af-Somali loo beddelo. Waxuu yirri Guddigii hawsha loo igmaday ninba eray buu la soo shir tagay. Muddaa ereyga helidaas lagu howlanaa.

 

Ilaa haweenay reer miyi ay ka tala bixisay. Waxa la weydiiyey eedo maxaad oran jidheen hadaad aragtaan qolo socota ah oo aan marti ahayn, colaadna aan u soo duulin oo kaliya xiiso u qaba degaanka aad joogtaan iyo bilicdiisa. Haweenaydii waxay tirri. Garan mayo dad ceynkaas ah oo iska socda oo xiiso u qaba degaanka aan joogno; laakiin waxan arki jirnay barbaar inta habeenkii cayaar tumata oo ku heesa:

 

Dalxiis iyo daawashaanu nahee,

Hablow ma dabaal dageysaan.

 

Bingo! Odaygii waxa uu yirri hadalba kama danbeyn. Wakaalada Dalxiiska oo markii danbe noqotay Wasaarada Dalxiiska sidaa bay ku baxday.

 

Ilaahoow reer miyiga noo daa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this