Sign in to follow this  
Liibaan

KHaatumo State of Somalia - First Anniversary Celebrations :) :) :)

Recommended Posts

Taleexi   

Liibaan: Aamiin, thanks and the same for you.

 

Abwaan - I guess I'm smoking from the same pipe. When dust settles I'll have my say about these miss-allocated resources be human capital or material wealth balse hadda ha naga jiidhin xamaasadda damaashaadka. Dhalasho wacan Khaatumo :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Buuhoodle: MadaxWeyne Maxamed IndhoSheel oo Ka Qeybgalay Sanad Guuradii Kowaad ee Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia ee Magaalada Buhoodle

 

 

 

Waxaa caawa hotelka weyn ee Abdi Guray plaza ee magaalada buuhoodle kadhacday xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay xafladan ayaa lagu maamuusayey sanad guuradii koowaad ee maamul gobaleedka khaatumo state

 

waxaana goob joog kahaa madaxweynaha maamulka khaatumo maxamed yuusuf jaamac (indho sheel) agaasimaha wasaarada arimaha gudaha Maxamuud shiikh Cumar qaar kamida golaha sare ee maamul gobaleedka khaatumo oo ay kamid ahaayeen Garaad jaamac garaad Ismaaciil Ducaale oo isagu kasoo kicitimay dhanaca magaalada dandan si uu ugaqayb qaato xaflada sanad guurada 1aad ee maamulka suuban ee khaatumo

 

Gagaraad C/ laahi Garaad Soofe, Garaad saleebaan Buraale, Iyo suldaan siciid Cismaan Cali Iyo Waliba Isimo Kale oo aan halkan lagu soo koobi karayn

 

sidoo kale waxaa madasha goob joog ka ahaa dr.xabeeb oo ah dhakhtar ku takhakhusay xanuunka dadka dhimrka , qaar kamida ururada haweenka culimo awdiin iyo martisharaf kale

 

waxaana dhamaan dadkaasi wajiyadooda kamuu qanaysay farxad aan lasoo koobi karin waxayna siweyn usoo dhaweeyeen sanad guurada 1aad ee maamulka khaatumo

 

madaxweynaha maamulka khaatumo oo goobta kahadlay ayaa waxa uu umada reer khaatumo meelkasta oo ay joogaan udaray hanbalyo

 

isaga ugu baaqay inay marwalba garab taagnaadaan maamulkooda

 

halkan hoose kadaawao sawirada

 

MAHAD GAAR AH SAWIR QAADAYAASHA

 

By C/casiis Aadan Jaamac

 

iyo Maxamed Cali bile

 

 

 

94.jpg

56.jpg

DSC00471.jpg

86.jpg

76.jpg

DSC00446.jpg

49.jpg

DSC00421.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Taleexi;907707 wrote:
Liibaan: Aamiin, thanks and the same for you.

 

Abwaan - I guess I'm smoking from the same pipe. When dust settles I'll have my say about these miss-allocated resources be human capital or material wealth balse hadda ha naga jiidhin xamaasadda damaashaadka. Dhalasho wacan Khaatumo
:)

:D Taleexi, sorry ma rebin aan kaa dhex galo sxb......bal heestii maxay ahayd..damaashaad ila ciyaar....damaashaad.....oops I mean Khaatumo u daaaa....Qaran toosin Khaatumo u daa.....Qabanqaabo wacan Khaatumo daa.....Khayraad la dhiso Khaatumo u daa....halkaas ka sii wad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Buuhoodle: MadaxWeyne Maxamed IndhoSheel oo Ka Qeybgalay Sanad Guuradii Kowaad ee Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia ee Magaalada Buhoodle

 

a.jpg

b.jpg

210.jpg

117.jpg

65.jpg

wadani.jpg

DSC00498.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Buuhoodle: MadaxWeyne Maxamed IndhoSheel oo Ka Qeybgalay Sanad Guuradii Kowaad ee Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia ee Magaalada Buhoodle

 

DSC00486.jpg

DSC00445.jpg

DSC00497.jpg

141.jpg

c.jpg

133.jpg

DSC00432.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

HIIRAAN ONLINE

Munaasabado lagu xusayay Aasaaskii Maamulka Khaatumo oo lagu qabtay deegaannada uu maamulkaas ka taliyo

 

Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Munaasibado is-barbar socda oo lagu xusayo sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtey aasaaskii maamul-goboleedka Khaatumo State of Somalia ayaa ka socda degaano kala duwan oo ka mid ah degaanada uu maamulkaasi ka taliyo.

 

Magaalooyinka Taleex, Buuhoodle, Boocame, Awr-boogays iyo degaanno kale ayaa shalay ka billowdeen dabaal-degyo lagu maamuusayo 12-ka Janaayo oo ku beegnayd maalintii degmada Taleex ee gobolka Sool lagaga dhawaaqay maamulka Khaatumo oo haatan sanad jirsadey.

 

Degmada Taleex oo maamulku u aqoonsaday caasimadda KMG ah ayaa waxaa maanta meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha masuuliyiin uu hurmuud u yahay madaxweyne ku xigeenka labaad ahaana madaxweynihii xiligaa talada maamulka hoggaanka u qabtay, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

 

Madaxdii halkaasi ka hadashay waxay si aad ah dib ugu eegayeen aasaaskii Maamulkan sannad jirsaday iyo dadaalkii ay dadka degmadda Taleex ku lahaayeen iyo sida looga baahan yahay inaanu marna dib ugu dhicin ee ay horay u sii socdaan.

 

Sidoo kale Magaalada Buuhoodle oo ah magaalada ugu baaxadda iyo dadka badan ee maamulkaas hoos-timaada walow maamulka Putlandna awood ku leeyahay ayaa xaflad balaaran lagu qabtay xalay xarunta madaxtooyada oo uu ku sugnaa madaxweynaha haatan xilka wareejinaya, Maxamed Yuusuf jaamac (Indha-sheel).

 

Dhammaan degaannada ay ka dhaceen munaasibadaha lagu xusayay Khaatumo ayaa lagu soo bandhigay waxqabadkii maamulka mudadii sanadka ahayd oo ay masuuliyiintani ku ladhayeen dagaalo meelo kala duwan ka dhacay una dhexeeyey maamulkooda iyo Somaliland oo ay sabab u ga dhigeen inuu caqabad ku ahaa horumarkii ay higsanayeen.

 

Maamulka Khaatumo ayaa ka duwan qaab-dhismeedkiisa maamulada kale ee ka jira Soomaaliya iyadoo uu leeyahay sadex madaxweyne oo meerto sanad iyo bar ah xilka wadaagaya midkiibana uu mudo lix bilood ah talada haynayo maantana la galay lixdii bilood ee u danbeeyey in kasta oo Cabdinuur Cilmi Qaaje (Biindhe) oo ahayd in uu shalay la wareego xilka ayaan la ogeyn xilliga uu la wareegi doono maadaama uu u sugan yahay Muqdisho.

 

Yagleelkan sannad-jirsadey wuxuu soo horyeelay qur-bajoog kumanaan gaaraysa oo dalka qaarkood aanay weligood arag qaarna degaankan aanay arag, halka qaarna ay sanado badan ka maqnaayeen, waxaana soo baxday oo laga faa`iidey inay sameeyaan maalgashi haba u badnaadaan magaaladda Buuhoodle.

 

 

Mudadaa sannadka ah waxaa wax la taaban karo oo la qabtay la odhan karaa laba garoon diyaaradeed oo mid haatan hawlgalay waa ka degmada Taleex iyo ka Buuhoodle oo la sheego inuu dhammaan doono sannadka horaantiisa.

 

Maamulka Khaatumo State waxa uu afkiisa cid kasta oo ka mid ah saaran midnimada ummadda Soomaaliyeed waa muqadas taasoo colaad balaaran oo xoog badan kaga keentay dhinaca Somaliland, dagaalkii u horeeyeyna waxa 17-kii Janaayo uu ka qarxay magaalada Buuhoodle waxaanu gaadhey in dhimashadii iyo dhaawicii uu kumanyaal gaadho.

 

Colaadaas oo soo gaadhey badhtamihii sanadkan waxaa joojiyey hogaamiyihii ururkii hubaysnaa ee SSC oo Somaliland la dagalami jirey mudo dheer Saleebaan Ciise (Xagla-toosiye) oo si lama filaan ah ku tegey Hargeysa heshiisna kula qaatay madaxweyne Axmed maxamed Siilaanyo, walow ay jirtay raalli ahaansho uu xilkii beesha uu u hayey ku wareejiyey ergadii shirbeeleedkii Taleex laba maalmood ka hor ku dhawaaqidii maamulka Khaatumo, waxaase dadbadani dib u xusuusteen cadhadii uu Putland kaga tegey markii uu ku guuldaraystay tartankii madaxwene ku xigeenka waqti afar sano laga joogo sideed maalmood sanad bilawgii.

 

Dagaalkii Somaliland iyo maamulka Khaatumo wuxuu u soo wareegay dhinaca dhulka bannaan ee dooxada Nugaaleed khaasatan degmada Xuddun oo Laascaanood waqooyi kaga beegan laga soo bilaabo 28/11/12kii illaa maalinimadii shalay ee 10-kii bishan dagaalo goos-goos ah ayaa ka dhacaayay.

 

Dhinaca kale; maamulka Puntland ayaa isaguna dagaal aan yarayn la galay maamulka Khaatumo oo ku doodayay inay wada-dhisteen beelaha degaanka maamulka Puntland 1998-kii, madax-dhaqameedkuna heshiiskaas saxeexeen waxba kama jiraana ku tilmaamay ka noqoshadii qodobka afraad ee xeer-dhismeedka Khaatumo lagu cadeeyey inay bureen dhammaan heshiisyadii halka maamulka Somalilandna 1991-kii ay heshiiskaasi la mid ah ku doodaan.

 

 

Madax-dhaqameedka beesha degaankaa ugu badan iyo beelaha la degaa dhamaan way ku sugnaayeen madasha Taleex oo qodobkaasi ma durin mana diidin walow ay xusuus mudan tahay in la bidhaamiyo qaar madaxdhaqameedka ka mid ahaa oo jeclaa inaan marna Putland laga Goosan, waxase ay goobta uga hadli waayeen cabsi laga qabey kooxda loogu yeedho "Guuto Koowaad" oo ah dumarka iyo caruurta, kuwaas oo dad badan oo laga shakisanaa gacansaar u geystey waana ta keentay inaan maya ama sikale iyo wax dhibaa ka hor imaan hadafkii Laba Cali.

 

Si kastaba ha ahaatee; sannadkan bishiisa lixaad ayaa waxaa ku soo dhamaanay maamulkii kumeelgaadhka ahaa ilaa hadana ma jiraan dhismihii haykal dawladeed oo weli Baarlamaankii iyo garsoorkii midna ma dhisna waxase la leeyahay C/nuur Cilmi Qaaje oo maanta madxweyne nimadiisu u bilaabantay ayaa dhamaystiri doona, shacabkuna waa u heelan yahay balse waxaa lays weydiinayaa u saamixi doonaa waqtigu mise!.

 

 

 

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online

 

 

Xafladda_Khaatumo_1.jpg

Xafladda_Khaatumo_2.jpg

Xafladda_Khaatumo_3.jpg

Xafladda_Khaatumo_10.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xafladii Sanad Guurada Khaatumo State Oo Siwayn Looga Xusay Dalka Holland

 

 

fanaaniinta khaatumoWaxaa caawa Lagu qabtay xaflad ballaadhan oo loogu dabaaldegayey sanadguurada koowaaad.. ee kasoo wareegtay aasaaskii maamul goboleedka Khaatumo State of Somalia.

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah losoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee jaaliyaddaha soomaalida ku nool wadankan holland.

Waxaa kaloo kasoo qaybgalay dhamaan jaaliyadaha khaatumo ee ku nool wadamada Beijemka iyo Nederland,

 

Xafladanayaa ugu horayn waxaa lagu furay Aaayadaha qur aanka kariimka ah, intaas kadaib ayaa waxaa qudbado kasoo jeediyey lagaga waramayo maamul goboleedka khaatumo iyo waxa hadafkiisu yahayba qaar kamida gudida iyo odayaasha reer khaatumo ee xafladaas joogay, waxaa iyana ka hadlay wakiilo ka socdaymaamul goboleedyada kajira wadanka somalia sida ,Galmudug state , awdal state iyo wax garad kale oo ku hadlayey afka deegaamada ay ka soo jeedaan kuwaas oo dhamaantood si buuxda u taageeray islama markaana sheegay in ay hiil iyo hooba la garab taaganyihiin maamul goboleedka khaatumo State Of Somali.

 

 

Sidoo kale waxaa xaflada heeso wadani iyo khaatumo lagu amaanayo ka qaaday fanaaniin aad u badnaa oo ay ka mid ahaayeen Jaylaani Shariif,Maxamed Deeq,Matoote,Sidiiq Iidle iyo Ubax Nacfi .

 

faanaaniintan ayaa waxay caawa siweyn u ruxeen madashii loogu dabaal degayey sanad guuradii koowaad ee maamul goboleedka khaatumo iyagoo si aada uraali gelyey dhamaan dadkii kasoo qayb galay xafladaan

 

 

ugu danbayntii ayaa waxaa lagu soo gunaanaday xafladaan ciyaaraha hidaha iyo daqanka ah ee ay caanka ku yihiin reer khaatumo kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Ciyaarta looyaqaano Jaandheerta iyo dhaantada.

 

 

Abdirashiid galbeedi

 

 

fanaaniinta-khaatumo.jpg

SAM_0236.JPG

SAM_0225.JPG

SAM_0223.JPG

SAM_0220.JPG

 

 

SAM_0087.JPG

SAM_0216.JPG

SAM_0090.JPG

SAM_0121.JPG

IMG_4541.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xafladii sanadguurada Khaatumo Ee Seattle(Sawiro)

 

Waxaa caawa ka dhacay magaalada Seattle ee gobolka Washington xaflad aad u quxur badan oo lagu maamuusayay sanad guurada 1aad ee maamul goboleedka Khaatumo.

 

Xafladan ka dhacaday hoolka xaflada ee lagu magacaabo Jumbo oo ku yaala magaaladaasi Seattle ayaa waxaa si mugweyn uga soo qaybgalay dhamaan bulshada Somaliyeed ee ku nool magaalada Seattle iyo nawaaxigeeda.

 

Dadyowgii kala duwanaa ee ka hadlay xafladani ayaa dhamaantood soo jeediyay soo dhoweyn duco iyo guubaabooyin iyo waliba taageero aad u baaxadweyn oo ay u hayaan maamulka Khaatumo iyo shacabkiisaba.

 

Ugu danbayntii munaasabadani ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Somaliya noocyadooda kala duwan dhinaca kale waxaa iyana yihi kooxda Seattle oo ah fanaaniin aad u cod macaan.

 

Isku soo wada duuboo xafladani ka dhacday Seattle ayaa qayb ka noqonaysa munaasabado lagu xusayay sanad guurada 1aad ee Khaatumo oo ka dhacaysay caawa iyo xalay aduunka dacaladiisa.

 

Sawiradii oo dhamaystiran iyo Video dhowaan ayaan idiin soo dayn doonaa hadii ilaahay idmo.

 

Realtaleex News Desk.

 

GEDC0487-1024x768.jpg

GEDC0471-1024x768.jpg

GEDC0562-1024x768.jpg

GEDC0570-1024x768.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Sanad-Guuradii Koowaad ee Maamulka Khaatumo oo loo Dabbaal-Degay

 

 

 

 

January 13, 2012 Markacadeey

 

Maamulka Khaatumo ee Soomaaliya ayaa maanta u dabaal dagaya sanad-guuradiisii koowaad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo aasay maamulkaasi.

 

Deegaanada kala duwan ee uu ka arrimiyo maaamulka Khaatumo ayaa waxaa saakay ka socdo dabbaal-degayo waaweyn oo lagu xusaayo maalintii tiirarka loo taagay maamulkaasi, waxaana munaasabadaha dabaaldagyadaasi ka qeyb galay bulshada qeybaheeda kala duwan.

 

Horaantii sanadkii tagay ee 2012-ka ayey aheyd markii Maamul goboleedka Khaatumo lagu dhisay magaalada Taleex ee gobolka Sool, waxa uuna maamulkaani maamulaa dadka ku nool gobollada Sool, Sanag iyo Cayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this