Sign in to follow this  
Liibaan

KHaatumo State of Somalia - First Anniversary Celebrations :) :) :)

Recommended Posts

Liibaan   

cali-ciise-cabdi.jpg

Dr. Cali Ciise Cabdi: "Magacyo Isticmaar bixiyey iyo calaamado ama Map Isticmaar laguma Khasbi karo Shacabka Khaatumo "{DHAGAYSI HABOON}.

Dr. Cali Ciise Cabdi gudoomiyaha gudida sare ee fulinta Khaatumo State oo qaybgalay xuskii iyo dabaaldegii koobaad ee Jaaliyadda Khaatumo ee Alberta Canada ayaa ka hadlay amuuro badan.

http://horufadhi.com/dr-ali-ciise-oo-hadlay/

Share this post

Link to post
Share on other sites

'Liibaan';906205 wrote:
cali-ciise-cabdi.jpg

Dr. Cali Ciise Cabdi: "Magacyo Isticmaar bixiyey iyo calaamado ama Map Isticmaar laguma Khasbi karo Shacabka Khaatumo "{DHAGAYSI HABOON}.

Dr. Cali Ciise Cabdi gudoomiyaha gudida sare ee fulinta Khaatumo State oo qaybgalay xuskii iyo dabaaldegii koobaad ee Jaaliyadda Khaatumo ee Alberta Canada ayaa ka hadlay amuuro badan.

Maybe the good Dr should know Magaca Somalia ba isticmaar baa bixiiyey mala wuxu u haysta inay reer taleex bixiyeen ta u sheega :D

map isticmaar hadu diidayo Itoobiya hayadisa ma geyeen ileen dhul Somali bay haystaan eeh.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xaaji Xunjuf;906213 wrote:

map isticmaar hadu diidayo Itoobiya hayadisa ma geyeen ileen dhul Somali bay haystaan eeh.

Halganka Barakeesan ee Shacabka Soomaali Galbeed ugu jiraan inay Dhulkooda Xoreestaan waa muqadas, sidoo kale Shacabka KHaatumo State waa diideen in lagu khasbo magaca isticmaarka Iyo Mapka isticmaarka. Marna aqbalimayaan khasab iyo dagaal in lagu qabsado.

Share this post

Link to post
Share on other sites

'Liibaan';906214 wrote:

Magac isticmaar dee maha argument aad wax ku diidaysaan ileen Somalia ba wa magac isticmaar Somaliland wa magac isticmaar , Somalidu markay ay ka xorobeen 1960 talyaani iyo ingriis waxay la baxeen jamhuuriyada Somalida. lama bixin Somalia ama Somaliland. Somaliland iyo Somalia waxa ay u tahay wax u gaar labada dal. Ama ba ha noqoto ta xuduuda xuduudu wa xuduudaha wa africa oo dhan wax u dhexeya ma jirto laakin siyaabo kale Somaliland waad ku didi karta arinta midnimada Somaliyeed iyo wax la mid ah iyo aad rabtiid Qaran Somaliyeed oo weyn ta waad odhan karta, laakin magac baan ku diidaya arin adag maha libaanow.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Liibaan   

X Xunjuf, hadal badan looma baahna, shacabka Somaliland iyo shacabka Khaatumo waa dad walaala ah oo wax badan ka dhaxeeyo. Dhibaatada waxa keenaya waa dagaalada iyo in khasab wax lagu raadiyo. Hadalkii oo kooban, Shacabka Somaliland waa diideen inay Somalia ka mid noqdaan oo Somaliweyn wax la qeybsadaan, Shacabka Somaliland waxa ee rabaan inay Go'aan oo Jamhuuriyada Somaliland loo aqqonsado.

Sidoo kale, Shacabka Khaatumo/Maakhir waa diideen inay Somaliland ka mid noqdaan oo ka go'aan Somalia. Shacabka Khaatumo/Maakhir waxa ee rabaan inay Somaliweyn wax la qeybsadaan, oo ka mid noqdaan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleed Khaatumo/Maakhir.

Waxa waajib ah in lagawada shaqeeyo sidii ummada soomaaliyeed ee Geeska Africa nabad ugu wada noolaadaan, waana in la ogaada in dagaal iyo khasab ma shaqeenayo, dadkuna ma aqbalyaan in la cabudhiyo oo la xoogo.

Share this post

Link to post
Share on other sites

'Liibaan';906374 wrote:

Wa sax taasi Liibaanow rabitaanka shacabku wa Muhiim laakin waxay noqoto ba dadka ayaa xaq u leeh inay ayahooda ka tashadaan ta ma didin, Waxan diiday uun xuduudahan iyo Magaca Somaliland oo wax xun lugu sheegayo oo shaydaan so alifay, Inago wada og magaca Somalia iyo xuduudaha Somalia ba isticmaar ba sameyey ileen gaaladu ma kala wanaagsane eh. Ta xigta Somaliland Somaliweyn ma diidin , Somalia maha Somaliweyn, marka markad leedihid Somaliland waxay diiday inay Somaliweyn wax la qebsato Somalia adigu ma Somaliweyn baad u taqana . maanta haday NFD somali galbeed Djibouti oo dhinac ah oo dal qudh ah haday ahaan lahayd. waxad odhan kari lahayd Somaliland waxay diiday Somaliweyn , laakin Somaliland waxay diiday Somalia eeh ma didin Somaliweyn. Midowgi Somalia ay la gashay bay diiday eeh ma didin Somaliweyn. ileen Somalia maha Somaliweyn. Khatumo na waan tageersanahay waxay isla jecelyihin waan la jecelahay.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xaaji Xunjuf;906377 wrote:
Khatumo State na waan tageersanahay waxay isla jecelyihin waan la jecelahay.

Halkaa line ayaa ku dhantahay xikmadii oo dhan, waxa aad sheegtay in aad taageersantahay Khaatumo State lana jeceshay waxa ee isla jecelyihiin , sidoo kale ogow Reer Khaatumo na waa taageersanyihiin walaalahood Somaliland waxa ee isla jecelyihiina waa la jecelyihiin. Khasab iyo dagaal waxba laguma helayo, markaa waa in laga wada shaqeeyaa sidii loo joojin lahaa dagaalada nabadana loogu wada noolado.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Boocame Online- Buuhoodle oo siwayn uga socoto xaflada qaban qaabada sanad guurad koowaad ee khaatumo state of somalia,xafladan oo siwayn looga dareemi doono hadii alle idmo 12/1/2013 dhamaan gobolada khaatumo iyo deegaanada hoosyimaada.

Waxaana xafladan siwayn u soo qaban qaabiyey dhalinyarada qaar kamida wariyaasha gobolka cayn waxayna galabta soo bandhigeen qaybo yar oo kamida xarunta ama goobta loo asteeyey inay ka dhacdo xaflada sanad guurada koowaad ee khatumo state of somalia.

" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post

Link to post
Share on other sites
Liibaan   

aaaa.gif

Xaflada Khaatumo State ee Seattle + Ogaysiis Dhaman umada Somaliyed

Boocame Online- Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan dadweynaha Somaliyeed ee kunool magaalada Seattle Ee gobolka Washington iyo nawaaxigeeda gaar ahaan kuwa jecel midnimada Somaliya inay jirto xaflad si heer qaran ah loo soo agaasimay oo ku saabsan sanad guurada 1aad ee maamulka Khaatumo State Of Somalia.

Xafladaan waxaa soo agaasimay jaaliyadda Khaatumo State Ee ku dhaqan magaaladaasi iyo nawaaxigeeda,sidoo kale xafladan waxaa lagu casuumay dhamaan dadweynaha Somaliyeed ee ku dhaqan Seattle iyo aagagaarkeeda .

Xafladan oo ah mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxa ay ka dhici doontaa “Jumbo Hall”oo ku yaala Seattle,xuskani wuxuu dhici doonaa Sabtida January 12,2013,

Ugu danbayntii ayaa xafladani waxaa inagala soo qayb gelidoona Xildhibaano,Aqoonyahano,madax ka tirsan Khaatumo iyo guud ahaan bulshaweynta Somaliyeed eeSeattle, sidoo kale waxaan iyana ka maqnayn meesha fanaaniinta Somalida kuwa loogu jecelyahay Seattle oo iyana ka qaadan doona qayb libaax, waxaa kale oo halkaasi lagu soo bandhigi doonaa ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka somaliyeed oo ay idiin soo bandhigu doonaan koox ku takhasusay ciyaaraha sida Jaandheer, Celcelis, batar, Dhaanto IWM.

isku soo wada duuboo xafladan lagu maamuusayo sanad guurada 1aad ee maamul goboleedka Khaatumo ayaa waxaa sidoo kale laga xusi doonaa meela kala duwan oo daafaha caalamka ah.

Ha moogaanin hana ka maqnaanin.

Where

4208 Rainier Ave.S.

Seattle WA.98118

When

Sabti,January,12,2013

4Pm-2Pm

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this