Sign in to follow this  
oba hiloowlow

SAHAL the block Equivalent of HAG

Recommended Posts

Sahal stands for S as the gedo folks, A as the caano boodhe crew, H as the khatumo,puntland crew, L as the goldogob folks. Smart i have to say.

 

Here is their latest warbixin about Somalia:

 

Ururka Sahal oo warbixin kasoo saaray xaalada wadanka Soomaliya‏

 

Horudhac

 

 

 

Ururka Sahal waxuu dadwaynaha Soomaaliyeed halkaan ugu soo bandhigayaa xaalada ay marayso wadanka Soomaaliya waxayna warbixintan kooban ka hadlaysaa meesha ay marayso Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma, is badal ku yimid isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho iyo heerka uu maraayo maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka.

 

 

 

1. Xaalada Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma

 

 

 

Ururka Sahal waxuu soo dhowaynayaa sidii sharafta lahayd ee dawlada Ras’iisal Wasaare Saacid iyo xubno ka mid ah Baarlamaanka ay fariin culus uga soo saareen xaalada Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma. Sidoo kale, waxaan ummadda Soomaaliyed la socodsiinaynaa in dhowaan iyana la kireeyey Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee New York/UN.

 

 

 

Waxaan xukuumada Ras’iisal Wasaare Saacid uga mahadcelinaynaa go’aaminta in xaalada Safaaradaha Rooma iyo New York ay u dirto wafti heer Wasiiro ah kuwaasoo looga fadhiyo inay wax ka qabtaan waxyaalaha uu ku kacay safiirka dowladda u fadhiya dalalka Talyaaniga & Biljamka Nuur Cadde kaasoo ku takri-falay hantidii Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale, ururka Sahal waxuu u mahadcelinaynaa Wasaarada Arimaha Dibada ee Talyaaniga oo Nuurcade u yeertay si ay su’aalo uga waydiiso sababta Safaarada Soomaaliyeed ee Rooma looga kireeyay Shirkad Jirka Dumarka ka Ganacsata.

 

 

 

Dhinaca kale, ururka Sahal waxuu si wayn ugu mahadcelinayaa Jaaliyeed Soomaaliyeed ee waddanka Talyaaniga kuwasoo muujiyey muwaadinimo iyo geesinimo ay ku difaacayaan hantida iyo dhismaha Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma. Sidoo kale, Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibedda ku nool waxaan ka codsanaynaa inay ilaaliyaan hantida qaranka Soomaaliyeed isla markaasna ay ilaaliyaan hantida qaranka Soomaaliyeed. Ugu danbayntii waxaan ka codsanaynaa xukuumada Ras’iisal Wasaare Saacid, Baarlamaanka Jamhuuriyada dawlada Fadaraalka inay soo celiyaan hantidii Qaranka ee la bililiqeystay, gaar ahaan safaaradaha Rooma iyo New York.

 

 

 

2. Qaadista isbaarooyinkii magaalada Muqdisho iyo samaynta ciidamo beeleed

 

Ururka Sahal waxuu soo dhowaynayaa qaadistii isbaarooyinka dhowaan laga fuliyey magaalada Muqdisho. Hase yeeshee, ururka Sahal waxuu si buuxda uga soo horjeedaa go’aankii madaxwaynaha iyo wasiirka Arimaha Gudaha ee ahaa in saldhigyada Booliiska magaalada Muqdisho laga badalo ciidamadii Booliiska Soomaaliyeed ee dhowaan la soo tababaray isla markaasna lagu badalo ciidamo gaar ah kuwaasoo kasoo jeeda beesha haysata magaalada Muqdisho isla markaasna u badan ciidamadii hogaamiye kooxeedkii iyo maxaakiimtii fashilmay.Khatar wayn ayaan u aragnaa in Muqdisho oo lagu sheegaayo caasimadii Soomaaliyeed inay lagu wareejiyo maleeshiyo beeleed kasoo jeeda beesha haysata magaalada Muqdisho isla markaasna aan matelin karin dhammaan beelaha Soomaaliyeed.

 

 

 

 

3. Warbixin heerka ay dadka deegaanka ah u marayso hawlaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka

 

 

 

Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in howlihii Maamul u sameynta gobolada Jubooyinka ay marayso heer gabogabo ah isla markaasna dadka kasoo jeeda gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo waxay si buuxda isugu waafaqeen inay ka go’an tahay maamul u sameynta Jubbooyinka. Sidoo kale, ka dib shirar wadatashi ah, iyo falanqayn dheer ka dib waxaa dadka deegaamada Jubbooyinka iyo gudiga farsamada maamul u samaynta Jubbaland waxayna si buuxda isugu waafaqeen samaynta shan gudi, iyo in la isu keeno 480 ergooyin kuwaasoo ka kala imaan doona beelaha Soomaaliyeed ee ku nool sadexdaa ee Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo. Ergooyinka kasoo qaybgalaaya shirwaynaha samaynta maamul goboleedka Jubbaland waxaa loo qaybsaday sida hoos ku qoran:

 

 

 

1. Gobolka Jubada Hoose waxaa ka imaanaya 185 ergo

 

2. Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ka imaanaya 135 ergo

 

3. Gobolka Gedo waxaa ka imaanaya 165 ergo

 

 

 

Ururka Sahal waxuu si buuxda u taageerayaa dardargelinta u sameynta gobolada Jubooyinka iyo qaabka loo qaybsaday ergooyinka loo qoondeeyey shirwaynaha maamulu sameynta gobolada Jubooyinka. Sidoo kale ururka Sahal waxuu ugu baaqayaa ergooyinka shirka maamul u sameynta gobolada Jubooyinka iyo gudiga farsamada inay si cadaalad iyo sinaan ah wax ugu qaybiyaan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee dega gobolada Jubbooyinka.

 

 

 

4. Arigtida Ras’iisal Wasaaraha ee maamul u samaynta gobolada Jubbaland

 

 

 

Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in shalay uu Raisul wasaaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ku dhowaaqay in xukuumadiiisu ay diyaarisay qorshe balaaran oo lagu xasilinayo amaanka gobolada dalka isla markaasna hawlaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka ay tahay in dadka degaanku ay iyagu soo doortaan maamul ay iyagu leeyihiin. Sidaasi darteed, ururka Sahal waxuu si wayn usoo dhowaynayaa bayaanka waafiga ah ee kasoo baxay Ras’iisal Wasaaraha Jamhuuriyada Fadaraaliga Soomaaliya kaasoo uu si cad u muujiyey in doorka dawlada Soomaaliya ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay iyagu dhistaan maamul goboleed waafaqsan sharciga dawlada fadaraaliga ah.

 

 

 

5. Cadaalada darrada iyo hagardaamada madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya ay ku hayaan maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka

 

 

 

http://www.raxanreeb.com/2012/12/ururka-sahal-oo-warbixin-kasoo-saaray-xaalada-wadanka-soomaliya/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

I wonder who would win in a wrestling match between HAG and SAHAL. I'd put my money on SAHAL, with all their pent up anger these days.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

oba hiloowlow;896615 wrote:
Somalia this is not my words a friend from puntland just told me about it basically he said it was bunch of qabiilisteyal

Well that's possible but that it stands for that, that's just ludicrous. Sahal is a word you know :D:D

 

However, HAG is a different breed and much more powerful than this tiny organization.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Xaaji Xunjuf;896659 wrote:
Wadani don't underestimate HAG

Please don't lead this thread to that wrong direction. SOL has got no space for another 20 pages of point scoring and recapitulating the ugly episodes of the 1990s mooryanism of both sides.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

haddana ma halkaan bay maraysaa bahashii? Wax laga sheekeeyo oo kale ma leh. Waxan dhan ma laga yaabaa inay reer SOL cilmiyeynayaan oo sidaan waxba u jirin. Sidan halla isku dhaamo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this