Sign in to follow this  
Somali philosopher

Nin Masaajid laga saaray isagoo tukanaya

Recommended Posts

Magaalada Minneapolis waxaa ka hawl-gala Police Soomaali ah. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan meel isugu imaanay qaar ka mid ah dhalinyarada Police-ka ah. Waxaan weydiiyay wixii ugu yaabka badnaa ee ay la kulmaan intii ay Police-ka ahaayeen.

 

Officerada mid ka mid ah ayaa qoslay. Waqti dheer kama uusan fikirin. Wuxuu markiiba ii sheegay in maalin maalmaha ka mid ah uu call ka yimid masaajid ku yaala Cedar. Xaafada Cedar waa meesha ay degan yihiin Soomaalida ugu badan gobolka Minnesota.

 

Maamulka masaajidka ayaa u wacday Police-ka. Waxay rabaan in masaajidka laga saaro nin ku tukada. Officer-ka wuxuu ii sheegay in uu la yaabay arintaas. Sida aan wada ogsoonahay inta badan ma dhacdo in masaajidka laga saaro dad ku tukanaya.

 

Masaajidada waa guriga Ilaahey, waxaana yimaada qof walba, Muslim iyo kuwo aanan muslimba ahayn. Waxaa yimaada mararka qaar dad ay la tagtay hawo aduun oo ka leexday wadadii, kuwo galay gangs, muqaadaraad iyo waxyaabo la mid ah.

 

Masaajidada dadkoo dhan ayay u furan yihiin. Waxaa isweydiin mudan muxuu haleeyay ninkaan oo keenay in askar loogu waco. Askariga wuxuu ii sheegay markii ay yimaadeen masaajidka in ay la kulmeen maamulka masaajidka oo aad u xanaaqsan.

 

Maamulka masaajidka waxay askartii u sheegeen in uu masaajidka ku jiro nin markii salaada la tukanayo u jeesta dhanka kale. Wuxuu ka jeestaa dhanka jameecada, wuxuuna u jeesta dhanka ay ku tukanayaan dumarka.

 

Raga iyo dumarka waxaa u dhexeeya daah qafiif ah oo la iska arki karo. Waqtiyo badan ayay dumarka ka dacwoodeen ninkan kusoo jeesta. Maamulka waxay isku dayeen in ay la hadlaan ninkan laakiin waa xalin waayeen arintan.

 

Markii askartii loo sheegay waxa dhacay waa rumeysan waayeen. Ninka wuxuu ahaa nin si fiican u labisan oo aanan u ekayn qof madaxa looga jiro. Waxay bilaabeen in ay isagana wareystaan sida ay wax u dhaceen. Wuxuu ku yiri waa runtood oo waxaan u jeestaa dhanka kabcada ay xigto meehee dhanka kale. Wuxuu tilmaamay in ay jiraan dad badan oo aaminsan wuxuu isaga rumeysan yahay.

 

Askartii markii ay ******** arinta meesha ay marayso ayay ninkii ka saareen masaajidka, waxayna u sheegeen in uusan mardambe kusoo noqon karin.

 

Mogadishu Times

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Miyir waxa ka haboonaan laheed in ay daah ka culus oo wax laga arkeen ama gidaar dumarka iyo nimanka u dhaxeesiyaan. Wacdiyaana ninka dabcan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Hadith baa jiray nin reer miyi ah masjid ku kaajay asxaabtuna ku cadhootey nabiguna csw yidhi dhaafa ha dhameeste yacni muu rabin in lag a nixiyo marka masjidku cid walba wa u furanyahay laakin ninkan saqajanimo ka dareemeen aya u malaynaya kulaha kacbada moyee dhinaca kale eega lol that sounds bs

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Lol the title of the article is somewhat misleading. Anyways, I feel as if our mosque leaders rush to call the police. Subhanalaah and they are the people who supposed to set a good example for the community.

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Haha..Istaghuruallh..Imagine being taped at the shoulder while praying and being told you know what you are NOT welcome here.I'll be like nigger let me finish one rakaah first..haha....Once In Atlanta I have seen an incident where a cop was called because of disagreement between mosque administration members.This incident was fueled by clan politics. Few of the members decided to hijack the masjid and make it something run by cliques..Some members had to leave and form a new masjid less than two miles away from the old one. The politics was so nasty that it divided the community. The masjid belonged to everyone since the community members are the once collected the expense money! Most of the Somali masjid is usually run with the effort of Cab drivers. They are the backbone of Somali diaspora community in America. They usually pray and are family oriented people unlike the professional brothers who are far from the khayr

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Aaliyyah;896420 wrote:
Waa sheeko yaab leh. Kulaha dad ilamida jira, waligey ma maqal waxan oo kale.

muu raadsado waxa isaga la midka ah, haddii uu run sheegayo, waa kan masaajidda khilaafka la imaanayee.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this