Sign in to follow this  
Fiqikhayre

UGUB Political Association announced in Bosaso-Third Political Party in Puntland

Recommended Posts

Urur siyaadeedkii labaad oo Puntland looga dhawaaqay

 

Bosaso,Dec 03 - Urur siyaasadeed cusub oo loogu magacaday UGUB ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, ururka ayaa sida la qorsheynayo u tartami doona xisbiyada Puntland ay xukuumadda madaxwayne C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole sheegtay in loo gudbay.

 

 

Gudoomiyihii hore ee gobolka Sanaag Maxamuud Saciid Nuur Dabayl ayaa ururkan kaga dhawaaqay kulan kadhacay hoolka shirarka ee Guul Plaza hotel Bosaso, waxaana kasoo qaybgalay kulanka dhalinyaro, odayaal, iyo masuuliyiinta ururka UGUB.

 

Gudoomiyihii hore ee gobolka Sanaag Maxamuud Saciid Nuur Dabayl oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay ururkan inuu ka mid noqonayo ururarada Puntland ee u tartami doona xisbiyada dalka uu u gudbay, waxaa uu sidoo kale xusay xafiisyo inay ka furanayaan gobolada Puntland.

 

 

Md Dabayl ,ayaa ugu baaqay bulshada qaybahooda kale duwan inay kusoo biiraan urur siyaasadeedkan, isagoona intaasi ku daray muwaadin kasta oo reer Puntland inuu kusoo biiri karo ururka uuna yahay mid aan qabiil ahayn.

 

Nabadoono iyo wax garad kale duwan oo ka hadlay madasha shirka uu kasocday ayaa soo dhoweeyey urur siyaaseedka cusub ee UGUB oo u taagan URURKA GOBOLADA UMADAHA BAHOOBAY, waana ururkii labaad ee Puntland looga dhawaaqo iyadoo horay madaxwaynaha Puntland uu magaalada Garowe kaga dhawaaqay urur siyaasadeedka Horseed.

 

Siyaasiyiinta Puntland qaarkood ayaa horay uga horyimid nidaamka xisbiyada ku dhisan ee dowladdu ku dhawaaqday in dalka u horseedayso , kadib hal sanadood oo loogu kordhiyay jiritaankeeda kana bilaaban doonta 8,Jan, 2013.

 

Diiwaanka Wararka

 

Daljir Bossaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

the acronyms sound like a heinous gastro-intestinal disease!

 

A: i've just been diagnosed with UGUB!

 

B: what's that?

 

A: don't worry you wouldn't know?

 

B: are you insulting my intellect! isn't that a political party in Puntland!

 

A: No! its a gastro-intestinal disease! this is no laughing matter! i'm serious!

 

B: hopefully not as serious as UGUB!

 

A: you could say that again!

 

A & B: LOOOOOOOOOOOOOOOOL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this