Sign in to follow this  
Saalax

Siilaanyo lashes out at Mahiga: Talks between Somaliland and Somalia on the verge of collapse

Recommended Posts

Somalia   

Abtigiis;893301 wrote:
This was one big mistake. Mahiga is not to blame. What happened is Mahiga instructed one of his assistants to prepare letters to Puntland and Somaliland. Apparently the guy wrote one for Puntland and forgot to change the content when we did the same for Somaliland. He only changed the names of the two entities but the content was the same!!!!!!!!!!!!! That is how this debacle happened. I think some heads will roll in UNPOS Nairobi.

 

But the sheer overreaction of Silaanyo lives up to rer-hebel sal-fududaa...tag! All they needed to do was to call Mahiga's office and ask for clarifications. They could have received a different letter in minutes!

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Waryaa... this was as simple as I described. Mahiga didn't mean it and the inquest as to how this happened is ongoing! I see what Xinn is saying, but really Mahiga is shocked. They did not mean it. Ku yaroo warqadaha qorayey oo cad unbaa ku wareeray ...P-land, S-Land nonesense. Markaa ayuu is yidhi wuxuba waa isku mid e magaca uun u kala badal. :D Dee wakaa odaygii asaasacay ka xanaajiyey!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Much ado about nothing! BTW, UNPOS (United Nations Political Office for Somalia, of which Mahiga is the head) is under critical review (demanded by U.S. & E.U. Donors). Some local & international staff will be terminated. Give a heads up to your friends, Abtigiis ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Madaxwaynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Dr Mahiga Oo Hargeysa Ku Sugan

 

Mahiga oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa raali-galin ka bixiyey qoraal uu dhawaan u soo diray Madaxwayne Siilaanyo, kaasi oo Madaxwaynuhu jawaan cadho leh ka bixiyay.

 

Hargeysa (Ramaas) Nov 27,2012 – Ergayga xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya Dr Augustine Mahiga ayaa maanta booqasho ku yimid Magaaladda Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

 

Dr Mahiga ayaa kulan la yeeshay Madaxwaynaha Somaliland iyo Wasiirka arimaha dibada oo ku soo dhaweeyay qasriga Madaxtooyadda, waxaana laga wada hadlay wada shaqeynta ka dhaxaysa qaramada midoobay iyo Somaliland, ka dib markii dhawaan madmadow soo kala dhex galay.

 

Wasiirka Wasaaradda arimaha dibada Somaliland iyo Dr Mahiga oo shir-jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay xarunta Madaxtooyadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa ka waramay nuxurka kulanka Madaxwaynaha iyo Mahiga.

 

Mahiga oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa raali-galin ka bixiyey qoraal uu dhawaan u soo diray Madaxwayne Siilaanyo, kaasi oo Madaxwaynuhu jawaan cadho leh ka bixiyay.

 

 

 

Warkan oo dhamaystiran la soco.

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Augustine Mahiga Oo Raali Galin Ka Bixiyay Warqad Xafiiskiisa Ka Soo Baxday Oo Ku Socotay Somaliland

 

 

Hargeysa (RBC Radio) Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Augustine Mahiga oo maanta gaaray magaalada Hargesa ee xarunta Somaliland, ayaa raali galin ka bixiyay warqad uu sheegay in si qalad ah uga soo baxday xafiiskiisa, taasoo lagu sheegay Somaliland in ay ka mid tahay maamulada ka jira waddanka.

Mahiga ayaa kulamo albaabada u xiran waxa uu kula qaatay aqalka madaxtooyadda Somaliland madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Kulanka markii uu dhammaaday ayaa waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar iyo danjire Mahiga.

Danjire Mahiga ayaa sheegay in uu markale ku faraxsan-yahay in uu soo booqdo magaalada Hargeysa, kaddib dhowr bil.

Wuxu yiri “Waxan ku farasaxnahay in muddo dhowr bil kaddib aan ku soo laabto Hargeysa, waxan la kulmay madaxweynaha oo aan uga cudaartay warqad si qalad ah uga soo baxday xafiikeyga oo ku socotay madaxweynaha Somaliland,waan u sheegay madaxweynaha warqadaas qaladka ahi markii ay soo baxaysan xittaa aanay joogin Nairobi ama Muqdisho ee waxan ku sugnaa magaalada Qaahira dalka Masar halkaasoo aan shir uga qeybgalayay, marka arrintaas ma ahan mid aan anniga sameeyay”

Dhinaca kale Somaliland ayaa soo dhaweeyay raaligalinta uu bixiyay danjire Mahiga, isla markaana sheegay in ay sii wadi doonaan wadashaqeynta xafiiska QM ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cumar ayaa yiri “ Aad iyo Aad ayey u soo dhaweyneysa xukuumada Somaliland dareenka iyo jawaabta uu ka bixiyay ambassador Mahiga warqadii xafiisa ka soo baxday ee waanu oggolnahay ka xumaantaas uu muujiyay in uu aad uga xunyahay waana sii wadeena wadashaqeyntii ka dhexeysay Somaliland iyo xafiiska Jimciyada quruumaha ka dhexeysa ee wixii ka quseeya rabitaanka shacabka reer Somaliland.”

Sidoo kale Mahiga ayaa sheegay in uu Hargeysa u yimid siddii uu uga qeygali lahaa doorashada golayaasha hoose oo maalinta berri ka bilaabanaya deegganada Somaliland.

Wuxuu sheegay in uu ka mid yahay kormeerayaasha caalamiga ee ka qeybgalaya doorashooyinka golayaasha deegganka maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa sheegay in dhammaan xuduudaha ay la wadaagto maamulada ka jira Soomaaliya la xiri doono caawa saqda dhexe.

Si kastaba, ammaanka goobaha codbixiyaasha maamulka Somaliland ayaa aad loo adkeeyay, waxana la dhigay ciidamo badan.

In ka badan 14,000 oo goobood ayey ka dhici doontaa codbixinta doorashada golayaasha deegganka Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaq iyo u-diyaar garow ayaa laga dareemayaa deegganada Somaliland taasoo ku aadan doorashada maalinta berri ka dhaceysa.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Ahem. Ahem. :D

 

NGONGE;893261 wrote:
Sounds like Siilaanyo got an election
booster
from Mahiga's letter. Twenty four more hours to milk it.
:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this