Sign in to follow this  
Siciid1986

Muuse Biixi “Somaliland xuduudkeeda way soo xidhanaysaa”

Recommended Posts

68317_4365647852356_342829086_n.jpg

Muuse Biixi “Somaliland xuduudkeeda way soo xidhanaysaa”

 

 

Burco (Weedhsan) Nov 21,2012 – Guddoomiyaha xisbiga tallada Somaliland haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa fariin adag u diray Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay inuu maamuli kari la’yahay dalka loo doortay.

 

Muuse Biixi oo maanta la hadlayay taageerayaasha Kulmiye ee Magaaladda Burco ayaa waxa uu sheegay in Somaliland xuduudkeeda xidhanayso, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in doorashadani tahay waxa Somaliland ay ku gorgirtamayso beesha caalamka.

 

 

 

Muuse Biixi oo ugu horeyn ka hadlaya doorashadda deegaanka ayaa yidhi “Doorashadu waa guul qaranimada Somaliland lagu dhisayo, qaranimada Somaliland-baa ku garnaqsanaysa oo caalamka ayaynu tusaynaa qaabka aynu u shaqeynayno ee dawladnimo”

 

 

 

Guddoomiye Biixi, waxa kale oo uu soo qaaday “Ninka Xamar lagu doortay ee Kismaayo ka dhisi kari la’ maamul ee Gaalkacayo u kala qayb-san tahay, ma laga yaabaa inay leeyihiin Somaliland-baanu dawlad u nahay oo aanu matalaynaa, caalamka waxaanu u sheegaynaa waa gef aanaan qaadan Karin iyo gardaro, waxaanu leenahay waxaad tihiin naftooda Hafar markaad leedihiin Somaliland-baanu Wasiirro iyo xildhibaano ka qaadanay, naftiina run umaydaan sheegin”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Somaliland waan qaran, xuduudkeedii isticmaarku kaga tagayna way soo xidhanaysaa”

 

 

 

Muuse Biixi, waxa uu tilmaamay in Somaliland tahay qaran Madax-banaan oo mudadii ay jirtay qabsatay waxyaabo badan oo muhiim ah, taasina ay tahay in beesha caalamku ku tixgaliso oo ay siiso ictiraafka ay xaqqa u leeyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Nin Faras dheeraynaya saaran warkiis iska dheh.:D Xudduudkeeda ku lehe. Waa bilaa xudduud.:D Waryaa xudduudkaan rag baa kaadidooda u soo cabey intaad qaad cuneysey.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muuse wa rageedi wa nin yaqaana sida xabada lo rido, hadu yidhi xuduuda la so xidhaya Xuduudu wa xiidhantahay.Xuduuda Jamhuuriyada Somaliland la leedahay dalka Somalia wa xiidhantahay sideeday ku xidhantahay nafarna isku mari mayo intuu Muuse faraskisa saranyahay:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

Abwaan, this guy was a prominent member of the SNM, so ur qaad statement is uncalled for. He fought for what he believed in, unlike these parasitic politicans from the diaspora. Ninakani waligii wadanka kamuu bixin.

 

Xaaji, maxaad ina biixi uga maadsanaysaa, waadiga cadowga soomalilandba kadaba naageeyee. Aar ninyahow sidan isku dhaan. Mise waxaanad wali ka samrin xurguftii beesheena iyo tiisa dhex martay 1990's kii?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wadani miyaanad akhriyin waxan qoray Muse wa rageedi , the faras joke was just a joke dont take it to serious. No one can forget how Muuse fought in the war for liberation in Hargeysa in 1988. Muse has the respect of the people of Somaliland, and i do not take part of habar habar politics if it is one thing i hate is habro politics. Muuse has earned the title Mujaahid, waliba waan xasuusta isaga iyo Axmed dhagax oo ciidanka kala qeybsaday qayb na ay tagtay woqoyiga magaalada hargeysa alayaraxma thats where Axmed dhagax got killed. And Muuse took west and central Hargeysa. The moment of truth this man is a man who saw Somaliland grow who fought for its existence in the 80s.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Ninkii so joog laga waayo so jiifso aya laga hela ayaa somaali ku maahmaahda. Bal aan aragno xuduudu so xidho kani, wa aduun gadoomay marka umad kale dhulkooda khasab lugu rabo in lagu qaato oo isla markaana la leeyahay ictiraaf ayaan xaq u leenahay. Waa sheko isqabaneen laakin aad moodid in umad badan sifiican iskaga dhadhiciyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

'Liibaan';891861 wrote:
:)

Liibaan xuduudaha Africa oo dhan isticmaar ba dhigay midna samada laga ma so hidisin.

 

Liibaan Somaliya hada xuduuda Talyaaniga iyo Ingriisku wada dhigteen eeh dhex marta dalalka Kenya iyo Somalia. Waliga adigu ka hadlaya ma arkin maxaad uga hadli weyday xuduudas Liibaanow ileeen isticmaar ba dhigay eh?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xaaji Xunjuf;891863 wrote:
Liibaan xuduudaha Africa oo dhan isticmaar ba dhigay midna samada laga ma so hidisin.

 

Liibaan Somaliya hada xuduuda Talyaaniga iyo Ingriisku wada dhigteen eeh dhex marta dalalka Kenya iyo Somalia. Waliga adigu ka hadlaya ma arkin maxaad uga hadli weyday xuduudas Liibaanow ileeen isticmaar ba dhigay eh?

Dagaalada Africa Iyo Asia inta badan waxaa sabab u ah xuduud beenaadka Isticmaarka sida Falastiin (Gaza/West bank), Kurdistan, East Timor, South Sudan, Oromia, Somali Region, NFD, Kashmiir, Muslim regions in Philippines, Nigeria, China etc.

 

Hada Odeyga biixi iyo Xunjuf waxa aad ku doodasaan waa xuduudkii Isticmaarku kala dhexdhigay shacabka Soomaaliyeed baanu soo celinanaa. Waayo Ingriis baa na siiyay oo aanu ka dhaxalnay Laas Caanood, Buuhoodle, Xudun, Taleex, Dhahar Badhan, Iyo Las Qorey, micnaheedo waa dagaal ayaan rabaa.

 

Xabashida Iyo Kenya labaduba waxa ee ku doodayaan Ingriis baa na siiyay oo aanu ka dhaxalnay dhulka Soomaalida, Shacabka Soomaaliyeed ee degan Kilink5 Iyo NFD waxaan U rejeenayaa inay helaan xoriyadooda Insha Allah.

 

Allah soomaali xaqa ha tuso, mid kasta waxa uu aaminsanyahay inuu Mujaahid yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Che -Guevara;891797 wrote:
Seems like unprovoked nacnac. silly old fart

Check the setting and the crowd he's trying to appeal to, badow yaho. No such thing as unprovoked nacnac when it comes to elections. Wax fahan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this