Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Kenya planning to explore oil in Somali waters !

Recommended Posts

Warbixin: Saameynta Shidaal Baarista Kiinya Ku Yeelan Karto Dhulka Soomaaliya

 

 

Muqdisho (RBC) Hadal dhowaan laga soo xigtay wasiirka tamarta ee wadanka Kiinya Kiraitu Murungi, ayuu ku sheegay in bishan aynku jirno ee Nofembar la bilaabi doono bixinta qandaraasyada shidaal qodista ceelal shidaal oo gaaraya illaa shan goobood.

Shirkadaha shidaalka u baaraya dawlada Kiinya waxay isugu jiraan kuwo Mareykan, Shiinaha iyo qaar kale oo laga leeyahay wadamada galbeedka, sida uu sheegay wargeyska Daily Naiton ee ka soo baxa Kiinya.

Shirkadahaasi waxaa ka mid ah; Apache Corp oo laga leeyahay Mareykanka, Total oo ah Faransiis, Anadarko oo laga leeyahay Mareykanka, Tullow Oil oo laga leeyahay Ingiriiska iyo CNOOC oo ah Shirkad Shiinees ah.

Goobaha shidaal baarista laga sameynayo ee dawlada Kiinya shaacisay waxay guud ahaan ka kooban yihiin 46 goobood, sagaal ka mid ah goobahaasina waxay ku yaalliin gudaha badweynta Hindiya.

Kiinya shidaal ma ka baaran kartaa dhulka Soomaaliya?

Haddaba sida ka muuqata qariirada markii ugu horeysay la soo bandhigay oo ku saabsan goobaha shidaal baarista Kiinya ay ka sameyneyso, ayaa muujineysa in mid ka mid ah sagaalka barood ee dhanka badda ay ku jirto halka loo yaqaano “L5″ oo run ahaantii gudaha ugu jirta xeebta gobolka Jubbada Hoose ee wadanka Soomaaliya.

“Waxaanu dooneynaa inaan bilawno shidaal qodis laga sameynayo gunta hoose ee badda bisha Sebtembar, waxaana ceelkaasi qodeysa shirkadda Apache, waxaana laga qodayaa meel qiyaastii 60-KM ka xigta xeebta bari ee magaalada Malindi” sidaasi waxaa sheegay wasiirka tamarta Kiinya Kiraitu Murungi.

Barta uu tilmaamayo wasiirka Kiinyanka ah ayaa ah qiyaastii 3900 Sq km xeebta magaalada Kismaayo ee gudaha Soomaaliya. Waxaa kaloo jira ceel kale oo Kiinya baaritaankiisu ka bilaabeyso xeebta Lamu (Akhri warbixin hore oo Raxanreeb ka qortay).

 

Sida ay sheegayaan saraakiisha Kiinya iyo qalabkooda warbaahinta, waxay tahay in mudo saddex bilood ah ay ku soo saaraan illaa saddex ceel oo ay qodeyso shirkadda Apache ee Mareykanka taasoo ka mid ah shirkadaha ajnabiga ee qandaraasyada la siiyey.

Waxaa xusid mudan in Kiinya ay dhulka ay shidaalka ka baareyso oo ay ku xeebaha gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya ay u taqaano “dhulka lagu muransan yahay” ee aysan u aqoonin dhul Soomaaliyeed, sida ay shirarkooda jaraa’id iyo saxaafadda u hadasho marka laga waramayo shidaal baarista Kiinya.

 

Cabirka Kiinya sameysatay oo 298 -km gudaha u soo galay Soomaaliya. Isha sawirka; Somalitalk.

Dawlada Kiinya waxay illaa hadda gadaal ka riixeysaa sidii uu sharci ku noqon lahaa heshiiskii fashilmay ee dhanka badda ee dawladii ku-meelgaarka ahayd ay la saxiixatay Kiinya sanadkii 2009 kaasoo ay Kiinya ku sameysatay qariirad iyada u gaar ah oo ay ku calaamadisay qeyb ka mid ah dhul biyoodka Soomaaliya oo qiyaastii 298-km u jirta xeebta magaalada Kismaayo.

Heshiiskaasi dhanka Soomaalida ka soo qaad leh, waayo waxaa buriyey baarlamaankii ku-meelgaarka ahaa oo cid aqlabiyad ah ku diiday.

Inkastoo muran badan uu ka jiray qodobka shidaal baarista Kiinya ay wado, ayaa haddana dawlada cusub ee Soomaaliya weli kama aysan hadlin arimahan shidaal baarista Kiinya iyo mowqifkeeda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haatu my biggest opposition against kenya in Somalia was because of this walaahi bilahi if i was a jubbalander too i would've opposed this, when kenya tried to buy the sea in 2009 they wanted this area however thanks to our nasab parliament they went against it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Apophis, get outta here with that rubbish.

 

Oba, I've saying this for a long time, the Kenyans are only there for the sea. Nothing else.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack;890035 wrote:
This would be a great move! We wholeheartedly welcome it
:)
:)

smh just give up the somali galbed matter too and let the ethiopians drill oil in there too.

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;890027 wrote:
Kiraitu-Murungi-displays-a-bottle-with-c

 

Kiraitu Murungi oo ah wasiirka tamarta Kiinya oo saxaafadda tusaya dhalo ay ku jirto saliida Ceyriin. (March 26, 2012).

Haduu intaso kaliya qadinayo ninka madoobi eeh ku jirta bottlke ka yar dhib maha:D

 

Wixi inta ka badan wa cadalaad daro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this