Sign in to follow this  
xiinfaniin

Khaatumoy , Khaatumoy, Don't Quit Just Yet

Recommended Posts

Liibaan   

Somaliland had briefly detained Ahmed, along with two other journalists, on October 12 in connection with their coverage of Las Anod residents expressing their support for the new Somali prime minister, Abdi Farah Shirdon, according to local reports.

 

http://youtu.be/Xxk2SzCX3hA" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Las Anod, October 2012

 

 

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Las Anod, October 2012

 

http://youtu.be/MdV1uFWQ0hU" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Las Anod, October 2012

 

 

al.jpg

 

Taleex, Khaatumo State

 

Khatumo Journalists Association (KHAJA) Condemns the killing of Journalist Ahmed Farah Ilyas in Las Anod

 

In a press conference released this morning in Mogadishu, the President of Khatumo Journalists Association (KHAJA) Suleiman Hashi Dheere expressed grave concerns about the death of fellow Journalist Ahmed Farah Ilyas who was assassinated yesterday in Lasanod City. Suleiman sent his prayers, sympathies and condolences to the family of Ahmed Farah and to all Jouranlists in Somalia specially those in Khatumo State.

 

“It was only four nights ago when Ahmed told me on the phone how he felt scared after having been arrested on Oct. 12th 2012 by the Secessionists” stated Suleiman. "Constant threats and abuse of power was exercised by this administration due to his stance on freedom of press in support of the women of Lasanod” added Suleiman.

 

Additionally, “The Lasanod Administration sent an invitation yesterday to all Journalists in the city allegedly for a press conference. However, the Journalists including Ahmed Farah have boycotted this invitation in retaliation and for fear of their lives due to the arrests and the abuse the journalists suffered at the hands of ruthless police and military personnel on Oct. 12th” continued Suleiman

 

While Khatumo Journalists Association plans to conduct its own independent investigation on the cause of death of their Journalist Ahmed Farah Ilyas, KHAJA calls on Human Rights organizations, Amnesty International, and Press organizations including IFJ, IAJ to condemn and demand that the perpetrators and murderers who [according to Suleiman] could be hiding behind military compounds in Lasanod] be brought to justice.

 

Khatumo Journalists Association (KHAJA)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Halkan ka daawo heestii khaatumo state of somalia.Erayadii Abwaan Ruush Aadan Xasan Dhooble,laxankii C/nuur ,musigii C/salaan

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Heestii Khaatumo State by Al Fanaan Abdi Holland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Video: Xafladii Ay Wada Jirka u Qabteen KHaatumo State, Awdal State Iyo Maakhir State

October 2012

 

TVga Qaranka Soomaaliyeed

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

 

xaflad si heer qaran ah loo soo qaban qaabiyey oo ay wada jir u qabteen khaatumo state awdal state iyo maakhir xafaladaas oo lagu qabtay magalada toronto ee dalka canada

xafladaan aya waxaa ka hadlay dad wayne badan oo wax garad ah ayaan loo kala hadhin inay tahay midnimada somaliyeed mid muqadas ah sidoo kale waxay taageero u direen madaxda somalida ee hogaanka ku cusub….wax garadka meesha ka hadlay dhamaantood hadalkooda waxaad ka daremaysaa inay dardaaraan gaar ah siinayaan madaxda somalida gaar ahaan madaxwaynaha somalia xasan shiikh maxamuud

waxaa xusid mudan iyaduna oo meesha ka hadlay abwaano iyo kooxda qaran doon ee wada nigaa. hoos ka wadaa dhamanba

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Video: KHaatumo State, Awdal State, & Maakhir State (Part 1)

October 2012

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

Video: KHaatumo State, Awdal State, & Maakhir State (Part 2)

October 2012

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Ardaydii Maamul Goboleedka Khaatumo State ee Heshay Deeq Waxbarasho oo Helay Visayaashii & Dardaarankii uu Jeediyey Dr. Abdukareem Hassan Jaamac

 

 

 

Boocame Online- Ku dhawaad 15 arday oo ka soo jeeda deeganada Khaatumo State ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyey Visayaashii ay ku geli lahaayeen dalka Turkiga Tigadhadoodii, Ardaydan ayaa waxaa kulan dardaaran iyo wacyigelin ah u qabtay Dr. Abdulareem Hassan Jaamac oo ahaa mas’uulkii u soo helay deeqdan, isla markaana uga soo dhameeyey dawladda aynu walahaha nahay ee Turkiga. Hadal kooban oo uu ujeediyey Dr. Abdulkareem ardayda ayuu kula dardaarmay inay ka faa’ideystaan fursadan qaaliga ah oo uu sheegay in inbadan oo dhigooda ah kana soojeeda deeganadeena aysan helin” Maanta waxaad tusaale u tihiin guud ahaan bulshada Khaatumo, waxaadna noqonaysaan ardaydii u horaysay ee magaca Khatumo wax ku hela, waxaa la doonayaa inaad muujisaan dedaal dheerad ah oo aad uga faa’ideysataan Fursadan qaaliga ah”, ayuu yidhi Dr. Jaamac. Mar uu ka hadlayey sida qaabka dalka ay tagayaan iyo sida loola dhaqmi doono ayuu faah faahin ka bixiyey wuxuuna yidhi” Waxaa garoonka dayuuradaha idin taagan dad ka socda dawladda iyo jaamacadaha aad wax ka baran doontaan, waxaad helaysaan Caafimaadkii, Cuntadii iyo jiifkii oo joogto ah”, waxaa la idinka doonayaa inaad ka faa’ideysataan fursadaas oo dad nasiibleh helaan”, deegaanadiina iyo dalkeena Soomaaliya oo dhan ayaa idin sugaya. Dr. Abdulkareem Xassan Jaamac wuxuu sidoo kale uga digay dhalintaas inay ku fekeraan tahriib iyo arimo kale oo aan dani ugu jirin, wuxuuna sheegay in aysan macno weyn lahayn, wuxuu sheegay inay waxbrshadu ka muhiimsan tahay in waxyaalahaas lagu fekero wuxuuna sheegay in qofka marka uu waxbarto dunida cidkasta ay u baahan tahay. Ugu danbeyntii wuxuu kula dardaarmay inay ilaaliyaan cibaadada Allaah S.W.T oo ay ugu horayso salaada, wuxuu aad ugu dheeraaday qofka Allaah ku xigan ee markasta Allaah ka cabsada inuu EEBE albaabadiisa u furo, isla markaana uu helo liibaanta labada Daarrood.Salaada ayu kula dardaarmay inaysan ka tegin, wuxuu sheegay inay dadka ay u tegayaan tusaan dhaqanka wanaagsan ee Soomaalinimada iyo Muslimnimada oo uu sheegay inay yihiin dad walalhood oo muslimiin ah. Sidoo kale dhalinyaradii ayaa dhankooda hadalka qaatay, ayagoo sheegay ugu horeyn inay uga mahadcelinayaan Dr. Abdulkareem dedaalkiisa gaar ahaaneed ee uu xilka goonidaah isaga saaray sidii uu u kobcin lahaa aqoonta ardayda reer Khaatumo oo weligood aan helin deeq waxbraasho. Ahmed Maxamed Maxamuud oo u hadlayey ardayda wuxuu sheegay inaysan ahayn kuwo ilaawaya abaalka iyo juhdiga lagu bixiyey wuxuu balan qaaday inay ka soo bixi doonaan mas’uuliyadooda waxbarasho. Wuxuu sheegay inaysan ilaawi doonin dedaalka uu Dr.Abdulkareem ku bixiyey sidii uu ardaydan gaadhaysa 15ka maanta ugu helay deeq toos ah oo aan la gacantu gaaleyn. Ugu danbeyntii Dr. Abdulkareem Hassan Jaamac sheegay in 4 sano ka dib la iswaydiin doono ardaydii Khaatumo ee Turki meeshay wax dhigeen iyo heerka aqooneed ee ay gaadheen taasoo uu sheegay in jawaabteeda ayaga laga sugayo. Ardaydan oo 9 ka mid ah ay ahaayeen kuwii u sareeyey sanad dugsiyeedka deeganada Khaatumo ayaa 6da kalena ahaayeen arday reer Khaatumo ah oo ku sugnayd Muqdisho kuwaasoo inbadan waxba ka waayey wasaarada waxbarashada iyo dawladdabu inay siiso deeq, maalinimada beri ah ayey qayb ka mid ah ardaydu u duulaysa Istanbul halka raaca kalena ay dhoofi doonaan maalinimada isniinta ah hadii Eebe idmo. Suleiman Haashi Dheere.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

MadaxWeynha Maamul Goboleedka KHaatumo State Iyo Wafuud Balaadhan oo Weli Ku Dhexjira Booqashadoodii Gobolka Sanaag Isla Markaana Gaadhay Magaalada Fiqifulliye

 

November 01, 2012

 

Madaxda sar saree dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo ayaa weli dhex jibaaxaya magaalooyin ka tirsan Gobolka Sanaag ee maamulka Khaatumo. Madaxdan oo uu horkacayo madaxweynaha haatan talada haye ee Maxamed Yuusuf Jaamac ,{Indhasheel }, uuna ka mid yahay madaxweynaha sadexaad ee maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan {Karaash}, ayaa waxay wadaan booqashooyin ay ugu kuurgalayaan nolosha deeganada Gobolka Sanaag. Iyo gaadhsiinta maamulka ee deeganadaasi.

 

Degmada Fiqifuliye oo ka mid ah deeganada hoostaga G/Sanaag ayaa waxaa ku dhaqan dad badan oo reer Khaatumo ah kuwaasoo halkaas ka wada olole ay ku soo dhaweynayaan madaxda maamulkooda Khaatumo.

 

 

 

Fiqifuliye waxay ka mid tahay lix degmo oo bartamihii sanadkan dawladda Soomaaliya u aqoonsatay degmooyin kuwaasoo kala ah, Boocame Kalabaydh, Widhwidh, Fiqifuliye , Xamar lagu xidh iyo Horufadhi, kuwaasoo loo kala qaybiyey gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer.

 

Madaxdan ayaa la filayaa inay dar dargeliyaan horusocodka maamulka oo dhawaanahanba ka habacsanaan dhanka gudaha, ayagoo haatan ku mashuulsan inay markale boodhka ka jafaan.

 

Horufadhi.com

 

 

 

Wafdigii MadaxWeynaha Khaatumo State oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyay Gobolka Sanaag

 

November 02, 2012

 

Waxaa dhowaanahanba socod ku marayay deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag wafti balaadhan oo ay hogaaminayaan madaxweynayaasha maamul goboleedka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac(Indhasheel)iyo Axmed Cilmi Cismaan(Karaash)

 

Waftiga madaxweynayaasha ayaa socdaalkoodu ahaa u kuur gelid xaalada degaanadaasi iyo maamul u samayn qaar kamid ah degmooyinka iyo tuulooyinka hoostaga goboladaasi Sool iyo Sanaag.

 

Wati madaxeedkan ayaa dabayaaqadii wiigii hore ka soo kicitimay xatunta maamulka Khaatumo ee Taleex iyagoo cagta kusoo dhuftay deegaanada Laa Baas,Sarmaanyo,Xabaala-camaarre iyo Awr-boogays,madaxweynayaasha ayaa gebi ahaanba la yeelanayay kulamo kala ged gedisan bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay ugu horeeyaan odayaal dhaqameedku.

 

Ugu danbayntii waftiga madaxweynayaasha ayaa saaka soo gaadhay degmada Fiqi fuliye halkaasoo ay meel magaalada ka baxsan ay kaga hortageen dadweyne caleema qoyan ruxayay iyo baabuur ay saaraayeen si ay u soo dhoweeyaan waftiga madaxweynayaasha,soo dhoweyntaasi qaaliga ah kadib ayaa waxa loosoo gelbiyay dhinaca degmada Fiqi-fuliye oo ay ku sugayeen dadweyne safnaa wadooyinka magaalada,qadar nasniin ah kadib ayaa waxay bilaabeen kulamo kala duwan la yeesheen dadweynaha ku dhaqan degmadaasi Odayaasha,maamulayaasha wax barashada,kuwa Caafimaadka iyo ururada haweenka,kulamadaasi oo soo gaba gaboobay salaadii duhur ayaa looga golahaa u kuur galka guud ahaan xaalada degmada iyo maamul usamaynta degmadaasi Fiqi-fuliye oo ay la tashiyo kala sameynyeen odayaasha degaanka,madaxweynayaasha iyo hawl wadeenadii la socday ayaa iminka ku mashquulsan ku dhawaaqista golaha degaanka degmada Fiqi-fuliye.

 

Isku soo wada duuboo waftiga madaxweynayaasha ayaa ku soo aaday xilli roobaadka Dayrta oo siwacan uga taysa gashay degaanadaasi gobolka Sool iyo Sanaag, maamul u samaynta Fiqi-fuliye ayaa waxaa ka horeeyay maamulka degmada Awr-boogays oo isna lagu soo dhisay magaaladaasi oo ay waftigu ku sugnaayeen maalmihii la soo dhaafay.

 

Goordhow waxaan idiin soo dayn doonaa magacyada xubnaha maamulka degmooyinka iyo Khudbadihii madaxweynayaasha iyo Sawiro iyo Videos hadii ilaahay idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this