Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland unity is a must by Selebaan Xaglatoosiye first day as Minister+PICS

Recommended Posts

Waxaan Ahaa Hogaamiyihii SSC ,Bulshada Reer Somaliland Midnimadooda Waan Ka Shaqaynayaa"

20121022123845.jpg

Dr. Xaglo-toosiye Wasiirka dib u dejinta oo maanta hadal ka jeediyey Munaasibad uu.......

 

Hargeysa (GNS) - Wasiirka cusub ee Wasaarada dib u dejinta Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa sheegay inuu ka shaqayn-doono horumarka iyo midnimada shacabka reer Somaliland, isla-markaana uu xilka loo igmadday uu si daacad ah u gudan-doono.

 

Dr. Xaglo-toosiye Wasiirka dib u dejinta oo maanta hadal ka jeediyey Munaasibad uu xilka kula wareegayey oo ka dhacday hoolka hay'adda shaqaalaha dawlada ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in tabashooyin is biirsadday ay soo gudbiyeen shacabka ku dhaqan Buuhoodle, isla-markaana ay Xukuumadda Somaliland balan-qaaday inay wax ka qabanayso.

 

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Marka hore waxaan u mahad celinayaa Wasiiirkii hore ee Dib u Dejinta ahna Wasiirka cusub ee Warshadaha waxaan ugu bogaadinayaa sida sharafta leh ee uu xilka iigu wareejiyey, waxaan isagana ugu hambalyaynayaan jagadaa cusub ee loo magacaabay oo aan weliba ILAAHAY uga baryayo maadaama ay tahay Wasaarad cusub in ilaahay u fududeeyo"

 

Waxa uu intaas ku daray Wasiir Xaglo-toosiye "Waxaan Shaqaalaha dib u dejinta ka codsanayaa inay ila shaqeeyaan siday Wasiir Cabdirisaaq ula shaqayn jireen iyo si ka sii wanaagsan-ba ila shaqeeyaan, waxaanan balan qaadayaa hadii ALLE ka dhigo in aan dar-dar galiyo Wasaarada hawleheega intaa markaan ka gudbo, anigu waxaan ahaa Hogaamiyihii Ururka SSC hadda-na waan ahay Wasiir reer Somaliland ah baan noqday Bulshada reer Somaliland oo dhan baan Wasiir u ahay horumarkooda, nabadooda iyo midnimadoodana waan ka shaqaynayaa waxaan-se u sheegayaa Degaamadii aan ka imid iyo Ehelkaygii inaan u maqnahay inaan dadaal wayn hadii ALLE ka dhigo u gali doono sidii loo xoojin laahaa nabada sidii horumarka looga shaqayn lahaa sidii isbedel looga dhalin lahaa Deegaamadaas"

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi "Haddii ALLE ka dhigo Shalay Hogaamiyohoogii baan ahaa maanta-na wali Hogaamiyohoogii baan ahay tabashooyin badani way jiraan waanay soo gudbisteen, Dawladuna way balan qaaday in la hir-gelinayso waanan ka shaqaynayaa INSHA ALLAH in tabashooyinkaa iyo waxyaalahaa ay soo gudbiyeen in la hir-geliyo, xukun qaybsiguna waa mid meesha ku jira wuuna imanayaa hadii ALLE ka dhigo Wasiiradu-na waa isku mid, Wasaaraduhu-na waa isku mid markaa waan ku qanacsanahay Wasaaradan iyo xilkan lay magacaabay waanan ka midho dhalinayaa hadii ALLE ka dhigo"

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Xaaji, the real question is: can he set foot in Buuhoodle or will he be the first customer of his own ministry? :D

 

(there is an Amin Amir cartoon dying to be drawn there).

Share this post


Link to post
Share on other sites

NGONGE;882289 wrote:
^^ We'll see (it'll be one hell of a coup if he did).
:D

I really think NGONGE asked the pressing question. If Xaglatoosiye sets foot in Buuhoodle while in this capacity, it will be one hell of a coup indeed for Hargeysa admin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;882291 wrote:
I really think NGONGE asked the pressing question. If Xaglatoosiye sets foot in Buuhoodle while in this capacity, it will be one hell of a coup indeed for Hargeysa admin.

Lets record this for the future :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Lets record it indeed, AfricaOwn. And let me add this too, it will also represent a significant set back for Khatumo movement, and an unmistakable mark of defeat of Puntland's political influence in Buuhoodle.

 

So lets all record that. But for the record it will do nothing to advance the cause of Somaliland as far as the elusive recognition is concern.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

I think this shows how desperate Somaliland and Siilaanyo are. Why hire a fired thug? Saleebaan opposed Somaliland when he was at the top helmet of SSC, now when the SSC fired him, he is all for Somaliland. It is crystal clear that he is now for Somaliland for personal interest. Somaliland is wasting its time and money here.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zack he was never fired he was told to come to the khatumo conference and they just created another admin while he was still there

 

Etiher way president silanyos policy was simple every one from the garaad clan is welcome as long as they support peace and stability in the eastern regions.president silanyo said my door is opene for every one who wants peace so good so far

 

This guy fought against somaliland now he made peace its a good start

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this