Sign in to follow this  
Che -Guevara

Somali Parliament Endorses the new Prime Minister Abdi Farah Shirdon

Recommended Posts

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya

 

Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) kaddib fadhigii aan caadi ahayn oo xildhibaannada baarlamaanku ay yeesheen kasoo la-horgeeyay ra'iisul wasaaraha cusub.

 

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana fadhiga shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka dalbaday xildhibaanada inay codkooda siiyaan ruuxii ay u arkaan inuu dalka wax ka qaban karo, waxaana fadhiga xaadiray 215 xildhibaan.

 

"Cod aqlabiyad ah ayaa lagu ansixiyay ra'iisul wasaaraha, codeyntu waxay ahayd mid gacan-taag ah, dhammaan mudanayaashii soo xaadiray kulanka oo tiradoodu ahayd 215 xubnood way ansixiyeen mana jirto mudane diiday iyo mid ka aamusay," ayuu yiri mid ka mid ah mudayaasha baarlamaanka oo HOL la hadlay codeynta kaddib.

 

Ra'iisul wasaaraha oo ka hadlay kulanka lagu ansixiyay intii aan codka la qaadin ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad ka shaqeysa sugidda ammaanka, horumarinta arrimaha bulshada iyo soo celinta xiriirka Soomaaliya ay la lahayd dalalka caalamka.

 

"Xukuumadda aan soo dhisi doono waxay ka shaqeyn doonaan sidii ay jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen tacliin. Sidoo kale, waxaan ka shaqeyn doonaan sugidda ammaanka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka," ereyadan waxay ka mid ahaayeen khudbadii uu ra'iisul wasaaruhu u jeediyay xildhibaannada intii aan loo qaadin codka kalsooni siinta.

 

Wasiirka koowaad ee dowladda Soomaaliya ma uusan sheegin xilliga uu rasmi ahaan soo bandhigi doono golihiisa wasiirrada, balse wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay noqon doon doonto mid tayo leh oo xoogga saarta siyaasadaha arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda.

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna hadal ka jeediyay fadhiga ayaa sheegay inuu ku doortay ra'iisul wasaare Cabdi Saacid inuu yahay nin ay wada-shaqeyn karaan sidoo kalena wax ka bedeli kara xaaladda uu dalku ku sugan yahay.

 

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in ra'iisul wasaaraha uu sidda ugu dhaqsiyaha badan kusoo dhisi doono xukuumadda, waxaana madaxaweynuhu uu intii aan la ansixiyay ra'iisul waasaraha ka dalbaday mudanayaasha baarlamaanka inay codkooda ay siiyaan ra'iisul wasaraha sidii ay isagaba u siiyeen, wuxuuna ballanqaaday inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono inta ay kursiga ku fadhiyaan.

 

Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamada Sare Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa isla goobta ku dhaariyay ra'iisul wasaaraha cuusb ee Soomaaliya, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka uu sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu ra'iisul wasaaruhu yahay mid sharci ah oo howshiisa gudo-geli kara.

 

Codadka lagu ansixiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ahaa kuwo aqlabiyad ah ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo lagu ansixiyo ra'iisul wasaare soo maray dalka, iyadoo aysan jirin mudane diiday iyo mid ka aamusay cod u qaadidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudanayaasha Baarlamaanka oo goor dhow si aqlabiyad leh u ansixiyay Ra'iisul Wasaaraha

 

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabd Faarax Shir-doon Saacid, kadib markii uu Baarlamaanka horkeenay Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Kulanka Baarlamaanka oo ay ka soo qeyb galeen 215-mudane ayaa waxaa hadal ka jeediyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo si gaar ah uga hadlay qorsho howleedkiisa iyo Xukuumada uu soo dhisayo.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu xooga saarayo arrimaha gudaha, xiriirka arrimaha dibada, ammaanka iyo siyaasada, la dagaalanka musuq maasuqaisagoo balan qaaday inuu soo dhisayo Xukuumad tayo leh.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha uu ku soo magacaabay wada tashi, isla markaana uu rajeynayo in Xukuumada la soo dhisi doono ay noqoto mid wax ka qabata arrimo badan.

 

Intaas kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa weydiistay Xildhibaanada inay cod u qaadeen, iyadoo Xildhibaanada ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyaan Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shir-doon.

 

Xildhibaanada ayaa goor dhow u kala dareeray salaada duhur, iyadoo madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha ay kulan gaar ah leeyihiin.

 

Madaxda dowladda ayaa la filayaa inay ka hadlaan ansixinta Baarlamaanka oo ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen, iyadoo Baarlamaanka hortiisa lagu hor dhaarin doono Ra'iisul Wasaaraha.

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharnews@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

Master on October 17 2012

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Huh? SOLers ma dowladdii cusbayd bay mucaarad ku noqdeen. The previous PM about 10 threads baa laga sameeyey on the 1st day, why Saacid loo hagranayaa waa su'aale?:D

 

 

Hambalyo, Saacid iyo Soomaaliyaba. Cod buuxa ayaa lagu soo dhaweeyey, I hope inuu shaqo wacan qaranka u qabto isaguna, oo wasiirro waxtar leh keeno.

Share this post


Link to post
Share on other sites
What strikes me the most in his pre-endorsement speech to the parliament is the commitment he made that his government will realize the unity and togetherness of the Somali people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khudbadii Madaxweynaha Soomaaliya Ka Hor Akhriyey Xildhibaanada Munaasabadii Kalsooni-Siinta Raysalwasaaraha (Sawiro)

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS iyo Ku-Xigeennadiisa,

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda J F S,

 

Xidhibaannada Sharfta leh,

 

Marwooyin iyo Mudanayaal,

 

Mudane Guddoomiye,

 

Marka hore salaan xushmad iyo qadarin leh kadib, waxaan jeclahay in aan idinkaga tacsiyeeyo dilkii xaq-darrada ahaa ee walaalkeen marxuum xildhibaan Mustaf Maxamed Cabdullaahi oo 22kii Sibtembar 2012 gacan ka xaq-daran. Ilaahay ha u naxariisto marxuumka; idinkana, ahalkiisa iyo dhammaanteenba Ilaahay Samir hannaga siiyo.

 

Marka xigta, waxaan jeclahay in aan idinkaga mahad celiyo fursaddan qaaliga ah ee taariikhiga ah oo aad sida wadaniyadda leh aad iiga dalbateen ama aad iiga codsateen in aan idin horkeeno mudanaha aan u magacaabay, wadatashiyo ballaaran kadib ee aan sameeyay, xilka Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

 

Maanta hortiinna ayaan taaganahay mar kale iyada oo uu isukaaya keentay waajib-gudasho kale. Waxaan qirayaa in dalbashadiinna in aan idin horkeeno mudane Saacid iyadoo wali lagu jiro mudada dastuuriga ah, waxay tusineysaa sida ay idinkaga go’an tahay oo aad ugu heellan tihiin gudadshada waajibaadkiinna Qaran iyo garashada baahida loo qabo in la dar dar geliyo howlaha baaxadda weyn ee sugaya qeybaha Dowladda ee ay Baarlamaanka iyo fulintu ugu horreeyaan.

 

Mudane Guddoomiye,

 

Laga soo billaabo doorashadeydii 10kii Sitembar 2012ka ilaa maanta, waxaa ka soo wareegtay 5 todobaad iyo bar ama 38 cisho. Mudadaas kooban, waxaan ku jiray shaqo habeen iyo maalin oo isugu jirtay:

 

LA WAREEGID XIL

 

HABEYNTA IYO LA JAAN-QAADKA XAFIISKEYGA

 

HAGIDDA HOWLAHA DOWLADDA

 

LATASHIYO BALLAARAN DHINACYADA KALA DUWAN ee SHACABKA iyo MADAXDA SOOMAALIYEED SI AAN U SOO XULO MUWAADIN SOOMAALIYEED OO U QALMA XILKA RA’ISSU WASAARAHA

 

SAFARRO DALKA GUDIHIISA IYO DIBADDIIS

 

Xidhibaannada Sharafta leh,

 

Marwooyin iyo Mudanayaal,

 

Mudadii koobneyd ee aan Xafiiska joogay, waxaa noo suurta gashay arrimahan soo socda:

 

Sameynta miisaaniyaadda seddaxda bilood ee sanadka kadhimman

 

Xadididda kharash bixinta Dowladda

 

U duwidda lacag bixinta xagga ciidanka iyo dib-u-xurreynta dalka

 

Tillaabooyinkaas waxay keeneen in ciidamada la siiyo gunnadii iyo garaamkii oona sababtay sii socoshada dib-u-xoreynta dalka oo ay ciidamadu ku qabsadeen goobo cusub oo kamid goballada sida Kismaayo, Wallaweyn, Garoonka Balli-Doogle wim.

 

Sidoo kale waxay xildhibaanno iyo taliyeyaasha ciidamada kormeer ku tageen meelo ka mid aggagga dhawaan laga xureeyay Al-Shabaab ee kuyaallo Gobalka Shabeellada Hoose.

 

Safarkii Baydhabo

 

Mudane Guddoomiye,

 

1dii bishan Oktoobar ayaa aniga iyo wafdi isugu jira xildhibaannada ka soo jeedo deegaanka iyo madax kaleba, aan booqasho ku tagnay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waana safarkeygii ugu horreeyay ee ka baxsan caasimadda. Halkaas waxaa nagu soo dhaweeyay oo aan kulan wadatashi iyo is-xog-wareysi kula yeelannay maamulka Gobolka iyo kan degamada, saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dowladda iyo kuwa AMISOM iyo dadweyne aad u badan. Waxaa kale oo aan booqannay xerada ciidanka dowladda lagu tababaro oo tababartayaal ku dhow 2000 ay ku jiraan.

 

Safarkii Baladweyne

 

Maalintii ku xigteyna 2dii bishan Oktoobar ayaa aniga iyo wafdi ay xildhibaanno kujiraan booqasho ku tagnay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, si aan ugu kuurgalno Xaaladda Guud ee Gobolka iyo dhibaatooyinkii ay geysteen Fataahadihii wabiga shabeelle ka dhacay oo ay dad ku dhinteen qoysas fara badanna ku barakaceen. Sidoo kale waxaan kulamo la qaadannay Maamulka Gobolka , Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan halkaasi. Booqashadaas kadib, waxaa dadkii ku waxyeelloobay la gaarsiiyay gargaar noocyo kala duwan ah.

 

Safarradaas waxay wax weyn ka tareen ogaanshaha baahida dadweynaha iyo sida ay rabaan in ay Dowladdoodu ugu adeegto. Waxaa kale oo ay safarradaas wax ka tareen tilmaamidda dadka ay rabaan in masuuliyadda loogu dhiibo.

 

Safarkii Uganda

 

8-10 kii bishan Oktoobar 2012- waxaan safar ku tagnay dalka Uganda, kadib casuumaad rasmi ah oo aan kahelay Madaxweyne Yoweri Musaveni, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, halkaas oo aan uga qeybgalney munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 50aad ee kasoo wareegtay markii Uganda ay xorriyadda qaadatay.

 

Intii aan joognay Kampala waxaan la kulmay madax ay ka mid yihiin Yoweri Musaveni, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda iyo Mwai Kibaki, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya oo aan kawada hadalnay xoojinta xiriirrada noo dhaxeeya ee taabanaya calaaqaadka iyo deris-wanaagga

 

Wufuudda Wadamada aan Walaalaha iyo Saaxiibada Nahay.

 

Mudane Guddoomiye,

 

Mudadii aan shaqada billaabay oo ah 38 cisha ilaa maanta, waxaan si isdaba-joog ah magaalada muqdisho u soo gaarayay wufuud kala duwan oo ka kala socday dalalka aan walaalaha iyo saaxiibada nahay. Wufuuddas waxay u yimaadeen taageerada ay u muujinayaan isbeddalka iyo wadada cusub ee ay Soomaaliya cagta saartay. Annaguna waxaan si cad ugu qeexeynney sida aan wax u rabno meelaha muhimadda koobaad iyo labaad iyo seddaxaad aan saareynno, waxaan kaloon u tilmaannay sida la isu-waafajinayo baahideenna iyo taageerada caalamka iyo waliba in laga guuro dhaqamadii lagula dhaqmaayay Soomaaliya xilligii kumeel gaarka.

 

Xidhibaannada Sharafta leh,

 

Marwooyin iyo Mudanayaal,

 

Sida aad wada xusuusataan kudbadbooyinkeygii doorashada kahor iyo kadibba, waxaan hortiinna ka caddeeyay tiirar lix ah oo aan ugu magac daray TIIRARKA SAL-DHIGGA U AH BILLOWGACUSUB oo ah Tiirarka waa weyn ee dib u soo kabashada Soomaaliya , soona koobayay islamarkaana hage u ah barnaamijka iyo siyaasaadka ay Dowladda aad madaxdatinnimadeeda ii doorateen fulin doonto si isbeddalka iyo hannaanka cusub loogu gaaro NABAD, CADAALAD IYO HORUMAR ay hoggaanka u heyso Dowlad Soomaaliyeed oo si buuxda u hanata maamulka dalka islamarkaana u horseeddo in uu shacabka Soomaaliyeed uu gaaro in uu si xor ah oo nabadgalyo leh isu doorto isagoo leh Dastuur dhameys tiran iyo shuruuc kala hagta oo leh hey’adihii fulinayay iyo kuwii ilaalinayayba sida dunida inteeda kale. Qodobadaas oo kooban waxay ahaayeen:

 

XASILINTA DALKA(Soo celinta nabadgalyada iyo kaladambeynta iyo dhisidda Garsoor caadil ah)

 

SOO KABASHO DHAQAALAHA

 

NABADEYNTA IYO DIB-U-HESHIISIINTA

 

SOO NOOLEYNTA ADEEGYADA BULSHADA

 

MIDNIMADA IYO WADAJIRKA DADKA IYO DALKA SOOMAALIYEED

 

ABUURIDDA XIRIIR CAALAMI AH OO KU SALEYSAN ISKAASHI IYO ISQADARIN

 

Laakiin maanta mar kale waxaan qodobadaas u soo hormarinayaa seddax qodob oo deg deg wax looga qabanayo kuwaas oo kala ah:

 

NABADGALYADA,

 

GARSOORKA IYO

 

MAAMUL MAALIYADEED HUFAN

 

Marwooyin iyo Mudanayaal,

 

Ii oggolaada in aan isxasuusinno dhowr qodob oo ka tarjumaya xaqiiqda dhabta ah ee uu dadkeenna iyo dalkeenna ku sugan yahay wax ka qabadkoodana nalaga sugayo:

 

Waxaad matashaan oo aad xildhibaanno u tihiin shacab iyo dal ay dhallinyartiisu boqolkiiba in ka badan 60% ay ku hammineyso iney dalka ka hijroodaan oo ay nolol u raadsadaan waddamo shisheeye.

 

Shacab iskucelceliska cimriga qofku ka yar yahay 50

 

Dal shaqa la’aantu ay gaartay meesha ugu sarreysa oo ah in ka badan 70%

 

Tirada Qaxootiga Soomaaliya ee xeryaha deriska wuxuu gaaray hal milyan (1m)

 

Ra’iisu-wasaare Saacid

 

Mudane Guddoomiye,

 

In aan Ra’iisu-wasaare Saacid soo magacaabo waxay ahayd howl culus iyo masuuliyad baaxadweyn oo runtii ila gaartay dhammaadka mudadii uu Dastuurka ii oggolaa. Sababta daahiddaas waxay ahayd mid ku saleysan wadatashi, kafiirsi iyo yaa masuuliyadda xilkaas qaadi kara. Ugu dambeyntii Ilaahay wuxuu igu duway mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo dad badan oo idinka mid ah aad u yaqaannaan.

 

Maxaan ku Doortay Mudane Saacid?

 

Talooyinkii la isiiyay ee ay qeybaha kala duwan ee shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed ku tilmaamayeen sifaadka iyo astaamaha ay ka rabaan shakhsiga loo dhiibayo Xilka Ra’iisuWasaaraha oo iiga dhex muuqday

 

Aqoontiisa iyo khibraddiisa Maamul iyo Siyaasadeed

 

Waa dhaqaale-yahan aqoon gaar ah u leh dhaqaalaha oo soo nooleyntiisa ay ka mid tahay Tiirarkeenna dib-u-soo celinta Soomaaliya

 

Waxaan aamin sanahay in Saacid yahay nin dhexdhexaad ah karti u leh inuu igala shaqeeyo isukeenidda iyo midnimada dadka Soomaaliyeed

 

Xiriirkiisa shacbiyadda gudaha iyo xiriirkiisa caalamiga ah

 

Haddaba waxaan si xushmad iyo qadarinba leh idinkaga codsanayaa in aad ila qaadataan mudane Cabdi Faarx Shirdoo (Saacid), Ra’iisu Wasaaraha si la mid ah sidii sharafta la heyd ee aad anigaba ii sii seen codkiinna. Ra’iisu Wasaare Saacid waxaan ku soo xulay astaamaha kor kuxusan, ee waxaan idinka codsanayaa in aad kalsoonidiinna siisaan idinka oo maskaxda kuhaya howlaha baaxadda leh ee deg degga ah ee nawadasugaya.

 

Xidhibaannada Sharafta leh,

 

Marwooyin iyo Mudanayaal,

 

Haddaad ansixisaan Ra’iisu-Wasaaraha wuxuu si deg deg ah idiin hor keeni doonaa golihiisa wasiirrada iyo barnaamij cad oo wax ka qaban doona isbeddalka aan ku baaqaykaas oo ay xukuumaddu ku shaqeyn doonto. Sida aad la socotaan, Xukuumaddu waa fuliyaha barnaamijka iyo siyaasadda Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed. Idinkuna waxaad tihiin hey’addii ugu sarreysay dalka ee ansixineysay xukuumadda iyo barnaamijkeeda kadibna hubsaneysay in barnaamijkaas iyo siyaasaadkaas meel maraan sida ugu hufan.

 

Xidhibaannada Sharafta leh,

 

Marwooyin iyo Mudanayaal,

 

Ma doonayo in aan hadalka idinku sii dheereeyo intaa in kabadan, waxaan rajeynayaa in aad codsigeyga tixgalisaan oo aad Ra’iisu-Wasaaraha aan soo xulay mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) aad kalsoonidiina siisaan si uu ugudo galo howlaha looga fadhiyo.

 

Mahadsanidiin

 

Soomaaliya ha soo noqoto, Guuleysta

 

Xasan Sheekh Maxamuud

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this