Sign in to follow this  
xiinfaniin

58 yrs Ago, The Brith of Somali Flag

Recommended Posts

Sanad guuradii 58-aad ee maalinta calanka Qaranka oo maanta ku beegan 1954-2012

 

Print here| By: allgedo.com: Friday, October 12, 2012 // u Jawaab

 

cawaale.jpg

 

Maanta oo ah 12kii Oktoober 2012 kuna beegan sannad guuraddii 58aad ee helida astaanta calanka qaranimadda soomaaliyeed, nasiib wanaag xuskani wuxuu ku soo beegmay xili ifafaalihii dowladnimo u dhalatay shacabka soomaaliyeed, taasoo la rajeynaayo in ay soo af jarmaan colaaddii iyo amaano daraddii dalka ka jirtay oo ay aad iyo aad u adkeyd in dadka dhibaateysan in la gaarsiyo gargaar deg deg isla markaasi na waxaa laga filayaa barlamaanka cusub inuu noqdo kuwa u adeega shacabka soomaaliyeed waxaana looga baahan yahay in ay ka fogaadaan wax alla wixii khilaaf keeni kara taasoo guud ahaan dan u ahayd dadka dan yarta ah ee ku nool dalka gudahiisa iyo kuwa ku dac dareysan dibaddaba.

 

Haddaba waxaan hambalyo iyo boogaadinba halkaani ugu soo gudbinayaa Madaxweynaha cusub Prof Xassan Sheekh Maxamuud iyo Raiisul wasaaraha muddan Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo guddoomiyaha barlamaanka Prof. Maxamed Osman Jawaari iyo ku xigeenadiisa iyo dhamaan xildhibaanadda barlamaanka soomaaliyeed, waxaana ku boorinayaa in xilka culus ay shacabka soomaaliyeed u hayaan inuu ilaahay waafajiyo waddada xaqa ah isla markaana noqdaan kuwiii maamulka dowladda oo shacabka ku aaminay in ay ku hogaamiyaan cadaaladd iyo sinaan iyo midnimo, kana fogaadaan musuqmaasuq,qabyaaladda, dulmi iyo lax jacleysi, sidaasi darted waxaa looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka iyagoo wax waliba ay ka hormariyaan maslaxadda guud ee dadka iyo dalka soomaaliyeed, waxaan aaminsanahay haddii la helo maamul hufan oo xalaal ah in laga bixi doono dhibaatadda dalka muddada dheer ku jiray, lana gaari doono horumar iyo barwaaqo.

 

calanka.jpg

 

Sida la wada ogsoon yahay calan walba wuxuu taagan yahay ama astaan u yahay qaranimadda dalka uu leeyahay, calankeena buluuga (cirka oo kale ah) iyo xiddigta cad ee dhexda kaga taala waxay astaan u tahay jiritaanka ummadda soomaaliyeed oo isticmaarka u qayb qaybiyey shan qaybood.

 

Calanka soomaaliyeed oo ah astaan aad iyo aad u qurux badan markii ugu horeysay oo taariikhda ahayd 12 Oktoober 1954 ayaa la soo saaray, waxaana alifay ilaahay ha u naxriistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan.

 

Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa wadani ah aragtidiisa ay fogtahay , isla markaasina soomaalinimada ay ku weyntahay, xiligaagi na wuxuu ahaa guddoomiyiha ururka shaqalaha soomaaliyeed wuxuuna ku micneeyey calanka sida tan hoos ku qoran:

 

Xiddigta cad ee bartamaha kaga taala calanka qaranka soomaaliyeed waxay xambarsan tahay micno weyn oo ah soomaal weyn waxaa loo yaqaanaa xidigta midnimada shacabka Soomaaliyeed. waxeyna mideyneysaa gobolada ay Gumeystayaashii reer yurub ay u kala qeybiyeen 5 qaybood oo kala: Koonfurta soomaaliya oo xiligaasi gacanta ku haayey dalka Talyaaniga, waqooyi galbeed , soomaali galbeed oo hadda itoobi ay ka tirsan tahay gacanta ugu jirto iyo waqooyi bari N.F.D oo hadda heysato Kenya, xiligaasi ganacta ay ugu jirtay dowladda Ingriiska iyo Djabouti oo xiligaasi maamulaayey dowladda Franciiska, midibka cadka ahna wuxuu ku micneeyey nabadgalyo , buluuga na wuxuu ku tilmaamay barwaaqadda dalkeena uu leeyahay.

 

Markii uu soo bandhigay ururka SYL iyo kuwa mucaadka ah ba dood dheer ka dib waxaa la isku waafay muxaafid iyo mucaaridba calanka uu soo ban dhigay Maxamed Cawaale Libaan, hase yeeshee markii loo geeyey maamulkii talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu egyahay calanka dalka Zair sidaasi darted aan la ogoleen calan dal leeyahay in la qaato, hase yeeshe Maxamad Cawaale liibaan wuxuu Ku dhiiraday oo Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka (Zaire) xiddigta ku dhextaal waa mid dahab huruud ah, sidaasi darteed maamulkii xafiiska basaabka ee Muqdisho waa ogolaaday in la qaato calanka buluug ah xiddigta cad dhexda kaga taala.

 

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad iyo aad u qurux badan, kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himiladda ummadda soomaaliyeed oo ah in la helo soomaali weyn oo mideysan “Pan Somalism.”

 

Calanka qaranka soomaaliyeed oo maanta 58 sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galy, halgankaasoo ay hogaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL kuwaas ka soo horjeday ama diidanaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalayaasha.

 

Waxaan jaclahay in aan si koob u xus halgankii gobonimadoonka soomaaliyeed iyadoo maanta loo dabaal degaayo 58 guuraddii astaanta calanka u ah qaranimadda shacabka soomaaliyeed, waxaan jacalahay dhallinyaradda qurbaha ku dhallatay iyo kuwa dagaalkii sokeeye ka dib dhashay ee ku nool dalka in ay fahmaan dhibaatadda xanuunka badan loo soo maray xornimadda maanta aynu haysano, runtii xornimadaasi kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag oo dhiig fara badan loo daadiyey, sidaasi darteed waxaa loo bahan yahay in dhallinyaradda maanta jira in ay ku daysadaan doorkii wax ku oolka lahaa ee dhallinyaraddii soomaaliyeed ka soo qayb qaadatay xornimadda.

 

Dhalllinyaro ka kooban 13 , waxaa u suurta gashay markii ugu horeeyey taariikhduna ahayd Bishii May 15, 1943 kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo doon ah oo la magac baxay S.Y.C Somali Youth Club oo aan siyaasi ahayn.

 

Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddelay urur weyn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, ururkaasi waxaa albaabadda loo furay taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947-kii kaasoo go’aansaday halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah, sidii loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.

 

Waxaa xusid mudan 11.01.1948-dii waxay ahayd maalin xamaasad weyn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badneyd uguna caansaneyd, sababtoo ah waxaa dhacaayey gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed, Maanlintaasi oo ay dhaceen dagaalo ba’an oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale.

 

Maantaasi waxaa dalka ku sugnaa guddigii ka socday 4-ta dowladdood ugu xoog weyn ee adduunka oo ku guuleystay dagaalkii labaad ee Addunka kan koobnaa, dowladda Mareynka Mr. Utter, dowladda Ingriiska Mr. Stafford, dowladda Ruushka Mr. Feodorof iyo dowladda Faransiiska Mr. Burin Des Rosier.

 

Guddigaasi oo ka socday 4-tii dowladood waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20-kii Janaayo 1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar Youth Club) oo ay isku mabada’ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaadka ahayd oo ku bahoobay daladda “umbrella” la magac baxday Patriotic Beneficient. Kuwaasoo ka koobnaa todoba urur oo yar yar .

 

Guddigii markii ay dhageysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyey, waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageeradda shacabka soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qabkii iyo hanaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa.

 

Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954-kii shacbka soomaaliyeed u suurto gashay in ay hanato calanka buluuga ah ee sharafta badan oo aan maanta aanu ku fano. Abwaakii Cabdullahi Qashe heestiisi calanka oo ah: Qolobaa calankeedu waa ceynoo, innaga keenu waa cirkoo kale e…..Taasoo abaalkeedu ay leeyihiin dhallinyaraddii u soo halgantay xornimada maanta aynu harsaneyno.

 

Haddaba waxaan kula dardaarmayaa masuulinta dowladda uu hooseedka ka yahay madaxweyne Prof. Xassan Sheekh Maxamuud iyo maamulka guud ee dowladda in ay dib u soo celiso sharaftii calanka iyo qarannimadii ummadda Soomaaliyeed.

 

Waxaan halkaani dhambaal hambalyo ah u soo gudbinayaa dhamaan bahweynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana u rajaynayaa bashbash iyo barwaaqo.

 

————–

Abukar Awale, London/UK.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this