Sign in to follow this  
Abwaan

Madaxweyne Xasan Sh. oo mar dhow safar ku tegi doona goobo waddanka Soomaaliya ku yaal

Recommended Posts

Abwaan   

Xaggee buu tegeyaa? .....aaway Gabbal? PM buu magacaabayaa baad lahayd today, weli lama hayo. Safar baaba laga hadlayaa, meelaha uu aadayo inaan ka hadlo ma rabo.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

oops...qari baan is lahaa balse jowhar.com baaba qarxisay:

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa lagu wadaa in goor dhow safarkoodii u horeeyay ku tagaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, kaasoo ah safarkoodii u horeeyay tan iyo markii loo doortay xilka.

 

Sida ay sheegayaan wararka safarka Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay ku wehliyeen Saraakiil iyo Xildhibaano ayaa la xiriirta sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaalada magaalada.

 

Wararka ayaa sheegaya in halkaas kula kulmi doonaan Odayaasha, waxgaradka iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa xilligan ku soo beegay safarkooda Baydhabo.

 

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socota qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Wafdiga Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo haatan ay ku sugan yihiin Garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde, halkaasoo goor dhow diyaarad ka qaadi doonta.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga sugayay inuu soo magacaabo Ra'iisul Wasaare, taasoo ah howsha ugu culus ee hor-taal, waxaana muddo 10-cisho ka harsan 30-ka cisho ee qorshaha yahay inuu Ra'iisul Wasaare ku soo magacaabo, inkastoo uu soo gaba gabeeyay wada tashiyadii ku aadanaa soo magacaabista Wasiirka Koowaad.

 

Wariyeyaal ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in safarka Labada Mas'uul ee ugu sareysa dowladda ay tahay saacado inta ay joogayaan Baydhabo, kadibna ay dib ugu soo laabanaya gelinka dambe ee maanta magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

 

La soco wixii ku soo kordha

 

http://jowhar.com/news.php?readmore=2578

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Apparently it is Baydhabo iyo Beledweyne

 

 

 

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horeysay saakay booqasho ku tegaya Magaalooyinka Baydhabo iyo Baladweyne.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa markii ugu horeysay u kictimaya qaar ka mid ah gobolada dalka, gaar ahaan Magaalada Baydhabo iyo magaalada Baladweyne.

 

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya qabanqaabada iyo diyaar garowga safarka Madaxweynaha, waxaa la sheegayaa inuu Muqdisho ka qaadanayo diyaarad gaar ah, si uu dhaqsi ugu gaaro gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beled Weyne oo dhowaan ay ka dhaceen fatahaado qasaaro geystay.

 

Madaxweynaha ayaa kormeeraya baaxadda qasaaraha uu geystay wabiga Shabeelle, isla markaana booqanaya degaanada ay ku sugan yihiin dadkii ka cararay fatahaadaha oo la geeyay meel duleedka B/Weyne ku aadan.

 

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqasho maalin barkeed ah ku tegaya magaalada Baydhabo, iyadoo booqashada Madaxweynaha

uu ku wehlinaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari iyo wafuud kale.

 

Dhinaca kale akhristayaasheena sharafta leh waxaan idiin soo gudbin doonaa hadba wixii warar ah ee ku soo kordha socdaalka gaaban ee markii ugu horeysay uu uga baxayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynenimo.

 

Web Updating, Somaliweyn Website

contact@somaliweyn.com

www.somaliweyn.com

 

http://somaliweyn.com/pages/news/Oct_2012/1Oct1.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Abwaan;875696 wrote:
Meel kale oo Mooge iyo Duke si gaar ah ugu farxaanna inuu tago ayay u badan tahay.
:D

Yes, but Garow is still.... Important. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Garowe waa magaalo Soomaaliyeed it is important and will remain important like any other Somali city insha Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qudbaduu maanta Baydhabo ka jeediye inta ka dhageysta.

 

"Dowladnimo dadkoo dhan u roon inaa helno. Dowladnimo Soomaaliyeed oo danaha dadka Soomaaliyeed [oo dhan] ka wada shaqeyso markaas kaliya ayaa waxaa la heli karaa danta gaarka ah oo gobol leeyahay ama reer gaar ah. Waaku celcelinaa mar badana waa iri maahmaahdii ahayd, "Hooyada uurka leh waxa u roon ayaa cunuga uurka ku jirana u roon." Wixii Soomaaliya u roona ayaa wax kasta oo Soomaaliya ka dhex jiro u roon.

 

Muxuu run sheegay. Dadka shisheeyaha dabada ka watoo hadalkiisa si fiican u dhuuxa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;875939 wrote:
Qudbaduu maanta Baydhabo ka jeediye inta ka
.

 

"
Dowladnimo dadkoo dhan u roon inaa helno. Dowladnimo Soomaaliyeed oo danaha dadka Soomaaliyeed [oo dhan] ka wada shaqeyso markaas kaliya ayaa waxaa la heli karaa danta gaarka ah oo gobol leeyahay ama reer gaar ah. Waaku celcelinaa mar badana waa iri maahmaahdii ahayd, "Hooyada uurka leh waxa u roon ayaa cunuga uurka ku jirana u roon." Wixii Soomaaliya u roona ayaa wax kasta oo Soomaaliya ka dhex jiro u roon
.

 

Muxuu run sheegay. Dadka shisheeyaha dabada ka watoo hadalkiisa si fiican u dhuuxa.

ijtbcG.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this