Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Eastern Sanaag Sub-Clan Announce their Support to Somaliland

Recommended Posts

Badhan (Waaheen) - Shirwayne Beelaha uga Socday Maalmahan Deegaanka Caraweyn oo ka Tirsan Degmada Badhan ee Bariga SANAAG ayaa maanta gelinkii dambe la soo gabagabeeyay, waxaana laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ku saabsan Masiirka siyaasadeed ee Beeshaasi iyo horumarinta deegaamada ay degto.

 

Qaar ka mid ah dadkii ka qayb galay Shirka ayaa Waaheen u sheegay in qodobada laga soo saaray ay ka mid yihiin in beesha aadan Siciid si buuxda u taageertay, kuna dhawaaqday inay masiirkoodii siyaasadeed isugu soo dudeen dhinaca Somaliland.

 

Shirkan oo socday mudo sagaal cisho ah, isla markaana ay goob joog ka ahaayeen dhamaan Cuqaasha iyo Indheer-gadaka bulshada deegaankaasi, waxa shir Guddoominayay Caaqilka Guud ee Beesha Chief Caaqil Cabdilaahi Dab-shide, iyadoo ay dhinaca ku wehelinayeen ilaa afar Caaqil oo ka soo kala jeeda jifooyinka beeshaasi ka koobantahay, kuwaasoo kala ah Caaqil Xasan Faarax Maxamed, Caaqil cabdilaahi Ciise Maxamuud, Caaqil Maxmuud Faarax Ducaale iyo Jaamac Maxamuud Maxamed.

 

Qodobadda ka soo baxay shirkaasi oo aanay warbaahinta shirka ka qayb gashay wali si rasmiya u baahin, ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid yihiin in Beesha Kalsoonidii siyaasadeed ee Ehliga ku dhisnayd kala noqotay Maamulka Puntland, isla markaana taageertay dawlada Somaliland oo ay dhul ahaan uga tirsanayd, taasoo meesha ka saaraysa kala aragti duwanaanshihii dhinaca siyaasadda ee Beeshaasi.

 

Qodobada kale eek u jira Baaqa shirka laga soo saaray waxa ka mid ah inay dhawaan Magaalada hargeysa Iman doonaan wefti ka socda Odayaasha beeshaasi oo xukuumadda Somaliland kala hadli doona, waxyaabaha ay ugu talo-gashay bulsho ahaan iyo saamigii ay ku lahaayeen siyaasadda wadanka.

 

Shirkan oo sida lagu soo waramayo ay u dhamaayeen dhamaan qaybaha kala duwan ee Beesha aadan Siciid, sida qurbo jooga dibada ka timi, siyaasiyiin Puntland iyo Somaliya ka soo ajiibay iyo odayaasha dhaqanku, waxa la sheegay inay Xukuumadda Somaliland si joogto ah ula socotay intii uu socday, isla markaana qaban-qaabadiisa ay door weyn ku lahayd.

 

Wasiir –u dawlaha arimaha Bariga ee Xukuumadda Somaliland Kayse Cabdi yuusuf oo galabta markli shirka la soo gabagabeeyay aanu Khadka Taleefoonka kula xidhiidhnay si aanu u waydiino waxay Xukuumad ahaan kala socdaan shirkaasi iyo doorkii ay ku lahaayeen ayaa sheegay inay si weyn u soo dhaweynayaan go’aamada ka soo baxay shirkaasi, isla markaana ay la socdeen intii uu socday, laakiinse aanay wax saameyn ah ku lahayn ee beeshu masiirkeeda ka tashanaysay “waanu soo dhaweynaynaa shirkaasi iyo Go;aamada ka soo baxayba, waanan la soconay intii uu socday, wax wanaagsan oo aanu soo dhaweynayno ayaana ka soo baxay”.

 

Beesha ee shirku u soo gabagaboobay ayaa ka mid ah Beelaha ugu balaadhan Bariga Sanaag, waxay deegaan ahaan ku teedsantahay Laasqoray ilaa iyo Badhan iyo deegaamo kale oo badan, iyadoo talaabada ay qaaday wax weyn ka bedeli doonto khilaafkii siyaasadeed iyo dib u dhaca maamul ee Jiidaasi ka jira.

 

Dhinaca kale, Deegaamada Bariga Sanaag waxa ka socda oo kale Shir-beeldeedyo sida tusbax la furay isdaba jooga oo ay leeyihiin beelaha dhulkaasi degen, kuwaasoo Ujeedada ugu weyn ee ay daaranyihiin tahay arimo siyaasadeed.

 

Xukuumadda Somaliland oo mudo laba sanadood ah lagu dhaliilayay inay ka gaabisay deegaamada Bariga SANAAG, ayaa go’aanka beeshani wax badan u fududaynayaa, isla markaana si balaadhan hada uga hawl-gelin karta maamulka deegaamada Gobolka oo dhan, taasoo suurto gelin karta inay meesha ka baxdo kala qoqobnaantii siyaasadeed ee wadanka taalay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Labaad Ee Bariga Sanaag Lagu Qabto Oo Somaliland Lagu Taageeray, Lagana Xulay Siyaasiyiin Hargeysa Imanaya

 

Midi-galle (Ramaas) Sept 30,2012 – Beesha oo maalmihii ugu dambeeyay shir uga socday deegaanka Midi-galle ee deegaanka bariga gobolka Sanaag, ayaa gabogabadii shirkooda ka soo saaray bayaan ay ku taageereen dawlada Somaliland isla-markaana ay ku sheegeen inay ka soo horjeedaan Maamul goboleedka Somaliyeed ee Puntland oo ay sheegeen inuu dhibaato ku hayo shacabka.

 

Shirkan oo ay ka qayb-galeen Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka beeshaasi, ayaa ka hor bayaanka ay soo saareen waxa hadalo ka jeediyay Garaad Cali Cabdulle Cali Ciid, waxaanu sheegay in maamulka Puntland dhibaato ku hayo shacabka deegaandada bariga Sanaag, sidaa daraadeedna ay go’aansadeen inay ergo u diraan Somaliland si ay ugu soo bandhigaan in dadka reer Sanaag bari la shaqeynayaan xukuumadda Somaliland “Anagu waa tashanay lugna kuma lihin Maamulka Puntland Muddo Kordhina ma ogilin Kamana Yeelayno”ayuu yidhi Garaadku.

 

Madasha Garaadkani ka hadlayay ayaa waxa ku sugnaa la taliyihii Madaxwayne Faroole ee qurba-joogta Cali Maxamed Xisri (Cali Puntland).

 

Qodobada ay soo saareen beesha ee bariga gobolka Sanaag, ayaa lagu taageeray Somaliland si la mid ah shirkii beesha Aaden Siciid ee bariga sanaag, kaasi oo bayaanka soo baxay lagu taageeray xukuumadda Somaliland.

 

Bayaanka hore uga soo baxay beesha, ayaa qodobadiisa waxa ka mid ahaa “Beeshu waxay saartay gudi siyaasiyiin ah kuwaasi oo xidhiidh la samayn doonta Xukuumada Somaliland wixii ka soo baxana dib loogu soo celin doono 99-ka ergay iyo beesha”

 

Ka Sakow intaasi, Garaad Cali Ciid, ayaa ka mid ahaa Madax-dhaqameedka aadka ugu xidhnaa Maamulka Puntland, balse sida hadda muuqata Garaadku waxa uu aad uga soo horjeedaa Puntland, waxaanu doonayaa inuu xidhiidh la samaysto xukuumadda Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefti ka socda madaxdhaqameedkii shirkii Carro-weyn oo lagu soo dhaweeyay Burco

 

October 3rd, 2012

 

Burco (Somaliland.Org)- Wefti ballaadhan oo ka kooban Cuqaal, salaadiin, garaado,aqoonyahan, Haween, dhalinyaro iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka mid ah Beelihii dhowaan shirweynuhu ugu soo xidhmay Deegaanka Carro weyn ee bariga Gobolka Sanaag ayaa Galabta si diiran loogu dhoweyey Burco.

 

Weftigan oo ahaa xubno laga soo xulay shirkaasi isla markaana kulan wada hadal ah iyo martiqaad uu u fidiyey madaxweynaha Somaliland,ayaa ka soo kicitimay Degmada Badhan, waxaana lagaga hortegay Kantaroolka Bari ee Magaalada Burco

Waxa weftiga halkaasi ku soo dhoweeyey Gudoomiyaha Gobolka Togdheer cabdo axmed ayir, taliyaha qaybta booliska ee Gobolka togdheer, maxmed faarax iyo masuliyiin kale.

 

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha gobolka togdheer oo sheegay in weftigani ay si qalbi furan ah u soo dhawaynayaan xubnaha Weftigan.

 

Afhayeenka Weftigan Eng C/salaan Maxmed Xasan ayaa sheegay inay ka kooban yihiin garaado, salaadiin, aqoonyahan , haween, masuliyiinta qaar ka mid ah degmooyinka ay ka yimaadeen, waxaanu sheegay inay ahaayeen guddi laga soo xulay shirkii ka socday deegaanka Carro weyn,Waxaanu u mahadceliyey madaxweynaha Somaliland.

 

Ugaas ibrahin cali shibir, suldan xasan cali jibriil, iyo Chief caqil maxamud cabdala Dabshid ayaa dhammaantood sheegay inay u socdaan la kulanka madaxweynaha Somaliland, iyagoo uga Mahadnaqay Maamulka Gobolka Togdheer iyo Waxgaradka kale ee sida Xilkasnimada leh ugu soo dhaweeyay deegaanka Gobolka Togdheer.

 

Weftigan ayaa lagu wadaa inay maalinta Khamiista ka soo ambo-baxaan magaalada Burco iyagoo u soo jeeda dhinaca caasimada dalka ee Hargaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I guess they are looking for some bribe money. I'm from that region and we just want to be left alone, not looked at as a land morsel to be eaten by our neighbors.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qoladaan waqooyina malaa kama gaboobaan owadaal aan meelna haysan oo iriduu kasoo xirmaan inay usoo luul luufsi tagaan,,,,,,, iga wallee kuwaan waa barya tag ii waxba hayskaga khasaaraynina,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aflagaadad jooji wiilka reer bariyow , People have rights to associate them whoever they want to,and if this Sub-sub clan wants to do with Somalidiid so be it! they have the right to.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this