Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

renewed clashes between Somaliland armed forces and Buhoodle Militia in Kalshaale.

Recommended Posts

Iska-hormaad deegaanka Kalshaale ku dhexmaray Ciidanka Somaliland iyo Maleeshiyo soo weerartay shir-nabadeed ka furmay

Qoru-lugud(Waaheen)Iska hor imaad hubaysan ayaa saaka degaanka kalshaale ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyo ka soo jeeda deegaamada Buuhoodle.

Iska hor-imaadkan oo dhashay Rasaas ay Maleeshiyada Buuhoodle ku soo garaaceen Shir-dhaqameed lagaga wada hadalayay xal u helida colaadii mudada dheer ka aloosnayd deegaanka Kalshaale, ayaa lagu soo waramayaa inaanu jirin wax khasaare ah oo soo kala gaadhay labadii dhinac ee uu dhex maray.

Qof goob jooge ah ayaa Waaheen u sheegay “saaka aroornimadii ayaa waxa Magaalada Buuhoodle ka soo baxay Odayaal uu soo diray Xaglo-toosiye oo reer Buuhoodle ah iyo kuwo ka soo baxay dhinaca Burco oo Wasiirka madaxtooyada Somaliland soo diray, kuwaasoo ku kulmay meesha la yidhaahdo Kalshaale oo ah meeshii dagaalku labada beelood ku dhexmaray, ka dib waxa dhacay gadood shacbi oo ka yimi dhinaca Buuhoodle oo dadka ay kaga soo horjeedaan Nabada aan laga talo gelin ee dadka gaarka ahi wataan, ka dib Rasaas ayaa lagu furay meeshii, ka dibna waxa u jawaabay oo iyaguna rasaas ku furay Ciidan shirka ilaalinayay. Waxa laysku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan laakiin wax khaasare ahi ma dhicin idamka illahay”sidaasi waxa yidhi goob-jooge magaciisa qariyay.

Sidoo kale wararka aanu ka helanay dhinaca degmada Qoru-lugud waxay sheegayaan in Magaalada qoru-lugud ay nabad qab ku soo gaadheen Odayaashii ku shirarayay Kalshaale, kuwaasoo la filayo Inuu shirkoodii halkaasi uga sii socdo “odayaal badan ayaa soo gaadhay qorulugud oo magaalada ku shiraya wax badana ma dhicin wax khasaare ahna lama sheegin, sidaasina waxa yidhi goob jooge ku sugan Qorulugud oo Waaheen la hadlay.

Magaalada Qoru-lugud ayaa maanta la filayay inuu ka furmo shir laba geesood ah oo lagaga wada hadlayo sidii loo xalin lahaa dhibaatadii ka dhacday deegaanka Kalshaale ee u dhexeeya Buuhoodle iyo Qoru-lugud.

Shirkaasi waxa daaha dabadiisa ka hagaya Hogaamiyihii Ururka SSC Saleban Ciise Xaglo-toosiye Buuhoodle ku sugan iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xalay ka soo laabtay dhinaca Magaalada Burco, kuwaasoo wararkii shalay la helayay ay sheegayeen inay iyaga laftoodu ku kulmayaan Qorulugud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Qaranka Oo Ka Jawaabay Weerar Ay Koox Maleeshiyo Ahi Ku Soo Qaaday Shir Nabadeed Ka Furmay Deegaanka Kalshaale

 

Dagaalkan ayaa qarxay ka dib markii Maleeshiyaad reer Buuhoodle ahi weerar ku soo qaadeen deegaanka Kalshaale oo.......

 

Kalshaale (GSN) – Deegaanka Kalshaale ayaa maanta waxa ka dhacay dagaal muddo kooban socday, kaas oo dhex maray ciidamada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaad reer Buuhoodle.

 

Dagaalkan ayaa qarxay ka dib markii Maleeshiyaad reer Buuhoodle ahi weerar ku soo qaadeen deegaanka Kalshaale oo uu ka furmayey shir nabadeed dhex marayay Odayaal reer Buuhoodle ah iyo kuwo reer Burco ah, kuwaasi oo ay soo kala direen Xukuumadda Somaliland iyo Saleebaan Xaglo-toosiye oo Buuhoodle ku sugan.

 

Waxa la sheegay in Maleeshiyaadka reer Buuhoodle oo aan raali ka ahayn shirkaasi oo odayaal aan laga tallo-galin ka cadhoodeen ay weerar ku qaadeen Kalshaale markii uu shir nabadeedka xalka loogu raadinayo deegaanka Kalshaale oo hore labada beelood ee odayaashoodu kulmayeen ka dhacayey, taasi oo keentay in ciidamada qaranka ee shirkaasi amaankiisa sugayeyna ay weerarkaasi jawaab ka bixiyeen isla-markaana ay ku garaaceen Maleeshiyaadka hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Lama sheegin in shirku markaa ka dib sii socday, balse waxa la sheegay in dagaalkaasi aanu gaysan wax khasaare ah isla-markaana odayaasha eer Burco ay si nabadgalyo ah ku soo gaadheen degmada Qori-lugud.

 

Shirkan dagaalku ka dhacay ayaa waxa maalmihii u dambeeyay qaban-qaanadiisa waday wasiirka Madaxtooyadda iyo Saleebaan Xaglo-toosiye, iyagga oo doonaya in xal laga gaadho khilaafka ka dhaxeeye beesha Buuhoodle iyo beesha bariga Burco.

 

Waxa la filayaa in shirkani dib u bilaabmi doono, inkasta oo aan la garanayn wakhtiga uu bilaabmi doono iyo halka lagu qabanayo midna.

Share this post


Link to post
Share on other sites

To sum it up real fast the Somaliland government and Xaglatoosiye and the Buhoodle elders are organizing a conference a peace conference a reconciliation effort some where in the Buhoodle district qorilugud kalshaale meygaagle or another village. Organizers were in Kalshaale this afternoon but they were attacked.The Somaliland forces from North meygaagle came to defend some of the delegates who were caught in between luckily no casualties.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Nabada Buuhodle iyo qorulugud oo lo balamey iyo Reer guraga u hayamey qeydar iyo gocon dhale oo is hortaagey dad nabad diida iyo Xagla tosiyo goobtaas gadhey

 

Buuhoodle (KLN) Nabadii laga wadey Deeganka Buuhoodle iyo Somaliland oo loo balamay in Shir la isugu yimaado Xajka dabadiisa, Cuqaasha iyo Siyasiyiinti Buuhoodle ee nabada ka shaqeeynayey aya la mudeeystey dhigooda Reer qorulugud in la isugu yimaado shirweeyn oo lagu nabadeeyo Beelaha Buhoodle iyo Qorulugud, Yadoo loo balamey shirkaas marka u dhamaado Xajku, Magaalada Buuhoodle aya waxa ka socdey mudooyinkii ugu danbeeyey shirar is daba jooga oo ay yeelanayeen wax garadka iyo Siyasiyiinta ku sugan deegankaas oo ay kaga arin sanayeen amuraha nabada iyo qaabka ay u wajihi lahaayeen,

Dhinaca kale maanta aya waxa safar indho idheeyna u baxay Gudomiyaha SSC Dr saleeban Cise Ahmed iyo raxan cidamo oo uwatey oo soo indho indheey nayey deeganka Gamaha oo la sheegay in ay gadheen cidamo nabadiid ah oo an la garaneeyn cida ay ka mar qaatan,

Reer Guraaga daga deeganka Gamaha aya Telefon kula soo xidhiidhey magaalada Buuhoodle yago sheegay in ay soo gaadheen Deeganka Qeydar iyo Gocon dhaale Gadhi Tikniko ah oo ay saran yihiin maleeysho halkaas oo isku dhac ku dhex marey reer guraagas iyo gadhigaas oo la sheegay in u ka yimid Buhoodle yado ay ku guleeyten in ay ka soo caydhiyaan dadkii deganka dagana gadhigaas iyo wixi saarna , dhacdadaas dabadeed ayaa hogaamiyaha SSC Dr Saleeban Cise Ahmed iyo ciidan u hogaaminaya gaadheen deeganka Gamaha yagoo soo dajinayey xalada reer guraagaas ee ka gadoodey Dadka loo so adeegsadey in ay wax yeelaan dadka xolo dhaqatada ah ee ku sugan deeganka Gamaha, maha markii ugu horeeysey oo ay is hortagaan dadka deganka Gamuhu waa buuhoodle wixii cayn ka xiga ee in ay dad ka shar wada yaasha an coolada wax ka tarin xiliga nabada sifiican u muuqda,

Deeganka Gamaha aya la sheegay in u aad u roobsadey yadoo hore ay uga jirtan barwaaqo mudo sanado ah an la daaqin coladii ka jirtey deegankaas awgeed, yado sii weeyn loogu hayamey halkaas, dadka reer guuraga ka soo jeeda Buhoodlena si aada ay u dageen dhamaan deegankas aya hadeer xasiloon yadoo la sheegay in ay gadheen halkaas raxan ciidana oo u hogaaminayey Dr saleeban Cise Ahmed Xaglo toosi ayna fiidkii caawa dib ugu soo noqdeen Buuhoodle, kolkii ay soo dajiyeen Reer Guraagas ka gadoodey coloshoda u shaqeysta yaasha nabada iyo colaad tona ku filneeyn

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Sage   

What kind of degenerate psychopaths ambush a peace conference? Clearly the minority elements in the district do not wish for reconciliation since they thrive off of conflict

Share this post


Link to post
Share on other sites

Your Soomaalidiid websites are writing inaccuracies and are not objective in their reporting. To prove this statement let’s first read what Boocame Online is reporting about this incident or war or attack or skirmish.

 

Boocame Online- Warka Hada Naga Soo Gaadhaya Magaalada Buuhoodle ee Xarunta gobolka Cayn ayaa Sheegaya Inay Halkaasi Soo gaadheen Ciidamado Kasocda Maamulka Beesha ***** Kuwaas Oo Doonayey Inay Duleedka Kalshaale Kula Kulmaan Horgalayaal Kasoo jeeda Gobolka Cayn.

Wararka Ayaa Waxay Xaqiijinayaan Markii La Doonayey In Shirkaas Loo Fadhiisto Ay Dhirbaaxo Xoogan Kudhufteen 20 Naftood hure oo kasoo jeeda Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.

Ujeedooyinka ugu waawayn ee Shirkan Ayaa Lasheegay In Ladoonayey In Hogaankii Hore ee Maamulka Ssc uu kuwareejiyo Ciidamada Jabahada SNM ee Beesha ***** ” Gaadhi SUUGA oo Dagaaladii Qadhaadhaa Lagaga soo Qabsaday beesha *****” Islamarkaana ay ku nafwaayeen Shacabwayne Tiro badan.

Wararka Ayaa Xaqiijnaya In Goobtaas Ciidamada Beesha ***** ay kaga Carareeen Halnin Oo Mayda oo Ay Kadileen Naftood Hurayaasha Gobolka Cayn ee Taageersan maamulka Xalaasha ah ee Khaatumo State.

Sidoo Kale Waxaa Hada Magaalada Buuhoodle Kasocdo Halgal Balaadhan Oo Dhamaan Beelaha Gobolka Cayn Ay ku qabqabanayaan Horgalaasha doonaya Inay Iibsadaan Dhamaan Shacabkii Ay Xasuuqday Jabhadan SNM Ama Beesha *****.

Isku Soo wadada duuboo Shirkan maanta Lafashilayey Ayaa Qayb ka ah Hungoowga Soo Wajahaya Jabhada Siilaanyo hogaamiyo ee Beesha ***** Waxayna Naftood horayaashu balan qaadeen Inaysan Marnaba Soo Dhowaynayn Qorshaha Horgalaasha & Damaca Qalaf san ee Beesha ***** (S/Land).

{Halkan Ka Dhegayso Heestii Eryaay Eryaay.}

 

Somalis (boocame) and Soomaalidiids agree on:

 

1) a meeting was scheduled for talks.

2) The place was Kalshaale

3) SNM (Soomaalidiid) “national” army, the lions of the horn, the ones their ruqaanis nobody can face them, was responsible for the security of the attendees.

4) A Khamtumo regional security forces ( Soomaalidiids’ terminology: malayshaadka, people's fighters) attacked the meeting

5) The Snm fighters and the attendees evacuated Kalshaale

 

But they disagree on:

 

1) Soomaalidiids are saying they fought and repelled malayshiyaadka and they suffered no injury or death.

2) Somalis are saying the Soomaalidiids were organizing local traitors to use them to capture Buuhoodle using the same methodology that enabled them to occupy LaasCaanood and to bribe some locals to get back military equipment that was captured from them in the previous wars.

3) Somalis are saying twenty (20) Buuhoodle teenagers with light guns stopped and drove the SNM gangs (military) and the local traitors out of the Kalshaale and the surrounding areas. The SNM gang was unable to collect the corpse of one of their fighters.

 

Any objective person musst believe the Boocame online version. Why?

The meeting that was supposed to be guarded by military force was cancelled. The attendees and the so-called army are out of the area.

 

horgal-1024x768.jpg

Buuhoodle youth celebrating……and warning the turncoats

Share this post


Link to post
Share on other sites

What's obvious from both story-lines is how divided the 'Khaatumo' constituency remains to the present day. 'Khaatumo' seems yet another project concocted by ambitious individuals within the subclan to use as a bargaining chip elsewhere (in this particular case, a bargaining chip for the new seats in Mogadishu).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaglatoosye has a Militia on his side of 500 men that are allied to Somaliland today he came from buhoodle with a group of elders from his clan and other reer buhoodle to organize a wider peace conference in kalshaale. All peace efforts should be welcome the more people talk about peace the more chance that peace can prevail.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Mintid Farayar;875322 wrote:
What's obvious from both story-lines is how divided the 'Khaatumo' constituency remains to the present day. 'Khaatumo' seems yet another project concocted by ambitious individuals within the subclan to use as a bargaining chip elsewhere (in this particular case, a bargaining chip for the new seats in Mogadishu).

 

mintid Farayar = Xaaji xunduf?

 

 

Good job for khaatumo security forces in buhodle again!

 

seats in moqdisho? siilaanyo sent all his elders to moqdisho even through buhodle and minister duur was just speaking that and more last week.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GaadhHaye;875326 wrote:
^^^^^ No sir the traitors and mercenaries are irrelevant. The Somalis in SSC are united to stay Somalis whatever the cost is…..

Now you're just being emotional! The argument has never been who's Somali and who's not (that's merely an ethnicity, like being Arab, or Anglo-Saxon). The argument remains under what political constructs will Somalis live. After all, no one questions the Somali-ness of Djibouti Somalis who live under a separate sovereign government.

 

I realize this issue might be close to heart for you, but do try to argue from reason rather than blind emotion. Who knows, you might change some minds....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mintid Farayar;875330 wrote:
Now you're just being emotional! The argument has never been who's Somali and who's not (that's merely an ethnicity, like being Arab, or Anglo-Saxon). The argument remains under what political constructs will Somalis live. After all, no one questions the Somali-ness of Djibouti Somalis who live under a separate sovereign government.

 

I realize this issue might be close to heart for you, but do try to argue from reason rather than blind emotion. Who knows, you might change some minds....

Sir there are no emotions ... Sagaaro laba tun oo la kala qaado ma leh...If that is not enough for you to decipher, anybody with a keyboard can type whatever nonsense constructs he can come up with….

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland :Army Repel Attack in Kashaale by Militia

 

Qorulugud-Somaliland Army has today repelled an offensive launched by a Buhodle milita on a site of peace conference which was expected to take place on saturday

The skirmishes broke out after militiamen aligned to Buhodle launched an assault at Kalshaale the venue of the proposed peace conference which was about to open today between traditional chiefs from Buroa and burco.

The conference was organized under the auspices of Somaliland Minister for presidency and the ex-leader of SSC Saleban halgatosiye.

According to sources on the ground told Somalilandpress.com that militia men from Buhodle were opposed to reconciliation conference hence their intention to disrupt but their offence was deterred by Somaliland National Army who was keeping the security at the venue of the conference.

The peace conference was aimed at bringing end long running animosities two ethnic communities which have beleaguered the lives of many people in that region.

Somaliland National Army overcame the attacks by the militiamen forcing them to retreat, it’s yet not clear who led the militiamen since the original buhodle militia led by Saleban Haglatosiye had ceased all hostilities towards Somaliland.

Eye witness in the area confirmed that there were no casualties were reported between the two sides.

The conference went on as planned and both sides agreed to resume reconciliation talks after the end of the Hajj Pilgrims.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this