Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Breaking news fighting inside Kismayo the moment of truth

Recommended Posts

Mooge   

talking to my family and caanoole community which controls businesses and is the largest indegeneous community in Kismayo, everyone is saying Kismayo wil be a few days before it is fully liberated. nairobi way kacsantay.

 

if civilians are killed, it will most likely be mostly caanoole community. ilaahoow fududee arrintaan. kenya is a tool we are using to kick alshabab out but it can become long term occupier if we fall asleep.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Caanoole cumminity waa maxay mooge ma dad aan xabad aqoon baa? allaha kuu xafadido dadkaaga iyo dadkeenoo dhanba

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

Mooge;875023 wrote:
caanoole community which controls businesses and is the largest indegeneous community in Kismayo,

already - waa bilaabatay miyaa? I assure you this is not Qardho sxb...

 

Update: Shaab still under control...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Apophis;875042 wrote:
More KDF bashing. Don't you know it's superior to both Ugandan and Ethio Armies?

Ugandans have better equipment they have T 90 tanks Russian made and ZTZ-99 tanks Chinese made .the Ethiopians are much and much better trained than the Kenyans they don't have the equipment the AMISOM ugandan forces have. But the Ethiopians can battle a long war and have no problem if they lose 500 troops or more as long as the job is done. KDF on the other hand it took them almost a year to attack Kismayo and look at this this is embarrassing to be honest.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The commander of the Ras Kamboni Brigade, Sheikh Ahmed Madobe, said the final push to take the city was very imminent.

Axmed-Madoobe.jpg

Posted by SEK5 on September 28th, 2012

 

A Somali faction leader and a principal ally of the Kenyan military campaign in southern Somalia has predicted that the allied forces now gathered on the outskirts of Kismayu will take control of the southern port city “early next week”.

 

 

Speaking to the Nation in a telephone interview from an undisclosed “frontline position” near Kismayu, the commander of the Ras Kamboni Brigade, Sheikh Ahmed Madobe, said the final push to take the city was very imminent.

 

Q: Can you give us an update of the situation on the frontlines? When is Kismayu likely to fall?

 

Sheikh Madobe: I believe the campaign to liberate Kismayu is in the final stages. We are in the process of wrapping it up. I hope by early next week, the city of Kismayu will be in our hands, God willing. Everything is going according to plan. Our combined forces are advancing on multiple fronts and they are on course towards entering the city from all corners early next week.

 

Q: Talks have been going in Karen (Nairobi) in recent months aimed at creating an inclusive administration for Kismayu. Can you tell us how they are going? Any progress?

 

A: The talks are still continuing, even though, admittedly, the pace has been slow. We are waiting for the technical committee overseeing the process to complete its work soon. Afterwards, there will be a second phase, which will see a major conference convened, hopefully, inside Somalia. The conference will deliberate on the many proposals put forward by the technical committee before arriving at a decision. It is this conference that will ultimately complete, agree and endorse the composition of the future administration that will govern Kismayu. Only then will the new administration be unveiled. We are very optimistic about this conference. We are very satisfied with the work of the technical committee and the progress so far made.

 

Q: There have been reports that the imminent fall of Kismayu is creating anxiety among some clans that feel apprehensive about possible Azania clan dominance? How are you addressing these perceptions and fears?

 

A: (Laughs) These are just propaganda churned out by the Somali rumour mills and idlers in Nairobi. There is no such thing. These forces (Ras Kamboni Brigade) are Somali and Kenya is a brotherly neighbouring state. They are not affiliated to this or that clan. The claim that the azania clan or the gedo clan are invading other clans is simply untrue. I do not know where this claim is originating from. Obviously, any leader of a group is born to a clan, is a member of a specific clan. Must this then automatically imply that he is fronting for a clan interest? This is nonsense — sheer propaganda — without foundation. The proposed conference will create an all-inclusive administration, and all will be free to vote and express their opinion.

 

Q: In the light of the experience in Mogadishu, how prepared are you for the potential risks of increased insecurity and insurgency-related violence in Kismayu after its fall?

 

A: Look, first of all, Kismayu is smaller in size than Mogadishu. Second, we know al-Shabaab well and are familiar with their modus operandi and schemes. God willing, we will deal with them appropriately. We know their plans. We know they left an estimated 500 fighters in the city of Kismayu to cause trouble. We will deal with them robustly, I assure you.

 

Q: What are the relations between Ras Kamboni and the other Somali factions in the anti-Shabaab alliance — especially the Gandhi group-like?

 

A: Whether it is the Gandhi group, Ahlu Sunnah (wal Jama’a), the Somali government or the other groups, we are all part of a broad alliance. We are fighting together for the same cause. We have one agenda. At this moment, we have no differences with anyone. We are all part of the (Karen) talks and it is that process and its outcome that will ultimately govern relations. Obviously, all the issues relating to the future administration will be decided within the framework of those negotiations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No the Ugandans have T 90 tanks since the year 2007/2008 when the UN was passing the UN resolution on Somalia to send peace keeping forces the state department delivered brand new T 90 tanks to Uganda. They are now part of the AMISOM security forces. They are far more better equipped than the Kenyans. The Kenyans have couple of Tiger II jets but they are not much for use since the US air force does much if not all of the AIR support. That leaves the Kenyan armed forces their training is below average did you know it was the so called Kenyan special forces that did this operation this morning and look how it turned out. The Kenyans are unprepared the Ethiopian army isn't that superior but they know how to deliver a knock down to Alshabaab we have seen it before. Now here is the problem with the Kenyans are they planning to stay long in Somalia the Ethiopian belligerent spirit to wage war is much more effective than the Kenyans who are crawling on their knees to capture Kismayo. As for what XX wants i want the Kenyan army their top generals to hold a press conference and tell us how the situation is in Kismayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah— Xabado ka dhacaya gudaha Kismaayo, wararkii ugu dambeeyey xaalada magaalada

 

Posted by Pi on September 28th, 2012

Inkastoo ay adag tahay in la helo wararka Rasmiga ah ee Kismaayo maadaama aysan jirin wariyayaal ka howl gala deegaankaas hadana goor dhwayd oo howlwadeenada Puntlandi ay xiriir la sameeyeen Dad ku sugan magaalada waxay noo cadeeyeen in Xabado ay ka dhacayaan magaalada gudeheeda.

 

Ciidamada huwanta xoogoodu magaalada banaankeeda ayay joogaan, shekih Axmed Madoobe oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Huwanta wuxuu wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya u sheegey in Qabashada kismaayo aysan waxba ka harin.

 

Dhinaca kale illo wareedyo ku dhow Raaskambooni waxay Puntlandi u xaqiijiyeen in weerarka lagu qaadey Kismaayo uu ahaa mid qorshaysan oo ka duwan kuwii lagu xoreeyey Marka iyo Balcad.

 

Sargaal ka tirsan Ciidamada Raaskamboni ayaa Puntlandi u sheegey in Dagaalada Jubooyinku yihiin kuwo ka duwan kuwii lagu xoreeyey Balcad iyo Marka, waxaan aaminsanahay buu yiri in Al-shabaab xoogoodu yaalo Kismaayo, anaguna waxaan ku dagaal galaynaa sidaan u jabin lahayn Awoodaas, waxaan kaloo ku han waynahay buu yiri ineysan marakan Al-shabaab aysan dhinacna ka bixin, waana sababta dagaalka maanta uu u yahay mid jaha walba ka socda, waana howlgal qorshaysan buu hadalka kusoo gabagabeeyey Sargaalka u waramay Puntlandi.

 

Sargaalkaan wuu ka gaabsadey mar aan wax ka waydiiney xabado la sheegey iney ka dhacayaan gudaha Magaalada Kismaayo.

 

Howlwadeenada Puntlandi ayaa ku howlan wararka rasmiga ah ee magaalada, la soco wararkayaga dambe maanta oo jamce ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu Danbeeyey ee Xaaladda Magaalada Kismaayo

 

AMISOM_Kenya_Kismayo.jpg

 

Jimco, 28, 2012 (HOL) - Xaaladda Magaalada Kismaayo ayaa ah mid kacsan iyadoona ciidamada huwanta ah iyo kuwa Al-shabaab ay isku horfadhiyaan halka loo yaqaan Madaxtooyada oo ku taal afaafka hore ee laga soo galo magaalada Kismaayo.

 

Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo oo HOL u waramay ayaa sheegay in xaaladda ay tahay mid aad u cakiran islamarkaasina la arkayo gaadiidka Tiknikada loo yaqaan iyo askar fara badan oo katirsan Al-shabaab oo dhexwareegaya magaalada, waxaana xoogagga Al-shabaab ay ciidamo xooggan isugu geeyeen xaafadaha siinaay iyo buulo-abliko oo ku yaal waqooyiga magaalda Kismaayo.

 

Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo aad u tiro badan islamarkaasina ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in ay Xeebta Kibooro ilaa nawaaxiga madaxtooyada iyadoona ciidamada huwanta ah ay halkaasi ka sameysteen difaacyo xooggan.

 

"Duhurkii ayuu mar dagaal qarxay laakiin daqiiqado kadib wuu istaagay, waxaana labada ciidan ay isu jiraan wax yar, laakiin waxaa madaafiic laga maqlayaa dhanka xeebta Kibooro," sidaa waxaa yiri goobjooge ku sugan Kismaayo oo HOL u waramay.

 

Xaaladda magaalada ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dadku ay ku jiraan guryahooda iyagoo aad uga welwelsan marxaladda dagaal ee soo foodsaartay Kismaayo, waxaana dadka ay garan la'yihiin meel ay aadaan madaama wadooyinkii magaalada looga baxay ay yihiin halka ay ciidamadu isku horfadhiyaan.

 

Dhinaca kale dagaal xooggan ayaa lagu soo waramayaa in uu maanta ka qarxay deegaanka Birta Dheer, waxaana la sheegayaa in dagaalkaasi uu sababay khasaarooyin xooggan oo kala gaaray labada dhinac walow aan la garanayn tirada rasmiga ah ee dadka ku waxyeeloobay.

 

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan haseyeeshee waxay sheegeen in ay soo baacsadeen xoogaggii Al-shabaab islamarkaasina ay haatan ku suganyihiin deegaanka Canjeel oo qiyaastii 30 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

 

Saraakiil u hadashay Al-shabab ayaa iyaguna dhankooda guulo ka sheegtay dagaalkaasi, iyagoona sheegay in ay dagaalkii maanta ku gubeen laba gaadiid oo nooca dagalka ah oo ay leedahay dowladda Kenya.

 

Wararkii ugu danbeeyay ee xiisadaha ka taagan gobolka Jubada Hoose waxaad uga bogan doontaan wararkeena danbe Insh'allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Kenya oo Dib Uga Gurtay Kismaayo Iyo Odayaal Laga Kaxaystay Ceeldhiig (Faahfaahin)

 

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xad

 

Muqdisho (RBC) Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee saaka waaberigii galay xaafado ka mid ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay dib uga gurteen magaalada kadib markii ciidamada Al-Shabaab ay soo qaadeen duulaan culus o iska caabin ah.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa Raxanreeb u sheegay in ciidamada Kenya ay hadda ku sugan yihiin deegaanka Ceeldhiig oo qiyaastii 4-km banaanka uga baxsan magaalada Kismaayo halkaasina waxaa ka socda dagaal u dhexeeya Ciidamada Kenya iyo kuwa Al-Shabaab.

Dhawaqa madaafiicda culus oo ay ridayaan ciidamada Kenya ayaa si aad ah loo maqlayaa, waxaana dhanka kale magaalada gudaheeda ku socdota duqeyn cirka iyo badda ah oo ay tuurayaan diyaarado iyo maraakiib Kenyanku leeyihiin.

Odayaal la kaxaystay

Ciidamada Kenya ayaa saaka waaberigii si kedis ah dhanka waqooyi bari uga soo galay magaalada iyagoo ka soo daatay deegaanka Ceeldhiig kana soo gudbay halka loo yaqaano “Qeyle Dheere” oo illaa 10km dhanka waqooyiga ee xigta badda.

Sida dadka deegaanka ay noo sheegeen ciidamada Kenya ayaa qabqabtay dad ka badan 160 ruux oo isugu jira odayaal, dhalinyaro iyo haween ay ugu tageen tuulooyinkii ay ku daateen halkaasoo ay ruux kasta labada gacmood kaga dhufteen jeebo kadibna ay uga tageen gurigiisa.

Ciidamada Kenyanka ayaa hadda ka dagaalamaya agagaarka Ceeldhiig, waxaana ay saaka kaxaysteen labo nin oo odayaal ka ahaa deegaanka Ceeldhiig kuwaasoo ay la aadeen markab badda u fadhiya.

Labada nin ee la kaxaystay ayaa magacyadooda ayaa naloogu sheegay?:

1- Cabdi Saney (waa oday caan ka ah deegaanka)

2- Ina Qaasim Cumar Gurey (waa nin dhalinyaro ah laakiin ka mid ah waxgaradka)

Lama oga sababta ay Kenyanka u kaxaysteen labadan nin oo kaliya.

Qorshaha dagaalkii saakay ee Kenyanka

Ciidamada Kenyanka ee galay Kismaayo waaberigii hore ee saaka ayaa degay qorshe kedis ku ahaa Al-Shabaab oo asan marnaba filaneynin, maadaama dagaalka uu ka socday dhanka galbeed oo qiyaastii 60km ka fog Kismaayo.

Jihada ay saaka Kenyanka ka soo galeen ayaa ah dhanka waqooyiga Bari ee magaalada oo ah jihada uu ka yimaado jidka laamiga ee ka taga Muqdisho soona mara deegaanka Goobweyn oo 25-km u jira Kismaayo.

Sida dadka deegaanka ee Raxanreeb ay la hadashay ay sheegayaan, waxay Kenyanku soo degeen xalay abaare 3:00 saqda dhexe iyagoo markab weyn uu keenay badda, waxaana ay kaga degeen SACTAR u soo qaaday dhanka xeebta. Waxayna ka soo deegeen meel u dhow halka loo yaqaano “Qeyle Dheere” oo qiyaas ahaan 10-km ka baxsan Kismaayo dhanka waqooyi bari.

Ciidamada Kenya waxaa markaasi kadib waaberigii lagu arkay Ceeldhiig oo ah deegaan ay dad xoolo dhaqto degan yihiin, 4-Km u juira magaalada uuna ku yaallo garoon diyaaradeed oo macmal ah kaasoo dhowaanahan aan la isticmaalin. Waxayna Kenya gaareen ugu dambeyntii xaafada “Buulo Abliko ” oo ah afaafka hore ee Kismaayo waana halka ay dadka faraha badan ku jeebeeyeen saaka.

Tirada ciidamada Kenya waxaa lagu sheegay llaa 300 askari oo u badamn kuwa badda ee “marines-ka” kuna hubeysnaa hubka boobayaasha iyo madaafiicda garbaha lagu qaato, waxaana dusha ka caawinayey diyaarado iyo markabkii ay la socdeen oo magaalada duqeyn ku hayey saaka. [AKHRI WARBIXIN]

Sida muuqata qorshaha ciidamada Kenya ayaa ahaa labo arimood oo muhim u ah dagaalka xilligan ku wajahan Kismaayo; Waa marka hore inay culeys dhanka wadada Muqdisho ka timaada ka saaraan Al-Shabaab, waana wadada kaliya ee laami ah ee u furan Al-Shabaab (haddiiba ay dhacdo inay Kismaayo ka baxaan).

Arinta labaadna, waxay tahay in Kenyanka ay abuuraan furin labaad oo dagaal oo ay Al-Shabaab ka soo weerari karaan, waayo dagaalka beryihii u dambeeyay ka socday deegaanka Janaay Cabdalla oo dhanka galbeed ah wuxuu Kenyanka ku ahaa dhib weyn in laga soo gudbanaha ay adkaatay sababo la xiriira deegaanka.

Dagaalka socda hadda

Hadda Ciidamada Kenya dib ayey uga soo bexeen xaafadihii ay galeen magaalada, waxaana dagaalka uu ka socdaa inta u dhexeysa Ceeldhiig oo ay joogaan ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab oo ka dagaalameysa halka loo yaqaano buurta Dab-dheere iyo Nus Dariiq illaa agagaarka Ma-dhamaato oo dhanka waqooyi galbeed ka xigta Ceeldhiig.

 

-Faahfaahino dheeraad ah iyo wixii kale ee soo kordha la soco Raxanreeb.com

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo: Al-Shabaab oo Dagaal Ka Soo Qaaday Dhanka Goobweyn, Canjeel oo Laga Qabsaday Iyo Marinkii Nus-Dariiq oo Xirmay

 

Muqdisho (RBC) Iyadoo dagaal fool ka fool ah uu weli ka soconayo duleedka magaalada Kismaayo ayaa wararka ugu dambeeya ee Raxanreeb soo gaaraya ayaa sheegaya in weerar cusub ururka Al-Shabaab ay ka soo qaadeen goordhow dhanka deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 25-km u jira magaalada Kismaayo.

Weerarkan ay soo qaadeen ciidamada Al-Shabaab ayaa ku wajahan dhanka deegaanka Ceeldhiig oo duleedka magaalada Kismaayo ku yaalla. Goob joogayaal ayaa Raxanreeb u sheegay inay maqlayaan hubka culus oo ay isweydaarsanayaan ciidamada Kenya oo wata gaadiidka dagaalka kuna sugan deegaanka Ceeldhiig illaa wadada isku xirta magaalada iyo kuwa Al-Shabaab oo ka soo dagaalamaya dhanka Goobweyn oo illaa 25-km u jirta magaalada Kismaayo.

Dagaalkii Nus dariiq ka socday

Ka sokow deegaanka Ceeldhiig waxaa dagaal culus illaa duhurnimadii maanta uu kasocday meel lagu magacaabo Nus-Dariiq oo dhanka galbeed ka xiga Wadada Laamiga ee Kismaayo gasha, halkaasi waxaa saaka weerar ka soo qaaday ciidamada Al-Shabaab oo doonayey inay la wareegaan buurta Dab-dheere, waxayna ciidamadan ka soo talaabeen halka loo yaqaano “BEERAHA GUMURTA”.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in marinka Nus Dariiq ay la wareegeen ciidamada Kenya oo halkaasi xirtay. Ciidamada Kenya waxay kaloo duhurnimadii maanta taandhooyin iyo dhufeysyo ka qoteen deegaanka Ceeldhiig oo illaa hadda ay ku sugan yihiin.

Dhanka kale waxaa dagaal culus uu isaguna ka qarxay tuulada Canjeel oo dhanka galbeed qiyaastii 30-km magaalada Kismaayo u jirta kadib markii saaka Al-Shabaab ay soo baneeyeen difaacyadii ay uga jireen dhanka Jiida Janaay Cabdalla oo bilihii u dambeeyay la isku horfadhiyey.

Qof ku sugan magaalada ayaa noo sheegay inuu arkay diyaarado ciidamo Soomaali ah keenay tuulada Canjeel haatana ay joogaan ciidamada dawlada iyo kuwa Raskambooni.

Muhimada dhulka lagu dagaalamayo

- Nus Dariiq: Waxaa ku yaalla buur dhagax oo uu dhexmaro waddo magaalada Kismaayo ka timaada taasoo haddii cidii qabsata ay si fudud u kontorooli karto jidka dheer ee magaalada gala; waana taas sababta dhinac kasta uu xooga u saarayo inuu qabsado.

- Ceeldhiig: Waa deegaan tuulo yar oo ay degan yihiin dad u badan xoolo dhaqato. Waxaa ku yaalla garoon diyaaradeed oo macmal ah oo aan waayadan la isticmaalin. Ceeldhiig waxay kaabiga ku heysaa badda, waxaana fudud in maraakiibta ay ku soo dhowaadaan, waana meeshii ay xalay ciidamada Kenya ka soo degeen.

Qabsashada Ceeldhiig ee Kenyanka ma ahayn mid ay filayeen Al-Shabaab waayo kama mida hayn jihooyinkii hore loogu dagaalamayey, waxayna Kenya u soo qaaday weerarka xalay ay ku qabsatay Ceeldhiig si ay furin dagaal oo hor leh ugu furto Al-Shabaab.

- Goobweyn: Waa meesha ay isaga darsamaan Wabiga Jubba oo halkaasi ku dhamaada iyo badweynta Hindiya. Goobweyn oo dhanka Jilib ka soo xigta Kismaayo waxaa ku dhow Akedimiyadii hore ee ciidanka Cirka Soomaaliya oo hadda saldhig weyn u ah ciidamada ururka Al-Shabaab, waxayna Al-Shabaab ku qasban tahay inay ku dagaalanto.

- Canjeel: Waa tuulo 30-km dhanka galbeed ka xigta magaalada Kismaayo, horey waxaa u joogay ciidamada Al-Shabaab ee dagaalka kaga jiray dhanka Janaay Cabdalla. Kenyanka way ku adkaan doontaa inay toos uga soo dhaqaaqaan Canjeel haddii aysan marka hore magaalada qabsanin; waayo waxaa Canjeel ka sokeeye dhul bannaan “gelgel” taasoo keeni karta in ciidamadooda la soo duqeeyo khasaarana uu kasoo gaaro.

Al-Shabaab xaggee u furan?

Dagaalka Kismaayo sida hadda muuqata weji cusub ayuu galay oo waxaa saaka soo baxay jiho cusub oo Al-Shabaab ku furantay, weliba kaaga darane, waxaa dagaalka uu ka soo curtay dhanka wadada aadi jirtay Muqdisho iyo deegaanada kale sida Jilib illaa Baraawe [haddii ay dhacdo ibay ka baxaan Kismaayo].

Sida dadka deegaanka yaqaana ay u sheegeen Raxanreeb, waxaa hadda Al-Shabaab ay heystaan labo jiho oo ay kaga bixi karaan magaalada haddii ay dhacdo in dagaalka looga itaal roonaado, waxayna kala ah;

- Jidka Ciid Cad; Waa waddo waqooyiga aada oo si toos magaalada uga baxda, taasoo sii marta deegaanka Sacmooye una jiheysta Galbeedka Afmadow waana dhul ugu dambeyntii taga hawdka Jubbada Hoose caanka ku yahay oo ay mudo ku dhuuman karaan kana so qaadi karaan weeraradooda.

Muhimada kale ee jidkani leeyahay waa inuu yahay dhabe aad u dhib badan oo cidii aan garaneyn iyo baabuurta ay adag tahay inay marto.

- Jidka Fii Afmadow: Waa dhabe weyn oo sii mara kontoroolka Yaaqa Sacmooye oo ku beegan waqooyi galbeed wuxuuna sii maraa tuulada Cabdulle Biroole. Jidkan waa wadada labaad ee ugu weyn ee magaalada Kismaayo ka baxda marka laga reebo wadada u baxda Muqdisho.

Ugu dambeyn, sida dad badan qabaan dagaalka Kismaayo uma eka mid si fudud ku dhamaan kara maadaama labada dhinacba ay si weyn ugu diyaargaroobeen, waxaase aad looga cabsi qabaa in shacabka khasaare badan uu soo gaaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this