Sign in to follow this  
Jamal Hassan

PM top contenders hopefuls.

Recommended Posts

Maxaa ka Taqaanaa Guud Ahaan Shaqsiyaadka Codsaday Qabashada Xilka Raysal Wasaaraha Soomaaliya (Akhriso Magacyada)

Comments (70) | Write Comment

 

 

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Muqdisho (RBC) Iyadoo haatan madaxweynaha Soomaaliya laga sugayo in uu soo magacaabo Raysal wasaare ayaa hadana waxaa jira dad badan oo magacyadooda u gudbiyay Xafiiska Raysal wasaaraha kuwaasi oo doonaya in loo magacaabo xilkaan.

Dadka magacyadooda gudbiyay ayaa waxaa ku jira Aqoonyahano iyo siyaasiyiin si aad ah looga yaqaano badan kuwaasi oo haatan intooda badan ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Dr C/qaadir cabdi xaashi oo ah nin aqoonyahan ah horayna usoo ahaa wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Xiriirka Caalamigaee puntland kana mid ah xildhibanada baarlamaanka cusub ee dhawaan yeeshay dalka soomaaliya ayaa hada kamid ah raga ugu cad cad ee utaagan jagada Ra’isulwasaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dr Xaashi oo ah nin aqoon sare leh isla markaana ladhihi karo shaqsiyad adag oo soomaaliya uhogaamin karta dhanka wanaagsan iyo hor’umarka umada Soomaaliyeed tiigsanayaan.

Dr Xaashi oo guulo badan kasoo hoyiyay dhisayna siyaasada iskaashiga iyo arimhaa dibada ee puntland 3dii sano ee ugu danbeeyay ee uu xilkaas hayay ayaa ah nin khibrad dheeri ah uleh arimaha amaba siyaasada caalamka.

 

Cali Khaliif Galayr: wuxuu ugu horeeyaa dadka gudbiyay CV-gooda oo doonaya in xilkaan loo magacaabo, waxaana mudooyinkii ugu danbeeyay uu ka mid ahaa siyaasigaan dadka ku dhow dhow madaxweynaha cusub ee dalka.

Mr. Galayr wuxuu si wayn uu kaga qaybqaatay ololihii lagu kicinayay xildhibaanada si ay u taageeraan Xasan Sheekh Maxamuud xiligii tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

 

Maxamed Cabdullahi Farmaajo: Waxa uu ka dadka xilkaan u otdaya inay helaan sababtoo ah maalmihii ugu danbeeyay wuxuu madaxweynaha la lahaa kulamo joogto ah. Waxaana culeyska dhankiisa ku wehlinaya odayaasha beeshiisa halka dadka kalana ay qabaan inuu horey u soo maray tijaabo xilligii uu ahaa raysulwasaaraha dalka sidaa darteedna uu leeyahay khibrad shaqo.

 

Cali Cabdi Awaare: Wuxuu horey wasiirnimo uga soo qabtay maamulka Puntland inkastoo CV-ga uu wato aysan ku jirin shahaadooyinka sare ee dadka kale ay ku soo lifaaqeen codsiyadooda. Cali ayaa dhowaan wuxuu soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna haatan dadaal ugu jiraa in xilkaan loo magacaabo.

Awaare waa ninka ugu cad cad siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Puntland, inkastoo haatan ay jiraan dad badan oo kale oo ka soo jeeda deegaanadaasi oo xilkaan u sharaxan.

 

Maxamuud Axmed Sh. Cali Buraale “Dr Doodisho”: Tuhun badan baa markii hore laga qabay in Dr Doodishe la magacaabo, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in xubnaha kooxda “Dam Jadiid ee ku wareegsan madaxweynaha ay soo jeediyeen inaan Doodishe loo magacaabi karin xilka maadaama laftiisa uu isla kooxda ka mid yahay si dadweynaha loogu muujiyo in xukunka uusan ahayn mid kooxda “Dam Jadiid” ku kooban.

 

Maxamed Barre: Waa sarkaal mudo dheer u shaqeynayey hay’adda UNDP. Beryahan wuxuu kulamo la lahaa madaxweynaha cusub isagoo waraaqihiisa codsiga ahna gudbistay.

Sidoo kale waxaa jira Siyaasiyiin kale oo iyana magacyadoona sii gudbiyay xi xilkaan loogu magacaabo, waxaana dadkaasi qaarkood ay yihiin kuwo doonaya in ay haatan ku soo biiraan siyaasada dalka isla markaana doonaya in ay jagooyin kale ka raadsadaan dowlada si ay taasi ay helaana isku sii sharaxa xilkaan. waxaana ka mid ah xubnaha kale;-

 

1- Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex

2- Axmed Ismacil Samatar

3- Maslax Maxaed Siyad Barre

4- Bashiir Nuur Looyaan Bidaar

5- Saciid Cali Muuse

6- Caasho Axmed Cabdalla

7- C/laahi Sheekh Ismacil Tima Cadde

8- C/risaaq Jurille

9- Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac

10- Ismaacill Maxamuud Hurre Buubaa

11- Maxamed Barre

12- Siciid Faarax Garaad

Talooyinka faraha badan

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan laga sugayaa in uu ku dhowaaqo cida noqonaysa Raysal wasaaraha dalka xili ay jiraan warar sheegaya in maanta ay dhici karto in la shaaciyo Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Sida ay Raxanreeb ka ogaatay madaxtooyada, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka fekeraya labo waxyaabood oo sal u ah raysul wasaaraha cusub shakhsiga noqonaya kuwaasi oo kala ah inuu la helo shakhsi khibrad shaqo leh oo wax ka yaqaana shaqada xafiis dawladeed oo heerkiisu sareeyo, arintan waxay muhim u tahay dawlada maadaama madaxweynaha laftiisa uu yahay nin ku cusub xafiis siyaasadeed oo heerkiisu sareeyo sidaa awgeed waa inuu jiraa shakhsi kale oo waayo aragnimo fiican u leh maamulka dawladnimo.

Arinta kale waxay tahay habka wada shaqeynta madaxweynaha cusub iyo ninka uu raysul wasaaraha ka dhigan doono, waayo dawladihii dalka soo maray waxaa hareeyay khilaafaadka madaxda sare, waana taas sababta la taliyaasha madaxweynaha had iyo jeer uga fekeraan sidii loo heli lahaa “shakhsi caano madaadshe ah” oo xafiiska sare loo xulan karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

I was told the list reaches about 50....I wish they could be asked to pay $10.000 and the money was added to the salaries for the Somali army or police.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

The top three:

 

Xiinfaniin

Abwaan

Taleexi

 

Unfortunately 4.5 formula disqualifies Abwaan. And Xiinfaniin is disqualified because his sub-clan got more than their share within the political dynamics of the D-block in the recent past therefore Taleexi becoming the next Somalia's MP is highly probable because he is a northerner who was born in the south. And he also respects SL's and PL's homegrown, semblance of governance and agrees to find a lasting solution to their respective concerns. Taleexi also used to be Itixaad sympathizer but once he lost his brother and close friends and the leaders of the org. became corrupted he disassociated from all sects be Islah, Tabliiq, Salafi, Suufi, the list goes on. In a nutshell, Taleexi's shortcomings include: he didn't held a government office because he is coming from the business community but he specializes ethnic conflicts, and globalization.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@Taleex

 

The list has shrunk greatly. Professor Abtigiis is for a rude awakening ...not to mention the disappointment that will surround Gabal's euphoria :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

xiinfaniin;875049 wrote:
lol@Taleex

 

The list has shrunk greatly. Professor Abtigiis is for a rude awakening ...not to mention the disappointment that will surround Gabal's euphoria
:D

Xiin-

 

You are not unknown for mischaracterization. In fact, I somewhat expect this from you. I do not know what "euphoria" you are talking about; I merely said the Premier will indeed come from the Gedo/Galgaduud/Jubba corridor. Perhaps your allusion to my "euphoria" is rather just a reflection of your own sense of dysphoria?

 

From the beginning, and I have had the inner chambers of Villa Somalia as feed, the President and his advisers were interested in nominees from the said community in line with his forming policy of "transformation" of Somalia's burgeoning peace and security. It is expected the President will indeed nominate a Premier from the above community inline with this political and domestic objective.

 

However, in another topic, I just read you hinting Abdiwali Gaas will be brought back and of that I say, you only showcased the extent to which you are uninformed. Gaas is a remarkable man with a bright future ahead of him in Somalia but not as Prime Minister of Somalia under this President in this time.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

I don't know why, but last night I had a dream that kii xumaa oo ahaa Somaliland's Foreign Minister (the bald one) baa laga dhigey the PM. Waxaa la i tusay asagoo universal ka khudbeynayo oo calanka Soomaaliya koorka u suran yahey :D

 

I remember saying to myself "haa, sidaas ayey giddigood usoo wada noqon doonaan" :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this