Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: An MP Sharif Ahmed's father in law gunned down

Recommended Posts

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Diley

 

September 22, 2012 19:36 3 Comments

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Waxaa saacaddu markey ahayd 6:20 fiidnimo makhribka kadib lagu diley Magaalada Muqdsiho XIldhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

 

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Mustafe Xaaji Maxamed Cabdullaahi ayaa dilka loo geystey xili uu ka soobaxay Masjid ku yaala degamada Waaberi ee Gobolka Banaadir xili uu salaadii Makhrib soo gutey.

 

Dilka Xildhibaanka waxaa fuliyey dhalinyaro ku hubeysnaa Baasatoolado, isla markiiba waxa ay ka baxsadeen goonta dilku ka dhacay.

 

Xildhibaanka ayaa baarlamaanka ka soo galay Beesha shanaad waxaana la sheegay in uu ahaa Aabaha Marwadii Shiikh Shariif Shiikh Axmed Faadumo Mustaf Xaaji Cabdullaahi waxaana uu ka mid ahaa Xildhibaanada cusub.

 

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya dilalka qorsheysan, habeenkii xalay waxaa siyaabo kala gedisan loogu diley magaalada ilaa 4 qof oo qaarkood Dawladda ka tirsanaayeen.

 

Horseed Media

Muqdisho, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaanki ugu horeeyey ee ka tirsan Dowlada cusub ee Soomaaliya ayaa caawa Muqdisho lagu dilay

 

 

Rag hubeysan ayaa caawa ku dilay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

 

Xildhibaankan oo lagu magacaabo Mustaf Xaaji Maxamed Macalin ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray madaxa kaasi oo ay u geysteen rag ku hubeesnaa bistoolado xilli uu joogay banaanka gurigiisa oo ku yaala xaafada Cali Boolaay.

 

Sida wararku sheegayaan xildhibaan Mustaf ayaa dhalay mid ka mid ah xaasaska madaxweynihi hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

 

Dilka xildhibaankan ayaa ah kii ugu horeyey ee loo geysto mudanayaasha baarlamaanka cusub ee dalka uu dhawaan yeeshay, baarlamanki ka horeeyey waxaa ka dhintay mudanayaal ka badan 15 ruux oo sababsaday gacanta Al Shabab.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this