Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Puntlandi.com biggest Bacaac !!!

Recommended Posts

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed oo adeegsanaya magac qabiil, tageerana ka helaya Odoyaasha beesha ****** ay cadaadis xoogan dul dhigeen Madaxweynaha hadda la doortey Xasan Sh. Maxamuud, iyagoo ku cadaadinaya inuu Raysal wasaraha kasoo dhigo nin aan reer Puntland ahayn.

 

 

 

Kulan dhex maray koox Shariif Shiikh Axmed ka mid yahay iyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Madaxweynaha loo gudbiyey talooyin beeleed, waxayna Shariif Sheikh Axmed iyo Odoyaasha beesha ******, Madaxweynaha si cad ugu sheegeen in aanuu soo magacaabin Raysal wasaare Reer Puntland ah iyo nin ka soo jeeda beelaha Puntland guud ahaanba.

 

Wararkaan oo aan helney oo rasmi ah waxaa la sheegey in Madaxweynaha loogu hanjabey in hadduusan taladaan qaadan in ay odayaasha beelaha ****** kalsoonida kala noqonayaan Dowladda, isla markaana khalkhal siyaasadeed ay galayso xukuumadiisu.

 

Muxuu hadalkaas iyo Taladaas ka yiri Madaxweynuhu:

 

Sida ay sheegeyso xogta soo gaadhay shabakdan Puntlandi, Madaxweynaha cusub wuxuu qaatay taladii odayaasha beelaha ******, waxaanu kala xulusho ka dhex wadaa, ashqaas ka soo jeeda beesha *******,oo cadaawad u qaba beelaha Puntland iyo nidaamka Federalka ah

 

Waxay hadda arintu u muuqataa in Madaxweynuhu uu ilaaway inuu madaxweyne u yahay dadka soomaliyeed ayna doorteen beelaha soomaliyeed oo dhan, lakiin nasiib xumo madaxweyne Xasan Sheekh waxuu qaaday jidkii hore loogu soo haligmay ee ahaa qabyaalada iyo ku shaqeynteeda, ka dib markuu u dhago nuglaaday talooyinka jar iska xoornimada ah ee ay soo gudbiyeen kooxaha ku qaraabta magaca beelaha ******, iyo madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif .

 

 

 

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud uu noqonaya madaxweynihii 5aad ee ka soo jeeda beesha ****** ee madax ka noqda dalka Somalia mudo ku siman 21 sano,

 

Waxaa kaloo xusid mudan inuu noqonayo madxweynihii ugu horeeyay lagu doorto magaalada muqdisho oo ay ka maqan yahiin dhamaan shacabkii deganaan jiray ee ka soo jeeday beelaha somaliyeed marka laga reebo beshiisa kaliya ee ******. Waxaa weli magaalada muqdisho ka muuqda colaadii iyo burburkii ay umadda somaliyeed uga qaxday 20 sano ka hor.

 

Waxaa wax lala yaaba ahayd in madaxweyne Xasan u qudbadiisa ugu horreysay uu si qiiro leh ugu damqaday waxyeeladii soo gaartay beelaha soomaliland waqtigii xukuumaddii Max’ed Siyad Barre, isagoo qiirada iyo niyad wanaag uu u hayo somaliland ay la gashay inuu ballan qaado in manaahijta dugsiyada waxbarashada lagu qori doono tacadigii loo gaystay dadkaas, halka nasiib darro uu madaxweynahu iloowsan yahay inuu tacsi iyo cudurdaar ka baxiyo dilkii, kufsigii, boobki iyo barakacintii beesha ****** ay u geesatay beelaha somaliyeed qaasatan beelaha ****** ee dega gobolada Puntand, Banadir iyo goboloda Jubbooyinka.

 

Waxaa sidoo kale madaxweynaha qudbadiisa ka maqnaa inuu garowsiiyo ka bixiyo xasuuqa iyo barakicinta ay hadda Somaliland ku wado shacabka dega gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in madaxweynaha iyo beeshiisu ay u ooman yihiin burbur hor leh iyo cadaawad, barnaamijkooda siyaasadeedna uu yahay oo kaliya madaxweyne hawiyaa iska leh, caasimada unukaa iska leh, hantidii dadka iyo dalka ma bixnayno, gargaarka caalamka muqdisho kaliya halagu cuno, xukunka dalkana anagaa qaybinayna, umadda somaaliyeedna waa marti iyo magan fool xun, isla markaana waxay meel iska dhigeen, iyagoo haya xilalka ugu sareeya ee qaranka inay raadiyaan midnimo iyo walaalnimo dib la isugu keeno umaddii soomaliyeed ee ay iyagu nabaddii iyo deganaasho u dideen muddo 20 sano ka badan.

Inaa Lilaah, waligey ma arkin isbaaro middaan ka wayn! Qasab hanoogala dhigo Raysalwasaare haddii kale SAAN :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

@Somalia,

 

Elderska ka xishood. Waxaani waa tabloid waxay rabaan bay iska qorayaan marka war saxa ma aha ee adilee hada war qaloocan yaan lagaa helin.

 

Haduu PM uu noqon waay from Puntland what is the big deal? nothing marka hala isdajiyo akhiyaarta.

 

EDIT: where is Moge iyo war suuqeedkiisii? lol Mise sida Puntlandi.com ayuu u xanaaqsanyahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Of course the PM can come from areas other than Puntland, Puntland only interest is that they PM does not clamp down on it as previously.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Excuse the politicians of Puntland for being more ambitious than the rest.

 

Why don't the rest of Somalis join us up here with Unuka, it's quite nice? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Somalia: Cuqdad weyn ayaa kugu jirta oo aan PM ku kaa daaweyn Karin ee ilaahay ha Ku caafiyo.

 

PS. PM gobol kasta oo Soomaaliya ka mid ah ayuu ka imaan karaa. Waxaa kaliya oo muhiim ah in uu qofkaasi yahay qof aqoon experience I yo karti leh. Qabiilkuu doono ha ahaado. Sheekada Maalayacniga ee 4.5 waa laga baxayaa mar dhow....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well they are entitled to their own opinion and they have the right to tell the President they want a Prime Minister from other regions of Somalia maybe from Marka or Baraawe or from caabuudwaaq or from gedo or from Kismayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am not impressed with the new president so far. Another Sheikh Shariif in making. In his inauguration speech He has not mention what his folks did in 1991 the largest massacre in Somali history. But he felt to mention what happened in Hargaysa back in 1988. I don’t care who he names prime minister but this guy failed his first task.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this