Sign in to follow this  
General Duke

Maxamuud Jaamac Xaamud declares his candidacy for PM of Somalia, [a good man]

Recommended Posts

mushrax-300x240.jpg

 

Engineer Maxamuud Jaamac Xaamud oo xilka Raysal-Wasaaraha Soomaaliya isu soo Sharaxay

 

September 19, 2012 17:51 3 Comments

 

-------------------------------------------------------------------------------

 

Engineer Maxamuud Jaamac Xaamud oo dhalasha ahaan ka soo jeeda Gobolka Sanaag, aadna looga yaqaan bulshada Rayidka ee qurba joogta Soomaaliyeed, gaar ahaan Waqooyiga Maraykanka, ayaa isu soo sharaxay xilka Raysal-Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xilkaas oo Madaxwaynaha Soomaaliya Prof. Xasan Shiikh Maxamuud soo magacaabi doono muddo dhan 30 cisho gudaheeda.

 

Eng. Xaamud wuxu waxbarashadiisa D/ hoose wuxuu ka dhigtay Cadan ee dalka Yamen, dabadeedna wuxuu dugsiyada Dhexe iyo Sare ku dhammaystay labada Dugsi ee qiimaha badan leh ee Dayaxa iyo Shiikh ee Gobolka Waqooyi Galbeed.

 

Tacliintisa sare wuxuu qatay shahaadada Engineernimo ee Jaamacada Cornell oo ka mid ah Jaamacadaha Waqooyiga Maraykan ugu magaca dheer ee loo yaqaano Ivy League.

 

Musharaxa shahadooyinkiisa waxaa u dheer waaya aragnimo uu ka kororsaday wax qabad xilal kala duwan oo la xidhiidha cilmiga Maamulka Mashaariicda (Project Management), Maamulka Arimaha Bulshada (Public Administration), Maamulka Arimaha Caafimaadka uu kaga shaqeeyey kana madax noqday hayaddii Africare inc. USA oo mashaariic farabadan oo ay ka mid yihiin mashaariic Horrumarinta bulshadda ka hirgeliyey goboladda Somalia oo dhan.

 

Waxuu kale uu Eng. Xaamud la soo shaqeyey oo hormoodka ka ahaa Somali Development and Relief Agency (SDRA) oo ahayd hayadii nabadaynta iyo degenaanshaha u horseeday Gobolka Sanaag.

 

Xiligaas wuxuu dhamaytiray mashruuc dib u habayn lagu dayactiray ceelal biyood dhan kob iyo toban ceel. Waxa kale ee uu Sanaag ka hirgeliyey mashariicdii ku saabsan quudinta, caafimaadka iyo tacliinta taasoo soo dhowaysay oo sahashay suurta gelinta nabad waarta ee ka dhacday Gobolkaas Sanaag.

 

Waxaa mashaariicdaas oo kale laga hirgeliyey dhamaan Goboladda Soomaaliyeed sida Shabeelaha Hoose, Gobolada dhexe, iyo weliba Jalalaqsi.

 

Eng. Xaamud wuxuu ka mid yahay odayaasha xubnaha degan Minnesota ee aadka ugu dadaala isu soo dhowaynta iyo iskaashiga bulsdhada Soomaaliyeed

 

Musharaxu isagoo matalaya bulshada qurba joogta Soomaaliyeed, wuxuu ka qayb galay Shirkii London iyo Shirkii Istanbuul oo looga tashanaayey arrimaha Soomaalida sidii nabad looga gudbi lahaa TFG loogana gudbi laahaa Dowlad rasmi ah.

 

Musharaxu wuxuu aad u la socday siyaasada Soomaaliyeed meel kastoo uu joogo, wuxuuna ka qayb qaadanayay hadba meeshii kaga haboon.

 

Eng. Xaamud markii uu arkay:

 

· Isbedelka khayrka leh ee ka soo muuqday hogaanka Dowladda Federalka Soomaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay mudane Prof. Xassan Sheikh Maxamuud.

 

· Hogaanka adag ee Baarlamaanka Professor Maxamed Sheikh Cusman Jawaari kuna sifoobay badbaadiyaha dalka iyo dadka soomaliyeed markii uu si hufan u maamulay doorashooyinkii isxigay.

 

· Markuu arkay in ay Madaxweynaha isku siyaasad ka yihiin qorshaha samatabixinta dalka, ayuu go’aansaday in uu buuxiyo tirada gudoonka sare ee dowladda si loo dardar geliyo barnaamijka uu madaxweynaha u dejiyey samatabixinta dalka iyo in uu barnaamijkaas marna carqalad u noqon isafgaranwaa ka dhexe dhaca madaxda iyo barlamaanka, Si loo helo is afgarad joogto ah oo dhex maraa qaybaha dowladda ku taagantahay. musharaxu wuxuu ku dadaalayaa in barnaamijka madaxwenaya si joogta ah uga wada shaqeeyaan dhamaan maamulka sare isla markaasna wixii laga bedelaayo barnaamijkaas la waafajiyo go’aanka baarlamaanka Dowladda Federalka soomaliyeed uu gaaro.

 

· Musharahu wuxuu diyaar u yahay in howsha dowladda uu u fuliyo si wadaniyadnimo ku dheehan tahay laguna dhameestirayo waqtigii loogu talo galay.

 

Eng. Xamud wuxuu leeyahay 8 caruur. Xaaskiisana waa Caasha Abuukar Qaasim “Caasha Boolo,” oo horay uga soo shaqaysay Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

The Dude's face is very familiar.. Is he from the States? It seems that p/l is pushing forward now for other clans yet remained in p/l.. Seesm little late..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Not sure what you mean 'Puntland is pushing other clans'. The candidacy of this man has nothing to do with Puntland. Perhaps Abdulkadir Hashi might...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

Shinbir - just don't say that out loud while you are there or it'll be 'oo boowe, ina ayahaada iisheeg', an easy disqualification.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You cannot be a Puntlander unless you belong to General dukes clan or Farooles clan or Cade muses clan.

The rest like Xiinfaniin and the guy running to be named PM are part time Puntlanders.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this