Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu. Leaders of Turkey, Sudan, Ethiopia, Kenya others arrive..

Recommended Posts

The ceremony is starting...This is a big day for Somalia. The President of the Federal Republic of Somalia takes office..

President of Sudan, Deputy PM of Turkey, Ethiopian PM,

President of Kenya and others arrive in Mogadishu...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaban Qaabada Xaflada Caleema Saarkaa iyo Xilwareejinta Madaxweynaha Cusub oo ka Socota Muqdisho

Updated About:7 mins ago 0

 

Qaban qaabada xaflada xilwareejinta Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya ayaa ka socota Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Sida masuuliyiinta dowladda Soomaaliya horay usheegeen maanta oo ah 16-Bisha waxaa Magalaada Muqdisho lagu qabanayaa xaflad xilka uu kula wareegayao Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabada xilwareejinta ayaa maanta waxaa kasoo qeybgalaya masuuliyiin kala duwan kuwaasi oo goobjoog u ahaanaya sida ay udhaceyso xilwareejinta.

Masuuliyiin ka tirsan dowladdii KMG aheyd iyo sidoo kale masuuliyiin kala duwan ayaa imaanaya goobta ay ka dhaceyso xaflada xil wareejinta.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay sugayaan ammaanka Magaalada Muqdisho.

Dhawaan Doorasho ka dhacday gudaha Magaalada Muqdisho waxaa Xilka Madaxweynenimo ku guuleystay Xasan Sheikh Maxamuud kaasi hatan ah Madaxweynaha Soomaaliya waxaana Xaflad uu xilkaai kula wareegayo lagu wadaa in maantaba ay ka dhacdo Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafuud caalami ah ayaa saaka ku soo qul quleysa magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyadoo garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ka socota diyaar garow ku aadan soo dhoweynta Wafuuda ka socota Caalamka.

 

Garoonka diyaaradaha ayaa aad loo xardhay, iyadoo ay ku sugan yihiin Gudiyada Baratakoolka ee qaabilsan qaban qaabada xaflada caleema saarak iyo soo dhoweynta Madaxda ka socota caalamka.

 

Mas'uuliyiinta ka socota Caalamka ee ka qeyb galeysa Xaflada caleema saarka ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra'iisul wasaare kuxigeenka Turkiga, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo la saafaalinayo inuu ku jiro wafuuda imaaneysa.

 

Sidoo kale waxaa ka mid ah wafuuda ka qeyb galaysa Wakiilo ka socda Jaamacada Carabta, Midowga Yurub, Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo dalalka Brundi, Sudan, Itoobiya, Kenya, Rwanda.

 

Waxaa kaloo ka mid ah wafuuda ka qeyb galeysa Safiirada Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Talyaaniga iyo dalalka deeq bixiyaasha ah.

 

Diyaar garowga ka muuqata garoonka ayaa ah mid aan caadi aheyn, marka loo eego habka qaban qaabada, waxaana garoonka ku sugan ilaa saddex koox ah kooxda Muusikada Baambeyda oo garaaci doonta astaanta Madaxda dalalka ka socota.

 

Inkastoo ammaanka yahay mid si aad ah loo adkeeyay ayaa hadana waxaa jawiga yahay mid ka duwan sidii hore, wadooyin badan ayaa xiran, meel walbana Ciidan ayaa jooga.

 

Xarunta School Polizio ayaa xaflada caleema saara ay si rasmi uga bilaaban doonta marka ay soo uruuraan wafuuda caalamiga ah ee ka qeyb galeysa munaasabada caleema saarka Madaxweynaha cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho (RBC) War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in raysul wasaraha cusub ee Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku soo fool leeyihiin magaalada Muqdisho iyagoo ka qeybgali doona xaflada caleemasaarka madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga Hailemariam Desalegn waxaa ku jira saraakiil sare oo ka tirsan dawlada Ethiopia iyo xisbiga EPRDF oo hogaamiya wadanka Ethiopia.

Hailemariam Desalegn ayaa ah ninka ay xisbiga EPRDF u magacaabeen inuu la wareego xilkii raysul wasaaranimada Ethiopia ee uu baneeyay kaligii taliye Meles Senawi oo dhowaan geeriyooday.

Xaflada caleemasaarka madaxweynaha Soomaaliya waxaa sidoo kale maanta ka soo qeybgalaya madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Yugandha Yuweri Musefeni.

Sidoo kale waxaa xaflada ka soo qeybgali doona wufuud ka socota wadamada Mareykanka, Ingiriiska, Kenya, Talyaaniga, Norway, Faransiiska, iyo ururada Jaamacada Carabta, Iskaashiga Islaamka, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD.

Xaflada oo loo wareejiyey “Dugsiga Gen Kaahiye”

Dhanka kale sida goordhow saraakiil ka tirsan madaxtooyada ay u sheegeen Raxanreeb waxaa xaflada caleemasaarka oo ay madaxda badan ka qeybgalayaan loo wareejiyey dugsiga Gen Kaahiye ee degmada Xamarjajab oo ku dhow garoonka diyaaradaha, halka markii hore lagu qaban lahaa madaxtooyada.

Saraakiisha waxay sheegeen in xarunta Gen Kaahiye loo doortay u dhowaanshaha garoonka, amaankeeda oo ay sugayaan ciidamada AMISOM iyo tirada badan ee dadka ka soo qeybgalaya xaflada.

Kala soco Raxanreeb.com faahfaahin joogto ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Raysalwasaare kuxigeenka Turkiga Bekir Bozdag ayaa goordhaweyd ka degay magaalada Muqdisho, Wefdigan oo horey loo sii shaaciyey ayaa maanta ka qaybgalaya xafladda lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ee dhawaan lagu doortey magaalada Muqdisho.

 

Waxaa maalintii shalay warbaahinta dalka Turkigu ay shaacisey in Raysalwasaare kuxigeenka Turkiga Bekir Bozdag uu ka qaybgeli doono xafladda Caleema saarka isla markaana kulan la qaadan doono Madaxweyne Maxamuud marka caleemo.

 

Xaflkadda caleema saarka ayaa ka dhici doonta goobta sida weyn amaankeeda loo ilaaliyo ee horey loogu doortey Madaxweynaha J.F.S Mudane Xassan Shiikh Maxamuud, waana halkii la dhihi jirey Iskoolka Booliska.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suudaan:

 

Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan Cumar Xassan al-Bashiir ayaa goor dhaweyd isaguna soo soo degay garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde, waxaana halkaas loogu soo dhaweeyey si diiran iyada oo uu salaan ka qaadey ciidanka Soomaaliya waxaana loo galbiyey goobta caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Jabuuti

 

Waxaa la filayaa in goor dhaw uu ka soo dego garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaana uu ka qaybgeli doonaa xafladda Caleema Saarka Madaxweyne Maxamuud.

 

Amaanka Muqdisho ayaa maanta ahaa mid aad loo adkjeeyey waxaana ka soo qaybgeli doona xafladda Madaxweynaha lagu caleemo saarayo Madax kale oo caalamka ka tirsan iyo kuwa Maamulada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this