Sign in to follow this  
Liibaan

KHatumo People Celebrate President Prof Hassan Sheikh's Election Victory In Taleh,LasAnod,Buhodle...

Recommended Posts

Liibaan   

khaatumo_event_SD1.jpg

 

Jaaliyadda Khaatumo State Ee North Amerika Oo Hambalyo u Diray Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya

 

 

Jaaliyadda Soomaliyeed Khaatumo State ee ku nool North Amerika ayaa hamabalyo iyo bogaadin u soo dirtay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof.Xasan Sh.Maxamuud oo 10 kii Bishaan loo doortay In uu noqado madaxweynaha Soomaaliya.

 

Jaaaliyadada ayaa sidoo kale sheegtay in ay aada ugu faraxsanyihiin in Pro.Xasan Sh.Maxamuud loo doorto Madaxweyna umadda Soomaaliyeed,iyagooan sheegay in uu yahay shaqsi aqoon yahan ah ,islamarkaana dalka gaarsiin karo Horumar,Cadaalada iyo Nabad lagu nasto.

 

Shariifo Xasan oo ka Mid ah Xubnaha Jaaliyadda Soomaliyeed Khaatumo State ee ku nool North Amerika ayaa sheegtay In Soomaaliya hada ay qabatay wadada saxda ah ayna ka rajeyneyso hogaan sare ee dalka in ay isbedel weyn keeni karaan madaama loo doortay shaqsiyaad aqoon leh oo u horseedi karo dalka in uu gaaro hor u mar iyo baqwaaqo.

 

Ugu dambeytii Jaaliyadda ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ugu baaqay in uu soo dhiso ra’iisul wasaare aqoon yahan ah kartina u leh in uu wax ka qabto xaaldda murug ee jirta dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Radio Muqdisho

 

 

Banaanbax lagu taageeraayo Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda oo ka dhacay Buuhoodle “DAAWO SAWIRRADA”

 

http://radiomuqdisho.net/banaanbax-lagu-taageeraayo-madaxweynaha-cusub-ee-jamhuuriyadda-oo-ka-dhacay-buuhoodle-daawo-sawirrada/

 

 

Banaanbaxan oo lagu taageeraayo madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada faderaalka ee soomaaliya Mudane Hassan Sheekh Maxamuud.

 

Banaanbaxan oo shacabka soomaaliyeed ee Buuhoodle iskugu baxeen fagaarayaasha waaweyn ee gudaha magaalada Buuhoodle, Yadoo ay halkaasi qudbado kasoo jeediyeen ugu horeyn Cuqaasha gobolka Sool,Madaxda Maamulka Khaatumo State,Ururada Haweenka , Dhalinyarada iyoc Dhamaan Qaybaha bulshada

 

Waxaa halkaasi ugu qudbado kasoo jeediyey madax katirsan mamaulka khaatumo iyo madaxda dhaqanka deegaanka waxana kamid ahaa Caaqil Maxamuud Nuux maxamed ”Sanweyne”, Caaqil Aadan Cali Axder iyo Cuqaasha kale

 

“Mudane madaxweyne waa in aad dalka , dadka iyo diintaba ku dhaqdaa sinaan iyo cadaalad “.ayuu yiri nabadoon sanweyne oo banaabax shacabka kala hadlayey

 

Dhanka kale waxaa halkaa ka qudbado aad u qimo badan kasoo jeediyey, madaxda kala duwan ee maamulka Khaatumo State, Oo uu ugu horeyo Wasiirka Waraarada Arimaha Gudaha Yaasiin Axmed Sulub iyo gudoomiyaha degmada Buuhoodle ee Gobolka Sool Cabdicasiis Ducaale Qanbi, Sidoo kale Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha ,Maxamuud Sheekh Cumar.

 

Banaanbaxa ayaa kusoo gebageboobay jawi farxadeed waxaana Banaabaxan uu imaanayaa xili ay guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed dhigeen banaanbaxyo ay ku taageerayaan Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud.

 

248526_501983236480019_1370334712_n.jpg

404090_501983299813346_158265278_n.jpg

487533_523787890969044_1672439089_n.jpg

552092_501983383146671_1738721091_n.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Shacabka KHaatumo oo Siwayn u Taageeray Madaxwaynaha Cusub ee Somalia( Daawo Full Video)

 

Damaashaad balaaran ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Buuhoodle, kaasi oo reer Buuhoodle ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsanyihiin madaxweynaha cusub ee Xasan Sh. Maxamuud.

 

Isu soo baxa oo ay ka qayb qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa ka hadlay indheer garad isugu jira rag iyo dumar, waxayna aad u soo dhaweeyeen guusha madaxweynaha cusub.

 

Ciyaaraha hidaha iyo dhaqan ayay barbaartu isu jiibinaysay halka haweenkuna ay mashraxad iyo Alalaas ay ku xardhayeen. Sawirada madaxweynaha iyo calanka Soomaaliyeed ayaa la warfinayay, waxayna dadku ku qaylinayeen Soomaali waa Guul iyo erayooyink kale oo badan oo qaarna lagu amaanayo madaxweynaha qaarna ay xambaarsanaayeen wadaniyad iyo dal jacayl.

 

KismaayoNews.com

 

 

Banaanbaxa-Buuhoodle1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

A_Khadar;869087 wrote:

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

Shacabka Magaalada Laas Caanood oo Taageeray Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this