Sign in to follow this  
malistar2012

Cabdi Qaybdiid oo sheegay inuu uga digaayo Faroole in uu Caqabad ku noqdo Hanaanka Nabadeynta Soomaa

Recommended Posts

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa maanta Shir jaraaaid ku Qabtay Magaalada Muqdisho, wuxuuna ka hadlay Arrimo dhowr ah sida Arrimaha Burcad badeeda, Al-Shabaab la dagaalankooda iyo hadal Xalay ka soo yeeray Madaxwaynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.

 

Md. Cabdi Qaybdiid waxa uu si kulul ugu horeyntii uga hadlay hadalkii ka soo baxay Faroole ee ahaa in hadii Madaxwayne uu noqdo cid aan ahayn cida ay taageerayaan ay qaadan doonaan tilaabo uu qorayo Dastuurka maamulkaasi sida uu yiri oo uu ula jeeday inay ka goosan doonaan Soomaaliya inteeda kale .

 

Qaybdiid ayaa waxaa uu intaa ku daray in uu uga digayo Faroole in uu Caqabad ku noqdo Hanaanka Nabadeynta Soomaaliya iyo dowlada la soo dhisayo uu joojiyo hadalada xiisadaha abuuri kara ee kala fogayn kara shacabka Soomaaliyeed.

 

Dhanka kale Madaxwayne Cabdi Qaybdiid ayaa mar uu ka hadlayay dhinaca Burcad badeeda ku xoogan deegaanada uu Maamulkaasi ka arimiyo ayuu sheegay in maamulkiisu uu la dagaalamayo Burcad badeeda uuna ka cirib tirayo Deegaanada uu gacanta ku hayo in kastoo uusan meesha ka saarin in laga gacan siiyo la dagaalankooda.

 

Maxamuud Axmed Xasan

Web Updating, Somaliweyn Website

xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com

www.somaliweyn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faroole ee ahaa in hadii Madaxwayne uu noqdo cid aan ahayn cida ay taageerayaan ay qaadan doonaan tilaabo uu qorayo Dastuurka maamulkaasi sida uu yiri oo uu ula jeeday inay ka goosan doonaan Soomaaliya inteeda kale .

what is he gonna break with water whales

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Looooooooooooooooooooooool@ Aaway wiilashii Puntland oo lahaa Qaybdiid baan rabnaa oo waa nin fiican, bal maanta Duke iyo Somalia siday u arkaan?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this