Sign in to follow this  
Nur

Iman and Sharia ( in Somali for Conquest)

Recommended Posts

Nur   

Dear Conquest

 

This is the most elaborate effort I have undertaken to write a book, after fifteen pages, I got dizzy and decided to post it instead of dying before anyone had a chance to see it. Let me know what you think.

 

 

The unfinished Book

 

Iman and Sharia

 

Xiriirka ka dhexeeya Caqiidada Islaamka iyo isku Xukumidda Sharciga Allah

 

 

Waa Dood Furan

 

 

Alxamdulilah,

 

 

kaligiis baan u mahad celineynaa, asagoo quran ayaa kaalmeysaneynaa, asaga ayaan dambi dhaaf warsaneynaa, waxaan ka magan geleynaa Allah SWT xumaha aan sameyno, iyo sharta nafteenna, Qofkuu Allah SWT hadeeyo, qof lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyaana, qof hanuunin karaa ma jiro, waxaan markhaati ka ahay inuusan jirin ilaah loo hoggaansamo oo la jeclaado oo la magan galo oo hiillo gala oon Allah ahayn.

 

Waxaan kaloon markhaati ka ahay in Muxammad SCWS uu yahay kuu noo soo direy nooguna soo dhiibey hanuun iyo ku deysasho habka nolosha iyo habka loo guto addoonnimada Allah SWT aan addoomo ugu nahay. Waxaan kaloon markhaati ka ahay inuusan jirin qof nafci iyo dhib noo haya oon Allah SWT aheyn, waxaan ku sallinayaa kii wax uu Allah SWT uumay ugu khair badnaa , Muxamaddan Rasulluh wa cabduh wa calaa aalihii al tayibiin al tahiriin wa saxbihi al gharr al mayaamiin. Iyo kuwii ku raacay wanaag ilaa maalinka qiyaame, aamiin

 

Allah wuxuu na leeyahay:

 

( Kuwii Allah rumeeyayoow, Allah iska Jira, iskana dhowra Ciqaabtiisa hana dhimanina idinkoon Muslim aheyn)(Kuwii Allah SWT rumeeyayoow, Allah SWT iska jira, hadal qurxan oo fiicanna ku hadla, (Allah SWT) wuu idiin hagaajin waxaad qabataan, wuuna idiin cafin dunuubtiinna, qofkii Allah iyo Rasuulkiisa addeecana , qofkaasi, wuxuu guuleystay guul weyn)(Kuwii Allah aaminayoow, iska jira Rabbigiinna idinka uumay naf qura, naftaasna ka uumay xaaskeedii, labadaas nafna ka dhaliyey rag iyo haween badan, Iskana jira Allah , kaad dartiis isku heybsataan dartiisna aad xidid ku noqotaan , SWT wuxuu ahaa mid mar walba idinka warhaya)

 

Dabadeed Hadal waxaa ugu run badan Kitaabka Allah SWT, Hanuun la raacana waxaa ugu khair badan hanuunkii Muxammad SCWS, dhacdooyinka waxaa ugu shar badan kuwa aan horey loo oqoon oo diinta laguu soo daro, dhacdo walba oo laguu soo daro diinta, waa abaabul cusub oo diineed, abaabul walba oo diineed oo cusubna waa ka leexasho dariiqa toosan, ka leexasho walba oo laga leexdo dariiqa toosanna wexey dadka ku riddaa naarta.

 

Allah wuxuu ku leeyahay suuratul (Al maidah 14 – 16)

 

" Qaar ka mid ah kuwii yiri waxaan nahay kirishtaan, waxaannu kula heshiinnay ballantoodii, markaas bey ilaaween qayb ka mid ah wixii la xasuusiyey ( oo lagula ballamay), markaas baan isku dirney ( dhax dhigney muran badan iyo isneceyb) ilaa maalinka qiyaamaha, Allhana wuu u sheegi doonaa wexey ku kala tageen" Ahul kitaaboow waxaa idiin yimid rasuulkeenna oo idinn caddeeynaya wax badan o ka mid ah kitaabka ood qarin jirteen, (dambi badanna idin ka cafinaya) . Dhinaca Allah waxaa idinka soo gaaray nuur iyo kitaab wax kala saara. Oo uu Allah ku hanuuniyo qofkii raaca wuxuu raalli ka yahay waddooyinka lagu nabad galo, idinkiisana uga saara mugdiyaasha una saara iftiinka, kuna hanuuniya waddada toosan"

 

Sidaa darteed, qofkii nuurkaas naloo soo dajiyey raaca wuxuu la mid yahay qof heysta iftiin Allah SWT ka yimid agtiisa qofkii diidana ama ka weecda nuurkaas wuxuu la mid yahay qof mugdi ku jira.

 

Waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa arrin la isku waafaqsan yahay, taasoo ah in ka ******ada laga fakanayo naarta maalinka qiyaame ay ku xaqiiqoobeyso in lala yimaaddo isdhiibid (islaam) muuqata iyo isdhiibidda qalbiga ee laabta ku qarsoon,

 

Labadaas shardi oo keensanayaa in loo hoggaansamo Allah SWT ka saremaray nuqsaan, lana adeeco rasuulkiisa loo soo direy naxariista caalamiinta darteed oo ku oogaya xujo khalqiga in Allah SWT uu u digay una bishaareeyay khalqigiisa.

 

Guusha aakhiro, Allah SWT wuxuu kuu xiray Islaannimada qalbiga iyo tan muuqata markuu yiri ( Qofkii doorbida waxaan Islaam aheyn inuu dahaqan ka dhigto (diin), laga aqbali maayo, aakhirana wuxuu ka mid noqonayaa kuwa khasaarey) Suuratul Al cimraan

 

Rasuulka Allah SWT SCWS aayaddaas wuxuu ku sugay markuu xaduuthkan, ( Naf aan muslim aheyn jannada ma gasho) waxaa wariyey Axmed, dabaraani, bazzaaz, Imaam Bukhaari wuxuu wariyey (Jannada ma galo qofaan mumin aheyn)

 

Nabad galka dunidana wuxuu ku xirantahay Islaannimada muuqata, maxaa yeelay dhowridda dhiigga iyo maalka wexey ku xiran yihiin Isudhiibidda la isu dhiibo Allah SWT (Islaam) oo muuqata, iyo xaqa islaamka uu ku yeesho labadaas, ha noqoto naf loo dilo naf darteed, ama xaqa Allah oo maalka laga bixiyo. Waxaa marka laazim noqotay in qof walboo raba inuu Allah raalli ka noqdo inuu ku dadaalo siduu u xaqiijin lahaa inuu ku sugan yahay milladii nabi Muxammad SCWS.

 

Waxaa kaloo ognahay in Islaannimada qofka ayan sugnaan karin haduusan ku dhex nooleyn Muslimiin ay isla oogaan Shacaairta sida : (Salaat, Soon etc) iyo Shareecada oo ah Axkaamta kala saarta dadka markey is khilaafaan iyo tan sugta xuquuqda Allah addoontiisa uu ku leeyahay, Taasna waxaa daliil u ah Sunnada nabigeenna SCWS uu noo sunneyay hijradiisii uu ka haajirey Maka, oo uu u haajirey Madina si uu u oogo Hab nololeed oo ku dhisan addoonnimada ALLAH.

 

 

Arrinta Xukunka iyo Shareecada dajinteeda waa arrimaha ugu muhimsan, aasaaskana u ah mujtamac muslim ah istaagiddiisa.

 

Arrintaani wa mid laga maarmaan u ah jiriddah Mujtamac Muslim ah oo taladiisoo dhan ay ku saleysan tahay addoonnimada Allah SWT. Addoonnimadana waa masalo u gaar ah Allah SWT oo qura, sidaas darteed, ku gaar yeeliddaa Allah SWT in asaga oo qura laga qaato sharciga waa ku gaaryeelid lagu gaaryeelay addoonnimo iyo hoggaansanaan.

 

Ku xukumka shareecadaha waxaa ka dhasha xuquuq iyo waajibaad ay addoontu ayaga isku leeyihiin, iyo mid uu Allah SWT addoontiisa ku leeyahay. Waxaa kaloo ka dhasha xarigga isbaheysiga isku xira muminiinta iyo kan baraa�da laga barii noqonaayo cadowga Allah SWT. Kuwaasoo ah tiirarka ay ku qottonto caqiidada Islaamka.

 

Marka maa daama ay qadiyadaan tahay, qadiyad sidaas u muhim ah, Allah SWT wuxuu arrintaan ka qaaday shaaca, wuxuna ku caddeyay kitaabkiisa iyo afka rasuulkiisa SCWS, Allah SWT wuxuu cadeeyay caddeyn aan khilaaf keeni karin. Haseyeeshee maa daama uu khilaafku yahay sunanka basharka ay ku sifoobeen, taasoo si aad ah uga dhex dacday xataa salafkii saalixiinta ah ee ummadda Nabi Muxammad SCWS, ( Alshuuraa 14) Ibnu Katheer wuxuu ku fasiray aayaddaan (Dadku khilaafka ay khilaafeen xaqa markuu soo gaaray ka dib oo xujjada lagu oogay waxaa ku xambaaray madax adeyg, canaad, iyo garab mar la garab marayo xaqa ( Mushaaqa) taasna waxaa u daliil ah Allah SWT qowlkiisa " Mana kala tagin illa markey soo gaadhay ( Al Bayina) Xaqii" Suuratul ( Al Bayyina 4)

 

Ibnu Katheer wuxuu ku fasirey aayaddaas (waxaa loola jeedaa Kutubada lagu soo dajiyey ummadahii naga horreeyey kadib markuu Allah ku dul oogay xujooyinkiisa cadcad ayey kala tafarruqeen ooy is ikhtilaafeen kana leexdeen muraadkii Allah ka lahaa kutubta loo soo dajiyey.

 

Allah asagoo ummaddan uga digaya wuxuu yiri ( Al Baqara 253) Abu Hureira RAC wuxuu ka soo wariyey Rasuulka SCWS (Waxaan idinka reebay ka hara, waxaan idin amray inaad la imaataanna, kala imaada intaad awooddaan, maxaa yeelay kuwii idinka horreeyay waxey ku halaagsameen su�al badnida iyo anbiyadaooda ooy khilaafeen) Muslim, BukhaariWaxaa kaloo laga so wariyey Rasuulka SCWS , labada saxiix, uu soo wariyey Abuu saciid Al khudri ( Waxaad ku daysan doontaan kuwii idinka horreeyay, (raaci doontaan sunanka kuwii idinka horreeyay) ,............ Xataa haddey galaan god maanso lugaaley, waad ka daba gali doontaan. Wexey dheheen , Rasuulkii Allow, ma waxaad ula jeeddaa Yuhuudda iyo Nasaarada? Wuxuu ku jawaabay, yaa kale? Marka maa daama uu Rasuulku arrintaas uu sheegay, waxaa xaq ah iney dhici doonto, maxaa yeelay Rasuulkeenna kuma hadlo Ahwaada basharka oo kale, Allah wuxuu ku yiri " Kuma hadlo waxa naftiisa doonto " (Suuratul Najm 3) .

 

Sidaa darteed, sida ay Yuhuuddu isu khilaaftay ayey ummaddaanna isu khilaaftay, Ummaddan wexey is khilaafeen kadib markii bayyinaddii xaqa aheyd ay soo gaartay, (baghyan baynahum) xadgudub dhexdooda ah dartiis, isumana khilaafin cilmi yari darteed. Waxaana sabab u ahaa ahwaa iyo shahawaadka ay umadahaii hore raceen oy ku lumeen ( Kuwa raaca shahawaadka wexey rabaan inaad leexataan leexasho weyn (ood ka leexataan dariiqa xaqa ah))

 

 

Rasuulkeenna wuxuu noo sheegay iney ummaddaan kuwa fakanaaya iney yihiin kuwa ku sugan wuxuu Nabigeenna SCWS iyo asxaabtiisa ay ku sugnaayeen.

 

Sidaa darteed hadduu khilaaf dhex maro Muslimiinta, oo qaar yidhaahdaan waxaan waa bannaanyihiin , qaarna yidhaahdaan ma bannaana, Allah wuxuu na faray inaan u laabanno Allah iyo Rasuulkiisa garsoor ahaan. U laabashada Allahna waxaa loola jeedaa, u laabasho kitaabkiisa, U laabashada rasuulkana waxaa loola jeedaa u laabashada Sunnadiisa iyo hadyigiisii uu ku noolaa iyo ka qiyaas qaadasho labadaas masdar haddaan aragno mushkilad aan horey u dhicin samankii waxyiga iyo Rasuulka SCWS.

 

U laabashada Kitaabka Allah waxaa ugu horreysa in loo laabto Towxiidka oo wixii khilaafa ay baadil yihiin, taasoo uu nabi Ibraahin Caleyhi Salaam ereygiisii ( waxaan ka nahay Barii, idinka iyo waxaad u hoggaansantihiin oon Allah aheyn , waannu idinku kufrinay, waxaana dhexdeenna ka muuqday colaad iyo is neceyb ilaa aad Allah oo qudha aad rumeysaan ood raacdaan) Kalimaddas baraa'ada ahna Allah wuxuu ka yeelay kalimadda Towxiidka ee mar walba ooy dadka lumaan la faray iney u laabtaan si ay u saxaan caqiidadooda ( Wuxuuna Ka yeelay kalimad waarta (nabi Ibraahim) gadaashiis, si ay (dadku) ugu laabtaan (markey habaabaan) U laabashada Rasuulkana macneheedu waa in Hadduu nabigeenni SCWS dhintay aan ku sugnaanno sunnadiisi carfooneyd oon ku noolaano wuxuu nooga tagay kuna dhimanno milladdiisa. ( Muxamadna ma aheyn qof dhaafsan rasuul hortiis ay le’deen rusul hore, hadaba, hadduu dhinto ama la dilo, ma dib baad uga laabaneysaan (diintiinnii)? , qofkii dib uga laabta (diintiisana) Allah dhibaato uma keeni karo Allhana wuu abaal marin kuwa u mahad celiya) Al cimraan Haddii marka labo qolo iskuqabato arrin , qolo qoloda kale ka xaq leh ma jirto illaa daliil sharci ah oo ku tiirsan labada asal een soo sheegnay ay ku tiirsadaan. Lamana eegayo da’weynaan , cilmi badnaan iwm .

 

Laakiin waxaa la eegayaa daliilkiisa oo qura. Maxaa yeelay Allah qofkuu rabo inuu murtida waafajiyo asaga ayaa doorta, (yutil xikmata man yashaa), kumana xirna da’ weynida, siduu u yiri SWT ( Waxaannu fahamsiinnay Suleimaan ) asagoo taladaas ay ku adkaatay Daauud oo ahaa Nabi Allah.

 

Sidaasoo kale Cumar Ibnu Khattab Allah wuxuu waafjiyey talada toosan oo uu ku keliyeystay markii ay asaga iyo asaxaabta qaarkood ka doodeen wexey ku sameyn lahaayeen gaaladii lagusoo qabtay dagaalka.

 

Cilmi badnidana ayadana daliil ma gasho , maxaa yeelay qofka cilmiga badan hadduu lumo, haddaanan addillada sharciga ah loo wada noqon, dad badan buu luminkaraa, Allah wuxuu noo sheegay ninkii qowmkii Muuse CS oo Allah cilmiga baray hase yeeshee nolosha adduunka ka jecleystay tan aakhiro markaas lumay, dadna lumiyey, Allah ninkaas iyo culimada ka jecleysta nolosha adduunka tan aakhiro wuxuu ku mataalay sida Eyda afka kala heysa xaalo walba ha ku sugnaadaanee.

 

Rasuulkeennana waxaa laga soo wariyey in uu yiri in aakhiro kuwa ugu cadaab weyn ay ka mid yihiin Caalim xumaaday. Wuxuuna Rasuulkeenna nooga digay xadiith kale Ducaatun calaa abwaabi Jahannam, Culimo taagan albaabyada jahannam oo dadka ugu yeera wax khilaafsan wuxuu Allah ka rabay.

 

Marka takliifka u noqoshada Allah iyo raadka rasuulka da’weynaan ama cilmi badnaan in daliil laga dhigto kagama dheceyso cidna, bal masuuliyadda in labada asal la raaco weyba ku sii korortaa kuwaas cilmiga badan ama da’da weyn.

 

Markii la doodayo, waxaa sharafta Islaamka ka mid ah inuu qof walba isku dheeho aadaabta gaarsiineysa muraadka Allah naga lahaa, waana inuu ka fogaada iney naftiisa kala weynaato xaqa, ama in uusan xaqa hadduu u caddado uusan ka iilan dariiqa uu u marayo xaq doonidda, waana innusan ka leexan macnaha laga hadlayo.

 

Intaas waa iga afeef, maxaa yeelay waxaan ogahay in arrinta na hor taal ay tahay mid murankeeda batay, aanan jecleystay in aan Allah uga hortago anigoo isku dayey in xaq dahsoon aan soo bandhigay si uu raalli Allah iiga noqdo.

 

Ku sugnaashada Dariiqa loo maraayo in xaqa la gaaro wexey ku saleysan tahay inaan talada Allah iyo tan rasuulka aan laga hormarinin talo kale “ Kuwii Allah aaminayow, ha ka (talo) hormarina Allah iyo rasuulkiisa” (Al Xujuraat, 1).

 

Kitaabka Iclaamul Muwaqiciin, Ibnu Qayim wuxuu ku fasirey baabka in nalaga reebay in Allah iyo Rasuulkiisa aan talo laga hormarinin. (Ha dhihina (erey) ilaa uu dhaho, hana amrina ilaa uu asaga wax amro, fatwana ha dhiibinna ilaa uu isaga fatwo dhiibo, talana ha goynina ilaa isaga gooyo) Waxaana intaas dheer inuu Allah yiri (Kuwii Allah aaminayow, codkiinna ha ka kor marinina codka Nabiga, si ayan acmaashiinna (oo dhan) u khasaarin) Ibnu Taymia

 

Kitaabkiisa Al Saarimul Masluul, wuxuu ku sheegay in macnaha kalimaddah TAXBADA ay tahay camalkoo dhan oo gubta, taasooy sabab u tahay in la sahladay qaddarka iyo maqaamka rasuulka SCWS uu naga mudan yahay ay keeni karto gaalnimo.……. fiiri Sarimul masluul"

 

Haddii marka codka kor loogu qaado Rasuulka SAWS marka loo yeerayo ay keensan karto in lagu gaaloobo ( Ixbaadul camal) ayadoon la dareynsaneyn, sida aayaddu tilmaameyso, marka ka warran haddii siyaasado, amaa sharciyaal, uu qof ama xeyn keensatay oo ka soo horjeeda sharcigii nabi Muxammad SAWS la xalaaleysto, ama laga aamuso qaladkaas, oo aan la inkirin?. Maxaa lagu sugnaan karaa? Allah wuxuu leeyahay (Muminiintu waa kuwa aaminay Allah iyo rasuulkiisa oon ku dhaqaaqin talo ay isku raaceen ayagoon ka idin qaadan rasuulka).

 

Idin qaadashada waxaa lool jeedaa in Sunnadiisa la raaco, sharcigiisana la howlgaliyo oon la boqno jarin.

 

Haddii marka intuu Nabigeenna uu noolaa sifada iimaanka uu Allah ku fasirey iney tahay in laga idin qaato rasuulka SCWS, waxaa si gaar ah laazim noogu noqoneysa manta inaan u laabanno wuxuu Nabigeenna intuu noolaa uu raali ka ahaa oon ku deysanno.

 

Haddaan u laaban weyno, taladiisa oo ka sugnaatay hanuunkiisa, waxaan u bandhigeynaa in acmaasheenna oo dhan ay ixbaad ku dhaco( la baabi'iyo) taasoo ah daliil in haddan hagranno qaddarka rasuulkeenna, iney keeneyso inaan milladii nabi Muxammad SCWS aan ka baxno annagoon dareemeyn, saa qof gaalnimo u qasda ma jiree. Allah ayaan ka nabad galnay gaalnimo.

 

Taas waxaa dheer in Khairku uu khair dadku ku hadeeyo , siduu Allah u yiri ( Kuwii ii soo halgamay , waxaan ku hadeeyaa dariiqeyga) Caasinimadana wexey dadka u geysaa caasinimo kale, (Sababta uu sheidaanka u simbiriirixiyey wexey eheyd denbi ay galeen datriis), ogow aayaddaas wexy ku soo dagtay saxaabo ku jirey jihaad oo amarkii rasuulka ka jecleystay iney helaan hanti yar oo la qaybsanayay, taasoo u keenaty in cadowga uu ku xoogeysto.

 

Marka manta ka warrama xaalka lagu sugan yahay?

 

Marka haddii hal amar dhibkaas saxaabada uu u keenay, maxaad mooddaa sharcigii Allah oo dhan oo la tuuray? Raacidda shareecada waa muujin in loo hooggaansan yahay addoonnimada Allah oo qura.

 

Allah SWT wuxuu yidhi “ Wexey ka yeesheen baadariyaashooda iyo Xaakhaamadkooda, Rabbiyaal aan Allah aheyn “ Saaxaabigii la oran jirey Cadi Ibn Xaatim oo ahaan jirey kirishtaan ayaa yidhi Rasuulkii Allow ma aannaan caabudi jirin baadariyaasheenna.

 

Rasuulka Allah SAWS ayaa wuxuu warsaday Cadi “ Xalaasha ma idiin xalaaleyn jireen, Cadi wuxu yidhi haa, Ma idinka xaaraameyn jireen wax xalaal ah” wuxuu yidhi haa? Rasuulka Allah wuxuu ku yidhi Cadi, Sidaas ayaad ku caabuddeen”

 

Marka maa daama ay dadkii isaga qaldameen arrimihii, waxaa loo baahday in loo toosiyo caqiidadoodii, si ay ugu sugnaadaan ulajeeddada Allah SWT In Ula jeeddada Allah iyo rasuulkiisa in loo fahmo siduu ula jeeday Allah waxaa lagu gaadhaa siduu ku sheegay Ibnul Qayim kitaabkiisa iclaamul Muwaqiciin ( Muftigu ama xaakimku ma haleeli karaan fatwada iyo xukmiga xaqa ah haddeysan laheyn labo nooc oo garasho ah:

 

A. Nooca Koobaad : Waa inuu qofka wax fataweynaya uu Daliilka Sharciga ah ee waxa la xukminaayo inuu si fiican u yaqaan.

 

B. Nooca Labaad : Waa inuu qofka wax fatweynaya uu fahamsan yahay waaqica manta jira, oo uu waqtigiisa la nool yahay, maxaa yeelay oqoonta waxa maanta dhacaya waa cilmi iskiis u taagan oo u baahan barasho, iyo xeelad., oo uu markaas kala soo bixi karo (qaraa’in) iyo tilmaamoyin caddaynaya xaqiiqada la xukminaayo.

 

Mataal ahaan, qofkii yaqaanna Daliilka sharciga ah ee taxriimka ribada, laakiin aan oqoon Bunuugta addunnka sidey u shaqeyso, ama aan aheyn (Ecomomist, CFA, Certified Financial Analyst iwm.) qofkaas ma xukumi karo waaqica Ribada ee jira maxaa yeelay waxaa ka maqan Daliilka Sharciga ah meeshuu ku oogmi lahaa xukunkaas .

 

Sidaasoo kale, qofkii tijaarada si fiican u yaqaanna, laakin aan cilmiga sharciga ah taxsiilinin, talo ka ma dhiiban karo taxriimka Ribada.

 

Waxaa marka waajib sharci ah noqotay, in mar walba oo mowduuc la niqaashayo inuu qofka muslimka ah hadduusan cilmi u leheyn Daliilka ama meeshuu daliilkaas ku fulaayo inuusan rayigiisa wax ku xukumin, maxaa yeelay Allah wuu xarrimay arrintaas wuxuuna yiri. (Walaa taqfu maa leysa laka bihi cilm) Suuratul Israa�

 

 

Sheikhul Islaam, Ibnu Taymiya, risaaladiisa la yiraah (Xukunka qofkii baddala sharciyaasha Islaamka), Risaaladaas muqaddimadeeda waxaa ku qoran in Fatwadu ay ku dhisnaato labo asal oo waaweyn.:

 

1. Oqoon la yaqaan xukunka sharciga ah 2. In la xaqiijiyo oo la sugo meeshuu xukunkaas sharciga ah uu ku fulaayoo, ha ahaato:

 

a. Nass ( Qoraal, Quraan ama Xadiith Saxiix ah)

 

b. Dalaalah ( Wuxuu nassku tilmaamayo)

 

c. Tabiciyah ( Wuxuu keensanaayo, ka tagiddiisa ama raaciddiisa ( IMPACT) )

 

KU XUKUMIDDA SHARCI UUSAN ALLAH SOO DAJIN.

 

Allah SWT oo abuuray banii aadmiga, wuxuu ogaa meeshay ay ku dambeyn doonto arrin walba.

 

Allah SWT wuxuu usoo saaray umaddaan iney hagajiso wixii ummadihii hore ay qaldeen, markey ka tageen iney isku xukumaan Shareecada Allah ee Injiilka ku jirtay iyo towraadka. Allah SWT wuxuu ku leeyahay suuratul Maidah ” Ku xukun dhexdooda wuxuu Allah soo dejiyey, hana raacin hawadooda, iskana jir iney kaa indhosaabaan wuxuu Allah soo dejiyey qaarkood, haddey diidaan, ogow inuu Allah la damacsan yahay inuu ku waxyeelleeyo danbiyaasha ay galeen qaarkood, dhab ahaanna, dadka badankood waa kuwo xargogoostay” Maidah, 49.

 

Waxaa aayaddaas ka muuqata in rasuulka looga digay in dadka ayagoo raacaya hawadooda ayan rasuulka indhosaabin oo ayan ka leexin xukmigii Allah qaarkiis. maxaa yeelay haddey ku guuleystaan iney Rasuulka ka hoos bixiyaan talada Allah, musiibooyin weyn baa Allah ku soo dejiyaa kuwaa diida iney raacaan sharcigiisa.

 

Digniinta Allah uu u digay rasuulkiisa oo aheyd inuusan dadka hawadooda raacin looguma ekaan, ee Allah nabigiisa waa sugay si diintaan ay u faafto “ Haddaannaan ku sugi leheyna, waxaad u liici leheyd dhinacooda wax yar” , Waxaa kaloo la faray inuu yidhaado " Ku dheh, qof Allah iga dhicin kartaa ma jiro, mana heli karo qofaan asga aheyn oo ilaalin kara " Suuratul Jin. Intaas looga ma harin, isla suuraddas Allah wuxuu sheegay in amaanada rasuulka SCWS loo soo dheebay oo aheyd Quraanka laga soo hormariyey malaa'ig, lana daba dhigay malaa'ig si loo koobo, loona ilaaliyo wuxuu Allah soo dajiyey.

 

Sidaa darrteed, Rasuulkeenna SAWS waa noo dardaarmay inaan raacno Quraanka iyo raadikiisa. Maxaa yeelay, raadkiisa iyo sunnadiisa carfoon waa kuwo Allah uu si adag kala dardaarmay rasuulkiisa, iyo inta raadkiisa dooneysa iney qaaddo.

 

Hadaba Allah sharcigiisana in la raaco ma aha arrin dadku ay xor u yihiin iney qaataan iyo iney diidaan. sababtoo ah, raacidda sharciga Allah SWT oo ah amarkiisa, wexey daliil u tahay in khabarka Allah oo uu nooga warramay aakhiro iyo abaal marinteeda aan dhab u rumeynay.

 

Laakin haddan diidno, waxaa muuqata in aan Allah qaddarkuu naga joogay aan sahlannay. Waxaana caqligu tilmaamayaa in qofkii khabarka aakhiro beeniya, inuusan amarka Allah u hoggaansamin. Taas waxaa u daliil ah Suuratul Qiyaamah 31, 32 ( mana rumeynin (khabarka), mana tukanin (Amarka), laakin waa beeniyay ( Khabarka) waana ka jeestay (Amarka)"

 

Cilaaqaada ka dhexeysa Xukunka Allah iyo Towxiidka.

 

Islaamka wuxuu uu kala baxaa asal iyo furuuc, Asalka Islaamka waa oqoonshaha la yaqaan Allah SWT, Cazza wa Jallah SWT, oo dhab ah oo dhaliya in la jeclaado, laga baqo, loo baxsado, la gaashaanbuureysto, loona hoggaansamo. ASAGOO QURA OON LALA WADAAJIN ADDOONNIMADA IYO DABA KACA QOF KALE.

 

Asalakaas Anbiyada Allah SWT oo dhan isaga mid bey ahaayeen, ASALKAAN WAA KAN ISLAANNIMADA AY KU XAQIIQOWDO, QOF LOOGA CUDURDAARANA OO MUKALLAF AHNA MA JIRO.

 

Furuucda Islaamka, waa fasiraaddii asalka hore oo dhaqan galinaayey asalaka weyn ee towxiidka aan kor ku soo sheegnay, kaasna wuxuu ka koobmaa arkaanta Isaamka oo dhan iyo Suunnada Rasuulka SCWS.

 

Qoraalkaan waxaan uga hadli doontaa Asalka hore ee ah Towxiidka iyo raadkuu ku reebayo nolosheena. Kadib waxaan muujineynaa sida Sharciga Allah iyo Nolosheenna oo ayadana Allah sameeyay ay isu leeyihiin, oo haddii lagu maamulo uunka Allah sharci aan sharcigiisa aheyn, in uunkiisa ay khasaarayaan.

 

Asalaka Islaamka waa Towxiidka oo ka koobma wax la xaqiijinayo iyo wax la inkiraayo, labadaasna waa laazim inuu qofku la yimaaddo si uu Muslim u noqdo.

 

Waa in uu xaqiijiyaa inusan jirin Ilaah aan Allah SWT aheyn, asagoo u fahamsan ilaah, kan nafttisa ay ugu jeceshahay, cabsidiisana ugu weyn tahay.

 

Taasna wexey ka koobantaa: Inuu qiro oo uu sugo inuusan jirin Rabbi ( mid naftiisa awood ku leh, daacadda dhabta ahna ku leh), oon Allah SWT aheyn, waa inuu ilaahaas u sugaa wax walba oo kamaal iyo saremarid ah oo uu Allah SWT isku sheegay, waana inuu ka barii noqdo wax walba oo Allah SWT addoonnimadiisa ku xadgudbay, oo ku raallii noqon waayey iney Allah SWT addoomo u noqdaan.

 

Sheitaankana waligiis wuxuu ahaa mid ka weeciya dadka Towxiidka Allah SWT, inkastoo uu mar walba tabtiisa baddali jirey. Marka uu sheitaanku la tab shirki ah uu la yimaado, Allah SWT ayaa soo saari jirey Nabi caddeeya shirkigaas, dabadeedna, Sheitaanku wuxuu keeni jirey tab kale oo cusub oon la oqoon oo shirki ah, ilaa Rabbigeenna uu soo saaray Nabi Muxammad SCWS kaasoo Allah SWT noogusoo dhiibay Kitaaabkii ugu dambeeyay oo laga helayo xukmiga dhaxdeenna, iyo khabarka umadihii naga horreeyay si aan darsi uga qaadannoo inaan wexey ku dheceen oo gaalnimo ah aanan ku dhicin, tasoo ah naxariis weyn oo ummaddaan loo galay.

 

Sheidaanku Fitnadii ugu horreysay oo gaalnimo looga baxo diinta wuxuu dhax keenay Ummaddanna samankii Abuu Bakar RadiyAllah SWT canhu, Waagaas, dad sheeganaya muslimiin ayaa wexey diideen iney bixiyaan Zakada Allah SWT ku waajib yeelay ayagoo aaminsanaa in uu hadduu rasuulka dhintay aan qof kale ku leheyn, Qalad ayey fahmeen, laakiin Abuu bakar shaki ka ma galin gaalnimadooda, waana uu la jahaaday ilaa ay hoos yimaadeen shareecada Allah SWT.

 

Kooxdaas, ma inkirsaneyn Allah iyo rasuulkiisa, laakin wexey diideen iney hoos yimaaddaan talada Islaamka oo ah diinta Allah. Sheidaanku intaas ku ma ekaan, shubhooyin badan ayuu keenay, waxaana soo baxay firqado lunsan oo mid walba ay hal arrin ku luntay.

 

Waxaa meeshaas ka cad in Lumidda la lumay wexey kulligeed ku saleysneyd ka tagid Qisdi, ama cadli ama u badasho hal dhinac ama miisaankii Rasuulka SCWS oo dhinac looga batay, taasoo la mid ahayd wexey ku lumeen ummadihii naga horreeyay, Yuhuudda iyo Nasaarada oo Allah uu nooga sheegay iney keensadeen Rahbaaniyad aan lagu farad yeelin, taasoo ay haddana xaqeedii ka soo bixi waayeen.

 

Qolooyinka lumay wexey u kala baxeen laba nooc:

 

1. Kuwo khair doon ku lumay markay ku ekaan waayeen hadyigii Rasuulka SCWS ( Al daalliin)

 

2. Kuwo xaqii ogaaday , laakin jeceylka adduunka ka doortay kii aakhiro ( Al Maghduubi calayhim)

 

Labadaas qolo waa kuwo waligood jirey, jiri doonana.

 

Allahna naxariistiisa wuu nooga digay inaan labaadaas qolo aan ka mid noqonin, digniintaasna waxaan carrabkeenna ku celcelinaa 17 jeer maalin walba markaan akhrinno suuratul Faatixa.

 

Qolooyinka ka lumay diinta Allah oo isu heysta iney diin ku sugan yihiin, Nasaarada iyo Yuhuudaba, Quranka si aad u ballaaran ayuu u tafaq tirey siyaabahii ay ku lumeen, si ummadda nabi Maxamed ayan ugu daysan, markaasna ayan sidoodii u lumin.

 

Suuratul Baqarah, Maaidah, AL Nisaa, gaar ahaan wexey soo koobaan sheekooyinkii ahlul kitaabka iyo asbaabtay ku lumeen ayagoo sheeganaya iney iimaan leyihiin haddana diiday iney Allah adeecaan markey maqleen amarkiisa. Suuratul Al Baqarah 93 (samicnaa wa caseynaa, biisamaa yamurukum iimankum)

 

Qolyaha hore ee ummddeenna waxaa ka mid ah kuwo ku lumeen iney soo geliyaan diinta wuxuusan Rasuulka jideyn, ayagoo qalad ka fahmay Quraanka ayaa wexey fahmeen in macaasida ay gaalnimo tahay.

 

Qaar kale wexey fahmeen in iimaanku uu yahay rumeynta oo kaliyah oo qofkii qalbiga Allah SWT ka rumeeya uu Muslim yahay xataa haddusan la imaann arkaanta islaamka. Ahlul Sunnah wal Jamaacah fitnadaas wexey uga nabad galeen iney ka istaageen meel dhexe Sheykhul Islam Ibnu Taymia ayaa wuxuu fasirey Nadariyatul Talaazumul Daahiru Bil Baadin:

 

Oo Sheykhu ku fasiray in iimaanku uu yahay Qowl iyo camal. Xiriirka ka dhexeeya labadaasna wuxuu u sameeyay asal ah:

 

1. Qofka wuxuu aaminsan yahay ayuu mar walba ku dhaqaaqa

 

2. Qofku wuxuu sameeyo ayuu yahay, camalkiisa iyo qalbigiisa waa isla shaqeeyaan, si darrandoorri ah ( automatic)

 

3. Hadduu qofku cabsado, ku ma dhaqaaqo wuxuu aaminsanyahay

 

4. Qofka Muslimka ah ee gaalada la nool, wuxuu muujiyaa macaasida ama ereyada gaalnimo ah si uu uga nabad galo dhibka gaalada waxaana loo yaqaan fiqiga ( Mukrah)

 

5. Qofka gaalka ah ee Muslimiinta la nool wuxuu muujiyaa muslinnimo si uu u nabad galo waxaana loo yaqaan (munaafiq)

 

Sheikha nadariyaadkiisa towxiidka wexey burburisay murankii firqadihii lunsanaa oo yiri iimaanku qalbiga ayuu ku jiraa, shaqana kuma laha camalka. Nimankaas, oo la oran jirey Murji’a iyo Khawaarijta oo ahaa niman aygana ku soo daray diinta asal aan ku jirin oo ka dhigay macaasida kuwa ka saara dadka diinta, labada qoloba Allah ayaa wuxuu ku damiyey dabkooda xujjada Sheykhul Islaam Ibnu Taymiya.

 

Towxiidku wuxuu dadka ku kaalmeeyaa in ayan ku dhicin dabinta Sheydaanka uu wax maldaho.

 

Sheidaanku marwalba wuxuu wax u maladahaa kuwa shirkiga ku jira, Allah wuxuu leeyahay, “ Asagu (sheydaanka) ku ma laha awood kuwa rumeeyay (Allah) rabbigoodana wakiisha, Wuxuuse awood ku leeyahay kuwa asaga (sheydaanka) saaxiib ka dhigta oo (rabbigooda ) u shariik yeelay.(Alnaxli 99)

 

Sheydaanku sidaa darteed wuxuu dadka ka soo galaa dhowr meel:

 

1. Cabsida

 

2. faqriga

 

3 Raaxo jeceyl Allah wuxuu leeyahy

 

Sheydaanku wuxuu idinku cabsiiyaa faqiirnimo, wuxuuna idiin faraa faaxishada (inaad sameysaan). Allah se wuxuu idiin ballan qaadaa dambi dhaaf iyo fadli”

Bal aan is weydiinno , walaalayaal Yaan raacnaa? Sheekada waa socotaa

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

» Asalamu Alaykum, Akhi Nur

 

Masha'Allah, Jazakallahu Khayr, Weli ma aan dhamayn Akhriskii, Insha'Allah I'll comment on it when I finish it!

 

Haday Umadeenu isku xukhumilahayd Sharciga Eebe, meeshaynu joogno maanta ma joogneen! Marmarka qaarkood waxaad moodaa in ay soomalidoo dhan aaminsantahay oo waxay dhahaan, "dhibaatada muslimiinta haysata maanta waxaa keentay diintoodii oo ay ka katageen". Laakiin waxaa layaab leh, 'Maxay Iyagu ugu dhaqmi waayeen? haday ogyihiin runta?'

 

Allah(swt) knows best!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Conquest

 

Ku mee walaal? waxaan sugayey jawaabtaada haddad dhameysay akhrinta qoraalka caqiidada

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

» Asalamu Alaykum, Nur

 

It seems I have forgoten this thread. I first intended to reply with a long comment but I will insha'Allah respon with a short one that is more direct.

 

horta marka hore, waxaan Ilaah ka baryayaa inuu kuu kordhiyo, imaankaaga, ilmigaaga, xikmadaada iyo caafimaadkaaga. aamiin.

 

walaal runtii waxaad ka hadashay labo shay oo aad muhiim u ah una baahan wakhti badan in lasoo koobo. laakiin run ahaantii waxaan u malaynayaa inaad si fiican u sharaxday oo u muujisay muhiimnimada Imaanka iyo Shariicada Islaamka.

 

si fiican ayaan anigu u fahmay, akhristiisuna aad bay u fududayd, waxaan u malaynayaa hadii uu buug ama warqad uu ku qoraan lahaa aad ayeey u fududaanlahayd. waxaan kaloo ka helay isku shushubnida ama isku xiranka paragraphs-ka, iyo daliilka aad isticmaashay.

 

waxaa kaloo si fiican u muujisay tusaalooyin badan oo maskaxda si fiican ugu jilicaynaya oo fudayd uga dhigaya fahamka.

 

run ahaantii waxaan rajaynayaa inay tahay oo noqon karto buug aad u qiimo leh dadkuna aad ay uga helaan oo ka faa'iidaystaan. In kastoo ummadeenu sifiican aanay wax u akhriyin, waxa uu buugan oo kale ku fiicnaan lahaa in ay macalimiinta madarasooyinku ay u dhigaan ardayda.

 

sidoo kale, buugan oo kale waxaa sifiican ugu baahan inay fahmaan dadka xukumka gacmahooda ku haya oo ku fadhiya kursiyada xukunka.

 

markaad biloowday yaad ugu talo gashay inay buugan noqdaan dadka sida fiican uga faa'iidaysta, your target customers?

 

Insha'Allah waxaan rajaynayaa inaad heshid energy iyo motivation aad ku dhamaysid. I know you can do it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Dear Devils Advocate

 

It is too long to translate, an no time in hand these days, let see if there are any volunteers

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pacifist   

Salaam

 

Although i would love to read this thread oky oky stop pressuring me i confess can't read somali but am learning it takes like a day to read that simple thread

 

jazakalah ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Conquest

 

you write:

 

" markaad biloowday yaad ugu talo gashay inay buugan noqdaan dadka sida fiican uga faa'iidaysta, your target customers?"

 

Walaal, qoraalkan waxaan ugu talo galay "High End Thought Consumers", maxaa yeelay, markaan furay Nurtel Buisness, aad ayey u yaraayeen "High End Customers" waxaana aad u badnaa " Lay persons iyo arday diineed oo tawabbar ah.

 

Badanaa 90% qoraalladeyda is targeted at Horizontal market, laakin mar mar ayaan waxaan u qoraa kuwa fahamka sare leh oo aad u yar, isla markaasna khilaaf weyn u dhex yaallo.

 

 

Xasna sis

 

May be you need a refresher Somali language on line, or Somali Speed reading course?

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

aboow aboow nuuraa manaxaysid runtii dhididkii aab iga dhamaaday. masha allah walaal it was an enlightening article/unfinished book lakin waa dheerayd. waan usoo noqon donaa and i will continue reading it. Nur may allah give your more time and energy to finish this book.

i had sent this unfinished book to many friends of mine..i bet they will enjoy it.

jazakallahu khairan walaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Maymoona sis

 

I am still trying to get around to complete that Book, but, the problem is that our lease on life is not marked on our calendars, so I share whatever comes out of my oven instantly, at least few people could be saved, and I take the credit for posting it while you took a full credit for sharing with your friends, I would appreciate if you can ask them for a feedback in case I made a goof or two.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

Asalaamu Alaykum

 

Subxanallah. I have developed this habit of surfing back thru the Islam page, re-reading old posts, or some that I missed, and Alhamdulillah I just had one of those rare moments again.

 

this habit helps me reload my mind, like the browsers we are using, the mind also requires refreshments once in a while. so as I clicked on this thread, the mind fades into silence, the background noise is blocked, the pressure points of the body relieved, the flow of thoughs stoped, focusing only on breathing softy, inhale-exhale.

 

with Bismillah, a light breakes through the gate of silence,

with the Praising of Allah(swt), purpose is found,

with the greeting of Muhammad(saw), the mission becomes clear.

 

as I begin to re-read this post, I empty my cup, with a mind that is open to everything and attached to nothing, only two filters cover the gate, La'Ilaha Ilallah, Muhammadur-Rasuulallah. anything that is aligned to these two are allowed access, those that differ are tossed aside.

 

as I read on the words, the light of knowledge travels through the bundles of fibers of the mind and form a network of pathways, suddently there is a connection. I read on, interested, like a mind that just came out of coma, but with first sight begins to recall its memories. "Ah, yes! thats true! um what does he mean? oh so thats why! i don't understand-*reads on*? hmm.. so its all related?.. yes, I remember that from somewere!"

 

I remember that knowledge is a circle, united by its Source, Allah(swt), no matter which path u take, if your sincere you will end up at the same Source. and with the last word, all the fibers are reloaded and re-connected to the Source. you come back to your seat, at peace, you know just by reading this one thing, your today is better than your yesterday, you recall the Prophets(saws) advoce, "don't let your 2 days(today and yesterday) become equal", you smile and send greetings, Sallallahu Alayhi Wassalam!

 

again Jazakallah khair bro Nur! for helping us to reload our minds and re-align our principles, believes, values, habits and goals to Allah's Will!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

bro Nur said;

 

Qolooyinka lumay wexey u kala baxeen laba nooc:

 

1. Kuwo khair doon ku lumay markay ku ekaan waayeen hadyigii Rasuulka SCWS ( Al daalliin)

 

2. Kuwo xaqii ogaaday , laakin jeceylka adduunka ka doortay kii aakhiro ( Al Maghduubi calayhim)

 

Labadaas qolo waa kuwo waligood jirey, jiri doonana.

Akhi labadan qolo ma isku dambi baa mise way kala dambi weeyn yihiin?

 

Jazakallah khair!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this