Sign in to follow this  
Dr_Osman

Siilanyo Humiliated And Ignored In Addis Ababa As Head Of State Are Honoured

Recommended Posts

Dr_Osman   

Madaxwayne Siilaanyo oo Fadeexad kala kulmay Madashii Tacsida Zenawi ee Adis Abeba

 

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilanyo oo ka mid ahaa madaxdii ka qayb gashay aaskii qaran ee loo samaynayay Ra'iisal wasaarihii hore ee Ethiopia Malez Sanawi, isla markaana uu xili aroortii hore ah ee mantana uu ka qayb galay goobta la yidhaahdo MASKAL Square ee magaalada Adis abeba oo lagu qabtay aaska ka hor munaasabad ay khudbado ka soo jeedinayeen madaxda caalamka oo dhan ayaa waxaa uu madaxweynuhu markii khudbaduhu dhamaadeen uu goobtaasi kala kulmay fadeexad caalami ah.

 

 

Waxa hadalo fara badan ka jeediyay goobtaasi, madax farabadan oo caalamka ka tirsan, waxaana markii khudbadihii dhamaadeen loo sheegay madaxdii kulankaas ka qayb gashay inay fasaxan yihiin oo ay tagi karaan deegaanada ay ka degen yihiin Adis abeba, iyadoo marba dowlad iyo madaxdeedu ay baxayaan iyagoo ku sii jeeda deeganadooda.

 

 

Markii loo yeedhay madaxda Soomaaliya ayaa waxaa hal mar si wada jir ah u soo baxay Madaxweyne Shariif, Ra'iisal wasaare Gaas, Madaxweynaha Puntland Faroole iyo madax kale oo wasiiro ka mid ahaayeen, waxayna u dhaqaaqeen hotelka Sharaton oo ay adis abeba ka deganaayeen.

 

 

Nasiib daro Madaxweynaha maamulka Somaliland oo ay ahayd inuu dadkiisa Soomaalida ah dhinaca qabsado oo aanu ka hadhin, waa uu ka hadhay waxaana uu in mudo ah sugayay in loo yeedho isaga iyo madaxdiisa iyadoo la isticmalayo Dowlada Somaliland hase ahaatee ma aysan dhicin bacdamaa caalamku uusan wax aqoonsi ah u hayn Somaliland.

 

 

Waxa intaas sii dheerayd fadeexadii maanta ka haleeshay Siilanyo Adis abeba oo ahayd in wax yar ka dib loo sheegay isaga iyo dad kale oo aan iyagu bixin laakiin sugayay inay baxaan waxaana lagu yidhi "Intiina hadhay sidaad doontaan ayaad u bixi kartaan" taas oo macneheedu yahay bacdama madaxdii caaalamka ee waaweynayd ay baxeen idinku waad bixi kartaan idinkoon haysan wax Title ah.

 

 

Si kastaba ha ahaatee siyasiyiin caalami ah oo ka qayb galay madasha iyo kuwo kale oo Soomaali ah oo banaanka ka joogay ayaa arintan ku tilmaamay fadeexad iyo Jab uu la kulmay maamulka uu hogaamiyo Siilaanyo oo mudo ka badan 15-sano raadinayay aqoonsi dowladeed iyo gooni isu taag , isla markaana shacabka Somaliland ku beer laxawsanayay in la heli doono aqoonsiga.

 

 

Sidoo kale waxaa madaxweyne Siilanyo iyo xukuumadiisa iyo shacabkiisuba ay Adis abeba kala kulmeen ilhaano weyn oo soo wajahday xilli ay sannado badan ku taamayeen inay helaan aqoonsi, sidoo kalena dowlada Ethopia ee deriska ay yihiin ay ku tuhmayeen inay wax u ogoashahay hase ahatee ay ******** in Ethopia iyo caalamka midna aanu u hayn wax aqoonsi ah.

 

 

DunidaOnline.com

Adds Abeba, Ethiopia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Markii loo yeedhay madaxda Soomaaliya ayaa waxaa hal mar si wada jir ah u soo baxay Madaxweyne Shariif, Ra'iisal wasaare Gaas, Madaxweynaha Puntland Faroole iyo madax kale oo wasiiro ka mid ahaayeen, waxayna u dhaqaaqeen hotelka Sharaton oo ay adis abeba ka deganaayeen.

Good ,,,,, Somalia is becoming one now so that they can Face Somaliland in the future talks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

331nngn.jpg

 

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo caawa khadka Telefoonka ugu waramayay shabakadda wararka ee Somaliland.Org, ayaa sheegay in Weftigii Madaxweynaha ee uu xubinta ka ahaa saaka ka qeyb-galeen aaskii balaadhnaa ee Raysal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya.

 

“Weftigii Madaxweynaha Somaliland waxay maanta ka qeyb galeen aaskii Raysal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Males Zanawi oo lagu aasay barxad aad u weyn oo ku taalla faras-magaalaha magaalada Addis-ababa oo ay ka soo qeyb galeen madax aad u tiro badnaa oo ka kala socday caalamka oo dhan iyo tobanaan kun oo qof oo ka mid ah dadweynaha reer Itoobiya. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa lagu qaabilay Baratool heer sare ah oo la mid ah madaxdii adduunka ka kala socotay. Taasina waxay ka turjumaysaa qoto-dheerida xidhiidhka wanaagsan ee labada dal iyo labada shacbi ka dhaxeeya, ”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

[Markii loo yeedhay madaxda Soomaaliya ayaa waxaa hal mar si wada jir ah u soo baxay Madaxweyne Shariif, Ra'iisal wasaare Gaas, Madaxweynaha Puntland Faroole iyo madax kale oo wasiiro ka mid ahaayeen, waxayna u dhaqaaqeen hotelka Sharaton oo ay adis abeba ka deganaayeen.]

 

 

 

somalia & somaliland are 2 different countries...still desperately chasing??.It's like saying kenyan delegates were called before ugandan ones.And why Shariif left out of the funeral speech.

Puntlanders r a show....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Only in your own minds are you a different country, you were sent packing when the funeral was over, no discussions with the international community for you!

 

Niggas tried to be sneaky and shiit, they tried to take advantage of the man's death, clever niggas never even cared about our leader Meles Zenawi, isn't that what you guys are telling us? :(

 

In your dreams mate :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr osman keep talking endlessly...shedding tears as usual:D

 

they were quite for a while scared of Gaas being eliminated but breath a new life & went back to their old ways.

Duck in crisis & troublesome at peace....who is sneaky?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

What fadeexad?? These Puntlanders are deluded lol. Somaliland is not yet recognised by the international community and the Ethiopian government is just following the international protocol. Silaanyo not being part of the recognised heads of states neither changes Somaliland's status as an independent state nor alters our relationship with Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this