Sign in to follow this  
Cawaale

Aqoon baa ugu Baahi Badan.(Sheeko Gaaban)

Recommended Posts

Cawaale   

Tiro waxa ay ahaayeen toban, da'doou waxay u dhaxaysay shan illaa iyo toban gu'. Inkasto oo ay aroor hore ahayd ardaydu waxaa ka muuqday daal iyo diif aad u daran.

 

292931_3772793793153_1291395588_n.jpg

 

Subax Wanaagsan ayuu yiri macalinkii isagoo muujinaya farxad iyo yididiilo, maadaama ay ay ahayd markii ugu horeysay abid uu maclinku arday wax u dhigo. " Subax Wanaagsan Bare" ayay mid iyo laba Ardaydii ku jawaab celiyeen iyaga oo aad moodid in ay erey ceeb ah ku dhawaaqayaan, halka qaarka kalena ay u eegayeen Macalinku sida in aanayba waligood arkin macalin ay bariidadu kaga qaalisan tahay goodintu.

 

Macalinka oo aan marnaba ka maqsuudin sida gunuunaca leh ee ay ardaydiisu salaanta kaga qaadeen ayaa si kaftanku uu ku dheehanyahay ku yiri ardaydii "War heedhaha miyaydaanan soo quraacananin maanta". Lama filaan, jawaabtii Ardayda waxa ay noqotay "Maya Macalin..Maya, Xalay ma casheynin, maantana..Maanta waxba maanan soo cunin" Sidaa waxaa yiri Guuleed oo fadhiyay safka hore fasalka.

 

Dugsigu wuxuu ahaa dugsi macmal ah oo lagu unkay geed hoostiisa, geedkasi oo ku yaalla xero qaxooti ee uu Macalinku yaraantiisii qaxooti ku ahaa. Macalinku wuxuu ahaa qurba joog u soo laabtay si uu wax u baro caruurta qaxootiga ku ah xerada uu yaraantiisii ku qaatay. Caruutu baahidoou waa ay badneyd, Macalinkuna waxa uu isku dayay in uu si ugu hiiliyo, ee uu ugu yaraan ka baahitiro aqoon-darrida.

 

 

Walaal, waxaa jira Walaal baahan, Tubahaana daadsan, noo haysta walaalsan oo inaga sugaya weersan(Aqoon). Ha hilmaamin walaalahaaga ku dhibaateysan xeryaha Qaxootiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Ma'aysan soo quraacan xalayna maysan cashayn waxay ku dhasheen meel cid la'ah oo guryahoodi aad uga fog waxay sugayaan ilaahay iyo macalin hagaagsan,oo u sheega jihada guryahoodu jiraan kuna noqon doonaan hadii alle idmo iyo in wax laga dhergo aqoonu ugu fiicantahay

Aqoonbaa ugu baahi badan mahadsanid cawaale

 

Gunuunuc?

Unkay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Gunuunuc is speaking with a low tune and skimping words at the same time to the extent that people don't understand. Unkid is to establish something or to install it. So since there is no actual school class under the tree, the foundation thing is a metaphor.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this