Sign in to follow this  
malistar2012

Puntland Gave up President seat and the Prime minister postion !!!!!!! Must Read Allpuntland

Recommended Posts

Somaliya (AllPuntland)- Madaxweynaha dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane CabdiRAXMAAN Shiikh Maxamuud (CabdRAXMAAN-Faroole) oo ay aad u hadal hayeen dadka aadka ula socda siyaasada Soomaaliya inuu isu soo taagi doono tartanka doorashada madaxweynaha Dawlada Federaalka ee Soomaaliya oo hadda ololeheedu sidda weyn uga socdo Soomaaliya ayaa go'aansaday in uusan ka qaybgalin tartankaas.

 

Waa maxay Sababtu:

 

Madaxweyne Faroole iyo la taliyayaashiisa siyaasada Puntland ayaa gabi ahaanba goostay in ayan Puntland xiligaan raadin helida jagooyinka Madaxweynaha iyo tan Raysal wasaaraha dawlada Federaalka iyagoo ku sababeeyay in dawladihii kumeel gaarka Federaalka ee 2005 ilaa 2012 ay Puntland soo qabatay jagooyinkaas, ayna hadda haboon tahay inay u dhaafaan Somalida kale waa sidda ay hadalka u yiraahdeen masuuliyiiin sare oo ka tirsan xafiiska Madaxtooyada Garoowe.

 

Maxay Rabaan?

 

Ilo wareedyo jooga Garoowe, Muqdisho iyo Nayroobi ayaa AllPuntland.com u xaquujinaya inay Puntland sannadkaan u tartamayso xilka Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka.

 

Musharaxa Madaxweyne Faroole uu taageersan yahay:

 

Warar aanu ka helnay ilo wareedyo AllPuntland oo ka hawlagala xafiista madax-weyne Faroole waxay noo xaqiijiyeen in madaxweynuhu si weyn ugu istaagay taageerada sidduu uu ugu guulaysan lahaa Musharaxnimaddiisa Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya uu isu soo sharaxay Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) oo isaguna todobaadkaan ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa xilkaasi.

 

Taageero Maaliyadeed:

 

Warar iska hor imaanaya ayaa hadda saaran miiska warraka AllPuntland ee xafiiska Kobenhagen oo u xilsaaran warkaan, kuwaas oo noo sheegayaan ilo wareedyo si weyn wargal u ah, waxaanu hadda ku raadjoogna kala saarida wararkaas iska hor imaanaya ee xqiijinta wararkaas nala soco 24-ka saac ee socda haddii RABBI idmo.

 

Warkaan waxaa isku duway

Xafiiska APL ee Yurub

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tool

 

 

Soomaaliya: Maxaa sababay u Tartamida xilka Gudoomiye-nimada Baarlamaanka Federaalka ee Prof. Juriile:

25. august 2012

 

 

 

 

 

 

 

Somaliya (AllPuntland)- Ilaa shalay AllPuntland waxay ku raad joogtay ogaanshaha xaqiiqada warar is burinaya oo la xiriiray in Puntland ay ku taageerayso dhaqaale musharax Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya u tartamaya.

 

Xildhibaan Cabdi-RISAAQ Cusmaan Xasan (Juurille) oo isagu todobaadkaan ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa xilkaasi ayaa Garoowe joogay dhawaan, wuxuuna kulama isdaba yaal la lahaa madaxda Puntland ugu saraysa, Prof. Cabdi-RISAAQ Juriile oo lagu yaqaan la jaanqaadida kolba dabaysha siyaasadeed ee socota Soomaaliya, si weyna uga dhex muuqday dawladihii dalka soo maray oo dhan ayaa xaqiijiyay helida xildhibaanimadiisa Baarlamaanka Federaalka ka hor intii uusan ka duulin Garoowe.

 

Maxaa sababay u Tartamida xilka Gudoomiye-nimada Baarlamaanka Federaalka ee Prof. Juriile:

 

Ka dib markii uu isu soo taagay isla xilkaas Gudoomiyanimada Baarlamaanka Prof. Cali Khaliif Galayr, maamulka Puntland durba waxay bilaabeen inay dib uga fakaraan sidda uu noqon karo natiijada dawlada Federaalka haddii madaxdeda sare uu kusoo biiro Prof. Galayr iyagoo ka eegaya natiijadii dawladii Carte oo Prof. Cali Raysalwasaaraha ka ahaa, taasoo ay markii dambe go'aansadeen inay taageerooda siiyaan Prof. Juriile.

 

Taageero Dhaqaale

 

Saraakiil Wargal ah oo ay ku lee dahay APL wasaarada Maaliyada Puntland iyo Bangiga dhexe ee Puntland oo ah labada goobood oo laga ogaan karo lacagaha dawlada ka baxa, waxay noo xaqiijiyeen in aysan jirin kolay ilaa hadda lacago dheeraad ah oo ka baxsan miisaaniyadii caadiga ahayd oo baxay.

 

Wararkaan waxaa soo uruuriyay wakiilo iyo ilo wareedyo ku sugan Nairobi, Muqdisho, Garoowe iyo Boosaaso

 

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ha ha. What is next? its not Prof Jurile that is in Mogadishu but its Faroole. Somali iyo afnool. I have met Prof Jurile 8 month ago and He wanted to be the candidate of the Presidency but the great Prof seem to change his mind and that can only be one thing.

 

We know that he was the real chose of Shiekh Sharif last three times as PM but the fake shiekh changed his mind each time after The two M- Blocks within the D-Block pressurised him.

 

Let the best man wins Cabadka joojiya.. Somaliya Ha noolato

Share this post


Link to post
Share on other sites

double decker;860722 wrote:
ha ha. What is next? its not Prof Jurile that is in Mogadishu but its Faroole. Somali iyo afnool. I have met Prof Jurile 8 month ago and He wanted to be the candidate of the Presidency but the great Prof seem to change his mind and that can only be one thing.

 

We know that he was the real chose of Shiekh Sharif last three times as PM but the fake shiekh changed his mind each time after The two M- Blocks within the D-Block pressurised him.

 

Let the best man wins Cabadka joojiya.. Somaliya Ha noolato

I told you earlier that the Abdiweli camp has pulled of a blinder...Juriile has just announced his withdrawal from the race..:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this