Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEO:Shacabka MaaKhir oo Ka Digey In LaGudbiyo Liiska Xildhibaanada Maakhir ee Barlamaanka Somalia

Recommended Posts

Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

http://laasqoray.org/?p=6296

 

Iyadoo magaalada Muqdisho shalay lagu ansixiyey Dastuurka Jajuubka ah ee Mahiiga Allifay, ayaa ergada halkaa ku sugan waxa soo food saartay arrin caga juglayn iyo gacan ku qabasho ah, arrintuna waxay daarran tahay sidii loo soo xuli lahaa xubnaha baarlammaanka KMG uga mid noqonaya beel walba. Arrintan oo Mahiiga laftiisu ka qayliyey, ayaa waxa ugu cad cad caga juglaynta iyo afduubka beelaha qaar lagu hayo, Madaxweynaha Puntland, C/Raxmaan Faroole oo isagu la soo taagan dadka u geliya baarlammaanka Gobollada Sanaag, Haylaan, Sool, iwm, in kuwa isagu raalli ka yahay uu geysto, isagoo isticmaalaya isimmada gobolladaas qaar ka mida oo u dhega nugul Faroole. Arrintan ayaa hore waxa ugu fashilmay isku day noocaas oo kale ah AHN Cabdullaahi Yuusuf, ka dib markii Shirkii Embaghathi ee 2004-tii sidaa si la mida uu ugu gooddiyey inuu isagu magcaabayo xubnaha baarlammaanka gobolladaas, hase ahaatee dad ka soo jeeda gobolladaas ayaa jilibka u dhigay isagoo loo sheegay inuu ku ekaado magcaabidda xubnaha beeshiisa Puntland/Reer Bari oo qudha.

 

Waxa ayaan darra ah iyadoo gobollada Maakhir sidii hoogayaashu hore ugu horkici jireen loo xooray 5 kursi, oo weliba laba ka mida hore Qarammada Midoobey u qoondaysay xildhibaannadii ka soo horjeestay damacii C/lahi Yuusuf ee 2004-tii. Maantana tiibaa taagan, waxa ku sugan magaalada Muqdisho Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Cabdullaahi Cali Ciid, Ina Cartan iyo isimmo kale oo beesha Maakhir ka soo jeeda. Sida la xaqiijiyey mid walba wuxuu gudbistay liis xildhibaanno isagu soo xushay, waxayna noqotay riwaayadaha ugu qosolka badan ee laga maadaysto golayaasha dawladda tamarta daran ee KMG.

 

Waxa xusid mudan in Faroole oo isbiday awood, inuu sidii oday C/Cabdullaahi rabo inuu duudsiyo ummaddaa xaqeeda, isagoo raba inuu u yeedhiyo isagu kuwa uu rabo, halka uu si cad dagaal hoose ugu wado dadka wax ku oolka ah ee gobolladaas ka soo jeeda, ahaana kuwii u heellanaa difaacidda iyo aaya soorka ummaddaa ay metelaan. Mid ka mida Suldaammada meesha jooga ayaa laga soo sheegay, ‘Xildhibaannada ugu cadcad ee shacabku rabaan, qaar waxa diiddan Madaxda dalka…” wuxu k wadey, Faroole, Shariif, Sakiin, Cabdiweli iyo boqorkooda Mahiiga.

 

Sida la wada ogyahay waxa soo baxaya in isimmada beesha goobta u jooga ay noqdeen kuwa jeebka ugu jiro shakhsiyaad qayrkooda, kuwaasoo ah kuwa dib iyo horaba u curyaamiyey horumarka iyo aaya ka tashiga gobolladaas. Waxa durba la isla dha isku haystoex marayaa in shantii kursi la isku haysto.

 

Waxgradka gobollada Sanaag, Haylaan iyo Bari ayaa hore uga digay in wax isdaba marin ah lagu sameeyo xulidda xubnaha baarlammaanka u gelaya DKMG, iyadoo laga amba qaadayo in karti, hufnaan, iyo aqoon wax lagu soo xulo. Arrintaa ayaa madmadow badani hadheeyey illaa iyo hadda.

 

Wixii ka soo kordha arrintan kala soco Laasqoray Online, codkaaga fadlan ka dhiibo arrintan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Waxgaradka Beesha Maakhir Oo Kabiyo Diiday Soo Xulista Faroole Ee Xildhibaanadooda eeGolaha Baarlamaanka Ay Kuyeelan Doonaan

 

Waxgaradka beesha Maakhir ayaa maanta shir jaraaid oo ay qabteen kaga biyo diiday soo xulista xubnaha baarlamaanka ay kuyeelan doonaan beeshaasi iyagoona sheegay inaysan waxna uxulin karin madaxweynaha maamulka puntland ee faroole.

 

iyagoona sheegay inay iyagu soo xulayaan xubnaha umatali doona baarlamaanka cusub ee hada lasoo xulayo iyagoona sida ugu dhakhsaha badan usoo xulayo xubnaha umatali doona baarlamaanka cusub ee soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isimada gacanku rimiska ah ee puntland iyo s/land sameeyeen meel ugama banaana mansabka reer Maakhir,,,, waligoodba gidaarada ha ka qayliyeen......

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Taleexi;855012 wrote:
Maakhir deserves to shape its destiny.

Walaal they will, it is just a matter of time. Reer Awdal, reer Khaatumo, iyo reer Makhirba haday u mintidaan way u madax bananayaan mamuladooda.

 

Saqajanimada iyo xadgudubku hada Faroole iyo silaanyo ay wadaana waa laga soconaya. Umado haday hawsheeda u tashato the sky is the limit cid walba oo isku dayda in ay ka hor yimadaan way ka guleysanayaan madaama umadu xaqeeda uun u socoto o ay u dadalaso . Marka dadaalka yaana la yareen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Maakhir people have a dynasty waa Suldaano with history, I don't know why aad isku dijineeso, ka fuqa dadkaan.

 

Suldan Siciid Suldaan Cabdi- Salaan opens Puntland constitutional conference

51.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Maakhir community rejects Khaatumo movement

 

Shir ay si wada jir ah ugu yeesheen beesha Maakhir magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho waxay ka soo saareen.

 

Ka dib markaan aragnay tixgelinayna baahida loo qabo midnimada iyo isku duubnida Soomaaliya, Ka dib lafa gur dheer oo aan ku samaynay hubinta deegaanka ay khaatumo ka sheegato Sanaag isla markaana aan isla af garanay in aysan beeshaasu mug iyo deegaan ay ku sheegan karto gobolka ayan ku lahayn.

 

Ka dib markaan aragnay tixgelin la,aanta loo geysto dadka gobolkaas degan oo iyagu taageersan kana mid ah maamulka Puntland ee Soomaaliyeed.

 

ka dib aqoonsi si khaldan uga soo baxay xafiiska Madaxweynaha oo ujeeddadisu ahayd taageero iyo ictiraaf la siiyo maamulka la magac baxay khaatumo iyo wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya lagu saxayo lagagana noqonayo kala goynta iyo iska horkeenida dadyowga wallaalaha ah.

 

haddaba Waxa ay beeshu isku raacday qodabadan.

 

1: In la taageero warqaddii ku taariikhaysnayd 09/03 kana soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ujeeddadeeduna ahayd in aan la ictiraafin maamulka la baxay khaatumo.

 

2:Iin laga shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa Soomaali wayn isla markaana laga hortago cid kasta oo u soo dhar dhigata kala jarjarka dalka.

 

3: In ay beeshu diyaar u tahay ka qayb qaadashada soo celinta Soomaaliya iyada oo ay beeshu ku caan tahay nabad ka shaqaynta iyo xeerinta deris wanaaga.

 

4: Waxay beeshu ku boorinaysaa Madaxwaynaha TFG in uu ka fiirsado wareegtooyinka sida indho la,aanta ah xafiiskiisa uga soo baxa.

 

5: waxa ay beeshu si gaar ah iyo si guudba u faraysa madaxda iyo masuuliyinta u metela dawlada dhexe in ka bixiyaan jawaabta ku aadan falalka noocan oo kale ah iyada oo hadda aan ku tuhunsanahay xil gudasha la’aan baahsan.

 

6: waxa aan si gaar ah wallaalahayaga deegaanka sool iyo cayn usoo jeedinaynaa in ay ka waantoobaan isla markaana ka tanaasulaan sheegashada gobolka sanaag iyada oo aan tiro ka dhawr jeer si guud iyo si gaaraba ugu sheegnay hase ahaate ay wallalahaya noo muujiyeen dhego adayg ay ka muuqato dhul durugsi iyo duudsiin deegaan beeleed.

 

7: waxaan mar kale taageeraynaa bayaankii ka soo baxay xafiiska raisul wasaaraha somaliya sidoo kale waxaan ka codsanaynaa madaxweynaha in uu raali gelin buuxda ka bixiyo khaladaadkii ka dhaca xafiiska uu gar wadeenka ka yahay kana kaaftoomo u dhega nuglaanta shakhsiyaadka gaarka ah ee ka tirsan ururka aala sheikh kana soo jeeda gobolka Sool.

 

8:waxaan madaxwaynaha usoo jeedinaynaa in uu dhawro axdiga kumeel gaarka ah sidoo kalena ilaaliyo xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhexaya dawlada dhexe iyo dawlada goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed.

MAHADSANIDIIN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this