Sign in to follow this  
Che -Guevara

390 US Soldiers in Mogadishu?

Recommended Posts

Boqolaal Ciidammo Mareykanka ah oo la sheegay inay si qarsoodi ah uga howl-galaan Magaalada Muqdisho

Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Boqolaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa loo geeyay Muqdisho si ay uga fuliyaan howlo qarsoodi ah, sida uu baahiyay Press TV oo laga leeyahay dalka Iiraan, ayna soo daabacday wakaaladda wararka Mareyanka ee AP.

 

Telefishinka Iiraan laga leeyahay ayaa sheegay in ilo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay u xaqiijiyeen in 390-askari oo Mareykan ah ay ku sugan yihiin Muqdisho ayna labadii bilood ee lasoo dhaafay tababarro siinayeen ciidamada DKMG Soomaaliya.

 

Sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya oo lagu magacaabo, Cabdiwahaab Maxamed Cali ayaa Press TV u sheegay in ciidamada Mareykanka oo gaaraya 390-askair oo ay ku jiraan 38-sarkaal ay si qarsoodi ah kusoo gaareen Muqdisho iyagoo kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

 

Ilo wareedyada telefishinku uu xiganayo ayaa waxay shegeen in ciidankan ay ka sameysteen Muqdisho xabsiyo qarsoodi ah, sidoo kalena ay askarta Soomaaliya ku duraan daroogo khatar ah.

 

Sidoo kale, Press TV waxay sheegtay in warkan uu imaanayo xilli ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay duqeyn u geysteen deegaan ka tirsan ceelasha biyaha, ayna ku dileen 39-qof oo aan la sheegin waxay ahaayeen.

 

Horraantii bishii Jannaayo ee sannadkan, ayay saraakiisha Aqalka Cad ee Maerykanka waxay sheegeen inay go'aansadeen inay weerarro qayb ka ah dagaalka lagula jiro argagaxisada ay ku qaadayaan Soomaaliya.

 

Mareykanka ayaa wuxuu duqeymaha diyaaradaha aanay cidna wadin ka fuliyaan dalalka Bakistaan, Afgaanistaan, Yemen iyo Soomaaliya, iyagoo sheegaya inay bar-tilmaameedsanayaan goobo cayiman oo ay ku sugan yihiin islaamiyiinta xag-jirka ah.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Intaan tiriyey aniga lee 100 kor waa u dhaafaayaan!.

 

Xabsiga Nabadsugidda, iyagaa si caadi ah u maamula, mushaarkana bixiya!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^It's safe to assume the CIA and military intelligence have presence there but 390 is big number-I guess more to come since AS leadership has price on its head.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho (RBC) Boqolaal ciidamada Mareekanka ayaa la sheegay in loo soo daabulay Soomaaliya, kuwaas oo hadda howlo sir ah ka wada caasimada Muqdisho, sida uu baahiyay TV-ga Iran ee Press TV

 

Ugu yaraan 390-askari oo mareekan ah ayaa tababaro qarsoodi ah ku siinaya Muqdisho ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, labadii bilood ee la soo dhaafay sida laga soo xigtay ilo ka tirsan ciidamada military-ga Soomaaliya.

 

Cabdi wahaab Maxamed Cali oo ka tirsan saraakiisha ciidamada military-ga Soomaaliya ayaa u sheegay Press in ugu yaraan 390 askari oo Mareykan ah oo ay ku jiraan 38 sarkaal sare ay qaab sir ah ku joogaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta Mareykanka ay ku lug leeyihiin hawlo isugu jira tababar ciidamada DKMG ah iyo arimo basaasnimo ah oo ka dhan ah kooxaha Islaamiga ee Al-Shababaab iyo Al-Qaacida.

 

Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale maamula xabsiyo sir ah oo la sheegay in dadka la soo qabto lagu xiro iyadoo uu jiro xiriuir aad u weyn oo ka dhexeeya sirdoonka DKMG ah ee loo yaqaano nabadsugida, waxaana Mareykanka uu hub, qalab iyo lacagba ku bixiyaa nabadsugida DKMG Soomaaliya ee la shaqeysa.

 

http://www.raxanreeb.com/2012/06/xog-saraakiil-mareekan-ah-oo-ku-sugan-muqdisho/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Che, don't worry. There will be another black hawk down movie, but this time it is a Somai one called: 'Waxaan dhuuso moodaa Xaar igu noqday'!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Maaddeey;844977 wrote:
Intaan tiriyey aniga lee 100 kor waa u dhaafaayaan!.

 

Xabsiga Nabadsugidda, iyagaa si caadi ah u maamula, mushaarkana bixiya!.

lol....google earth maa ku xisaabisey? Mise adigoo Kismaayo jooga ayaad baaf ka aragtay? Yaab badanaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Raamsade   

peasant;844996 wrote:
The origin of this news is highly questionable. Presstv!

Indeed. PressTV is notorious for releasing fake news. I remember reading few months ago on Hiraan Online PressTV article claiming US drone strikes that killed a number of civilians (can't remember the exact figure). I scoured all other reliable news sites including many Somali ones and not one of them had any articles on this incident. Since then, I've been noticing PressTV's fake news stories on Somalia ... 20 Somalis died in a fighting the never occured; Ethiopia capturing a town it never did; Somali army killing and robbing civilians that never took place, so on and so forth. I would take anything PressTV says with a grain of salt.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Abwaan;845001 wrote:
lol....google earth maa ku xisaabisey? Mise adigoo Kismaayo jooga ayaad baaf ka aragtay? Yaab badanaa!

loooooooooooooooooooooooooooooooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites

^That's not really that funny...ciyaal camir kamu fiicana.

 

 

Burahadeer...but you don't believe in God.

 

Maddeey....Somalia can't afford any blackhawk down.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this