Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

fierce fighting between Alshabaab and ASWJ in gedo.

Recommended Posts

Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Gedo

 

SHABELLE MEDIA NETWORK JUNE 18, 2012

 

Garbahaareey: (Sh. M. Network) Dagaal xooggan oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxa uu ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

 

Tuulo Barwaaqo oo u dhaxaysa Magaallooyinka Balad-Xaawo iyo Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal xooggan oo gaystay qasaaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Ah, Ahlu Sunna oo dhinaca ah iyo kuwa Al Shabaab.

 

Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeeyay kaddib markii Ciidamo ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ay wadada u galeen gaadiid ay wateen Ciidamada Al Shabaab kaasi oo marayay deegaanka Tuulo Barwaaqo ee gobolka Gedo.

 

Afhayeenka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo Sheekh Max’ed Xuseen (Al-qaaddi) oo dagaalkaasi kaddib la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid xooggan islamarkaana ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab.

 

Al-qaaddi ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalka ay ku qaarijiyeen labo dagaalyahanno oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab islamarkaana ay kaga dhaawaceen tiro kale sida uu hadalka u dhigay.

 

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Al Shabaab oo ku aaddan dagaalkaasi iyo qasaaraha la sheegay in la gaarsiiyay ciidamadooda oo marayay Tuulo barwaaqo ee gbolka Gedo.

 

Deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ayaa waxa ka dhaca dagaalo iyo duqeymo xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Al Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Them 2 negros should stick to their duty and just preach the koran....how come they aint doing that n shedding blood all the time. I thinks that i should become the next somali sheikh where my rule will be that, if u cant solve a simple mathematical problem, e.g., what makes 1+1=3, then u wont be allowed in a Mosque or be given the title sheikh!!

 

deal pple!! i am 4 it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

faarah22;843049 wrote:
what is with you and reporting dagaalada iyo mashaqada ka dacda somalia, stick with your SL and habro nonensense.

Waryaa i thought Somaliland and Somalia were the same country at least that's what you support why are you dividing you're country waryaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Xaaji, you like rabsho isn't it? You like turmoil, you never post heart warming news about south Somalia, this is very sad!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this