Sign in to follow this  
Qandalawi

The godfather of all the Somali religious wars surrenders to the TFG

Recommended Posts

Wararka sheegaya in Sheekh Xasan Dahir uu isku soo dhiibay Dowladda KMG oo la beeniyay

 

Iyadoo saacadihii u dambeeyay ay soo baxayeen warar duul duulayay oo sheegayay in Sheekh Xasan Dahir Aweys isku soo dhiibay Dowladda KMG, ayaa xooraansi ay sameysay Shabakada Jowhar.com ku ogaatay in warkaas aanu jirin, iyadoo xiriiro kala duwan ay la sameysay dad ku dhow dhow Sheekha.

 

Inkastoo qaar ka mid ah Idaacadaha Maxaliga ee Muqdisho ka hadleen iyo Bogga Internet-yada oo la soo booday warkan, ayaa qaarkood si aan uga fiirsan uga hadlay, markii warka xoogiisa laga dhigay inuu Madaxtooyada ku sugan yahayr.

 

Sheekh Maxamed Ibraahim Bilaal oo ka mid ahaa raggii u horeeyay ee ay la xiriirto Bogga Jowhar.com, isla markaana ku dhowaa Sheekha beryahan ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu isku soo dhiibay Dowladda.

 

"Sheekha kuma soo biirin, mana is dhiibin, halganka Jihaadka waa wadayaa"ayuu yiri Sheekh Maxamed Ibraahim Bilaal oo ka mid ah xubnaha Shabaab.

 

Sidoo kale xiriiro aanu la sameynay Saraakiisha Shabaab ee dhinaca Warfaafinta ayaa inoo xaqiijiyay in Sheekh Xasan Dahir uu ku sugan yahay Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.

 

Xalay ayaa isaga iyo Sheekh Xasan Takar iyo Sheekh Nuur Macalin Cabdiraxmaan ay muxaadaro ka jeediyeen Masaajid ku yaal Magaalada Marka.

 

Ma jirto hadal Dowladda si rasmi uga soo baxay, ama cadeyn u ah warka, ha yeeshee warbaahinta ayaa kaliya qiil uga dhiganayay wararka ku saabsan in Sheekh Xasan Dahir inuu isu soo dhiibay in saraakiil ka tirsan dowladda inay u xaqiijiyeen ama ilo wareedyo, mana jirin codod ay Idaacadaha qaar baahiyeen, laakiin sida caadada ah marka Sarkaal ama ciidan isa soo dhiibo saxaafada ayaa loo soo bandhigi jiray, saraakiisha dowladda ayaana ka hadli jiray.

 

Saacadihii u dambeeyay ayaa warkan uu dal iyo dibad qabsatay, waxaana bogga Jowhar.com oo aan ka hor dhicin ku qaadatay inuu xaqiiqda soo saaro saacado, iyadoo ugu dambeyn uu helay ragg aad ugu dhow dhow Sheekh Xasan Dahir ayna u xaqiijiyeen.

 

Inkastoo Al-Shabaab culeysyo milateri saaran yihiin, kadib markii laga qabsaday deegaano muhiim ah, ayaa hadana saraakiishooda waxay wali ku goodinayaan inay dagaalka sii wadayaan ilaa kan ugu dambeeya ka dhimanayo.

 

http://www.jowhar.com/news.php?readmore=1119

Share this post


Link to post
Share on other sites
Marksman   

I need proof! I'm guessing this evil man will get immunity? Or a seat in the government. If so, I'm very disappointed. There should be some sort of justice if this story is correct.

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Maadaama Isaga Isa So Dhiibay, Ma Isleedihiin Dowladda Ayaa Lagu Soo Biirinayaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

Qandalawi;838094 wrote:
Where is Maadeey to tell us why did his uncle, spiritual leader and jihadist, gave up and surrendered to the AMISOM Gaalo and their lackeys the TFG.

War Maadeey amuuba safka hore galay intii mudo ahyd lama arag!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this