Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Construction rebuilding boom continues in Mogadishu +PICS

Recommended Posts

Somalia   

Abwaan;834946 wrote:
May be they did not know how. Ma faas bay ku jebin karaan? Nimankaan faasas bay qabuuraha la dheceene.

The reason why is that it is an Obelisk, inspired from Ancient Egypt, they were pagans I think.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;834716 wrote:
I wonder why ICU/Al-Shabaab never destroyed this.

 

dahson2012.jpg

shabab used to sit at the top getting closer to God..way ka cibaadeeysan jireen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho oo uu ka socdo dib u dhis xoog leh, xilli Soomaaliya ay gashay marxalad cusub (SAWIRRO)

 

Talaado, October 02, 2012(HOL) - 16-kii bishii aynu soo dhaafnay , waxaa awooda dalka si nabadgalyo ah ula kala wareegay labo madaxweyne markii ugu horreysay muddo 43 sano ah, taasoo sare u qaaday himilada ay Soomaalidu ka qabaan xasilooni buuxda oo dalku uu gaaro.

 

Magaalada Muqdisho oo burbur culus ay gaarsiiyeen dagaallada dheeraa ee ka dhacay 20-kii sano ee la soo dhaafay ayaa haatan u muuqata inay si tartiib ah uga soo kabanayso dhanka dhismaha, iyadoo ay dalka ka bilowdeen, dhismayaal xoog leh oo guryo aad u bilic qurxoon laga dhisayo caasimada.

 

Laga soo bilaabo ayraboorka ilaa iyo xaafadaha magaalada waxaad arkaysaa isbadalka socda oo laga dareemayo dhanka dhismayaasha in dalku uu galay marxalad cusub oo dhanka horumarka ah.

 

Dhismaha ugu badan waxaa wada dadka kasoo noqday qurbaha oo iyagu ah cududa dhaqaale ee dalka.

 

C/qaadir Axmed (Kamtiirey) oo ah agaasimaha waaxda qurbo joogta ee wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa aaminsan in dib u dhiska dalka uu bilowday, balse looga baahanyahay qurbo-joogta inay sameeyaan dadaal intaa ka badan.

 

 

C/qaadir Axmed (Kamtiirey), Agaasimaha waaxda qurbo-joogta

“Dib u dhiska qurbo-joogtu waa mid qayb wayn ka qaadanaya , horumarka iyo xasilinta dalka,balse dadaal intaa ka badan ayaa loo baahanyahay, burburka dalka gaaray waa mid ballaaran oo aan maalin iyo labo looga soo kaban Karin” ayuu yiri C/qaadir.

 

“Waxaan dajinay mashruuc ballaaran oo lagula kulmayo qurbo-joogta ku nool dhammaan wadamada aduunka, kaasoo looga qayb-galinayo dib u dhiska dalka” ayuu sii raaciyay.

 

Marka laga soo tago doorka qurbo-joogta Waxaa jira ganacsato aan ka bixin gudaha dalka kuwaas oo iyaguna kaalin muuqata ka ciyaaraya hor-u-socodka dhaqaale ee wadanka.

 

Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq xoog leh oo dhanka ganacsiga ah.

 

 

 

Waxayna ganacsatadu kuu sheegayaan in marka la isku daro dhaqaalaha ay dalka soo galinayaan qurbo-joogta iyo ganacsatada gudaha ay sare u qaaday dakhliga fardiga ah ee dadweynaha, taasoo sii xoojinaysa xasiloonada dalka.

 

Junayd Ismaaciil Egale oo ah dhalinyarada qurbaha kasoo noqotay oo lasoo shaqeeyay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa aaminsan in dhismaha dalka ka bilowday uu sii xoogaysan doono, hadii xukuumada soo socota ay la timaado waxqabad muuqda.

 

 

Junayd Ismaaciil Egale oo ah dhalinyarada qurbaha kasoo noqotay

“Waa in xukuumada cusub ee la dhisayo ay noqotaa mid tayo leh, taasi waxay dheeri galin doontaa in Soomaalida iyo qurbo-joogtuba ay sii siyaadiyaan maalgashiga dalka” ayuu yiri Junayd.

 

“Dadka dibadu rajada ugu badan waxay ku xirayaan xukuumada soo socota sida ay u shaqayso, waana midaas tan lagu kala ogaan doono halka ay dalku u jihaysanayo” ayuu sii raaciyay Junayd.

 

Inkastoo Soomaaliya ay soo martay wakhti dheer oo aad u adkaa, waxaa la rumaysanyahay in dadka Soomaalida ah ay awood aan qarsoonayn u leeyihiin dhanka ganacsiga, taasoo qayb wayn ka qaadan doonta dhismaha iyo soo celinta bilicdii Muqdisho, waase haddii ay dawladu qaado tallaabooyin ay ku adkaynayso ammaanka dalka.

 

 

 

 

Muq8.jpg

 

Muq14.JPG

 

Muq12.JPG

 

Muq4.jpg

 

 

Muq6.jpg

 

Muq15.jpg

 

Muq7.jpg

 

Muq5.jpg

 

Muq3.jpg

 

 

 

 

 

 

 

Axmed C/samad,Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this