Sign in to follow this  
Carafaat

Somali Love songs (with lyrics)

Recommended Posts

wyre   

There Is Some Errors In The Lyrics But I Hope 99 Percent Iney Sax Tahay

Heestana Ku Raaxeysta

 

 

Galeyr Yahow lamaansaday

Naf Jaceyl Lamaanshaa

Laaluush Kugu Sabeysee

 

Adigaa Lalaayoo

Ku Dabaasha Leydhoo

Ku Ladhaabto Beer Kulul

 

Laalaab Waraaqdaa

Lugahaaga Sura Oo

Luuq Iyo Ugu Gee Gedo

 

Luulna igu Salaamoo

Adoo Laamo Ubaxliyoo

leyriyo kuhelay Hoos

Inkastood Lug Xerantahay

Inaan liito Gaarsii

 

Waa Lix Iyo Toban Sano

Intey Igu Lamaantoo

Weli laabto Kugu Sida

 

Adduunyadan Lurteediyo

lufluftiyo Colaadaha

Ayey Iga Libidhaa

 

Maan Lado Hurdada oo

Waa Laabkacay Daraadaa

Luqmadana Ka Go'ayee

 

Haddey Li'ido Iga Bixin

Lurkaan Kuma Jiraayo

Waan Soo Laaban Doonaa

Luuley Laamo Raaxo Iyo

Arooskeenu Lido Noqon

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

How I feel tonight....Exactly,,,,I was sitting and suddenly I thought of this song, Funny how sometimes songs are about us, this time about me......Thank you Ahmed Cali cigaal...

 

 

 

cakuye hawl badanaa

ma cidlo ciirsi laan fadhiyaa

cirka dheer dhulka dheer

caways la kuududaa

 

wayga ciirsantoo taladu

cayn wareegsantee aniga

culays baa i saaranee

allaw ciilka iga bixi

 

Nin caydhi waligii

ceeb kama fogaadee

caaway u darantee

xagee baan ku cuskadaa

 

cakuye cosobkii qalbiga

ma hayo carfigii indhahoo

midii aan calmadaa

cidhiidhi ku jirtee

 

caashaq baan hortee anigu

la cataabayee hadana

mid kale la curatee

allaw ciilka iga bixi

 

Nin caydhi waligii

ceeb kama fogaadee

caaway u darantee

xagee baan ku cuskadaa

 

calool-xumadayee xalay baa

gogoshu i cuntoo cartamoo

sidaan u cadibnaa baa

cadceedi soo baxdee

cudurka iigu sii daranee

waa calaacashaa madhanee.

ciddi-jiiday socodkee

allaaw ciilka iga bixi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

^^ heestan markaan maqlo nabaradi bogsoonaye bey dib u damqisaa, alleylehe cooflow markaan igama aadan duceysan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

wyre;895419 wrote:
^^ heestan markaan maqlo nabaradi bogsoonaye bey dib u damqisaa, alleylehe cooflow markaan igama aadan duceysan
:D

aasif...May be this one will help heal the wounds..

 

Burji iyo nasiiblaay

barwaaqada ka cararaay

abaartana u baydhaay

khayrka balo ka jeceleey

belo iyo baaska jeceleey

 

 

Wuxuu dumar ka baqi jiray

iyadu u badheedhaay

bilic lagu khasaaraay

 

Boqoradii haweenkaay

hablaha laga la soo boxo

bariyo taan u haystaay

 

Jacaylkan mudada badan

Baarkanuu fidhaaiyo

Beer laxowsi gaagii

kabogsoodayee kowdhe

 

Buugii sirtaadiyo

toogtaadii waan helay

kaagana bexee laba dheh

 

Waxaan baaq u dirayaa

tacsi ugu buun dubayaa

caashaqeenii berigii

barbaartii wax ka ogeyd

galiin soor bankiisiyo

baadiyihisa lagaa helo

beel guba inaad tahay

ileen beeni raad ma leh

na dhex mari bariidadu

ileen waan isbaranee

 

Waxay se balo kajoogtaa

boqol midabyo leeyeey

kan dambeed isbarataan

sidaad bohoosha ugu ridi

Balwadaadu leediyo

hadii baarka curubiyo

bulsho iyo taleex tahay

dhaqanka la’ baqooshee

biirka iyo dhayldu

inte bari inte bari intee

inte bari bay ku wadayaan

 

http://maalmo.com/hees/a/ahmed-yasiin-digfeer_burji-2.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

thanks cooflow, heestaan markaan dhageysto, waxaa igu soo dhacdo hees kale ee jibuutiyaan iney tahay aan u maleeyo, iyada iyo heestan ayaa isugu key xigay tel-keyga waagaan kenya joogay heestaas internet-ka waan ka waayay bal haddaad taqaan intaan ka xasuusto miraheeda ila eeg

 

the man says,

inanyahay gurracan een laguu galeyn

isguhaadisooy gabar kale inaan

galbiyaan jeclee galabtaba carrow

the woman will reply and something like

 

..................................

............................................

go'aankaad laheyd ma gumeysi iyo

guur buu ahaa

 

then the man says

waxaad uba gablamin

gaari baad eheyn gabar fiicanoo

maangaabsatiyo waxaad tahay gardaran

 

 

the end wey isu dhiib dhiibayaa sidan

 

aanba kala go'nee geddu waa geddaa guurkiyo waqtiga

 

galad kuma qabee geddu waa geddiin guurkiyo waqtiga

 

iga soo gaddoon geddu waa geddaa guurkiyo waqtiga

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Dunida adaan kaa rabaa

 

 

by C/Qaadir Sanka

 

dunida adan kaa rabaa

daayin intuu abuuray

 

dookhaygaa ku raacooo

ku dalbaday

dahabka maankayga

 

adigaa dagay qalbigaa hahaaa

wadnaha dacalkiisee

 

soo dagoo i daawee

macaaneey i daawee

soo dagoo i daawee

Abaayooy i daawee

 

 

dadka taan ka doortaay,

dawadii naftaydaay,

 

taan darsay wanaageed,

ku dalbaday deeqdey maankayga,

 

adigaa dagay qalbiga hahaa

wadnaha dacalkiisee

 

 

soo dagoo i daawee

macaaneey i daawee ala

soo dagoo i daawee

soo dagoo i daawee

Share this post


Link to post
Share on other sites

http://www.nomadlyrics.com/heeso-4a41fe176-sii+ku+raace+lee+waye.html

 

Raq badda mii iga bixin rajadey an gareee

Radkaa ma layga reebi karee

Ma layga reebi karee siin kuugu raacay lee wayee

 

Soo riibee ruuxey adaa lahee

Rafaadkan ma iiga reebtidoo

 

Raxiin maa la raadsadayoo lagu soo ribxaayee

Adaa iiga roon raaxa ii tahayee

Raaxa ii tahayee siin kuu raacay lee waaye

 

Soo riibee ruuxey adaa lahee

Rafaadkaan ma iiga reebtidoo

 

Taariikhda wa katagaa waa iiga raagtee

Rabsho iiga dhaaf riyadeyda rumeey

Riyada rumeey siin kuu racay lee waaye

 

Soo riibee ruuxey adaa lahee

Rafaadkan ma iiga reebtidoo

 

Soo ribee ruuxeey adaa lahee

Rafaadkan ma iiga reebtidoo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

raula;901287 wrote:
^^^sanka is one of my fav as well.

 

I can't find the lyrics (& don't have much time to post the lyrics here) but love this song by Ahmed Mooge (Weli/wali waa Caruuro)

aaah...its not that you don't have time inader, its that the song is not what you want your kids to hear! .... needs to be censored, but men will always enjoy it..no shame in literature.

wyre sxb sorry, I never heard of this song before...

 

Midab aan cadaaniyo

cawlaan ahaynoo

eegmada cajabiyoo

lagu caajisayniyo

waxaad tahay mas ciideed

 

wali waa caruuroo

waa laan curdin ahoo

waxa loo carbinayaa

sida faras colaadiyo

dakano u curtamayee

 

cambaruudka naasaha

caarada madaw iyo

luqunta cabaadhta leh

iyo cududaheediyo

kubabkaa is celiyee

 

wali waa caruuroo

waa laan curdin ahoo

waxa loo carbinayaa

sida faras colaadiyo

dakano u cartamayee

 

Sunayaal carceere

cidhifka isla gaadhiyo

indha cawl la moodoo

caashaqa abuuraa

igu beeray cudurkee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

 

 

 

Hor joogaaga inanyahay

markii aan jaaleecaba

kama jeesan karyo

adigaa ii jiitee

 

 

Anigaa ku jantoo

kuu jeelan adigoo

sidaad iigu jeedaad

ana kuu jeclaystee

 

soo hor joogsigaagay

jamaataa naftayduye

jirid waxaad

jirid waxaad tahay

weligeed aan jabin

 

jeegaan la moodyey

jaahaagan quruxda le

naftaydaa u jeelan oo

u jibeysan adigee

 

jeexaygii midigoow

adaan kuu jirabnee

juuqda haiga jarinoo

haiga jeesan abidkaa

 

soo hor joogsigaagay

jamaataa naftayduye

jirid waxaad

jirid waxaad tahay

weligeed aan jabin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

i've been listening to this song all day long. :)

 

 

sidaad ii ogeyd baan adiga moyee ragba ilaaway

sidaad ii ogeyd baan ubax la moodyow kuu amaanaa

sidaad ii ogeyd baan axdigeenii u adkeeyaa

 

miyaad ogeyn

miyaad ogeyn

miyaad ilawday

 

miyaad ogeyn

miyaad ogeyn

miyaad ilawday

 

inaad jacayl igu abuurtay

uurkeygana ku darantahay

maba ilaawee

 

inaad jacayl igu abuurtay

uurkeygana ku darantahay

maba ilaawee

 

 

 

 

sidaad ii ogeybuu afku hadalkii iiga xadayaa

sidaad ii ogeyd baan ereyadadii uugu heesaa

sidaad ii ogey baan adiga awgaa aan u ooyaa

 

sidaad ii ogeybuu afku hadalkii iiga xadayaa

sidaad ii ogeyd baan ereyadadii uugu heesaa

sidaad ii ogey baan adiga awgaa aan u ooyaa

 

miyaad ogeyn

miyaad ogeyn

miyaad ilaawday

 

miyaad ogeyn

miyaad ogeyn

miyaad ilaawday

 

inaad jacayl igu abuurtay

uurkeygana ku darantahay

maba ilaawee

 

 

sidaad ii ogeyd baan ala ku aawey kuu idhaahdaa

sidaad ogeyd baan oon aan kuu qabo kuu il daranahay

sidaad ii ogeyd baan aragtidaadii ku istareexaa

sidaad ii ogeyd baan ala ku aawey kuu idhaahdaa

sidaad ogeyd baan oon aan kuu qabo kuu il daranahay

sidaad ii ogeyd baan aragtidaadii ku istareexaa

 

miyaad ogeyn

miyaad ilaawday

 

miyaad ogeyn

miyaad ilaawday

 

 

inaad jacaeyl igu abuurtay

uurkeygana ku darantahay

maba ilaawee

inaad jacaeyl igu abuurtay

uurkeygana ku darantahay

maba ilaawee

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am watching Beeneey Waa Run. I was quite intrigued by one of the firsts songs. Can someone be so kind and provide the lyrics and translation of the song? It will go greatly appreciated. Its from 15:00-22:00 but the song repeats several times

 

 

 

 

 

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this