Sign in to follow this  
Carafaat

Somali Love songs (with lyrics)

Recommended Posts

Carafaat   

Koshin

 

Miyaan dibad ka hoyda

 

http://www.nomadlyrics.com/heeso-4772cab2f-miyaan+dibad+ka+hoyda.html

 

Dad haddaad is qabataan

Ileyn waad la doodaa

Dugaagoo ku weerara

Yurbaa lagula dabaalaa

 

Duufaanka xooga leh

Waa laga ducaystaa

 

Shay kastoo nafta u daran

Waxbaa lagula daalaa

 

Belo waxa u digo kulul

Damci-xume jacaylkaa

Daandaansi badanaa

Waa dira diraalee

Ninku maalintaa dago

Ama uu la helo dabar

Ayaa diifka abadkii

Dusha aad ka garataa

Darani inuu helay

Uu dakharo kaga tagay

 

Ana doorsan waayuhu

Daraygiisa may sudhay

Midaan digigixoonayn

Aan naftu may dul galaysaa

Naftu maysku duubtaa

Iyana may igu digataa

Inaan doono mooyee

Miyaan dibad ka hoydaa

 

Dabku huro jaleecada

Uuka beermo daymada

Dunqulaalka shaydaan

Dhedo iyo xanuun iyo

Dabkay huriso barashadu

Inuu cudur da wayn yahay

Nin kuu helo dawoobayn

Inuu yahay dabiibtii

Intuu hore u dabar jaray

Ninkii qays ahaa kow

Ku daroo cilmina laba

Afartuu deldeliyoo

Ma ceeblaa dib loo arag

Inta Layla kaga daray

Intuu daarka aakhiro

Ku *****lay caashaqu

Hodan haw danbaysee

Ma cid bay ka dedan tahay

 

Ana doorsan waayuhu

Daraygiisa may sudhay

Midaan digigixoonayn

Aan naftu may dulgalaysaa

Naftu maysku duubtaa

Iyana may igu digataa

Inaan doono mooyee

Miyaan dibad ka hoydaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Sayneb Cige

 

Haldhaa

 

http://www.nomadlyrics.com/heeso-651aacc01-haldhaa.html

 

Haldhaayeey waxaa jira

geed hadhweynoo

hanti aad uleedoo

 

Hoobaanta midhahaa

kuu heyso gaajo

aanad kuna hagaagine

 

Nin habari dhashay

hal ma seegi waayee

hawlahan bal ila fuli

 

[Zeynab]

 

Halyeeyow waxa jira

meel howl u baahan

hadal kuma bogsootee

 

Hadalkan aad ileedahay

waa hawlo kuguma maqan

waan u dhaga hagoogtee

 

Hoos u dhaadhac

waxaad taban

harag cawl ha saarine

 

[salad]

 

Haldhaayeey waxa jira

hilin looga baaqoo

ku hayaamin karinoo

 

Awr hayinaan u waayine

hubsanayey roobkii

halkay qabatay heegadu

 

Nin habari dhashay

hal ma seegi waayee

hawlahan bal ila fuli

 

[Zeynab]

 

Halyeeyow u jeedada

hiladiyo tilmaamtii

hilinkeedu wuxuu yahay

 

Waa nin hal u lisiyo

habeenkii jacaylkuba

is hareera yaaliin

 

Hoos u dhaadhac

waxaad taban

harag cawl ha saarine

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Waan kuu Waramayaa ---- Muuse Ismaaciil Qalinle (AUN)

 

http://heesta.com/daar_hees.php?id=2206

 

I wrote them down, So pls if you find any errors tell me..

 

Waan kuu waramayaa

kaa waaban maayee

naftaydaaay

 

ma ogtahay waxay tidhi

iyo ruux wixii dilay

waheeey sooma celisee

 

wagtiyo talaabada

waanigaa hubsanayee

anigoo warwarayaan

xalay waabariistoo

waqalkiyo daruurahaa

layga wacay dushoodee

inta weer cad lay xidhay

warmo layla dhacayaa

 

waligii nin liitiya

jacaylkuu wadeecaa

taladiisa wiiqaa

waxyeelaa kuu gaadhee

waxyeelaa ku gaadhoo

 

adigoo igu warwarayaan

arrinkii wareejoo

hadii weercad lay xidhi

waa nin iyo waagii

 

jacayl wali ma leeyahay

waanwaan ma leeyahay

waanada ma qaataa

ma wanaajiyaa ruux

waxaan ahay wadeecoo

waxyeelaa i gaadhee

 

Waan kuu waramayaa

Kaa waaban maayee

Naftaydaay

 

ma ogtahay wixii dhacay

iyo weerarkii xalay

wigladiyo ciyaartii

wigladiyo ciyaartii!

 

waaxdaydii midig baa

nala kala walwaalo

waadiyo dhul doogliyo

wabi bay ku nooshee

anna waayo arag baa

dhulka ila wareegaa

miyaan soo walhaynaa

oo laygu wiirsaday

 

Walle iguma fiicnee

mar hadaan wareegsaday

waddo aan u leexdiyo

aanay jirin wadiiqaba

bal ayaan waraystaa,

******

jacayl wali ma leeyahay

waanwaan ma leeyahay

waanada ma qaataa

ma wanaajiyaa ruux

waxaan ahay wadeecoo

waxyeelaa i gaadhee

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Coofle;842469 wrote:
Waan kuu Waramayaa
---- Muuse Ismaaciil Qalinle (AUN)

 

 

I wrote them down, So pls if you find any errors tell me..

 

Waan kuu waramayaa

kaa waaban maayee

naftaydaaay

 

Ma Ogtahay Wixii Tegay

iyo ruux
Wadkii Dilay

waheeey sooma celisee

 

wagtiyo talaabada

waanigaa hubsanayee

anigoo warwarayaan

xalay waabariistoo

waqalkiyo daruurahaa

layga wacay dushoodee

inta weer cad lay xidhay

warmo layla dhacayaa

 

waligii nin liitiya

jacaylkuu wadeecaa

taladiisa wiiqaa

waxyeelaa kuu gaadhee

waxyeelaa ku gaadhoo

 

adigoo igu warwarayaan

arrinkii wareejoo

hadii weercad lay xidhi

waa nin iyo waagii

 

jacayl wali ma leeyahay

waanwaan ma leeyahay

waanada ma qaataa

ma wanaajiyaa ruux

waxaan ahay wadeecoo

waxyeelaa i gaadhee

 

Waan kuu waramayaa

Kaa waaban maayee

Naftaydaay

 

ma ogtahay wixii dhacay

iyo weerarkii xalay

wigladiyo ciyaartii

wigladiyo ciyaartii!

 

waaxdaydii midig baa

nala kala walwaalo

waadiyo dhul doogliyo

wabi bay ku nooshee

anna waayo arag baa

dhulka ila wareegaa

miyaan soo walhaynaa

oo laygu wiirsaday

 

Walle iguma fiicnee

mar hadaan wareegsaday

waddo aan u leexdiyo

aanay jirin wadiiqaba

bal ayaan waraystaa,

******

jacayl wali ma leeyahay

waanwaan ma leeyahay

waanada ma qaataa

ma wanaajiyaa ruux

waxaan ahay wadeecoo

waxyeelaa i gaadhee

I'm Not Listening It Now But I Guess Those Words Should Be That Way

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

raula;845228 wrote:
Carafaat-love that song..thx for the lyrics. Ina mooge baan jeclahay asalka heesta leh.

 

Would love to get the lyrics of this song by Qalinle..some years baa la'igu baabe (ku waashe) heestani..lol.

 

Big fan of Qalinle AUN

 

Daahdahoo aroortii --I think it is (Dadyahaw aroortii)

Adaa doogsanaayo

meel roob dibnaha dhigey

dhirtu digil madow tahay

adaa daawanaayoo

kalidaa dakeeyee

inta haadka duushiyo

shimbiraha la darisee

caashaq igu daleelsadey

 

warqadaan ku daabacey

doodeeda iga qaad

deeq waxad tidhaahdaa

inankii dayowyoo

ma xasuusto dunidee

 

waa adi daradaa

dakharkiisa caashaqa

waxa uu la doogtee

maruun soo calool dabac

 

Daahdahoo aroortii

Deeqdii ilaahey

adaa doonanaayoo

cidi daarad kugu hayn

meeshii il-doogleh

adigaa u leexdee

waxa kastoo lagu diro

deeqsiiye hadalkee

Caashaq igu daleelsadey

 

Warqadaan ku daabacey

doodeeda iga qaad

deeq waxaad tidhaahdaa

inankii dayowyoo

ma xasuusto dunidee

 

waa adi daradaa

dakharkiisa caashaqa

waxa uu la doogtee

maruun soo calool dabac

Share this post


Link to post
Share on other sites

Markaan daa iraahdee

dubaaqa iyo maanka iyo

dooqa ka saaraba

 

Wadnihii daloolay

daqaradaa ku jiidiyo

soo damaci waalnaa

ima soo diraayoo

 

Doon doon

doon doon

kaco day day imalaha

 

Daa iska daa

hadeey dumisay wacadkii

nabsaa soo dabraayee

dooqaba ka saar

 

Nin jaceyl dardarey

dadka muu maqlaa

dabeeylahaan u faraa fariin

diikoo ciyaayaan daydayaa

wadkoon i dilin

waanan deyn kareeyn

 

Inantaa daraadeed

labadeydan daan iyo

carabkaa is diriroo

dibnuhuna coloobeen

 

Waxa shiday dabkaase

isku diray jirkeeygi

waa dowdaalkeediyo

deeqa araamideedee

 

aah ah haa

ayaa iga damiintaa

aah ah hmmmm

ayaa iga daweeyaa

 

Daa iska daa

hadeey dumisay wacadkii

nabsaa soo dabraayee

dooqaba ka saar

 

Nin jaceyl dardarey

dadka muu maqlaa

dabeeylahaan u faraa fariin

diikoo ciyaayaan daydayaa

wadkoon i dilin

waanan deyn kareeyn

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Raula, thanks for the song. It's amazing. Qalinle is quite good. I am big fan of Mooge as well.

If you have any songs with lyrics,please feel free to post it. I am new in to the Somali music, can only

grab a little of it, but what I do understand is of the highest level of poetry!

Share this post


Link to post
Share on other sites
wiil   

Looli dhaga laheydoo

looli dhaga laheydoo

laba goor tuskii helay

Dhulkoo liqay xareedii

rayskuna labeen yahayee

rayskuna labeen yahayee

 

 

 

Oo laamo ubaxiyo

isku ladhay caleentii

liiq liiqanayaa

 

 

Saxan saxo lulaysiyo

sida laydha

laydha uduga leh

laab qaboojiyaa

 

 

Maxaa kaa lilaahiya

caashaqa halalinee

 

 

 

Siidii aan u laab kacay

Siidii aan u laab kacay

ladi waayey jiifkoo

 

 

 

Sidaan ulaba lagdoodaan

laaca waan la gowsahayee

laaca waan la gowsahayee

 

 

Labxadaya beerkiyo

qalbigaad ka lulataa

laxawgiina sii kodhodh

 

 

Dhibka halista igu mudan

inaan liito liito aragtayee

intaan luxudka lay dhigin

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Heestaan Aad Ii Cajabisay Aan Isku Dayo Inaan Qori Karo

 

Inan Yahay Magooshee

Mahiigaan Sidiisii

Maankeyga Qaadee

 

Maxaan Kuba Masaalaa

Muuq Dheerey Sheekadan

Hadalkeeda Macaan

Nuurkeeda Macaan

Maan Seegin Aniguye

Marinkale Mahaysaa

 

Waa Mid Innagu Mudane

Dafireynin Maalmoo

Mowla Aan Magansaday

 

Inan Yahay Magooshee

Dadku Kala Mug Weynoo

Qurux Lama Masuugee

 

maxaan Kuba Masaalaa

Muuq Dheerey Sheekadan

Madasheeda Dugsoon

Muxibey I Gelisee

Marinkeed Ma Haysaa

 

Waa Mid Innagu Mudane

Dafireynin Maalmoo

Mowle Aan Magansaday

 

Haddaa Iga Dhego Fiican Tihiin Iga Saxa :D

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Laba sooryo wada cunay

Sahan dheerna wada galay

Saameeyey caashaqu

 

Mid hadduu socdaal tago

Sanado dhawra maqan yahay

Salaantiyo jawaabtii

Ka kalaa sugaayee

 

Kii aan sugaayee saygay ahaayoow

I suggoo yaanan soo noqonin

Sidaa lama ammaanayn

Sal fudaydina maayee

Sahlanaa amuuranaa

Bal aan saadsho maantana

Siday noqon ALLAH oge'e

 

 

!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this