Sign in to follow this  
Carafaat

Somali Love songs (with lyrics)

Recommended Posts

Hadduu Beerku Qaybsamo

 

Haduu beerku qaybsamo

Badh baan adi ku siin lahaa

Wadnahayga bidixdana

Waan kuu bedeli lahaa

Kaagana waan la bixi lahaa

 

Waa booli dhiiguye

Kaalamaan bakhayleen

Nafta aan laba bahood noqon

Badhkaagaan ku siin lahaa

 

Biyo haddaad cabaysana

Bisinkaan ku dari lahaa

Bedenkaago faatoxo

Bohod baan uga dhigi lahaa

 

Ilaah waxan baryaayaa

Aduunyada badhaadhiyo

Barkhad inaad ku waartoo

Aakhirana bishaariyo

Janada inaad ku baridaa

 

Indhahayga baalkiyo

Budoodaan ku dhigi lahaa

Sanbabkayga bilan baan

Badhtankiis ku gelin lahaa

Bacda dhegaha maqalkaan

 

Xubka kuugu qarin lahaa

Waxan beeri lahaa ubax

Soo bixiyay caashaqa

Habeenkii bogaygaan

Iigu beri ku odhan lahaa

 

Marka aan soo baraarugo

Bishaaraan ku siin lahaa

Bidhaantaada araagaa

Bil khayr ugu ducayn lahaa

 

Ilaah waxan baryaayaa

Aduunyada badhaadhiyo

Barkhad inaad ku waartoo

Aakhirana bishaariyo

Janada inaad ku barida

 

Waan ka baga bagayn lahaa

Kuu luli lahaa balag

Bila deyaan sidiisaan

Kuuu daawan lahaa bilic

Beeryarada oloshaan

Biyo sii ku odhan lahaa

 

Sida boga dhayihii

Waan kugu bogsoon lahaa

Had iyo jeer bariidada

Kaalamaan baydheen

 

Biyo haddaad cabaysona

Bisinkaan ku dari lahaa

Bedenkaago faatoxo

Bohodbaan uga dhigi lahaa

 

Ilaah waxaan baryaayaa

Aduunyada badhaadhiyo

Barkhad inaad ku waartoo

Aakhirana bishaariyo

Jannada inaad ku baridaa

 

Qalbigayga bilan

Baruur kaaga dhigi lahaa

Caqligeena badan baan

Isku wada badhxi lahaa

Belaayada xijaabkaan

Burda kaaga celin lahaa

 

Bohal yoow kalgacal baan

Berisada ku tebi lahaa

Riyadaan habeen barad

Bacle kuu tumi lahaa

 

Barbaarta u horee baan

Bilcaaneey ku odhan lahaa

Bidhaantaada aragaan

Bil khayr ugu ducayn lahaa

 

Illaah waxan baryaayaa

Aduunyada badhaadhiyo

Barkhad inaad ku waartoo

Aakhirana bishaariyo

 

http://maalmo.com/hees/s/sahra-ahmed_haduu-beerku-qaybsamo.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

A poignant song by Magool called dhambaal.

 

Hohay dunidaneey kala haatiyay.

Naftu waxay u hibatoo ay haaban

weydoo ku hanqaara badanaa.

Laba aan is hurin oo

haddana aan is haynoo .

Intuu caashaq wada helay

Hayaan kala fogaadoo

Kala heeray waayuhu

mid waliba halkiisu

la jiifaa haraadkee

 

Halkaad ku nigadahay

Maxaad caawa haysaa?

Hawada caafimaadkaaga

Iyo heerka noloshaada?

Hayntaada jeebkiyo sidee

Hawshu kugu tahayee?

Hibashad xusuusta Hurdo

kaama seexdee, wadnaha i

habayee, kaaguna ma heema?

Haasawaheenii ma u soo helowdaa?

Habeenkii kulkay tahay ma la ikaa horkeena?

 

Sida hobol caan baxay kalidaa ma heestaa?

Habalyada salaantiyo ma heshaa waraaqaha?

Hudhud ama ku lumiyoo heedhe la isku keen diray.

Amad halacsataayoo ku hawiratay meel kale.

Caashaqii horeeyiyoo keenii halmaantaa.

Haatufkiyo dabaylaha war la hubo

U soo dhiib, kaygana mar iga hoo.

Hoobee laba shub weeyaanee. Hobee hobee

Heedhe ma I maqlaysaayee? Hayey hayey!

Hindisuhu siduu qabo

Hadmaad Iman (ahhhh) bal ii sheeg.

Hor Alle waan ku sugayaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this