Sign in to follow this  
Somalia

Puntland Minister Of Constitution and Federal Affairs Dies

Recommended Posts

Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa guddi wasiiro ah u saartay qaban qaabada Aaska Qaran ee Wasiiru-dawlihii Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Dawlada Puntland oo duhurnimadii maanta abaare 12:00 ku geeriyooday Magaalada London ee Caasimada UK.

 

Wasiiru-dawlaha Maamul waanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo goor dhawayd warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in kulankii Isniinlaha ahaa ee maanta golaha Wasiirada Puntland ku lahaayeen looga dhawaaqay guddi loo xilsaaray qaban qaabada Aaska Qaran ee Marxuumka.

 

Wasiirku wuxuu tilmaamay in Madexweynaha Puntland Mudane C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole uu shirkan ku magacaabay sadex xubnood oo ka mid ah golaha Wasiirada Puntland oo loo xilsaaray qaban qaabada Aaska qaran ee Marxuum Dr. Jimcaale.

 

Guddiga uu Madexweynuhu u saaray qaban qabadan Aaska Qaran ee Wasiiru-dawlihii Dastuurka iyo arrimaha faderaalka ee Puntland ayaa waxay kala ahaayeen:-

 

C/qani Yuusuf Cilmi oo ah Wasiirka Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddigan, Dr. Cali C/laahi Warsame Wasiirka Caafimaadka oo ah xubin ka mid ah guddiga, Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) wasiiru-dawlaha Maamul wanaaga Puntland oo isna xubin loo magacaabay.

 

Hadii alle idmo guddigani waxay ka shaqayn doonaan, sidoo kalana suurtagalinayaan halka uu ka dhacayo Aaska qaran ee Marxuumka oo ay u badantahay in deegaanada Puntland uu ka dhaco, waxaana goor dhaw la filayaa in Madexweynaha Dawlada Puntland uu Madextooyada ku qabto shir jaraa’id oo uu uga hadlayo geeriada Marxuumka iyo Aaskiisa.

 

Dhinaca kale Madaxweyne Faroole ayaa shacabka Puntland la hadlaya goor dhow si uu guga tacsidayeeyo geerida Wasiirka oo run ahaantii ay saxiib dhow ahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

uchi;827563 wrote:
AUN, where can I get this book guys? any international online stores?

The ISBN is 8798699202

 

People don't understand the magnitude of this loss. Truly a sad period.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Ogaysiis:- Aaska Wasiirkii Dustuurka Puntland Marxuum Dr.Cabdi Xasan iyo sida uu u dhacayo

Posted by Pi on May 8th, 2012

Waxaan Jaaliyada Soomaaliyeed iyo Midda Puntland ogayeysiineynaa in Aaska Marxuum Abdi Hassan Jimcaale uu ka dhici doono maalinta Bari ah (Arbaco 9/05/2012) wuxuuna ka dhacayaa Galbeedka Magaalada London, wuxuuna u dhacayaa sidan….

 

Jadwalka Aaska.

 

Date 09/05/2012.

 

Salaada Jinaaso ee Duhur waxa ey ka dhaceysaa, Masjidka Central Jamia Masjid, Montague Way, Southall Middlesex, Post Code IN2 5PA. Salaada Duhur.

 

Qabuuraha Address. Cherry Lane Commentary, Shepiston Lane, UB3 1RN. xaafada Hayes oo aan waxba ka fogeyn Masjidka salaada loogu tukanayo

 

Contact/ faahfaahin lasoo xiriira

 

Maxamed Cali Diirshe 07951897047

Sakariye Isticmaar 07960721669.

 

Fadlan dhowara wakhtiga Jinaasada iyo Duugta.

 

Mahadsanidin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AUN, he was a warm wonderful man. A man of great intellect and poise. He will be missed greatly in our part of the world.

May Allah SWT give him mercy & strength to his family at this time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi Rajicun. Ilaahay ha unaxariisto jadatul firdowsana haka waraabiyo.

 

A remarkable man he was, he will be greatly missed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji Xunjuf;827442 wrote:
Allah ha u naxariisto cabdi xassan jimcaale.

 

 

 

But also let's hope his visions of clan federalism also died with him iyadana allah ha u naxaristo

It seems you were right. Federalism died definetly.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Why don't you keep your excitement until we get to the end of this debacle for the game has only began, you keep ululating like a new pride experiencing her first night for first time in her life inexperienced and forgetting and unaware of the bumpy roads ahead; reviving an old condolence thread turning into a big federalism issue quoting and commenting a snide remark made an individual.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Carafaar Siyaasada meel kale la aad. Tacsida marxuumka hadaan u quurin Allah ha u naxariisto, rafashada kala dul tag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this