Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

HIG exposes PM cabdi cawars anti Khatumo policy

Recommended Posts

Warbixin Kooxda HIG ka Diyaarisay Mu’aamarado waa weyn oo ka dhan ah Khaatumo State oo ka socda Muqdisho,{AKhariso}.

Todobaadkii u danbeeyey Kooxda Horufadhi Investigation Group, waxay ku hawlanayd in wax badan laga ogaado arimo ka socda magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, kuwaasoo badankoodu ka dhan ah maamulka Khaatumo State m kuna wajahan boob la doonayo in loo gaystay talada siyaasadeed ee Khaatumo State.

Maalmihii u danbeeyey ayaa waxaa Olole xoogani ka socdey xafiiska raysal wasaraaha kaasoo lagu doonayey in lagu hanto arimo dhawr ah tan koobaad ayaa ahay, markii Abdiweli Maxamed Ali Gaas oo uu yeedhay Golaha dhaqanka ee sare, asagoo ka codsay inay taageeraan Mashraxnimadiisa, haseyeeshee ay u sheegeen Golaha sare ee dhaqanku in arimaha siyaasada aysan ayagu shaqo ku lahayn .

Abdiweli Gaas, ayaa markuu ka quustaym kuna Hungoobey madaxdhaqameedka Khaatrumo, ayaa wuxuu bilaabay inuu raadiyo xubno uu sheegayo inay matelaan ururada Bulshada ee Khaatumo State, asagoo adeegsanya xubno ka soo jeeda deeganada Khaatumo, kana shaqeeya Xafiiskiisa, kuwaasoo magacyadooda aan ku raadjoogno, ayaa wuxuu shalay isugu keenay Hoolka shirarka ee xafiiskiisa kooxo Qaaqlayaal ah, oo la sheegay inay ka xamalaanayeen suuqa weyn ee Bakraha qaybta Qudrada iyo Baddarka oo ay raashinka ka dejin jireen baabuurta.

Haseyeeshee ururweyne ay ku bahoobeen Dhalinta khaatumo oo lagu magacaabo Khaatumo Youth Forum ayaa warbixin ka soo saaray, taasoo horudhac u noqotay inay arintan weji kale u yeelaan.

Maxaa dhacay maanta.

Hadaba kooxihii lagu adeegnayey ee ayagu deegaan ahaan ka soo jeeda Khaatumo, kana shaqeeya xafiiska Raysal wasaaraha, ayaa maanta soo abaabulay kulan ay ugu yeedheen inay yeesheen ururada Bulshada ee SSC, ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayagoo ka cararya magaca dawlad goboleedka Khaatumo State Of Somalia, waxaana la sheegay in halkaas la isugu keenay 50 qof oo badankoodu ka soo jeeda deegaano aan ahayn Khaatumo State, oo laga soo ururiyey xaafadaha Cabdicasiis, Boondheere iyo Shangaani.

Guriga la isugu keenay ayaa la sheeegay inay leedahay gabadh ayada loo sheegay in dad deegaan ahi ku wada hadlayaa, waxaana halkaas laga soo magacaabay afar xubnood oo la sheegay inay heleen ururada Bulshada ee Khaatumo State, waxayna xubnihii hawsha watay ay sheegeen inay ka soo Diiwaangelin doonaan xafiiska Abdiwel Gaas, afartan ruux ayaa la xaqiijiyey in labo ka mid ah aysan kaba soo jeedin deeganada Khaatumo ama beesha Dhulbahanteba.

Abdiweli Cali Gaas ayaa markuu waayey si kale oo uu Khaatumo taageero uga helo, ayaa isku dayaya inuu ka soo galo dhanka ururada Bulshada ee ayagu markaas uu isleeyahay waa ku dhex dhuuman karaan ergada kale ee la soo xuli doono.

Haseyeeshee, ilaa hada lama oga talaabada u qorsheysan maamulka Khaatumo State inay kaga hortagaan ficiladan uu ku kacayo xafiiska Raysal wasaaruhu, waxaana sidoo kale la ogeyn goorta sida rasmiga ah loogu dhawaaqayo Ergadii Khaatumo uga qaybgeli lahayd Dastuurka qabyo qoraalka ah magacyadoodii.

Kooxda HIG laanteeda Muqdisho waxay ku dabajoogtaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mu’aamaradaha uu wado Abdiweli Gaas, ee ka dhanka ah Khaatumo iyo weliba xubnaha uu ku adeeganayo ee ka soo jeeda deeganada Khaatumo. Waxaana uga digeynaa inaan soo bandhigi doono xubnaahaas ka shaqeeya xafiiska raysal wasaaraha oo leh shaqaalle iyo Askarba magacyadooda oo sadexan iyo maclumaadkooda oo dha, hadeysan deg deg uga joogsan hawlaha ay faraha kula jiraan ee ka dhanka ah umadda iyo deeganada Khaatumo, isla markaana waxkasta waa inay uga danbeeyaan madaxda iyo Hogaanka Khaatumo State.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this