Sign in to follow this  
Liibaan

Jaaliyada Khaatumo Ee Seattle Qado Sharaf U Samaysey Ra'iisal WasaarihiiHore Prof. Mohamed Farmaajo

Recommended Posts

Liibaan   

 

Jaaliyadda Khaatumo Ee Seattle Qado Sharaf U Samaysey Ra'iisal Wasaarihii Hore Prof. Mohamed Farmaajo-(Sawiro)-

 

Lasanod Online.

 

Wednesday, May 02, 2012

 

 

 

 

 

Seattle,(lasanod Online)- Maalinimadii Axada ee April 29keedii ayaa Jaalliyada Khaatumo State of Somalia la qaadatay qado sharaf..

 

si aad u heersaraysay loo soo agaasimay ra`isal wasaarihii hore ee Somalia ahna xoghayaha guud ee xisbiga Tayo mudane: Mahamed Abdillaahi Faramaajo oo maalmahanba booqasho ku joogay magaalada Seattle.

 

Daawo Sawiro

 

Xafladan ayaa ka dhacday mid ka mida hudheelada safka hore kaga jira martisoorka aduunka, kaas oo ku yaal biyaha bada Pacifiga dusheeda, Ka sokow casuumada ra`isal wasaaraha ,madashani waxay kulmisay labada beelood ee waalaalaha ah ee *********** iyo Sede oo si niyadsami badani ka muuqatay kaftan googoos ah iyo is xog waraysi hooseba dhexmaray.

 

Waxaana kulanka furay gudoomiyaha Jaalliyada Khaatumo State ee Seattle mudane Cabdisayid Jaamac Saleebaan oo gacmo furan iyo qalbi furanba ku soo dhaweeyey martisharaftii xaflada ka soo qaybgashay. Intaa ka dib waxaa isaguna khudbad dhinacyo badan taabanaysay aadna loogu riyaaqay ka soo jeediyay madasha Eng. Nuur Maxu`d Gaas oo ka mid ah Golaha Marjaca ee Khaatumo State isagoo mudane Faramaajo uga mahadceliyay mudadii yarayd ee uu xilka hayay iyo waxqabadkii weynaa ee uu dalka ku soo kordhiyay.Wuxuuna u rajeeyey in Illaahay la garabgalo dadaalka is bedeldoonka ah ee uu wado. Waxaa isaguna khudbad aad qiima badnayd ka soo jeediyay madasha Col. Hussein Caateeye oo ah halgamayaasha Khaatumo State. Kornaylku wuxuu ka waramay taariikho hore,wuxuuna hoosta ka xariiqay in midnimada la xoojiyo.Iyadoo labada beelood ee walaalaha ahi leeyiihiin xidhiidh iyo iskaashi qotadheer oo soo jireen ah, ilaa maantana aan wax u kordha mooyee marnaba hoos u dhac ku iman.

 

Sidoo kale waxaa isna madasha ka hadlay Axmed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ku nuuxnuuxsaday in la xoojiyo midnimada beelaha walaalaha ah, isagoo tilmaamay in dadku yahay wiil iyo adeerkii iyo wiil iyo abtigii, isagoo hadalkiisii sii watana wuxuu yidhi "Waxaynu nahay isku mid dhamaanteen." Ugaasku wuxuu umada Soomaaliyeed ugu duceeyey in Illaahay dhibta ka saaro, wanaagna ugu bedelo shidooyinkan soo noqnoqnaya. Waxaa isaguna madasha ka hadlay Suldaan Maxamuud (Suudi) oo si guud iyo si gaar ahaaneedba uga hadlayi qiimaha midnimadu leedahay wuxuuna Suudi tilmaamay in cadaaladii weli laalantahay dhibtuna halkaa Soomaali ka haysato, wuxuuna hadalkiisii ku khatimay mahadnaq balaadhan oo uu u jeediyaya Jaalliyada Khaatumo ee Seattle.

 

Ugu danbayntii waxaa gabagabadii kulankii soo xidhay mudane Faramaajo oo ku hadlayay magaca xisbiga Tayo ee Soomaaliyeed, Faramaajo wuxuu sharaxaad ka bixiyay xisbiga uu odayga ka yahay iyo himilooyinkiisa, wuxu sidoo kale xusay in Soomaalidu mushkiladeeda iyadu xalisato oo aanay shisheeye uga fadhiyin inay wax u qabtaan. "Guulaha milatery ee dawladaydii gaadhay waxaa aniga igala miisaan badan dib u heshiisiinta ay ka dhex waday shucuubta Soomaalida, taas oo meelo badan oo dab ka shidnaa Ilaahay nagu guuleeyey inaan demino." Ayuu yidhi mudane Faramaajo. Wuxuu intaa raaciyay inaan laga daalin suluxa umada Soomaalieed dhexdiisa laga wado ha ahaado qoys,beelo ama gobolo intaba, wuxuuna ku dardaarmay in midnimada umada Soomaaliyeed la xoojiyo meelna looga soo wada jeesto. Kulankan oo haa mid qaatay saacado daban ayaa ku ku soo gabagaboobay jawi aad u heer sareeyey oo is faham iyo farxad badani ka muuqatay.

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

 

 

 

Khaatumo%2520001.JPG

Khaatumo%2520003.JPG

Khaatumo%2520008.JPG

 

Khaatumo%2520060.JPG

 

Khaatumo%2520011.JPG

Khaatumo%2520014.JPG

 

Khaatumo%2520024.JPG

Khaatumo%2520033.JPG

Khaatumo%2520103.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

^Meesha cunto + Tayo aya lagu hayaa..

 

I recognize few old neighbors from the 1st image from my Sea-town days...Guul 4 Khatumo iyo Tayo :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Kilwe;825948 wrote:
Hugaamiyaha Mustaqbalka

 

Kilwe waa runtaa, Prof. Farmaajo waa Hogaamiyaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

riil201.jpg

 

 

Prof. Mohamed Farmaajo meeting with KHaatumo State Senator & Member of KHaatumo Supreme Council of G10 Eng. Nuur Maxu`d Gaas

 

Khaatumo%2520011.JPG

 

 

 

Prof. Mohamed Farmaajo meeting with KHaatumo State Senator & Member of KHaatumo Supreme Council of G10 Eng. Nuur Maxu`d Gaas

 

 

Image37.jpg

 

DSC02194.JPG

 

Prof. Farmaajo And Khaatumo Leader Eng. Nuur Gaas

 

 

 

 

Image68.jpg

 

KHaatumo State Leader Eng. Nuur Gaas

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this