Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

Gumeeysiga sirtiisa

Recommended Posts

Showqi   

Xaaji, Wax walba isku daynay. ilaa iyo maalintii xornimada la qaatay 1960kii maalinwalba midbaa leh tani ma shaqayneeyso ee aynu sidan wax ka dhigno: Qabiilkii shaqayn waa, ciidan milatery shaqeyn waa, Warlord shaqeyn waa, diintii islaamkana wax lagu maamuli kari waa (xitaa diintii waxay u kala jabtay Ahlu Sunna waljamaaca iyo Al-Shabaab). Tan kali ah ee inoo hadhay ee aan wali si fiican la isugu dayin waa Maamul Goboleed. Taasina hadii ay Maanta shaqayn waydo oo Maamul Goboleedku Soomaalida isu keeni waayo, wallee dadkeenii iyo dalkeenii waa loo yaabaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Showqi Good point laakin mamuul goboleed waxa la bilaabay 2003 ila maanta cid mamuul goboleed dhisatay mamuulka budhlayn iyo galmudug ba la haya inta kale uma jeedo qaar leh dastuurku xaw sheega qaar le federalka socotra ma ku darsan karna oo ma ku buuxsan karna dadkani federalims ama mamuul goboleeedka may fahmin wali, marka koley xal walo bahanyahay anigu waxan so dhaweyn laha in diinta islaamka xadhigeeda la qabsado dabeedka mamuul adag la dhiso oo decentralized ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Haa waa runtaa oo Sagaal sano ayaa lagu mashquulsanaa maamul goboleed laakiin sagaalkaa sanona waxaa socday dagaal sokeeye....

 

Xaaji, inta ay Soomaaliya aanay haysanin Military ka madax banaan dowladaha qalaad sida: AMISOM, Kenya, Ethiopia, iyo USA. U malayn maayo in ay Soomaaliya suurto gal u noqoneyso in lagu maamulo Diinta Islaamka wakhtigan xaadirka ah (waa marka aynu dhinaca siyaasada ka eegno). Waayo waad ogtahay marka ay dowladaha Ethiopia, Kenya iyo USA ogaadaan in Soomaaliya ay ka aas aasmeyso dowlad Islaami ah wax walba oo karaankooda ah ayey sameyn doonaan si ay u hor istagaan dowladaas Islaamiga ah ee aan wali hanaqaadin. Ha noqoto odayaal qab qableyaal ah oo ay lacag siiyaan, si ay ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda uga bilaabaan carqalado cusub. Amaba ha noqoto hub iyo ciidamo jabhado ah oo ay ka maal galiyaan dhinacyada xuduudaha Soomaaliya iyaga oo isticmaalaya qabiilada daciifka magacyadooda.

 

Waxaa aniga ila hagaagsan in gobolkasta la caawiyo oo laga taakuleeyo sidii looga sameyn lahaa maamul goboleed dhameystiran, maamul goboleedkaas oo iska xil saaraya: Dhinaca wax soosarka iyo shaqaaleeynta dadweynaha, uruurinta canshuuraha, dhisida iskuuladka iyo kobcinta aqoonta ubadka ku nool gobolkaas, daryeelka iyo horumarinta dhinaca caafimaadka, iyo ugu danbeystii ilaalinta amaanka dadka ku dhaqan gobolkaas. Marka aynu intaas ka soo baxno oo aynu si fiican u xalino arimaha gobol kasta aasaasiga u ah. Markaas ha la isku dayo in la sameeyo dowlad dhexaad ku dhisan diinta islaamka. Iminka wali waxaynu leenahay cadow farobadan oo aan dooneynin in Soomaaliya ay ka dhalato dowlad islaami ah. Dadkeeniina wali ma fahansana qiimaha ay wadaninimo leedahay oo waxaa wadaninimadii ugua qiimo badan shilinka maalintaas la siiyo amaba jago iyo kursi loo magacaabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

intay Somalidu sida u fakireyso meelna gaadhi mayaan sabab aan ku sheego 2000 waxan joogay Djibouti niman baanu wada sheekeysaneyeny qaar xidlhibaan ahayeen qaarna ay ahayeen kuwa isku sharaxayo madaxweyne waxay nimankaasi ku doodayeen. Hebel waxa wata Ethiopia hebel na kenya hebel na eriteria hebel na sudan hebel na Maraykan hebel na ingriis iyo Yurubian , markaasaan weydiyey war Somalidu yey wataan markasay anigi ila yaabeen oo ay iso eegen ay yidhaheen maxaad ka wada Somali iyagu yey wataan. Eeg Umadan Waxa laga dhadhicieye beesha calaamka la aanteed waxba noqon kari meysaan fikrada wa in dadka maskaxdooda laga tirtira. Somalia dad wa leedahay dal wa leedahay kheyraad wa leedahay dad wax bartay wa leedahay shacab wa leedahay dhaqan iyo diin iyo taarikh wa leedahay, Umadi Kalsooni bay u bahantahay. Mamuul beeleysigu wuxu horseedaya inay dalku yeesho gal daloolyo laga faideysto siiba wadamada jaarka waxa muhim ah in dalka la isku hayo goboleysi caadi ah wa oke laaki goboleysigan beeleysan eeh dhagaha la hada wa solution bay dadku yidhahan laakin in the long term meel gaadhi meyso oo way si kala bax baxayaan.Mid waan kugu raacsanahay hada diyaar maha in dawlad islaam ah dhalato laakin wa dhici karta hada wadadi loo si maro hada oo loo si diyaariyo in 10 years time oo kale ma fahantay sabab umadanu wa dad islaam ah wax u diidaya ma jirto inay diintooda isku dhaqan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Xaaji, insha-allah kheyr bey noqon. TFG-dana mudadeediina wax yar ayaaba ka hadhay oo waaba iska gabo gabo. Dastuurkiina ansixintiisii wax yar ayaa ka hadhay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this