Sign in to follow this  
OdaySomali

SOL I need your help please !?!!

Recommended Posts

Can anyone direct me how/where I can access:

 

a book/website/dictionary/resource about business/accounting/finance/economics terms/words in the Somali language?

 

 

Any help would be very much appreciated. Mahadsanid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is what I have found so far:

 

Meherad
( ama Business ) – waa goob hawl wax is weydaarsi ha ahaado mid faa’iido laga rabo ama midaan faa’iido laga rabin lagu qabsado sida dukaan, hooso, makhaayad, xafiis, warshad iwm. Waxy kale oo noqontaa hawsha nafteeda.

 

Macaash
( ama Trade ) – waa wax is weydaarsi faa’iido laga samaynayo. Wax isweydaadsigaasi waa mid yar oo aan ballaarnayn. Sida dukaan, makhaayad, bakhaar, hooso iwm. Kalmaddaani waa mid facweyn oo dhaqanka Soomaalida ka mid ah waxayna la xiriirtaa dhaqankii baadiyaha. Waxaa jiri jiray marka la roobda’sado waxaa dudo kasta lahaan jirtay rag badeecooyin ka keena magaalooyinka oo intay geedo waabtaanna dhar, cunto iyo wixii kaloo reerguuraagu u baahdo kaga beddelan jiray xoolo jar ah, subag iyo hargo. Gobolladda waqooyi ee Soomaaliya waxa macaashle looga yaqaan Kabadhe. Waxaa laga yaabaa in la yirahdo maxaa loogu magacaabay meheradaha aan kor ku xusnay oo dhan Macaash. Sida looga yaqaano dunida reer galbeedka, meheradkasta oo lacagta ay rogrogto ay ka yartahay malaayiin ama suuqeedu uu koobanyahay waa macaash ama ( small business ). Macaashleydu waa noocyo badan tahay waxaana ka mid ah: Gedisleyda, Jeebleyda, Gaadleyda, Waratada iyo Firshooleyda. Wax isweydaarsiga faa’iidada laga sameeyo ee ugu badan hawlaha meheradaha aduunku waa Macaashka waxaana laga yaabaa inuu ka badan yahay boqolkiiba 80% meheradaha ka jira adduun weynaha, meesha Soomaaliya la dhihi karo waa 98% maadaama Ganacsi wax lagu sheegi karo oo ka jiraa uu yar yahay sidaan macnaha Ganacsi ku arki doonno.

 

Gedgedis
(ama Exchange ) – waa wax isweydaarsi faa’iido laga samaynayo sida macaashka ama ganacsiga. Waxaase Soomaalidu u isticmaashaa inuu aalaaba yahay meherad an saldhig lahayn sidaan ku arki doono micnaha Gadisle. Dunida horumartay kama jiri karo gadgadis sbabtoo ah waa inay noockasta oo wax isweydaarsi ahi diiwaangeshan yahay xataa hadduu yahay firsho.

 

Ganacsi
( ama Commerce ) – waa wax is weydaarsi faa’iido laga sameynayo oo baaxad weyn. Waxaan ka fahmeynaa halkaas in farqi badani u dhexeeyo macaash iyo ganacsi sababtoo ah ganacsigu waa hawl wax isweydaarsi oo gaareysa gobolo badan oo dal gudihiis ah ama gobolo dalal kala gedisan. Hadaan tusaale ganacsi soo qaadano waxaan dhihi karnaa ganacsi waxaa fuliya shirkado waaweyn sida Nestle, Mark & Spencers, Shell, BP, shirkaddaha Nation, Hormood, Olympic iwm. Si kale haddaan u dhigno ganacsigu waa wax isweydaarsi an xuduud lahayn meesha Macaashku uu kooban yahay.

 

Maslaxad
( ama Industry ) – waa magac kulmiya meheradaha shaqo isku nooc ah qabta. Waxaan misaal u qaadan karnaa meheradaha ka shaqeeyaha isgaarsiinta, ama xawilaadaha lacagta. Khasab ma aha in shirkadahaasi sameeyaan shaqo isku mid ah ama baaxad ahaan is le’ekaadaan, waxaase shardi ah inay qabtaan hawlo guud ahaan isku mid ah sida kuwa isgaarsiinta kala gedisan ka shaqeeya ama hawlaha maaliyadda oo kala duwan qabta.

 

Meheradle/Meheradley
(ama Businessman/Businesswoman ) – waa qof meherad haysta ha weynaato ama ha yaraatee ama ka shaqeeya.

 

 

Macaashle/Kabadhe
(ama trader ) – waa qof dukaan, makhaayad ama meherad la mid ah haysta ama ka shaqeeya.

 

Gadisle
(ama Trader) – waa qof ka shaqeeya meherad an saldhig lahayn sida dukaan ama xafiis. Waxaa magacaas aad loogu aqoon jiray dadka xoolaha ka baayacmushtara oo intay ka soo gataan ama ka soo amaahdaan xoolo dhaqatada ama Gaadleyda u dhoofiya gobol kale markaasna badeecooyin keena gobolkoodii. Waxay badanaa ku hawlanyihiin shaqo kooban inay wadanka gudihiisa wax u kala waaridaan.

 

Gaadle
(ama Entrepreneur) – waa qof eegta fursad kadibna ku bakhtiyanasiibsada. Waxay gaaleydu badanaa ahaan jireen rag xoolaha inta iibsada sii iibiya, laakiin markii la reer magaaloobay waxay isu beddelleen inay ka hawlgalaan xafiisyo, mararka qaarkood Jeebley ahaan ayey u shaqeystaan. Aduunka kale Gaadleydu waa meherado qaarkood ganacsi gaaraan kuse abuurmay fursad gaadnimo si ah amase shul ama shal waxa afka suuqa lagu yiraahdo. Dawladuhu waa dhiirigeliyaan gaadlenimada sababtoo ah waxay abuuraan fursado shaqo oo lagama maarmaan u ah dhaqaalaha wadanka.

 

Jeeble
(ama trader) – waa qof jeebkiisa ku tashta una hawlgala sida gadisleyda. Badanaa jeebleydu waxay ka shaqeeyaan wax kooban waxaana ka mid ah firshooleyda, bacadleyaasha nooca gaarigacamada ku shaqeysta iyo waratada. Jeeblenimadu waa shaqada wax isweydaarsiga ugu fac weyn gaar ahaan firshooleyda iyo waratada oo aduunka oo dhami wada wadaago.

 

Warato/Firshoole
(Trader) – waa isku mid labadaan qolo waxayse ku kal gedisan yihiin Firshooleydu waa degen yihiin halka Waratu ay guurguurto. Dhan hadaan ka eegno Waratadu wax gooni ah ma gadaan halka Firshooleydu ah takhasus leeyihiin. Firshooleydu waa dadka gada waxa ugu yar oo faa’iido laga sameynkaro sida kuwa jawaan bariis ama dhigir ah beega, kuwa khudaarta gaada ama hilibka wasladeeya. Firshooleydu meel suuq ah oo ay boos cayiman ku leeyihiin ayey wax ku gadaan halka waratu aysan meel xadidan ama suuq u go’an lahayn.

 

Bacadle
(trader) – waa warato deggan oo ka hawlgasha suuq dhan oo alaaboyin kala gedisan ama isku mid ah lagau gado. Badanaa bacadleyaashu waxay keenaan badeecooyin jaban dan yartu qadan karaan. Bacadleyntu waa dhaqan soo galay dalkeena bilowgii 70nadii kana bilawday Muqdishu kadibna noqday caan kuna faafay dalka oo idil.

 

Xirfadle
(Specialist) – waa qof ku hawlan meherad takhasus leh sida hooso, xafiis garyaqaan, la talin ama xisaabiye iwm. Xirfadleydu wey kala baaxad weyn yihiin. Qaarkood waxaa laga yaabaa inay macaashley yihiin halka qaar kale ay noqonayaan ganacsato malaayiin lacag ah sannaddkii rogrogta. Xirfadleyda waaweyn oo caanka ah waxaa ka mid ah xafiisyada la talinta sida KMPG, PRICEWATERHOUSE, DELOITTE&TOUCHE, ASHBRIDGE CONSULTING GROUP IWM.

 

Dilaal
(Broker) – waa qof u dhexeeya laba qof oo wax kala gadaneysa. Dilaaleydu waa noocyo badan tahay waxayna u kala baxdaa noocyo sida qof keli ah iyo kuwo waaweyn oo ganacsato ah sida Llods Shipping Brokers shirkadda loo yaqaan. Badanaa waxaa dhaca inay jiraan dad kale oo hawl dulaalnimo qabta xirfaddooduse aysan dulaalnimo ahayn sida wakiiladda shirkadaha ajnabiga ah oo an ayagu soo waaridn badeecadaha shirkaddaas ay wakiilka u yihiin balse isku xira laba shirkadood halkaana ka hela khidmad lacag ah.

 

Ganacsade (Merchant) – waa qof ganacsi haysta ama ka shaqeeya.

 

SOURCE: http://www.ladaneey.com/?p=2398

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Dood Wadaag secton booqo, what you looking for is there, I posted awhile ago but can't find it for you, dig it there yourself.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oday. Check this book

 

Title Qaamuuska ganacsiga Soomaaliyeed

Authors Abdulfatah Abdullahi 'Gacmadheere', Abdullahi Aden Ibrahim

Publisher Scansom Publishers, 2010

ISBN 9185945218, 9789185945214

Length 271 pages

Subjects Business

Somali language

 

I have my copy and its quite useful book. if you want to order a copy visit their website on: www.scansom.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this