Sign in to follow this  
General Duke

Al Shabaab stole my CLAN's weapons cries Shiekh Xasan Dahir Aways...

Recommended Posts

.........................................................................................................................

Xasan Daahir Oo Ku Hanjabay Inuu Dhabarka Ka Jabinayo Al-Shabaab.

20 April, 2012 06:32:00 DAACAD

Font size:

 

Waxa soo baxaya faahfaahin ku saabsan hub badan oo Al-Shabaab ay khamiistii kala bexeen guri ku yaala xaafada Siinka-Dheer ee wadada Afgooye. Hubkaas oo ka koobnaa 300 AK47, 22 BKM (daba-jeex) 16 M16, 3 dhashiike, hal B10 iyo rasaas aad u badan, ayuu Xasan Daahir sheegay inuu dabajoogo, uuna ka doonayo ururka Al-Shabaab inay sheegaan sababta ay ula bexeen "hubkiisa" waa sida uu hadalka u dhigaye. Xasan Daahir oo ka hadlayay masaajid ku yaala Lafoole ayaa sheegay inuu hubkaas isagu leeyahay, uuna u baahan yahay in si degdeg ah loogu soo celiyo. "Wax badan baan candhuufta gadaal u liqay, oon is iri jabhadaha lama dhabar jabiyo inta ay halganka ku jiraan, laakin maanta waxa balan igu ah hadaan hubkeyga la iisoo celin inaan dhabarka ka jabiyo Al-Shabaab" ayuu yiri Sh. Xasan sida uu noo sheegay nin fadhiyay masaajidka. Wuxu intaas raaciyay Shiikha hubka laga dhigay in hubkaasi uusan "cadowgu laheyn" Xasan Daahir ayaa la sheegayaa inuu ku dacwoonayo in hubkaas ay leedahay beeshiisu, ayna beeshu kusoo biirtay Al-Shabaab sidaas darteedna ay waajib tahay in hubkooda loosoo celiyo. Odayaasha iyo waxgaradka beesha uu ka dhashay sheekhu ayaa diyaariyay qorshe ay ku beeninayaan in wax hub ah oo ay leeyihiin uusan u heyn Xasan Daahir ayna wax kama jiraan tahay sheegashadiisa.

 

Eedaymaha loosoo jeediyay Sh. Xasan Daahir oo haddii lagu cadeeyo uu ku mutaysanayo qoor-goyn ayaa waxa ka mid ah in hubkaan uu si qarsoodi ah u iibsaday Shiikhu kadib midowgii ururkiisa iyo Al-Shabaab isagoo waliba ku iibsaday hubkan lacag gaaraysa $2 Milyan oo dollar oo ururka Al-Shabaab ay usiiyeen Sh. Xasan si uu iskaga gudo deymo uu sheegtay in lagu lahaa xiligii uu ku biirayay. Eedayntan ayuu Xasan Daahir ku beeniyay khudbadiisii jimcaha, wuxuna sheegay in lacagta Al-Shabaab ay ka bixiyeen ay aheyd 800,000 dollar ayna dhameystireen bixinta lacagtaas todobaadkii hore, isagoo intaas raaciyay "inay la daaheen" bixinta lacagtaas.

 

Hubkaan ayaa u muuqda inuu ahaa mid uu gurigaas ku duugtay Sh. Xasan Daahir xiligii lagu qasbay inuu la midoobo Al-Shabaab, waxana muuqanaya inay sheegeen hubkaas rag ka agdhowaan jiray Shiikha sida laga dareemayo hadalkiisa. "qorshaha hubka lagu soo bixiyay wuxu ahaa qaab nidaami ah oo Al-Shabaab ay la socdeen halka hubku yaalo" ayuu yiri Sh. Xasan. Waxa farta lagu fiiqayaa inuu sheegay halka uu hubku ku duugan yahay madaxii hore ee Maaliyadda Xisbul Islaama isla markaana ahaa gacan yaraha koowaad ee Sh. Xasan, ninka lagu magacaabo C/tifaax. Dhacdadaan iyo midii ka horeysay ee Shiikhu uu ku dhaleeceeyay qaabka ay dadka u dilaan Al-Shabaab ayaa muujinaysa inay si weyn u kala boodsan yihiin Al-Shabaab iyo Xasan Daahir waxana laga dhursugayaa talaabada hogaanka sare ee Al-Shabaab uu ka qaado Shiikha gadoodsan, iyadoo ay dad badan isweydiinayaan qaabka uu Sh. Xasan dhabarka uga jabin karo ururkiisa Al-Shabaab dhabarka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Dahir Aweys oo cadeeyey in hubkii Shabaab ay kala baxeen Siinka dheer ay lahaayeen Beeshiisa

Posted by Pi on April 21st, 2012

 

Muqdisho(Pi) Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan saraakiisha Al-shabaab ayaa shalay goor uu ka khudbaynayay Masjid ku yaal nawaaxiga Lafoole salaadii Jamcada wuxuu ka codsadey Al-shabaab iney dib usoo ceshaan Hubkii ay kala baxeen guri ku yaal Siinka dheer.

 

Xasan Daahir aweys wuxuu sheegey iney hubka leeyihiin laftiisa oo uu ku tilmaamey iney yihiin kuwo aan u adeegin cadowga(TFG).

 

Wuxuu yiri Xasan Daahir “Hubka waxaa iska lahaa Dad Muslimiin ah, oo aan ahayn Cadowga, cadowga wuxuu ula jeedaa Dowlada Federalka Soomaaliya”.

 

Xasan Daahir wuxuu ka cod sadey Al-shabaab in hubkaas si deg deg ah loogu cesho beeshiisa oo iyagu hubka iska leh, wuxuu kaloo tilmaamey Xasan Daahir in raga hubka leh ay yihiin kuwo uu isagu yaqaan, waana dad ay wada shaqayn ka dhaxayso Al-shabaab, waa sida uu xasan Daahir Aweys yiri.

 

Hadalkaan kasoo yeerey Xasan Daahir ilaa hada wax jawaab ah kama aysan bixin Al-shabaab

 

Puntlandi.com

 

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^lol@the image above.

 

Rumor has it Hassan Dahir in talks with the TFG to join them. Odaga is to embrace the same people he declared gaalo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Daahir : “Cadow meesha kuma Qarsan Hubkaasi, anigana ma lihi, xisbul islaamna ma lahaan jirin waa hanti ay leeyihiin dad muslimiin ah, kamana harayo..”

 

Maalmo ka hor Xarakada Al-shabaab ayaa shaacisay in hub fara badan ay ka heshay goob lagu aasay oo ku taala degaanka siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaa soo baxaya hadalo iskhilaafsan oo ka soo baxaya saraakiil ka tirsan Al-shabaab, taasi oo ku aadan cida milki ahaanta u leh Hubkaasi.

 

Sheekh C/casiis Abuu Muscab Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Al-Shabaab ayaa sheegay inay heleen hub fara badan oo laga soo saaray goob lagu aasay oo ka tirsan guri ku yaala deegaanka Siinka dheer, wuxuuna sheegay in hubkaas ay goobtaas ku qarsadeen dad cadow ku ah Al-Shabaab.

 

Dadka Magaalada Muqdisho ayaa ku wareeray cida hubkaas leh ee afhayeenku uu cadowga ku sheegay maadaama ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah aysan halkaas joogin mudooyinkaan, sidoo kale waxaa iyana meesha timid warar kale oo dhahaya hubkaasi waxaa lahaa Xisbul Islaamkii bur buray.

 

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ayaa isagu ka sheegay masaajid ku yaala degaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho in Hubkaasi lahayn cadow, balse ay leeyihiin dad muslimiin ah oo uu garanayo.

 

“Cadow meesha kuma Qarsan Hubkaasi, anigana ma lihi, xisbul islaamna ma lahaan jirin waa hanti ay leeyihiin dad muslimiin ah, kamana harayo waan u dacwooneynaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dalbaday in la soo caddeeyo sababta hubkaas loo qaatay.

 

Afhayeenka dhinaca howlgalada Shiikh C/Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in hubka laga helay Siinka Dheer ay gacanta ku hayaan Ciidanka, isla markaana ciddii sheeganeysa Milkiyaddiisa ay diyaar u yihiin inay ku kala baxaan Maxkamadda Shareecada Islaamka.

 

Maxamuud Axmed Xasan

Web Updating, Somaliweyn Website

xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com

www.somaliweyn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this