Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The latest work of Clan federalism Hiiraan to be divided into two

Recommended Posts

Sabti, Abriil 21, 2012 (HOL) — Xildhibaannada iyo wasiirrada kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo maanta kulan ku yeeshay hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho ayaa waxay isku raaceen in gobolka Hiiraan loo qaybiyo laba gobol, iyagoo sheegay in gobolka Hiiraan uu muddo dheer cadaalad-darro kusoo jiray.

 

Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay xubno uu ka mid yahay mudane Ibraahim Ibraahim Xabeeb Nuur, iyadoo xildhibaannadii kulanka kasoo qaybgalay oo tiradoodu kor u dhaafaysay 40-tameeyo ay isku waafaqeen in gobolka Hiiraan laga dhigo laba gobol.

 

Doodo badan kaddib ayay xildhibaannadu isku raaceen in gobolka kale loo bixiyo Shabeellada sare ayna xarun u noqoto degmada Buule-burte, waxayna xuseen in tani ay meesha ka saarayso cadaalad-darradii uu gobolku kusoo jiray muddada dheer.

 

Xildhibaannada iyo wasiirrada reer Hiiraan ayaa waxay kulankooda ka sheegeen in gobollada kale ee dalka loo qaybiyay min laba illaa saddex, balse gobolka Hiiraan uu yahay mid aan la kala qaybin tan iyo markii gobollada dalka ay ahaayeen sideedda.

 

Wasiirrada kulanka kasoo qaybgalay ayaa waxay kala ahaayeen: wasiir u dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Shidaalka, C/qaadir Dhicisoow, wasiir u dowladaha madaxtooyada, C/raxiin Abiikar iyo wasiir u dowlaha wasaaradda caafimaadka, Maxmed Cumar.

 

Mas'uuliyintan ayaa waxay sheegeen in degmooyinka gobolka ay u deynayaan inay go'aan ka gaarto wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, markaas kaddibna la shaacin doono.

 

Ugu dambeyn, xildhibaanada shiray iyo wasiirrada ayaa waxay sheegeen inay u gudbin doonaan go'aankooda madaxda sare ee dalka markaas kaddibna ay sameyn doonaan xaflad weyn oo ay kaga dhawaaqayaan gobolka cusub iyo degmooyinkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

I blame Somaliland and Puntland and specially Mudug for this slicing and dividing mentaliy. Look what you have done. please

tusbaxa dib usoo xira.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

These people are going beyond the game, this is a strategy only Puntlanders would come up with.

 

I am surprised and admire their effort :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;821370 wrote:
These people are going beyond the game, this is a strategy only Puntlanders would come up with.

 

I am surprised and admire their effort
:D

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

kingofkings;821375 wrote:
:D

The thing is, they'd still be losing cause if every state did this they'd be outnumbered almost 2 to 1. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;821381 wrote:
The thing is, they'd still be losing cause if every state did this they'd be outnumbered almost 2 to 1.
:D

Lichtenberg "We have no words for speaking of wisdom to the ******"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Carafaat;821369 wrote:
I blame Somaliland and Puntland and specially Mudug for this slicing and dividing mentaliy. Look what you have done. please

tusbaxa dib usoo xira.

I think you guys are missing the point here....I think this is a wise suggestion. Does anyone know how many districts Galguduud or Hiiraan has? And the size of those two regions? Let us put the qabiil thing aside for once and look things from a different angle. I think one of the reasons Koofurtu ay la degi la'dahay inay tahay is how things were planned by previous admins.....In Soomaaliya guud ahaan you will see degaanno aan tuulo waxba ka weyneyn oo degmooyin laga dhigay, degaanno dadku ku badan yahay oo iyaguna ay ku yaryihiin degmooyinku.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;821481 wrote:
I think you guys are missing the point here....I think this is a wise suggestion. Does anyone know how many districts Galguduud or Hiiraan has? And the size of those two regions? Let us put the qabiil thing aside for once and look things from a different angle. I think one of the reasons Koofurtu ay la degi la'dahay inay tahay is how things were planned by previous admins.....you will see degaanno aan tuulo waxba ka weyneyn oo degmooyin laga dhigay, degaanno dadku ku badan yahay oo iyaguna ay ku yaryihiin degmooyinku.

Hiiraan iyo Sanaagba labadaan gobolka lixdankii ka yimaadeen. Waa laba gobol kaliya dhisnaa lixdankii. Uma maleeyi inay xaal keeneyso kala jarida Hiiraan. Haddii Beledweyne laga saaro, maxaa soo harayba? Buuloburde, Matabaan iyo Jalalaqsi.

 

Gobol dadka isla degan si xaq iyo xaal ah ayee ku qeybsan karaan. Waa haddee rabaan inay si walaaltinimo u degnaadaan. And kuwaan u hormuudaayo in la kala jaro gobolka waa isla kuwa rabo in Beledweyne la kala gooyo oo qad cagaaran loo sameeyo, sida Gaalkacyo camal. Waaba sida ee hadda tahay in unofficial way.

 

Hiiraan hala kala jaro waxee ula jeedaan Beledweyne hala kala calaamadeeyo. Wax suurta gal ahna ma'aha. Gobol dadka tiradiisa haddee badantahay iyo gobolka balaciisa hadduu weynyahay loo kala jari karaa ma'ahee laakiin qabiilnimo aan u kala goyno.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

MMA haddii la badiyo degmooyinka meelo badan ayaa dadku degi doonaa oo dhismi doona. Aniga aragtidayda dhibkaan Galguduud iyo Mudugba waa qabaan iyaga xitaa in degmooyin cusub lagu daro ayaa ila habboon.. In gobollo loo qaybiyose ma qabo. Haddii degmooyinku badnaan lahaayeen xitaa maamul-goboleedyadaan faraha badan wa laga bixi lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hiiraan is a little but larger than the district of Hobyo. Dividing it makes no sense. Galgaduud,Hiiraan and South Mudug need to go together as one regional State.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;821498 wrote:
Abwaan, degmooyin waala sameyn karaa dhib kama jirto taas laakiin kooxdaan rabto in Hiiraan la kala qeybiye waa kuwa ku qanacsaneen midnimada halka degmo ee Beledweyne. Their frustration starts and ends with Beledweyne.

I dont think inay Qabiil-land soconayso...kuwii hore baaba shaqayn waayey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this