Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

Putland Oo Lagu Daray Ergada Somalia Ee Ka Qayb Galaysa Wadahadalada Somalia Iyo Somaliland

 

Madaxweyne Sh. Shariif uu ku daray gudigiisa laba wasiir oo ka socda maamulka Puntland si uu u qanciyo madaxweyne Faroole. Labada wasiir ee Puntland ayaa kala ah

 

Garoowe (GNS) Kadib markii madaxweynaha Puntland C/raxman Faroole uu ku hanjabay inaan la qaban karin kulan dhex mara dowladda Federalka iyo Somaliland, haddii aanay qeyb ka aheyn Puntland ayaa waxa soo ifbaxay warar sheegaya in madaxweyne Sh. Shariif uu ku daray gudigiisa laba wasiir oo ka socda maamulka Puntland si uu u qanciyo madaxweyne Faroole. Labada wasiir ee Puntland ayaa kala ah wasiirka arimaha gudaha Jan. C/lahi Axmed Jamac Ilka-Jiir iyo wasiirka qorsheynta Daa'uud Max'ed Cumar. Xildhibaanada dowladda iyo madax kasoo jeeda Somaliland ayaa sheegay in shirka Somaliya iyo Somaliland uu burburi doono haddii aan laga laaban maamul-goboleedyada laga qeyb galinayo shirka.

 

Madaxweyne Sh. Shariif ayaa magacaabay 5 wasiir oo dowladda Federalka ka socda oo todobo ku noqon doona labada wasiir ee Puntland. Magacaabiska Madaxweynaha ayaa timid ka hor intii uusan ka dhoofin garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, mana jirto cid kala hadashay arinkaas maadaama uu horay ka dhoofay. Madaxweyne Sh. Shariif ayaa beryahan dambe u dhaga-nuglaa Puntland isagoo quudaraynaya inuu helo codadka xildhibaanada kasoo jeeda Puntland xiliga doorashada Agoosto. Bishii hore ayay aheyd markii uu isagoo aan la tashan qof kale ku samiyay Col. C/lahi Yusuf garoonka magaalada Gaalkacyo.

 

Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ayaa durbadiiba muujiyay saadaashooda ah inuu fashil ku dhamaandoono shirka Somaliya iyo Somaliland haddii aan la sixin qaladka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

TFG-Somaliland Talks and the Role of Britain

 

Liban Ahmad

 

For the first time since the collapse of state in Somalia in 1991 a committee from Somaliland administration will hold talks in London with a committee from Mogadishu-based Transitional Federal Government (TFG) . The talks were made possible by the British government which organised a conference on Somalia in February. Unlike past reconciliation conferences for stakeholders ( clan representatives), the London talks will be more complex and may bound to fail if the participants and mediators do not pay attention to both core political differences of two groups and the realities obtaining in the ground.

 

The Transitional Federal Government of Somalia subscribes to the view that political and territorial unity of Somalia is not negotiable. This position has not led the TFG to destabilise Somaliland administration. The TFG president Sharif Ahmed lauded Somaliland for putting its house in order. Somaliland subscribes to the view that it seceded from Somalia in 1991, and backs up its argument with a referendum the government of the late somaliland president Mohamed Haji Ibrahim Egal ( Somali prime minister 1967-69) conducted in areas under Somaliland administration in 2001, and two presidential elections held in 2002 and 2010 . Somaliland uses the concept of sovereignty to attack areas populated by unionists while its television, Somaliland National Television, broadcasts war propaganda in the form of coverage on visits to battlefront ( jiidda) by Somaliland army chief. This belligerent policy has caused wars in Kalshaale and Sooljoogto in Togdheer after Somaliland forces attempted to advance to Buuhoodle district which unionists inhabit.

 

It is not unionist groups which are attacking Somaliland; it is somaliland forces whose government justifies attacks on the principle of ‘sovereighty’ although the international community recognises the Transitional Federal Government as the government vested with sovereignty of Somalia.

 

The Somaliland Ministry of Foreign Affairs and International Co-operation website states : ” The Republic of Somaliland recognises and shall act in conformity with the United Nations Charter and with international law, and shall respect the Universal Declaration of Human Rights” but Somaliland government’s warmongering and attacks on unionist bases in northern Somalia are in violation of article Article 3 of the Universal Declaration of Human Rights: “Everyone has the right to life, liberty and security of person. “ For talks to become a serious attempt at solving complex political problems, Somaliland ought to declare cessation of hostilities and propaganda.

 

The international community has a leverage to bring the two sides closer to each. This leverage is manifested in the diplomacy of the the international community. It has recognised the TFG as the sole national government for Somalia although the TFG does not rule many parts of the North on one hand, and directly gives Somaliland development aid although Somaliland forces are hell-bent on using sovereignty principle to advance and capture territories under unionists in what was once known as Ex-British Somaliland on the other. Whatever role Britain takes in the talks– mediator or observer–advising Somaliland against secession-based hostility will be a timely intervention in the talks.

 

Liban Ahmad

libahm@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

images?q=tbn:ANd9GcQ_qVj3u9MNgtfyWKkUaCm

 

Talyaaniga oo markii u horreysay ka hadashay wada-hadalada jsl iyo somalia

 

talyaaniga oo markii u horreysay ka hadashay wada-hadalada jsl iyo somalia

 

Dowladda Dalka Talyaaniga ayaa markii u horreysay ka hadashay Wada-Hadalada dhex mari doona dowladaha JSL iyo Somalia. Kaasi oo mar horaba la soo xulay gudigii labada dhinac wada-hadalka ugu qeyb gelayay.

 

Safiirka Talyaaniga u fadhiya dalka Somalia kuna sugan Magaalada Muqdisho Mr. Aditya Madzel ayaa ka hadlay wada hadalka la doonayo in uu dhex maro Jumhuuriyadda Somaliland iyo Somalia isaga oo sheegay in uu yahay wax fiican oo loo baahnaa in mar hore la yeelo sidaas oo sameeyo wada xaajood sokeeyenimo.

 

Mr. Aditya Madzel ayaa sheegay in Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) uu yahay nin nabadeed oo uu doonayo in ay nabad noqato Somalia iyo guud ahaan geeska Afrika.

Dhinaca kale waxaa uu sidaas oo kale Safiirka Talyaaniga ufadhiya Muqdisho uu ka hadlay Odayaasha la doonayo in ay soo xulaan Barlamanka cusub ee Somalia ah, iyaga qudhoodana lagu soo xulayo caddaalad si uusan u dhicin muran iyo qilaaf hor leh.

 

Waxaa uu ugu dambeyntii sheegay Danjiraha Ddowlada Talyaaniga u jooga Somalia in uu Xukuumdda kala hadlay sida ugu haboon ee loo soo xuli karo odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Barlamanka oo si cadaalad ah arinkaasna loogu kuur galo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Oo Si Rasmi Shaaca Ugu Qaaday In Ay Ka Noqotay Wada Hadaladii Soomaaliya

 

Hargeysa (Ramaas) Apr, 19, 2012- Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay ka noqotay wada hadaladii la qorsheeyay in ay la gasho dawlada federal-ka Soomaaliya illaa inta guddida wada xaajoodyada laga saarayo xubno ka socda maamul goboleedka Puntland.

 

Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta xarunta wasaarada ku hadlay shabakeda wararka Ramaasnews iyo Telefiishanada Royal tv iyo Universal, ayaa ku eedeeyay madaxda xukuumadda Soomaaliya in ay xubno dheeraad ah oo aan qayb ka ahayn wada hadaladii labada dhinac in ay ku dareen dhinacood, iyada oo ay taasi meesha ka saarayso wadahadaladii dhexmari lahaa Somaliland.

 

“ Waxa ay masuuliyiinta dawlada KMG ah ay ku dareen guddidooda xubno kale oo dheeraad ah oo runtii baalmarsan sidii ku talagalku ahaa iyo arrimihii aas-aaska u ahaa in labada geesood ee Soomaaliya iyo Somaliland ay wada hadlaan, arrimo baalmarsan ayaa ka muuqday in Madaxweynaha KMG ah soo saaray. Waxa aanu u aragnaa arrimo carqaladayna in wada hadal wanaagsani uu dhex maro sidii ay beesha caalamku ku baaqday labada geesoodna ay ogolaadeen in uu dhexmaro Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa aan ugu baaqaynaa in arrintaas laga noqdo oo ay ku koobnaato Soomaaliya iyo Somaliland oo u wada hadlaya qaabkii markii hore lagu heshiiyay, waxaana aan anagu halkan ka cadaynaa in aanan ka qaybgalayn wada hadalada hore loo shaaciyay , haddii aanu Madaxweynaha dawlada KMG ahi wax ka badelin go’aamada ay ku sii fidinayo guddida” ayuu wasiirka arrimaha dibeda Soomaaliya.

 

Laakiin waxa uu sheegay Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar in Somaliland ay ixtiraamayso maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, hase ahaate ay ka soo horjeeda in ay qayb ka noqdaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

 

“ Ixtiraan ayaanu u haynaa maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya , hadday tahay Puntland, Gal-Mudug iyo hadday yihiin kuwa kale.laakiin heshiishkan iyo wada hadalani waxa ay ahaayeen, kuwo qeexan cida ka qaybgalaysaa, waxa weeye dawlada Somaliland iyo dawlada KMG ah ee ka jirta Soomaaliya ama ta ka dambaysa ee la filayo in dhalato bisha August ee sannadkan”

 

Somaliland waxa ay ka biyo diiday laba wasiir oo ka tirsan maamulka Puntland oo ka mid noqonaya xubno guddida Soomaaliya ee wada hadalada,kuwaasoo midkood ka soo jeedo Bariga Somaliland,iyada oo ay haddii ay xukuumaddu ugu ogolaato in xagga Soomaaliya uu ka soo jeesto Genearal Cabdilaahi Ilka-jiir ay taaso caqabad ku noqon doono dadaalka ay Somaliland ku doonayso in ay dib gacanteeda ugu soo celiso dhulka ka maqan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shinbir wa hagaag eh odayga Sharifku Dawlad bu Madax ka yahay TFG la yidha hadu jecelyahay inu ku so daro dad ka so jeeda Puntland wada hadalada Somaliland iyo Somalia dee haku so daro xubnaha Puntland kaga jira TFG sasa saxsan. Hadi kale shinbirow Ximan iyo xeeb na xubno haloogu so daro iyo galmudug:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji, :D waa runtaa.. laakiin nin Farole la dhaho ayay isbaaro u taalaa, oo dhahaya "ama hala iga qeyb galsho ama waxaan ka baxayaa Roadmap-ka".. Marka Shiikh Shariif hadda wuu ku qasbanyahay inuu ka saaro labadaas xubnood.

 

F.G. (Awalba 5 xubnood ayaa la magacaabay, balse marki qeylo ka imaatay Farole ayaa 2 xubnood loogu daray).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayga sharif wa inu Xiiniyo banaanka meesha so dhigta oo u yidha I am the head of state Madaxweynaha Somalia taladu na aniga ayey iga Go'da hadu cid ku so darayo dee dawladisa TFG waxa ku jiro xubno ka so jeeda Budhlayn ku so dar kuwaas. Laakin sidan wax ku hagaagi mayaan:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Somaliland way khaldan tahay. waan kula hadlayaa oo dad wada hadalka kaaga qayba galayana anaa dooraya wax is gala ma aha. Ka waran hadii Siiraanyo uu ku soo daro faysal cali waraabe, yaa u diidi kara? Wadahadalka cidii uu rabo buu sh Shariif kusoo darayaa ee adigu cidaad rabtid keen miiska oo fulaynimada is ka daa :).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

The most logic thing aswell as the outcome of Londen talks was and is, that Somaliland and TFG should talk. Not Somaliland and Puntland or Galmudug, Not Somaliland and Hiiraan State, Not Somaliland and Galmudug, ASWJ or Xiin and Xeeb. So its not logic to include 2 Puntland Ministers in bileral talks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Samafal;820544 wrote:
Somaliland way khaldan tahay. waan kula hadlayaa oo dad wada hadalka kaaga qayba galayana anaa dooraya wax is gala ma aha. Ka waran hadii Siiraanyo uu ku soo daro faysal cali waraabe, yaa u diidi kara? Wadahadalka cidii uu rabo buu sh Shariif kusoo darayaa ee adigu cidaad rabtid keen miiska oo fulaynimada is ka daa
:)
.

Qodobka Lixaad waxay qeexday dawlada Somaliland iyo dawlada TFG ba wada hadlaya ,dee dawlada TFG hadu sharif ku so daro dad ka so jeedo gobolada dalkisa dee wa sax laakin dad gaar ah wa qalad dee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Ciduu rabo buu kusoo darayaa. haduu rabo Ximan iyo xeeb soocan buu keenayaa, adiga hebel baa ku jira ee halaga saaro, wax soconaya oo caqli gal ah ma aha, international communityga yeelimayso. Puntland TFG bay ka mid tahay, dadka lagu soo daranay waa muwaadiniin Somliyeed. Adigu maxaa uga baqaysaa xasuuqii Buhodle iyo Laascaanood baa diidanthay in meesha la keen, kii hargaysana lagu gor gortamo. wax soconaya ma ah adeer caqli kale la imoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.