Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

Saalax   

Somaliland: Government Allays Fears Over Talks Committee

Tuesday, 10 April 2012 23:12

Presidential spokesperson Abdilahi UkuseBy: Yusuf M Hasan

HARGEISA (Somalilandsun) – The government has not yet embarked on talks with Somalia as perceived by some.

In a press statement presidential spokesperson Abdilahi Mohamed Dahir "Ukuse" revealed that the purpose of the recently 5 member technical committee appointed recently by president Silanyo was to lay the ground work and not hold talks with Somalia.

Mr. Ukuse said that the final talks committee has not yet been constituted as the technicalities involved in discussions are yet to be put in place, thus the appointment of the technical committee.

The presidential said that the administration wanted to jump-start the talks with Somalia due to the importance of the meeting, thus put an end to long standing differences between the two countries.

"The talks were agreed upon in London during the conference on Somalia and it is imperative we hold them so that our country to maintain its credibility within the international community that was witness to the agreements" said Ukuse.

The presidential spokesperson was reacting to opposition shown against the technical committee with various opponents claiming that the committee was neither competent to hold the talks nor was it representative of entire government as its membership is made up of cabinet ministers. The members of the Technical committee are: Dr Mohamed Abdilahi Omar, Minister of Foreign Affairs, Hon. Mohamed Nuur Arale "Duur", Minster of Interior, Hon Ahmed Abdi Habsade, Minister of Public Works & Housing, Hussein Ahmed Aideed, Minister of Justice and Prof Farah Elmi Mahmoud, Minister of Agriculture respectively.

It is hoped that the presidential clarification on the mandate of the technical committee will put an end to ferocious debates and condemnations of the government.

At the same time Mr, Ukuse revealed that local council elections might not be held as planned because the funds allocated the elections in the 2012 budget government budget might not be sufficient while promised funds from donors are yet to be availed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin:-Khatar kasoo socota 5 Xubnood oo Madaxweyne Shariif u magacaabay Wada xaajoodka Soomaaliland

 

Posted by Pi on April 13th, 2012

 

Siilaanyo waxuu soo xuley Gudi uga qayb galaya Wadahadalka ay la yeeelanayaan Qaybaha kale ee Soomaaliya, Madaxweyne Shariifna wuxuu soo xuley shan xunood, yaase lagala tashadey shantaan xubnood? Maxayse yihiin xubnahaan, mase ku haboon yihiin iney galaan wadahadalkaas, Maxaa ka dambeeya.

 

Waxaa xaqiiq ah in ay Soomaaliland ku dadaalayso inay hesho shaabad loogu dhufto warqado ay doonayaan inay kaga go’aan Soomaaliya iyagoo kharash iyo wakhti badan ku bixinaya sidey ku helilahaayeen, Shirkii London waxaa hoosta looga xariiqey iney Wadahadlaan Soomaaliya iyagu iyadoo la iclaamiyey labo gudi oo kakala socda Somaliland iyo qaybaha kale ee Soomaaliya, lakiin Madaxweyne Shariif isagoon cidna kala tashan ayuu magacaabey Gudi matala TFG, waxaana jira dadaalo la doonayo in wadahadalka laga ilaaliyo inay ka qayb galan dadka ku haboonaa iney ka qayb galaan taasi oo ah khatar hor leh.

 

Maxay yihiin Ergooyinka Madaxweyne Shariif soo xuley

 

Ergooyinkaan ayaa ah 5 Xubnood oo aan wax aqoona ama waayo aragnimo ah u lahayn waxyaabaha laga wada hadlayo iyo qodobada lawada gorfeyn doono, taasina waa mid ay soo xulideeda lug ku lahayeen Soomaaliland oo aan iyagu dooneyn iney hor fariistaan dadka talada dhabta ahi ka go’do.

 

Xubnaha Ergooyinka waxaa ka mid ah 1 nin oo ka soo jeeda dadka ay wax ka dhexeeyaan Soomaaliland (*******) inta kale waa Reer Koonfureed.

 

Madaxweyne Shariif magaacaabida ergooyinka wuxuu kala tashadey dad an ogeyn waxa la isku hayo ama meesha yaal, kalama uusan tashan Puntland iyo Xukuumada TFG, Ergooyimka kuma jiraan Reer Puntland gaar ahaan dadka dega Gobolada bariga Soomaaliland.

 

Waxaa maqaalo nagu ah in ay ergooyinka u badan yihiin Dadka Dega Gobolada dhexe oo ay ku yimaadeen codsi ka yimid dhinaca Soomaaliland iyo xiriir hoose oo dhexmaray Somaliland, Madaxweyne Shariif iyo Madaxweynaha Jabuuti.

 

Arimahaan oo idil waxay muujinayaan in lamarin habaabinayo wadahadaladii lagu balamay iney dhexmaraan Maamulka Hargeysa iyo Dowlada Soomaaliya oo Puntland qayb ka tahay.

 

Ergooyinka ay Soomaaliland soo direyso

 

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu soo xuley rag ruug cadaa ah oo ay aad ugu dheertahay Ereyga ah Jamhuuriyada Soomaaliland, kuwasoo naftooda u haybeeyey inay mar arkaan Dal layiraahdo Soomaaliland,waa rag aan marnaba maqli karin Soomaaliya, lakiin yaqaan sida loola macaamilo Soomaalida qaar,mana ay jecla inay hor fariistaan Soomaalida qaar kamid ah, Waxaa hogaaminaya Wasiirka Arimaha dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar, Waxaa kaloo kamid ah Xaabsade oo loogu soo darey inaan meesha wax kasoo bixin.

 

Sidee ku imaan karaa Wadahadal xalaal ah oo loo dhanyahay kuna salaysan Mustaqbalka Soomaaliya

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Mohamed Wuxuu hoosta ka xariiqey mar uu ka hadlayay wadahadalkaan in ay khasab tahay in ay wadahadalka ay hogaamiyaan dadka ay Soomaaliland wax ka dhexeeyaan(Dhulka), arintaan waxaa ku raacsan Siyaasiyiin waaweyn iyo qolyaha Caalamka oo iyagu lahaa fikrada in lawada hadlo.

 

Lagama yaabo iney wadahadalka hogaamiyaan dad aan waxshaqo ah ku laheyn waxyaabaha laga wada hadlayo, waana khasab iney wadahalka miisaan ku yeeshaan Dadka ay Soomaaliland wax ka dhexeeyaan, Soo xulid ergooyinka waxaa miisaan weyn ku yeelanaya Dadka Dega gobolada Sool, Ceyn iyo Sanaag, waana kuwaas kuwa ay ku xiran tahay mustaqbalka isu imaasha Hargeysa iyo Muqdisho.

 

Sida aan la socono siyaasada maanta ee Soomaaliya, waxaa jira dad dega Goboladaan aan kor kusoo sheegney kuwasoo jeebka ugu jira Soomaaliland laga yabee in qaarkood ay joogaan Muqdisho, uno ololaynayaan inay kamid noqdaan Ergooyinka.

 

Waxaa socda qorshayaal lagu marin habaabinayo Wadahadalka, si caalamka loo tuso in lawda hadlay lakiin taasi waa laga soo gudbey xiligay dhici lahayd ama dhici jirtey, Xalka Soomaaliyana ma ahan maanta mid ay taladeeda ka go’do oo kaliya Muqdisho, khaasatan wadahadalka dhexmari doona Somaliland iyo Soomaalida kale, mana ahan mid u taal oo kaliya Madaxweyne Shariif iyo Raysal wasaare Gaas ee waa mid u taal dadka ay dariska iyo deegaanka Wadaagaan Soomaaliland, Puntland iyo Soomaaliland waa inay miis wada fariistaan oo kawada hadlaan mustaqbalka Dalka.

 

 

 

Puntlandi.com

 

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif oo Magaacaabay Guddiga Dowladda KMG Somalia uga qaybgalaya Wadahadallada Somaliland

 

Sabti, Abriil 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magacaabay guddi heer wasiir ah oo dowladda KMG ah uga qaybgalaya wadahadallada lala furayo Somaliland, waxaana guddigan uu madax uga dhigay wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/samad Maxamuud Xasan.

 

Guddigan ayaa waxay ka kooban yihiin toddoba xubnood, waxanaa madaxweynuhu uu magacaabay waxyar ka hor intii uusan saakay oo Sabti ah u dhoofin magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo uu kaga qaybgalayo shirka madaxda ururka Midowga Afrika.

 

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in guddigan ay wadahadallo la yeelan doonaan guddi ay Somaliland u magacowday dhawaan wadahadallo lala galo dowladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku kulmi doonaan magaalada London ee dalka Britain.

 

Guddigan oo ay ka mid yihiin. wasiirka garsoorka iyo cadaaladda DKMG ah, Axmed Xasan Gaboobe iyo wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, C/llaahi Xaaji Xasan Maxamed aya waxaa kaloo ku jira laba wasiir oo ka tirsan maamulka Puntland, kuwaasoo kala ah: wasiirka arrimaha gudaha, Jen. C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) iyo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland, Daa'uud Maxamed Cumar.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa isagu shalay u sheegay BBC-da in maanta uu magacaabi doono guddiga dowladda KMG ah ku matalaya wadahadallada, lamana oga in ra'iisul wasaaruhu uu ku raacsan yahay guddigan madaxweynaha iyo in kale.

 

Dhanka kale, madaxweynaha DKMG ah wuxuu ciidamada dowladda uga digay inay dhibaateeyaan shacabka, gaar ahaan haweenka indho-shareerka iyo jalbaabka wata iyadoo lagu eedeynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

 

Madaxweynuhu wuxuu maxkamadda sare amar ku siiyay in askarigii la qabto isagoo dadka shacabka ah dhibaateynaya la horgeeyo maxkamad, isagoo sheegay inaysan ka ogolaanayn hay'adaha xuquuqda aadanaha inay howlahooda eedeymo u soo jeediyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

President Siilaanyo

 

1. Aqoonsi Raadinta Qarannimada Somaliland iyo Siyaasada Arimaha Debeda:

 

 

Waxaanu xil iska saarnay xaqiijinta iyo taabo-gelinta madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah sidii ay uga mid noqon lahayd bulshada caalamka, una heli lahayd aqoonsi buuxa.

 

Waxaa hubaal ah in aanu arintan kasoo hoynay guul aan qarsoonayn, annagoo maanka ku hayna muhiimadda uu mandaqadda u leeyahay xidhiidhka sokeeye ee waddamada jaarku, bilowgiiba waxaanu safar shaqo ku tagnay Jamhuuriyada aynu walaalaha nahay ee Jabuuti iyo dalka Itoobiya ee aynu saaxiibka nahay, halkaas oo si weyn naloogu soo dhaweeyay.

 

Waxaanu safar kaa la mid ah ku tagnay wadamada carabta sida: Imaaraadka, Kuwayt, Masar, iyo wadamada South Sudan iyo Shiinaha. Waxaanu kulan khaas ah oo aan hore u dhicin la yeelanay (Security Council) Gollaha Amaanka ee Jamciyada quruumaha ka dhaxaysa (The Highest body).

 

Waxaa marag-madoon ah in ay Somaliland qiimo wayn ugu fadhido guushii aynu kasoo hoynay shirkii caalamiga ahaa ee London oo ahaa dhacdo taariikhi ah, waxaanay shirkaa dunidu ku go’aamisay in Somaliland iyo Soomaalya ay wada hadlaan, waana madashii ugu horaysay ee mudo 50 sanadood ku siman ay beesha caalamku garwaaqsatay jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland (as an entity).

 

Hadaba, Anigoo ku kalsoon in ay danteena iyo madax-banaanideenu ku jiraan isla markaana dhinaceena fulinaya go’aanka shirkaa London, waxaan magacaabay Shan (5) Wasiir oo London u tegaya go-gol xaadhka iyo diyaarinta qaabka wada hadalka kuwaas oo hordhac u ah sidii aynu uga midhodhalin lahayn wada-hadalkii ay dunidu inoogu baaqday. Waxaa ii qorshaysan in aan soo saaro gudi heer qaran ah oo diyaarisa istaraatiijiyada wada hadalka iyo qorshe lagu midaysanyahay marka ay ku haboonaato, waxaynu ku guulaysankaraa marxalad kastana kaga gudbi karaa midnimo iyo isku-duubni.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Shariif oo Magacaabay Gudida Wada hadalka la Gali doonta Somaliland iyo Xildhibaanadda somaliya oo ku Tilmaamay Qayrul Sharci

 

Gudigan ayaa la sheegay in ay kulan la yeelan doonaan Guddi uu Dhawaan Magacaabay.....

 

Moqdisho(GNS)-Madaxwaynaha Dawlada ku meel gaadhka ah ee Somaliya Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa Maanta magacaabay 7 Xubnood oo ah Guddida Wadahadalada Somaliland iyo somaliya

Guddidan uu magacaabay Madaxwayne Sheekh Shariif oo ka kooban todoba wasiir ayaa waxa ku jira laba wasiir oo ka mid ah maamul goboleedka Puntland, waxaana guddidaasi madax uu uga dhigay wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka Cabdisamad Maxamuud Xasan.

 

Madaxweyne shariif ayaa sheegay mar uu ku sugnaa garoonka Diyaaradaha Ee aadan Cade Airport kuna sii jeeday Magaalada adis Ababa ee Dalka ethopia uuna ka qeyb galayo shir Madaxeedka wadamada afrika.

 

Gudida wada Hada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa waxa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka Cabdisamad Maxamuud Xasan.

 

Gudigan ayaa la sheegay in ay kulan la yeelan doonaan Guddi uu Dhawaan Magacaabay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kulankaasi oo ka dhici doona Magaalada London ee Carriga Ingiriiska.

 

Dhinaca kale Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa Madaxwayne Shariif ku Dhaliilay Magacaabista Gudigan

Xildhibaan Max’ed Cali Dinsoor oo isna kam id ah barlamanka ayaa waxa uu sheegay in Wasiirada uu magacaabay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynuba ay kasoo horjeesteen sharciga iyo Axdiga KMG ah

 

“Somaliland waan u sheegnay annaga, musuq maasuqaan dowlad isku sheegga ah in aan wax lala xidhiidhin karin, guddiga meesha loo dirayona waa bilaa sharci weeyaan” sidaasi waxa kusoo gaba gabeeyay Xildhibaan Max’ed Cali Dinsoor.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Sheegay Inuu Guddi Qaran U Saari Doono Wada Hadalada Soomaliya, Shanta Wasiir Ee Uu Magacaabayna U Sii Gogol Xaadhayaan Shirkaasi

 

Hargeysa (Ranaas) Apr 14,2012 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay hawlaha ay u xil-saaran yihiin guddida shanta wasiir ka kooban ee uu dhawaan u magacaabay gogol xaadhka wada hadalada Soomaliya oo siyaasiyiin badan u fahmeen inay yihiin guddida Somaliland uga qayb-galaya wada hadalada Soomaliya.

 

Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo maanta furay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE ayaa sheegay in guddidaasi ay gogol xaadh u yihiin wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya, isla-markaana marka dambe uu magacaabi doono guddi qaran.

 

Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo hadalkiisani daba socday hadalo badan oo ka soo yeedhay bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay ku dhaliileen guddidaasi shanta wasiir ka kooban ayaa yidhi isaga oo ugu horeyn ka hadlaya muhiimada Somaliland uu ugu fadhiyey shirkii ka dhacay London “Waxaa marag-madoon ah in ay Somaliland qiimo wayn ugu fadhido guushii aynu kasoo hoynay shirkii caalamiga ahaa ee London oo ahaa dhacdo taariikhi ah, waxaanay shirkaa dunidu ku go’aamisay in Somaliland iyo Soomaalya ay wada hadlaan, waana madashii ugu horaysay ee mudo 50 sanadood ku siman ay beesha caalamku garwaaqsatay jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland (as an entity).”

 

Madaxwayne Siilaanyo waxa kale oo uu soo qaaday “Hadaba, Anigoo ku kalsoon in ay danteena iyo madax-banaanideenu ku jiraan isla markaana dhinaceena fulinaya go’aanka shirkaa London, waxaan magacaabay Shan (5) Wasiir oo London u tegaya go-gol xaadhka iyo diyaarinta qaabka wada hadalka kuwaas oo hordhac u ah sidii aynu uga midhodhalin lahayn wada-hadalkii ay dunidu inoogu baaqday. Waxaa ii qorshaysan in aan soo saaro gudi heer qaran ah oo diyaarisa istaraatiijiyada wada hadalka iyo qorshe lagu midaysanyahay marka ay ku haboonaato, waxaynu ku guulaysankaraa marxalad kastana kaga gudbi karaa midnimo iyo isku-duubni.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faisal talked about Azania iyo ninka Azania ka yimid:D

Haday iyagu Yidhahan Somalia wa muqadis anaguna Somaliland muqadis lol

He talked about faroole oo isku haysta inu mamuul ka gaar ah yahay dawlada Somalia eeh TFGIDA

He talked about shirki london

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.