Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

^^ Somaliland has domestic issues Somalia has some internal affair issues aswel but the IC wants both sides to talk these talks are being pushed also by the international community.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Talks under these conditions is ******. We all know what's facing Somalia today and sitting with SL to "talk" at this time is BS. SL got their own issues as well...

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Dual Track Policy on Somaliland and Somalia Depends on Individual Donors

mahiga3.jpg

Sunday, 23 September 2012 17:04

Amb.Augustine Mahiga"Talks between Somaliland and Somalia are very important thus resolve longstanding differences" Amb Mahiga

By: Yusuf M Hasan

HARGEISA (Somalilandsun) – Time is now ripe for a resumption of Talks between Somaliland and Somalia.

This was said by Ambassador Augustine Mahiga UN/AU Special representative for the two countries during a telephone interview with reporter Mahmoud Walaleye of Geeska Afrika our sister paper.

While informing that the ultimate end to the talks sanctioned in London during the conference on Somalia in February is permanent resolution to differences between the two united countries also inform that division of donor funds is subject to individual donor inclinations.

Amb Mahiga currently in Nairobi said that time is now ripe for resumption of talks postponed by Somaliland since the transitional government has been phased out and a new permanent administration established in Mogadishu.

Revealing that a UN organized Somalia donors meeting will be held in New York on 26 November the Ambassador hinted on the possibility of Somaliland participating through possible invitation of Ban Ki Moon, secretary general of the world body.

Below are the full verbatim excerpts of the interview

Q. How do you perceive the implications on the absence of Kenya and the Somalia regional administration of Puntland during the swearing of new Somalia president Hasan Sheikh Mahmoud?

A. The most important thing now is to inform of the satisfaction with the way the new president was elected as well, as how he has conducted state affairs so far.

Q. In your view what is the ultimate result of the Somaliland Somalia talks since both sides hold very conflicting agendas?

A. The international community sanctioned the talk's in-order for the two sides to reach consensus, and since the transitional period has expired, I am hopeful for the talk's resumption.

Q. What is your position on the US fronted Dual Track policy for Somaliland and Somalia? Who is to apportion each country its share?

A. The implementation of the dual track policy and subsequent direct apportioning of funds to each country is solely a responsibility of individual donors

Meanwhile humanitarian support is another issue and I believe that the needy should be availed the necessary support regardless of where they are, within the two jurisdictions.

Q. When will donors who suspended their support after the TFG expired start engaging the new president financially?

A. All donors are ready to resume their engagement in the country but the final decision will be reached during a forthcoming UN organized Somalia donors meeting in New York on 26 November 2012

Q. Will Somaliland participate in the new York meeting?

A. Am not sure since invitation is made by the secretary general of the United Nations

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;873227 wrote:
The Dual Track Policy on Somaliland and Somalia Depends on Individual Donors

mahiga3.jpg

Sunday, 23 September 2012 17:04

Amb.Augustine Mahiga"Talks between Somaliland and Somalia are very important thus resolve longstanding differences" Amb Mahiga

By: Yusuf M Hasan

Q. Will Somaliland participate in the new York meeting?

What an injudicious question!!! What country? On MarS!!!!???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir Duur Oo Sheegay In Ictiraafka Somaliland Ku Jiro Wada-hadalada Somaliya

 

“Waxaan leeyahay waynu dhaafnay maaweeladii ahayd ictiraafkii wuu dhawyahay oo daaqaduu saaran yahay iyo imika ayaan soo arkaydii”

Hargeysa (Waaheen) – Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa si aan gabasho lahayn uga hadlay in Madax-banaani iyo aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland hesho ay Somaliya ku xidhan yahay, isaga oo sheegay in shacabku u baahan yihiin inay gaadhaan himiladii ahayd in dalkoodu noqdo qaran Madax-banaan, waxaanu tilmaamay in mudadii Somaliland jirtay imika la gartay in halka qadiyadu ku xidhan tahay oo ah Somaliya.

Wasiir Duur oo shalay hor-tagay guddida arimaha gudaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in mararka uu dhoofo aanu ahayn wasiir umaddeed, balse uu noqdo shakhsi caadi ah, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in siyaasiyiinta dalka xilalka ka hayaa ay umadda uga midho dhaliyaan himiladooda ah in dalkooda la aqoonsado.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa Mudanayaasha Guddida arimaha gudaha ee Golaha Wakiilada uga jawaabay dhowr su’aalood oo la xidhiidha ururka Al-islaax, xidhiidhka Madaxwaynaha Somaliya, saamaxaadii uu Al-shabaab u diray iyo arimo kale oo badan, ayaa ka hor su’aalahaasi jeediyay hadal dheer oo uu kaga dayrinayo aqoonsi la’aanta Somaliland iyo caqabadaha jira ayaa yidhi “Waxaan qabbaa in himilada shacabka reer Somaliland lahaa aanay ku ekayn dhismaha maamul iyo nabada sugan ee Somaliland, mana kafaynayso shacabka Somaliland inaynu nahay Wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan dawlad aan la aqoonsanayn, shacabka hilimadiisu waxay doonaysaa in la gaadhsiiyo dawlad taam ah oo adduunyada sharaf ku leh oo la aqoonsan yahay, markaan dhoofo ma ihi Wasiir ee waxaan ahay qof caadi ah, waxa shacabka kaga maqan (Aqoonsiga) wax weyn, waxa maalin walba jaamacadaha ka soo baxa kumanaan dhalinyaro ah, waxay doonayaan dadka siyaasiyiinta ah ee maanta kuraasta ku fadhiyaa ee xildhibaano iyo Wasiirro lihi inay gartaan sidii ay umadda u gaadhsiin lahaayeen himiladii ay ku noqon lahaayeen qaran Madax-banaan oo calankiisu adduunyada ka taagan yahay, waxayna shacabkeenu ku heli karaan xuquuqo badan oo ka maqan, waxaan qabbaa in taasi la gartay 20-kii sanadood markii la yidhi Somaliya aynu la hadalno, arintaana waxaan ugu mahad-celinayaa Madaxwaynaha Somaliland iyo Wasiirkiisa arimaha dibada, waxaan qabbaa inay tahay jidkii Somaliland ku noqonaysay qaran Madax-banaan”

Wasiir Duur, waxa uu sheegay inuu si aad ah ula socdo dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee Somaliya “Waxaan ahay Wasiirkii amniga, dhammaan dhaqdhaqaaqyada Konfurta Somaliya ka jira saamayn ayay ku leeyihiin Somaliland, haddii ay nabadgalyo tahay, haddii ay siyaasad tahay iyo nolosha bulshada tahayba, waxaan warbaahinta ka idhi waxyaabaha koonfurta Somaliya ka socday warbaanu u haynay oo xog-ogaal ayaanu u ahayn, mar labaad ayaan ku celinayaa, arimaha Somaliya xog-ogaalnimadoodu waxay dhisaysaa xaqiiqda Somaliland ka jirta, markaa xog-ogaal ayaan u ahay, waan la socdaa , waxaan la socdaa dhaqdhaqaaqa amni ee ka socda Somaliya, waxaan la socda xaalada siyaasadeed ee ka socota, arimihii shirkana sidaa si leeg ayaan ula socday, maxaa ka soo bixi kara dadkii tartamayey oo qaar reer Somaliland ahina ku jireen, qofka kaliya ee la doortaa waxa uu raad ku yeelanayaa wada-hadalada dhex maraya Somaliland iyo Somaliya, markaa waxa gar ah inta aynu maanta culays saarnay arimahaasna inaynu in ka badan saarno. Qofka aad la doodi doonto waa inaad taqaano waxa uu ku doodi doono, waa inaad taqaan sida uu u fikiri doono, waa inaad garataa waxa uu dooni doono, intaa markaad garanayso waxaad dhisan karaysaa doodaada..markaa waxaan leeyahay Somaliya waxbaa inaga dhexeeyee aynu maaweeladii ahayd ictiraafkii wuu dhawyahay oo daaqaduu saaran yahay iyo imika ayaan soo arkay oo hawshii meel fiicanbay maraysaa, taa waynu dhaafnay hadda oo waxaynu maraynaa Somaliya wada-hadalbaa inaga dhexeeya, wada-hadalkuna waxa uu baahan yahay in laga midho dhaliyo geesiyaal goob-joogayaal ah oo himilada umaddan ka dhaliya (Somaliya)”

Wasiir Duur, ayaa markaa ka dib la waydiiyey su’aalo u dhacay sidan:

S: Wasiir xubnaha shirkii Islaax (Hargeysa) ma waxay ahaayeen xubno Somaliland iyo Somaliya ah..?

J: Islaax waa urur Salmi ah, waana urur diimi ah, isdiidimaayaan inay urur siyaasi ah yihiin oo diinta iyo siyaasadu isma diidaan, waxay siyaasiyiin noqon karaan oo ay xoriyadooda siyaasadeed gali karaan iyagga oo diintiina sita, fikir qaloocan ayay ahayd in wadaadka loo daayo Masjidka, wadaadku waxa uu u xaq u leeyahay inuu tallada dalkiisa ka qayb-gallo, markaa maaha niman dagaal ku jira (Islaax).

S: Wasiir Al-shabaab dhibaatada ay dalkeena gaadhsiisay ee ay ilaa Madaxtooyadeena Qaraxyadii ka dhacay waad ogeyd, markaa marka hadalkaasi (Waanu saamaxaynaa) ka soo baxo, miyaanay u sii fududaynayn Al-shabaabtii awalba xagga Somaliland u soo firxanaysay?

J: Waxaan kula qabbaa inaan Al-shabaab la fudaydsan mana fudaydsan karno, laakiin ninka dhalinyarta ah ee fikirka la galiyey in laga reebana way haboon tahay, markaa waan qabbaa in aanay fududayn, laakiin daawooyinka aynu isticmaalaynaa hal dawo uun maaha, shacabka ayaynu wacyi-galinaynaa, shacabka ayaynu baraynaa khatartooda, waxa kale oo aynu ka reebaynaa dhalinyarada loo yeedhayo, markaa anaga iyo caalamkuna ma fudaydsan karno, waana wax halisteeda leh.

S: Wasiir Markaad soo dhawaysateen Madaxwaynaha Somaliya, miyeydaan isl lahayn waxaad samayseen gef dublamaasiyadeed..?

J: Madaxwaynaha Somaliya kalmadihiisa ayaa la soo dhaweeyay, anaga ayaa saarnayna lama odhan, cid tidhina ma jirto, aniguna isma naqaano ayaan idhi.

S: Wasiir waxa adiga iyo Maayar Caasimada la idinku xamanayaa inaad dadka danyarta ahaa ee caasimada aad ka qaylisiiseen oo aad danyartii buulasha yaryar carruurtooda ku biilinayey aad ka afrogteen idinka oo aan meelna u diyaarin, taasi maxaad uga fiirsan waydeen..?

J: Tallaabooyinka aanu qaadanaynaa maaha kuwa u gaar ah aniga iyo Maayarka ee waa tallaabooyin go’aan xukuumadeed ah, haddii madaarka la xadaynayo, haddii badhasaabka dad laga rarayo waa tallaabooyin dawladeed, laakiin aniga oo Wasaaradii arimaha gudaha ah waa xoogii waxan dhaqaajinayey, maayarkuna jaangoyntii, markaa labadayada ayaa ka muuqanee, laakiin waa tallaabo dawladu nagula socoto, imika oo kale xarunta badhasaabka ee ugu dambaysay ee dadka laga raray, waxa laga dhisayaa xarunta cusub ee Wasaarada arimaha gudaha iyo xarunta wasaarada arimaha dibada, Duur iyo Jiciir islaamahooda gaysan maayaan, labadaa xaruumood in la dhisaana waa waajib dawli ah, markaa dan gaar ah maaha waxaanu wadnaa, maanta haddii aan dan gaar ah umadda danyarta ah ugu durduriyo ILAAHAY iyo Umadduba way I arkayaan.

S: Wasiir waxa la sheegaa inaad ka mid tahay ururka Al-islaax, arintaasi bal umadda u caddie..?

J: Ururka Al-islaax, waxaan sheegay inuu yahay urur Salmi ah oo aan hubaysnay oo dacwi ah, markaa sabab aan uga baqo oo haddii aan ka tirsanahay aan maya u idhaahdaa ma jirto, laakiin aniga oo sidaa u cadeeyay kama tirsani, laakiin waxaan ahay qof Islaam ah oo yaqaana xarakooyinka Islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Siyaasi Cali Daacuun: Madaxwynaha ayaa ka masuul noqon doona haduu dalku kala go’o (Akhriso)

 

Cali Max’ed Axmed oo dadka badankii ay u yaqaanaan (Cali Daacuun) ahna siyaasi in muddo ah mucaarad ku ahaa TFG-dii Mbaghati, laguna xusuusto in muddadii uu socday shirkii Kenya uu dabaq iska soo tuuray isagoo sida uu sheegay qoonsaday xadgudub loo geystay xaqii ay beesha Hinjiya ku laheyd dowladda oo la duudsiiyey, waxaana Cali iminka uu u soo jeediyey madaxweynaha cusub Prof. Xassan Sheekh Max’uud inuu si taxadar & mug leh kaga fiirsado cidda uu u magacaabayo R/wasaaraha. Wuxuuna kula taliyay Madaxweynahu inuu magacaabo Ra’iisal wasaare ka soo jeeda gobolada Waqooyi.

“Ururka Damjadiid ee uu madaxweynuhu ka tirsan yahay waxey u xusul duubayaan inay ku sanduleeyaan madaxweynaha in R/wasaaraha laga soo xulo xisbigooda ama nin iyaga ay rabaan, haddii uu madaxweynuhu taa yeelana waxey noqon doontaa tillaabo fashil keenta” ayuu yiri Cali Max’ed Axmed (Cali Daacuun), wuxuuna intaa ku daray in xisiga Damjadiid ee ku guuleystay doorashada in ay heleen guul kedis ah oo aysan fileyn.

“Madaxweynuhu wuxuu la mid yahay shaqsi sagaaro dabin u dhigtay dabadeedna uu baciid ugu dhacay, haddana garan waayey si uu yeelo, taasina waxey keentay in wixii loo doortay ay ku cuslaadaan”, ayuu yiri Cali Daacuun.

Cali wuxuu sheegay in gobolada Waqooyi ay xaq u leeyihiin jagada R/wasaarenimada, waa haddii la xushmeynayo saamiga awood qeybsiga ah ee Koofur & Waqooyi.

“Dowladani waa dowlad rasmi ah, ma ahan KMG waana in saami qeybsiga madaxweynuhu aad u ilaaliyo, waana in R/wasaaraha la siiyaa gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, xaq bey u leeyihiin maadaama dowladdu ay tahay dowlad rasmi ah, haddii kale waxaa imaan doono kala go’, haddii uu kala go’ yimaadana waxaa mas’uul ka noqon doono madaxweynaha & baarlamaanka, Mar 1-ad, 2-aad, iyo mar 3-aad waxaan ku celinayaa in madaxweynuhu ka fiirsado magacaabista R/wasaaraha, oo habka awood qeybsiguna uu noqdaa Koofur & Waqooyi” ayuu yiri Cali Daacuun.

Cali wuxuu difaacay xubno uu sheegay in madaxweynaha ay ku gacan siiyeen inuu doorashada ku guuleysto, wuxuuna u soo jeediyey inuu fuliyo heshiisyadii uu xubnahaasi la galay, ilaa inta suurtagal ahna uu ku dedaalo inuu dowladda cusub ku soo daro.

“Madaxweynaha Xasan Sheekh waa inuu gartaa ciddii la soo kifaaxday ee u codeysay, oo ay ku heshiiyeen in ay dambarka wada qeybsadaan, waa inuu gartaa oo uu siiyaa xaqooda” ayuu yiri Cali daacuun, wuxuuna aad uga soo horjeestay in madaxweynuhu ka shaqeeyo inuu dalku kala go’o.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Midnimadii Hore Waxay Ugu Timid Is-rabbid, Markaa Is-rabbid Mooyaane Israaca Somaliland Iyo Somaliya Ku Iman Maayo Gacan Maroojis” R.W Somaliya

DR-SAACIDD.jpg

Muqdisho (Ramaas) Oct 11,2012 – Raysal-wasaaraha cusub ee Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiisyadii ay wada gaadheen Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay inuu soo dhawaynayo.

 

Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxa kale oo uu sheegay in midnimo Somaliland iyo Somaliya dhex marta aanay ku iman doonin gacan maroojis iyo khasab, balse midnimo timaada ay u marayaan jid nabadeed oo aan dhibaato keenin.

 

Raysal-wasaaraha cusub ee Somaliya, waxa uu sheegay in midnimadii lixdankii ku timid isjacayl iyo nabadgalyo, sidaa daraadeedna ta ay hadda doonayaan tahay mid loo marayo jidkaasi hore mid la mid ah.

 

Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo arimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Somaliland waanu soo dhawaynaynaa, siyaasada aanu ku leenahayna waxay noqon doontaa siyaasad cad oo dib loo qeexi doono, kuna dhisan barnaamijkii hadda ka hor Madaxwaynahayagu qeexay ee ahaa in aanay dhici doonin wax nabad dhaafsan oo gacan maroojis aanu dhici doonin”

 

Raysal-wasaaruhu waxa kale oo uu soo qaaday “Hore ayay midnimadu ugu timid is-rabbid iyo nabad, markaa is-rabbid iyo nabad raali laga yahay mooyaane israacu kuma imaan doono, markaa dariiqa aanu u mari doonaa waa kaasi”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray mar uu maanta u waramayey idaacada VOA “Waanu soo dhawaynaynaa inay heshiiska nabadeed qayb ka yihiin Somaliland, u malayn maayo in heshiiska caynkaasi ah ee dad Somaliyeed u dhaxeeya inuu wax wax dhima dhalin doono”

Share this post


Link to post
Share on other sites

‘Madaxweynaha Soomaaliya Yaanu isa saarin xamuul aanu qaadi karin iyo Midow dambe’

 

October 12th, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- La taliyaha Madaxweynaha ee gaarka ah Dr. Cumar Cilmi Dixood ayaa ku tilmaamay mas’uuliyiinta dowlada Soomaaliya siyaasiyiin cusub oo dusha u ritay mas’uuliyad culus aanay qaadi karin.

 

Waxaa kale oo Dr Dixood sheegay in aanay cid matalin nimanka Xamar jooga ee reer Somaliland, waxaanu tilmaamay inay yihiin niman dambiilayaal qaran. Dr Dixood waxa uu ka hadlay doorashooyinka golayaasha degaan ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoomaan, waxaan sidaasi ku sheegay wareysi Khamiistii uu siiyey Bulsho TV.

 

Dr Cumar Cabdi Dixood oo ugu horeyn ka hadlaya madax dhaqameed xubno ka tirsan oo Xamar tagay waxa hadaladiisa ka mid ahaa “ nimanka yidhi waxaanu nahay wakiilo ee leh Suldaanba warqad noo qoray iyaga iyo kuwa ay sheegayaanba ma aha kuwo cid matali karaa. Waxaanan fikir ahaan u arkaa inay yihiin dambiilayaal Qaran, markaa xilligan sabab laysku haybsadaa ma jirto.”

 

Sidoo kale waxaa uu dhakhtar Cumar Dixood ka hadlay rajada dowladda cusub ee Soomaaliya iyo waxaa laga fili karo, waxaanu yidhi “Horta nimankani immika la doortay waa niman aan xogogaal u ahayn xaalada dalkooda, waana wax wada cusub, madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud waana nin ku cusub siyaasadda, waxa u fiican in aanu xamuul aanu qaadi karin isa saarin ee bal hortaa runta ha ku adimo oo yaanu waxba la hadaafin midow sidii madaxweyneyaashii isaga ka horeeyay ee waa inuu ka soo baxa mas’uuliyadda dalkii koonfur ee Talyaanigu gumaysan jiray.”

 

La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa laga filayaana waa isagii cusub, Raysalwasaarihii oo cusub, gudoonkii baarlamaanka oo cusub waa koox cusub oo aan hore siyaasada ugu jirin oo aan bislayn mana ah culays aanu qaadi karin inuu isa saaro ee waa inuu iska dadajiyaa, waxaas oo mas’uuliyad ah. Sidaasi ayuu ku guuleysan karaa dhabta haddii laga hadlana annagga (Somaliland) ayaa dowlad ah oo leh dhamaan hanaankii iyo haybadii dowladnimo.”

 

Sidoo kale Dr Cumar dixood waxaa uu ku hadlay doorashooyinka soo socdaa ee goleyaasha deegaanada iyo waxyaabaha uga qorshaysan xisbi ahaan, waxaanu yidhi “Annagga haddii aanu nahay xisbiga talada haya waxaanu rajeynaynaa inay doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka dhacdo guul baana ka soo hoyn doona sidoo kale nimankaa axsaabta ama ururaddaba qaarkood ragga ka madaxda ahi ma aha niman saxxadda ku cusub ee waa niman bulshadu hore u sii aragtay waxay qaban karaan oo xilal soo hayay waana madal furan iyo wixii uu ummadda gashaday.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arimaha Dibada Somalia Foosiya xaaji Aaadan oo sheegtey in wadahadaladi Somalia iyo Somalia uu sidisii u sii soconaayo( Waraysi Comming soon?

 

Wasiirka Arimaha dibada ahna raisal wasaare ku xigeenka Somalia foosiya xaaji adan qabile ayaa sheegtey in ay taalo hawl baxaad leh oo ay ka dabaalan karto sidoo kalena waxay sheegtey in wada hadaladi Somaliya iyo Somaliland uu sidisi u sii soconaayo

Wasiirka ayaa ka jawaabtay fikirkani inay noqoto wasiir ka mid ah Somalia goorta uu ku dhashay iyo halka ay ka bilaabi dooonta hawsheeda

 

http://togaherer.com/wasiirka-arimaha-dibada-somaliya-foosiya-xaaji-aadan-oo-sheegtay-in-wadahadaladii-somaliya-iyo-somaliland-uu-sidiisii-u-sii-soconaayowaraysi-comming-soon/

Share this post


Link to post
Share on other sites

The new cabinet is a real threat to

the unity of Somalia

By Jama Mohamed Askar

Nov 05, 2012

 

The composition of the newly appointed cabinet ministers of Somalia was received with a sense of jubilation by the secessionist administration in the north of Somalia. The vigorous diplomatic pressure they exerted on President Hassan and his Prime Minister Mr. Saacid yielded results, because prominent Unionists Politicians from the north are not only overlooked intentionally, but the whole portfolios went to the South as well. From traditional perspective, even Ms. Fosia Haji Adam, the recently nominated foreign and deputy prime minister, is more southerner than a northerner!!!

 

It is very important to mention that northerners had high hopes of the post-transitional dispensations; they were anticipating an establishment of political authority marked by an equitable power sharing between the North and the South; if the president hails from the South, the Prime Minister was expected to come from the north. In the worst scenario, they had in mind to get fair political clout. Had President Hassan’s avowed intent been to treat the issue of unity as a top national priority, he would have installed a just and inclusive system representing the existing geographical and tribal diversity within the Somali community.

 

Unfortunately, the most prominent politicians from the north like Prof. Ahmed Ismail Samatar, Prof. Ismael Hurreh Bubba, Dr. Ali Khalif Gallair and the like, the best trump card available for any Somali government in the face of fanatical secessionist administration in the north, are apparently disowned by Mogadishu. In an article appeared upon the nomination of the Prime Minister, Mr. Yabarag, a fervent unionist political commentator opined “President Hassan has got his political calculations hopelessly wrong by nominating a southerner as his premier to complete a full house for southerners (President, Speaker of parliament and the First minister) when he fully knows that there are millions of Somalis living on the other side of the border watching him very closely”.

 

Moreover, the Somali government failed to recognize that equitable power sharing between the south and the north is the linchpin of restoring Somali unity as it is a prerequisite for trust rebuilding. Therefore, by arrogating all powers to the south, President Hassan put Hargeisa outside the purview of his government and forfeited the right to claim sovereignty over the whole territories in the north.

For secessionists, this is a commendable political achievement, because at least the newly emerged leadership led by President Hassan and misguided by his “Dulmi Jadid” cronies had the courage of their convictions to strike a blow against growing popular unionist aspirations in the north.

 

Unsurprisingly, the whole issue smacks of a plot orchestrated by secessionists in Hargeisa which President Hassan failed to discover; very reliable sources revealed that villa Somalia had been working in collusion with Somaliland government over the past weeks; several key ministers: The foreign minister, the minister of presidency and minister of interior of Somaliland were instrumental in consultations made by villa Somalia on the selection of ministers.

 

Unfortunately, President Hassan proved too naïve to be deceptively tranquilized into believing that secessionists would have constructive talks on the issue of unity provided that he treats them as the sole legitimate representative of the north and, thus disassociates his administration from northern unionists in Mogadishu. It is very absurd how the President and his inner-circle could not predict that the combination of absence of heavyweight unionist politicians in the government of Somalia and recognition for Somaliland’s government as the sole representative of northern population would only weaken their position in the talks expected to be resumed between the two sides.

Since the composition of the newly nominated cabinet ministers does not reflect concerns and representations of diverse groups within Somali society, it may be a recipe for disunity and emergence of opposition forces. Therefore, it is high time that Somali MPs took their responsibilities courageously to disapprove the proposed cabinet ministers.

 

The Prime Minister should be prodded to exercise his constitutional responsibility to redistribute power among Somalis through a quick cabinet reshuffle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo Wasiirka Cusub ee Khaariga u Gudbiyey Amar la Xidhiidha Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya

 

Mon 05th Nov,2012

Xogo Jamhuuriya ka helay amarka la siiyey Foosiya Yuusuf X. Aadan oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

 

Muqdisho (Jam)- Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu wasiirka cusub ee loo magacaabay Arrimaha Dibedda dawladdiisa marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ku wargeliyey in aanay wax lug ah ku yeelan doonan arrimaha khuseeya wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama ay tahay haweenay ka soo cadhootay Somaliland.

 

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Jamhuuriya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo loo magacaabay shalay Wasiirka Khaarajiga Soomaaliya ku amray in aanay wax shaqo ah ku lahayn arrimaha la xidhiidha wadahadallada u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo tilmaamay in wadahadalka labada dhinac iyo wixii arrimaha Somaliland khuseeya laga maamuli doono xafiiskiisa, isla markaana haddii loo baahdo madaxweynuhu arrimahaas u wakiilan doono wasiirkiisa cusub ee Daakhiliga Mr. Cabdikariim Xuseen Guuleed.

 

Waxa kaloo ilaha Jamhuuriya helay tibaaxeen in Madaxweynaha Soomaaliya oo eegaya, sidoo kalena ka dhawrsanaya burbur ku yimaad wadahadallada aanay u burburin wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ku wargeliyey in aanay Foosiya Xaaji Aadan wax shaqo ah ku yeelan doonin waxyaabaha khuseeya wadahadalka labada dhinac, maadaama dawladda Somaliland hore u diidday inay miis la fadhiisato guddiyo ay ku jiraan xubno dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda ee qaatay mabda’a Soomaali-weynta.

 

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo Jamhuuriya xidhiidho kala duwan la sameeyey si wax looga weydiiyo arragtidooda la xidhiidha xubnaha golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya oo haweenay reer Somaliland ah ku jirto, ayaa ka gaabsaday inay arrintaas wax tafaasiil ah xilligan ka bixiyaan, balse sida ilo-wareedyadu xuseen dawladda Somaliland aad bay uga cadhootay tallaabada xukuumadda Soomaaliya loogu daray Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo weliba ka mid ahayd hoggaamiyeyaasha ururradii siyaasadda ee lagu reebay qiimayntii hore ee Guddida Diiwaangelinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.