Sign in to follow this  
kingofkings

Prime Minister visits the injured

Recommended Posts

Abwaan   

Libaax-Sankataabte;815559 wrote:
Abwaan, Illaahay ha u fududeeyo saxiibkaa. This was a small hiccup in a long process of bringing stability to our country. Waa haraatidii cadaw sii dhimanaya oo laga adkaaday.

 

Cabdi Xaaji Goobdoon is indeed a legend. Ilaahay ha caafiyo si dhaqso badan. Inta dhimatayna Illaahay ha u naxariisto.

 

Insha Allah Kheyr bay ku dhaaman.

Aamiin...and thanks LST....Waa runtaa waa haraati, laakiin inkaar-qabayaasha waxan dhigay ka sokow, madaxda ugu sarraysa dowladda iyo kuwa amniga ayaa eedda iska leh....Laga billaabo qaraxii Dec 3 2009.....waxaad mooddaa in isku khalad la gelayo....oo aan la sugi karin amniga meel ama goob laba ama saddex albaab oo laga soo galo leh....sideen uga filaynaa in amniga caasimadda iyo dalkaba guud ahaan la sugo? Waxba ma tarayso hebel baa hero ah iyo heblaayo ayaan saan ah....nimanku shaqadooda ha qabsadeen....dadka ay xilalka u dhiibayaan ha ahaadeen dad shaqadan yaqaan haddii kaleeto waxan waa lagu sii jirayaa....

Tan oo dhacday bay haddana 24 hours qabsadeen inay full report ku keenayaan...Although markii horeba aanan rumaysan waayo wax sahlan ma ahan inay taasi u suurtowdo amase inayba ku keeni karaan xog haddana hadda waa more than 36 hours waxna ma keenin....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

LST meeshan wax walba loogama hadli karo laakiin marka hore Caadada bani'aadamka ayaa ah in guuldarrada qofba qofka kale u saaro...Waxaad maqlaysaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay'adda Nabad-sugidda oo leh waxba nalama ogeysiin....markay hadda is qabqabsanayaan marka hore may ka wada hadlaan meelaha habacu ka jiro. Markii hore ayaan laga fiirsan it does not need a rocket scientist to understand sida wax u jiraan....If you have not done so already just do a little research on dadka jagooyinka muhiimka ah ee amniga khuseeya haya, Booliiska, Nabad-sugidda iyo Milleterigaba. Xitaa haddii booliska iyo millateriga la is yiraahdo rug-caddaa ayaa xukuma ku-xigeennada qaar amase laamaha ama waaxaha hoose fiiri.

Tusaale ahaan CID-da....Waxaa xukuma nin la yiraahdo Col. Bariise...i heard he is ex Isbatoore turubataariyo. Nabad-sugidda Axmed Fiqi oo aan aqoon u lahayn field-kaas. Ku-xigeennada milleteriga, hawlgelinta abaabulka iwm waxaa isku bedbeddela amase xilal ka qabtay Jen. dhego-badan, Jen. Dhuumaal, Jen. Gacmadulle, Col. Caanood, Jen. Cabdi-Qaybdiid, Jen. Axmed-Taajir, Jen. Darwiish, Jen. Indha-cadde, Jen. Siciid Dheere iwm. Bal soo baar aqoonta ay jagooyinkaas u leeyihiin. Former isbatooreyaal iyo darawallo ayey ahaayeen....Wax hadda billowday ma ahan waa dhib illaa markii TFG billaabatay jirey haddana weli socda.

Xafiiska Ra'iisal-Wasaaraha fiiri dadka ka shaqeeya badankood. Kan madaxweynaha fiiri, la taliyeyaashooda amniga fiiri....Lagama sheekayn karo waxa meesha ka socda....Haddii SOL aan nahay waxaan keliya oon ku mashquulnay adeerkay waa Owliyo iyo abtigay waa hero :D. Dalka horumarkiisaba wax masuuliyad ah inay naga saaran tahay ma mooddid.

 

Waxaaba ka sii daran dad inta ag maray wixii muhiimka ahaa in laga hadlo, hebel baa la dili rabey sheekada u weecinaya ayaad arkaysaa....iyo Madaxweynaha iyo Tarzan maxay u maqnaayeen....Haddii la dhaho ka warran wasiirrada iyo Ra'iisal wasaaruhu markay kaceen muxuu qaraxu u dhacay? Soo waalli ma ahan?

Waxyaabaha iigu yaabka badan ee Soomaalida qaar isla dhex-marayso waxaa ka mid ah inay dheheen Wasiirka Warfaafintu sida wasiirrada kale uma gabban ee arrinta wax buu ka ogaa....Ilaah baa noo maqan...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Sorry, Abwaan.

Mid ka mid ah shaqaalaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, iyadoo markii maanta loo qaaday Magaalada Nairobi uu ku dhintay Isbitaalka Aga Khan.

 

Ra'iisul Wasaare C/wali Gaas ayaa tacsi u dirtay eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Feysal Xaaji Cilmi oo fiidkii caawa ku dhintay Isbitaalka Aga Khan ee Magaalada Nairobi.

 

Faysal Xaaji waxaa uu ahaa La taliyaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ee isku xirta Arrimaha Bulshada, waxaana uu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ka dhacay Tiyaatarka.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa yiri " Faysal waxuu ahaa shaqsi karti badan oo si Hagar la'aan ah u gudanayey waajibaadkiisa Qaran. Ra'iisul wasaaruhu waxuu sheegay Faysal iyo caa'iladiisa inay isku meel ku soo koreen oo uu aqoon wanaagsan oo durugsan u lahaa, waxuuna EEBBE uga baryey inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo."

 

Faysal Xaaji Cilmi waxuu ifka uga tagey xaas iyo 3 carruur ah, Dhaawacii falka ismiidaaminta ka dib waxaa la geeyey Isbitaal Madina oo uu Ra'iisul Wasaaruhu ku booqdey Jimcihii shalay, Faysal waxaa loo qaaday subixii Sabtigii magaalada Nairobi oo la geeyey Isbitaalka Aga Khan oo uu fiidkii Sabtiga ku geeriyooday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun,...I just heard inuu Faysal geeriyoodey....He was a great guy. I knew him and his family for a long time. Nin qiimo badan ayuu ahaa, gacan ka xaq daran ayaa dishey, Soomaali oo dhan ayuuna ka geeriyooday isaga iyo dadkii kale ee qaraxan ku xijaabtey ee ay ka mid ahaayeen AUN Siciid Mugaambe iyo Wiish iyagoo qarankooda u adeegaya...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xildhibaan Mowliid Macaane ayaa Ilaah ha u naxariistee ku geeriyoodey Nairobi. AUN xildhibaanka ayaa arbacadii dhaawac ka soo gaaray qaraxii tiyaatarka ka dib loo Qaaday Nairobi si halkaas loogu soo daaweeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan, waa runtaa. Dhib weyn ayaa Soomaali haysta si looga baxana lama oga. Waa suurtogal in sida qubta iyo qacda loogu jiro wax walba iska toosaan. In dhibku sii bato oo aan waxba hagaagina waa wax dhici kara. Awoowe, ilaahay ha u naxariisto Faysal iyo intii dhimatay. Waad u jeeddaa mar walba oo wax la qarxiyo waxgaradkaa ku go'a meesha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this