Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Qabyo-Qoraalka Dastuurka Cusub ee Soomaaliya

Recommended Posts

Waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa cutubyada uu ka kooban yahay Qabyo-Qoraalka Dastuurka Cusub ee Soomaaliya. haddaba ka dhiibo aragtidaada, maxaad ku soo biirin lahayd? maxaadse ka reebi lahayd?

 

Fadlan si wanaag iyo xushmad leh uga dhiibo aragtidaada.

 

 

CUTUBKA 1AAD - (BAAQA JAMHUURIYADDA)

 

(wuxuu ka kooban yahay 8 Qodob)

 

Qodobka 1aad - Mabaadi'da Asaasiga

 

1. Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Quraanka kariimka ah iyo Sunnada Nabi Muxammed (scw), wuxuuna hormarinayaa maqaasidda shareecada iyo cadaaladda bulshada.

 

2. Soomaaliya waa dal Islaam ah, dadkiisuna ku abtirsadaan dunida Carabta iyo Afrikaanka.

 

3. Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirrigelinayaa xuquuqda aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerka caalamiga ah, cadaaladda, xukuumad loo dhan yahah oo ku dhisan wadatashi, kal-soocidda awoodaha sharcidejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan oo leh hannaan ku dhisan la-xisaabtan iyo hufnaan oo ka jawaabaya danaha dadweynaha.

 

4. Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, gaar ahaan jagooyinka laysu doorto iyo kuwa laysu magacaabo ee saddexda laamood ee dowladda iyo Guddiyada madaxabannaan ee Qaranka.

 

Qodobka 2aadDowladda iyo Diinta

 

1. Islaamku waa Diinta Dowladda.

 

2. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.

 

3. Lama soo saari karo sharci aan waafaqsanayn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiddeeda (Ujeeddooyinkeeda).

Qodobka 3aad – Sarraynta Dastuurka

 

1. Dastuurka Soomaaliya oo ku salaysan mabaadii’da shareecada Islaamku waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayay xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa siyaasaddaha iyo go’aannada qaybaha xukuumadda oo dhan.

 

2. Sida ku xusan Cutubka tobnaad ee Dastuurka, maxkamad ayaa burin karta sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka.

 

Qodobka 4aad – Gobannimada Jamhuuriyadda

1. Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaali ah oo gob ah, kuna dhisan matilaad dadweyne loo dhan yahay oo dimoqraaddi ah.

 

2. Shacbiga Soomaaliya waa hal, lamana kala qaybin karo.

 

3. Gobannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya waa muqaddas laguma-xadgudbaan ah.

Qodobka 5aad – Afka Rasmiga ah

1. Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Af-soomaaliga oo ka kooban: Maxaa tiri, Maay tiri iyo Carabi sida ku cad jadwalka.

Qodobka 6aad – Astaanka Qaranka

 

1. Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida lagu muujiyay qaybta A ee jadwalka koowaad, waalaydi buluug furan ah oo dhexda kaga taal xiddig cad oo shangees ah, madaxyo simanna leh.

 

2. Astaanta Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta B ee jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rurkumo carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gaashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay.

 

3. Sharci gaar ah ayaa laga soo saarayaa Heesta Qaranka.

 

4. Sharci gaar ah ayaa laga soo saarayaa billadaha sharafta.

 

5. Baarlamaanka ayaa soo saaraya sharciga maamuuska ay mudan yihiin calanka, heesta qaranka iyo billadaha sharata ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

 

Qodoboka 7aad - Dhulka Dowladda

 

1. Gobannimada Jamhuuriyadda soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, jasiiradaha, biyaha goboleed, ururkooda, hawadooda iyo geyi-qaaradeedka.

 

2. Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.

 

3. Guddoon afri Qarameed oo keliya ayaa lagu oggolaan karaa waxkabeddelidda dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Qodobka 8aadMagaalo Madaxda Qaranka

 

1. Muqdisho oo loo yaqaanno Xamar waa Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maqaamkma Magaalo madaxdu ay ku leedahay qaabdhismeedka federaalka ee Jamhuuriyadda wuxuu ku xusan yahay Cutubka 7-aad ee Dastuurka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Xaaji, Si guud waan ku maqsuuday, laakiin waxaan ogahay in ceebo badan jiri karaan, una baahan in la saxo maadaama Dastuurkani nagu cusub yahay, wax badanna ka gadisan yahay kii 60-ki.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The section posted seems ok, apart from Arabic being the second language but that still is not a big deal, English should have been the official second language but anyway practically that's the case. Nowadays more Somalis speak English than Arabic.

 

Post the rest of the constitution in short sections and we will put forward our input.

Share this post


Link to post
Share on other sites
faarah22   

inertia and old ways that are hard to lose. but let's first put our feet down, then will right the errors in the constitution over time. good first step.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Where's the rest of the Draft? This thing has the potential of sparking a major crisis. I hope the individuals drafting it don't fall for the clan pressure & their agenda & instead present to the Somali people a judicious, representative & comprehensive frame-work that satisfies all groups without disturbing the traditional clan balance in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Qandalawi;813460 wrote:
The section posted seems ok, apart from Arabic being the second language but that still is not a big deal, English should have been the official second language but anyway practically that's the case. Nowadays more Somalis speak English than Arabic.

 

Post the rest of the constitution in short sections and we will put forward our input.

Af maay maay should be second language. more Somali's speak maay maay then english or arabic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qandalawi;813514 wrote:
^Traditional clan balance? What is that? Care to elaborate.

 

Well, Somalia is composed up of many different clan groups & traditionally & specially since the fall of the communist regime, power has been distributed based on clan dynamics & demographics. As was clear in the failed clan agenda by Puntland at Garowe Conference, an attempt was made to build a parliament based on a dubious & criminally formulated "regional entities" whereby a sub-clan that has neither the demographic nor geographic significance aspired to get 1/3 of all the incoming MPs. It's these sorts of childish play & the recurring talk of creating federal states whereby one clan gets significantly more states than the rest when again it has neither the geographic not demographic significance; that's seen as a clear provocation & an unacceptable agenda of manipulating the clan dynamics & power-balance. Power must be distributed based on the accepted & traditional clan balance until we reach a position were people can vote democratically. Anything less is a call for bloodshed & will do no one a favor.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It seems nice and simple so far. As to official language: Af-maay is included in af-Somali.

 

1. Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Af-soomaaliga oo ka kooban: Maxaa tiri, Maay tiri iyo Carabi sida ku cad jadwalka.

I'm happy with the Arabic as well, better than English or Italian. Anyway, when the country stands on its own feet and some or all of its diaspora population returns, Somalia will be a country of many many languages!

Share this post


Link to post
Share on other sites

CUTUBKA 2AAD - (JINSIYADDA)

 

Qodobka 9aad - Xuquuqda Gaarka ah ee Muwaaddiniinta

 

(1) Qof kasta oo ku dhasha guddaha Soomaaliya, dhalasho ahaan waa Soomaali.

 

(2) Muwaaddiniintu ayaga oo siman waxay leeyihiin:

(b) xuquuqda, mudnaanta iyo faa’idooyin muwaaddinnimo; kuwaas oo Dastuurka ku xaddidan; iyo

(t) Baasabboor Soomaali ah, dokumeenti diiwaangelineed iyo aqoonsi kasta oo ay dawladdu u soo saarto muwaaddiniinta.

 

(3) Muwaadin kasta waxaa baasabboorka iyo dokumeentiga kale ee ku xusan faqradda (1) (t) loogu diidi karaa ama looga laali karaa ama looga qaadi karaa oo keliya sharci waafaqsan habraaca qodobka 43-aad.

 

Qodobka 10aad - Helidda iyo Haysadka Jinsiyadda

 

(1) Jinsiyadda Soomaaliyeed waxaa lagu heli karaa dhalasho ama Soomaaliyeyn.

 

(2) Qof jinsiyadda ku dhashay lagama qaadi karo jinsiyadda, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale.

 

(3) Qof jinsiyadda ku dhashay ama la Soomaaliyeeyey iskii ayuu jinsiyadda Soomaaliyeed uga tanaasuli karaa.

 

(4) Jinsiyadda laguma waayi karo guur ama furriin.

 

Qodobka 11aad - U dhalashada Jinsiyadda

 

(1) Qof kasta oo ku dhasha gudaha Jamhuuriyda Federaalka Soomaaliya, dhalasho ahaan waa Soomaali.

 

(2) Qof kasta oo ku dhasha Soomaaliya dibaddeed waa Soomaali dhalasho ahaan, haddii ay hooydii ama aabbihii ku dhashay Soomaaliya ama isir ahaan Soomaali yihiin.

 

(3) Qodobkani wuxuu si siman u saamaynayaa qof kasta oo dhashay taariikhda Dastuurka uu dhaqangalay ka hor ama kadib.

 

(4) Ilmaha laga helo Soomaaliya oo ay da’diisu ka yar tahay siddeed-jir, oo jinsiyaddiisa ama tan waalidkiisa aan la aqoon,

waxaa loo aqoonsanayaa inuu Somaali yahay.

 

Qodobka 12aad - Muwaaddinnimada Lagu Helo Soomaaliyeynta

 

(1) Qof kasta oo ay isqabeen ugu yaraan shan sano muwaaddin Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn.

 

(2) Ilmo aan muwaaddin ahayn, balse qof muwaaddin ahi soo korsaday, xaq ayuu u leeyahay in la Soomaaliyeeyo. Waalidka korsanaya ayaa u dalbi kara ama markuu 18 jirsado ayuu laftirkiisu weydiisan karaa Soomaaliyeyn.

 

(3) Qofka shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u degganaa, buuxiyeyna shuruudaha sharciga Jinsiyadda, xaq ayuu u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn.

 

(4) Shardiga shanta sano ee uu qofku xaq u yeelanayo in lagu Soomaaliyeeyo guur ama degganaansho kuma xirna in uu buuxiyey ka hor ama ka dib taariikhda dhaqangalka Dastuurka.

 

Qodobka 13aad - Kala -noqoshada Soomaaliyeynta

 

(1) Qof jinsiyadda Soomaliyayn ku helay waa lagala noqon kara jinsiyadda haddii Maxkamad awood sharciyeed u leh arrimahan ay ogaato in :

(b) Uu Jinsiyadda ku helay been-abuur, isu-ekeynsiin wax uusan ahayn ama qarin xaqiiqo sugan;

(t) In iyada oo uu dalku dagaal ku jiro, uu si aan sharci ahayn ula ganacsado, la xiriiro, iskaashi hawleedna la yeesho cadawga oo ay caddaato inuu si ogaal ah ugu taakuleeyey dagaalkaas;

(j) Soomaaliyeyntiisa ka dib lagu xukumo khiyaano qaran ama dembi kale oo lagu mutaysan karo ugu yaraan toddoba sano oo xarig ah.

 

(2) Qofka loo haystey in jinsayadda uu ku helay dhalasho sida ku xusan qodobka 11 (4), waa lagala noqon karaa jinsiyadda haddii Maxkamad awood sharci leh ay go’aamiso:

(b) In uu jinsiyadda ku helay been-abuur, isu-ekeynsiin wax uus an ahayn ama qarin xaqiiqo sugan;

(t) In isaga ama waalidkii dhalay la ogaado inay jinsiyad kale leeyihiin; ama

(j) In da’diisu ay ka weyneyd siddeed-jir markii dalka gudihiisa laga helay.

 

Qodobka 14aad - Sharci u Dejinta Muwaaddinnimada

 

(1) Baarlamaanka ayaa soo saari kara Sharci habeeya:-

(b) Soo-gelidda dalka iyo degganaanshaha dadka shisheeyaha ah;

(t) Degganeyaasha joogtada ah;

(j) Sida qof shisheeye ku heli karo jinsiyad Soomaaliyeed;

(x) Qaabka khiyaar-uga-tanaasulidda jinsiyadda ;

(kh) Habraaca jinsiyadda Soomaaliyeynta ku timid loola noqon karo; iyo

(d) Qaabka ay u dhaqan-gelayaan qodobbada ku xusan Cutubkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this