Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Qabyo-Qoraalka Dastuurka Cusub ee Soomaaliya

Recommended Posts

CUTUBKA 11AAD- (GUDDIYADA QARANKA, XAFIISYADA IYO HAY’ADAHA MADAXABANNAAN)

 

Qodobka 129aad - Mabaadi’da Guud

 

(1) Guddiga Madaxa Bannaan waa hay’ad ka madax banaan xukuumadda ama kormeerkeeda siyaasaded, kartina u leh in ay uga faa’ideeyaan dadweynaha hawlaha gaarka ah ee ay u xilsaaran yihiin.

 

(2) Guddiga madaxa bannaan marka ay ku jiraan gudashada waajibkooda waa in ay ka muuqataa in ay ku shaqaynayaan dareenka xuquuqda adanaha, dimuqoraaddiyad iyo wax-qarsi la’aan.

 

(3) Guddiga madaxa bannaani waa inaysan hoos imaan, kana amar-qaadan cid ama hay’ad kale.

 

(4) Maaliyadda Guddiga madaxa banaan la siinayaa waxay ahaanaysaa madax gaar ah oo ka tirsan miisaaniyadda qaranka.

Qodobka 130aad - Xubnaha Guddiyada Madaxabannaan

 

(1) Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, tirada Guddiga Madaxa bannaani waa in aysan ka yaraan saddex, aysan ka badanna sagaal xubnood; kuwaas oo si joogto ah u shaqaynaya.

 

(2) Ugu yaraan hal xubin oo ka mid ah xubnaha Guddigu waa in ay noqtaa haween, haddii guddigu uu ka kooban yahay saddex ama afar xubnood. Sidoo kale, haddii Guddiga uu ka kooban yahay shan xubnood iyo wax ka badan, labo ka mid ahi waa in ay noqdaan haween.

 

Qodobka 131aad - Magacaabidda Guddiyada

 

Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Golaha Shacbiga. Haddii Golaha Shacbigu uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro.

Qodobka 132aad - Shuruudaha Xubnaha Guddiyada Madaxabannaan

 

Qofka loo magacaabayo Guddi madax bannaan waa in uu buuxiyaa shurudaha soo socda:

 

(a) Inuu leeyahay aqoon asaasi ah;

 

(b) Inuu leeyahay akhlaaq iyo sumcad wanaagsan;

 

© In uu muujiyo hawlkarnimo sare ee hawlaha Dawladda Soomaaliya;

 

(d) In laga helo shuruudaha kale ee lagu tilmaamay Dastuurka ama sharciga Guddiga lagu dhisay.

Qodobka 133aad - Muddada Xilka

 

(1) Muddada xilka xubnaha Guddigu waa 5 sano, oo loo cusboonay siin karo hal mar oo keliya.

 

(2) Xubin Guddi oo iscasileysaa waa in ay iscasilaaddeeda qoraal ahaan Madaxweynaha ugu gudbisaa.

Qodobka 134aad - Xil-ka-qaadis

 

(1) Xubin Guddi waxaa looga qaadi karaa xilkiisa si waafaqsan qodobkan oo keliya.

 

(2) Xubin Guddi waxaa xilka looga qaadi karaa marka ay ku timaaddo awood-darro oogo iyo/ama maskaxeed, bixinta sirta xafiiska ama dhaqanxumo kale oo culus, ka- maqanaansho saddex kalfadhi oo isku xiga ama lagu helo dembi culus.

 

(3) Guddomiyaha Maxkamada Dastuurigu wuxuu magacaabayaa maxkamad gaar ah oo baarta eedaha dhanka ka ah xubinta Guddiga, hadduu ku qanco in ay jiraan sababo macquul ah. Haddii ay jirto xaalad la rumaysan karo in xubinta Gudigu aanay gudan karin xilkeeda, jir ama maskax ahaan, maxkamadda gaarka ah waa in uu ka mid noqdo, ugu yaraan, xeeldheere caafimaad oo leh khibrad la xiriirta arrintaas.

 

(4) Haddii maxkamadda gaarka ahi ay uga warbixiso Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah in xubinta Guddi ay xilkeeda gabtay ama lagu helay dembi culus oo keeni kara in xilka laga qaado, Guddomiyaha Maxkamadda Dastuurigu wuxuu talo ka siinayaa Madaxweynaha in xilka laga qaabo xubinta Guddiga, Madaxweynuhuna waa in uu ka qaadaa xilka.

Qodobka 135aad - Waajibaadka Warbixn

 

Guddi kasta oo madax bannaani wuxuu warbixin sanadeed u soo bandhigayaa baarlamaanka. Warbixinta guddiyadaasi waa in ay noqotaa mid ay heli karaan dadweynuhu, garanna karaan.

 

Qodobka 136aad - Ku-dhaqanka Cutubkan

 

(1) Cutubkan waxaa lagu dhaqayaa gudddiyada madaxa bannaan ee hoosta ku xusan iyo kuwa loo baahan yahay in lagu dhiso si dastuuri ah ilaa iyo inta uusan ka hor’imaaneyn qodobada Dastuurka :

 

(a) Guddiga Doorashada;

 

(b) Guddiga Xuquuqda Aadanaha;

 

© Guddiga shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda;

 

(d) Golaha Adeegga Garsoorka.

 

(2) Sharci ayaa lagu dhisayaa guddiyada soo socda, waxaana lagu dhaqayaa qodobbada cutubkaan:

 

(a) Guddiga Xuduudaha iyo Tirokoobka;

 

(b) Guddiga Xallinta Khilaafaadka dhulka iyo hantida.

 

(3) Sharci ayaa lagu dhisi doonaa guddi kale oo madax bannaan; iyadoo la raacayo shuruudaha cutubkan, waxaana lagu dhaqayaa qodobbada cutubkan.

Qodobka 137aad - Xafiisyada Madaxabannaan

(1) Cutubkan waxaa laguu dhaqayaa xafiisyada madaxa bannaan ee hoosta ku xusan ama kuwa loo baahan yahay in lagu dhiso si dastuuri ah ilaa iyo inta aysan ka hor’imaaneyn qodobbada dastuurka:

 

(a) Garyaqaanka Guud ee dawladda;

 

(b) Hantidhoorka Guud.

 

(2) Cutubkan waxaa lagu dhaqayaa xafiis kasta oo kale oo lagu dhisay sharci, laguna dhawaaqay in uu madax bannaan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

CUTUBKA 12AAD - (HEERARKA KALA DUWAN EE SHAQAALAHA DAWLADDA EE RAYIDKA)

 

Qodobka 138aad - Qiyamka Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah

 

Shaqada rayidka ee heeraraka kala duwan ee xukuumadda waa in lagu saleeyaa qiyamka dastuurka,

hufnaan, wax-qarsi la’aan, u-adeegis bulsho iyo dhawrista jaranjarada maamul, anshax-wanaag, karti,

howlkarnimo, mihnad sare, caddaalad, sinnaan iyo dhaqan-wanaag.

 

Qodobka 139aad - Ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah

 

Shaqaalaha rayidka ah laguma dhibaatayn karo gudashada hawlahooda. Shaqaalaha rayidka ah lama eryi

karo, xilka lagama qaadi karo ama derejo-rid laguma samayn karo haddii aysan jirin sabab macquul ah;

iyadoo loo maray habraac caddaalad ah oo uu sharcigu tilmaamayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

CUTUBKA 13 AAD - (HAY’ADAHA DAWLAD-GOBOLEEDYADA)

 

Qodobka 140aad - Hay’adaha Dawlad-Goboleedyada

 

Dhismaha hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta ee xukuumadaha dawlad-goboleedyadu waa mawduuc Dastuurrada maamul-goboleedyada lagu oggolaaday si waafaqsan cutubkan.

 

Qodobka 141aad - Mabaadi’da Dastuurrada Dawlad-goboleedyada

(1) Dastuurrada dawlad-goboleedyadu waa in ay waafaqaan Dastuurkan oo ay ka mid yihiin mabaadi’da asaasiga.

(2) Dastuurrada dawlad-goboleedyadu waa in ay raacaan mabaadi’da guud iyo qaabdhismeedka Dastuurka federaalka.

(3) Dastuurrada dawlad-goboleedyada waa in ay xaqiijiyaan ilaalinta dadka lag tira badanyahay.

 

Qodobka 142aad - Samaynta Dastuurrada Dawlad-goboleedyada

 

(1) Dawlad-goboleedyadu waa in ay kala tashadaan Dalwadda federaalka ah qorshaynta qaabka iyo habraaca samaynta dastuurradooda.

(2) Dawlad-goboleedyadu waa in ay u sameeyaan dastuurradooda si dimoqoraaddi ah oo ay dadweynuhuna si buuxda uga qayb-galayaan.

(3) Dastuuraka dawlad-goboleedda marka la ansixiyo kaddib waa in loo celiyaa maxakamadda Dastuuriga si ay dib-u-eegis ugu samayso in uu waafaqasan yahay dastuurka federalka, ayna ka mid yihiin mabaadi’da ku xusan qodobka sare. Haddii maxkamadda Dastuuriga ahi ay ogaato in uusan waafaqsanayn dastuurka, iyadoo sababaynaysa waa in ay ka bixisaa tilmaan sida loo waafajin karo, Dastuurka dawlad- goboleeddu ansax noqon maayo ilaa inta Maxakamadda Dastuuriga ahi ay ka caddaynayso in uu yahay mid waafaqsan Dastuurka Federaalka.

 

Qodobka 143aad - Wax-ka-bedelidda Dastuurrada Dawlad-goboleedyada

 

Wax-ka-beddalidda Dastuurrada Dawlad-goboleedyada waa in lagu sameeyaa si dimoqoraaddi ah, iyadoo la siinayo dadweynaha dawlad-goboleedda fursad ku filan oo ay kaga qayb-galaan geeddisocodka wax-ka-beddalka dastuurka. Haddii ay dawlad-goboleed dooneyso in ay wax ka bedasaho dastuurkeeda, waxay wargelinaysaa Dawladda Federaalka waxayna u gudbinaysaa Maxkamada Dastuuriga qodobada la bedelay si ay u eegto. Wax-ka-beddel kasta sharci ma noqonayo mana hirgalayo ilaa Maxkamadda Dastuuriga ahi ay caddayso in uu waafaqasan yahay Dastuurka Federaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

CUTUBKA 14 AAD - (MAALIYADDA GUUD)

Qodobka 144aad - Mabaadi’da Maaliyadda Guud

Mabaadi’da asaasiga ah ee maamulka maaliyadda guud waxaa ka mid ah furfurnaan iyo laxisaabtan, in loogu isticmaalo dakhliga si caddaalad ku tilmaaman oo ay ku jirto horumarinta dalka iyo danta midnimada qaranka, lagana ilaaliyo dayaca.

 

Qodobka 145aad - Awoodaha Dakhli-uruurinta

 

(1) Dawladda federaalku waxaay ka uruurin kartaa dakhli ilaha loogu qoondeeyey Jadwalka 2aad.

 

(2) Xukuumadaha dawlad-goboleedyadu waxay dakhli ka uruurin karaan ilaha loogu qoondeeyey Jadwalka 2aad.

 

(3) Xukuumada federaalku sharci ayay ugu oggolaanaysaa xukuumadaha dawlad- goboleedyada iyo

 

dawladaha hoose in ay uruuriyaan canshuuro ama dakhli kale sida uu qabo sharcigaan, laakiin waa in Dawladda Federaalku u celisaa dawlad-goboleedyada kharajka uga baxay ururinta dakhligaas.

 

(4) Dakhliga dawladda federaalka ay u soo xareeyaan xukuumadaha dawlad-goboleedyada ama dowladda hoose waa in ay u qaybisaa dawlad- goboleeddaa ama dawladda hoose, dhammaan ama qaybo ka mid ah intii suurtogal ah, si ay dhiiriggelin ugu noqoto dawladaasi in ay u soo xareyso dakhliga si waxtar leh.

 

(5) Dawladda dhexe iyo xukuumadaha dawlad-goboleedyadu waa in ay si sharci ah ugu oggolaadaan dawladaha hoose in ay soo uruuriyaan, una kaydsadaan isticmaalkooda canshuuraha ku haboon sida khidmada shatiyada suuqyada, canshuurta dhismaha, IWM.

Qodobka 146aad - Canshuur-soo-rogidda

 

Lama uruurin karo canshuur aysan oggolaan barlamaanka federaalku ama dawlad- goboleedda ay khuuseyso. Sharciga canshuuraha waa in si siman loogu dhaqo dadka oo dhan, lagamana cafinayo saraakiisha dawladda ama cid kale. Waa in sharci lagu oggolaado canshuur-dhaafka, laguna war-geliyaa Hantidhawrka Guud.

 

Qodobka 147aad - Noocyada Qaybinta Dakhliga Dawladda Federaalku Siiso Dawladaha Kale

 

(1) Xukuumada federaalku dakhliga ay ka uruurisay ilaha qaranka waxay noqonayaan mid ay ku fuliso masuuliyadaheeda ama waxay u qaybinaysaa dawlad-goboleedyada ama dawladaha hoose ama waxay ka dhiganaysaa kayd qaran.

 

(2) Xukuumadda federaalku waxay dakhliga ugu qaybineysaa dawlad-goboleedyada sida:

 

(a) dakhli dawladahaas loogu qoondeeyey dastuurka ama sharci;

 

(b) talada ay kusoo jeediyeen guddiga maaliyadda qaranka, ama

 

© Deeqaha xukuumadda federaalka oo ay ka mid yihiin deeqaha sinaanshaha oo loogu talo-galay in kor loogu qado awoodda dawlad-goboleedyada aan lahayn awood dakhli- uruurin marka loo fiiriyo hawlaha adeeg ee ay u fulinayaan muwaaddiniintooda, si loo soo gaarsiiyo heerka adeegyada dawladaha kale.

 

(d) Dawladda Federaalka iyada oo maraysa dawlad- goboleedyada waxay dakhliga u qaybin kartaa dawladaha hoose si ay u gutaan hawlahooda, dawlad-goboleedyaduse iyaga ay si toos ugu qaybin kara dakhliga dawladaha hoose

 

Qodobka148aad - Mabaadi’da Hagaysa Qaybinta Lacagaha

 

Waa in la soo saaro sharci si caddalad ah loogu qaybinayo heerarka kala duwan ee xukuumadda dakhliga lagu soo uruuriyay magaca qaranka, iyadoo la tixgelinayo arimaha soo socda:

 

(a) danta guud ee qaranka;

 

(b) waajibaadka qaranka;

 

© Masuuliyadaha heerarka kala duwan ee Dawladeed loogu xilsaaray Dastuurkan, dastuurrada dawlad-goboleedyada, shuruucda iyo barnaamijyada Dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada;

 

(d) haqabtirka baahida asaasiga ah ee dadweynaha;

 

(e) baahida qorshaynta horumarka muddada dheer ee dalka;

 

(f) sinnaan la’aanta dawlad-goboleed marka loo fiiriyo awoodooda dakhli-uruurineed;

 

(g) baahida dawladaha in ay yeeshaan saadaal heer dakhli, si ay u qorshaystaan

 

barnaamijyadooda;

 

(h) Baahida in lagu dhiiriggeliyo xukuumadaha in ay si waxtar leh u soo uruuriyaan dakhliga;

 

(i) baahida loo qabo in laga jawaabo xaaladaha degdegga ah iyo waxyaabaha aan la sii saadaalin.

 

 

Qodobka 149aad - Amaahashada

 

Dawlad-goboleedyadu waxay amaahan karaan lacag marka ay ballanqaad ka haystaan Xukuumada Federaalka.

 

Qodobka150aad - Hanti Guud

 

Dhammaan dakhliga ay soo ururiso Dawladda federaalka ama dawlad-goboleedyada waa in lagu shubaa sanduuq lagu dhisay sharci islamarkaana ay maamulaan hay’adaha dowladda ee u xilsaaran, looguna isticmaalo ujeedooyinka lagu ogolaaday sharciga.

Qodobka 151aad - Qaybinta iyo Qoondaynta Dakhliga

 

U-qaybinta dakhliga federaalka dawlad-goboleedyada ee lagu xusay qodobka 147 waa in lagu saleeyaa Sharciga Qaybinta Sanadlaha ee Dakhliga Federaalka oo uu ansixiyey baarlamaanka federaalku.

 

Qodobka152aad - Miisaniyadda Sanadlaha ee Federaalka

 

Miisaaniyadda Sanadlaha ee Xukuumadda Federaalka waa in la hor-geeyaa Baarlamaanka Federaalka ugu yaraan ka hor laba bilood intuusan dhammaan sannad- maaliyadeedkii hore, waana in lagu ansixiyaa sharci uu soo saaray Baarlamaanka Federaalku.

 

 

Qodobka153aad - Kharaj Gelidda Ka Hor Ansixinta Barlamaanka ee Miisaaniyad Sanadeedka

 

Haddii aan la ansixin miisaaniyadda bilawga sanad-maaliyadeedka, waxaa la sii isticmaali karaa lacag, iyada oo lagu salaynayo miisaaniyadda sanadkii tegey. Lama bixin karo in ka badan rubuc miisaaniyaddii sanadkii tegey ama in aan ka badnayn 4 bilood oo ka mid ah sanad- maaliyadeedka cusub.

 

Qodobka 154aad - Kharajyada Lama-filaanka ah

 

Haddii ay lagama-maarmaan noqoto in la *****lo baahi kharaj aan la fileyn ee miisaaniyadda federaalka, xukuumadda federaalka ahi waxay bixin kartaa lacag, xataa haddii uusan jirin qodob ku cad miisaaniyadda la oggolaaday. Xadka ugu sarreeya ee habkaan lagu kharaj-garayn karaa wuxuu u dhigmaa 10% miisaaniyadda la oggolaaday. Waana in lagu weydiistaa baarlamaanka oggolaansho muddo bil gudaheed ah, isla markaana muddo saddex bilood gudahood kharajkaas lagu ogolaadaa sharci.

Qodobka 155aad - Xisaabaadka iyo Hanti-dhawrka Hay’adaha Dawladda

 

Dhammaan xisaabaadka hay’adaha dawladda heer kastoo ay yihiinba waa in ay baarta hay’adda madaxa bannaan ee Hantidhawrka Guud.

Qodobka 156aad - Heshiisyada Badeecadaha iyo Adeegyada

 

Qandaraasyada Dawladda ee badeecadaha iyo adeeggu waa in ay ahaadaan kuwa dadka u furan daahna furan.

 

Qodobka 157aad - Guddiga Maaliyadda

 

(1) Waa in sharci lagu dhisaa guddi maaliyadeed oo ka kooban dad laga soo magacaabay heerqaran iyo heer dawlad-goboleed. Tirada uu ka kooban yahay guddiga maaliyadda waa in lagu oggolaado xeerka Golaha Wakiillada oo ay ansixiyeen ugu yaraan kalabbar oo bar ergada Goluhu.

 

(2) Guddiga maaliyadda waa in uu leeyahay karti iyo dhaqale uu ku samayn karo cilmibaaris iyo qiimayn codsiyada ay soo gudbiyaan xukuumadaha dawlad-goboleedayada.

 

(3) GuddigamaaliyadduwuxuukalataliyaaXukuumaddafederaalka:

(a) Qaybta laga siinayo dawlad-goboleedyada canshuuraha laga soo uruuriyey heerka qaran, iyo

 

(b) Sida dawlad-goboleedyadu u wadaagayaan qoondada.

 

(4) Guddiga maaliyaddu waa inuu markasta dib-u-eegis kusameeyo nidaamka dakhli-qaybinta, isla markaasna uu u soo jeediyo Dawladda federaalka talooyin lagu qaybinayo dakhliga muddo shan sano ah markiiba. Sidoo kale, wuxuu qabanayaa hawlaha uu u xilsaaro sharcigu.

 

(5) Guddiga maaliyadda qaranku waa inuu tixgeliyaa mabaadi’da ku xusan qodobka129.

 

Qodobka 158aad - Guddiga Hanti-Dhawrka Madaxa Bannaan ee Federaalka /Hanti-dhowraha Guud

 

(1) Hanti-dhawrka Guud waxaa lagu magacaabayaa habraac sharci dejiyey kaa soo xaqiijinaaya madax bannaanida xafiiska.

 

(2) Hantidhawraha guud waa in uu yahay qof aqoon iyo waayo’aragnimo u leh hawsha baaritaanka xisaabaadka.

 

(3) Hanti-dhawraha guud waxaa xilka looga qaadi karaa si caddaalad ah, iyadoo la raacayo hannaan baaritaan oo cadaalad ah.

 

(4) Waajibaadka waajibaadka hanta-dhawrka madaxabannaan ee federaalka/Hanti-dhawraha guud waa in uu ku sameeyo baaritaan sanadeed dhammaan xisaabaadka hay’adaha Dawladda heer kasta oo ay yihiin.

 

(5) Hanti dhawraha guud waa inuu baarlamaanka warbixin ugudbiyaa sanadkiiba mar.

 

 

Qodobka 159aad - Bangiga Dhexe

 

Waa in sharci federaal ah lagu dhisaa Bankiga Dhexe ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Hawshiisu waxay ahaanaysaa hawlaha caadiga ah ee ay qabtaan Bankiyada Dhexe.

Qodobka 160aad - Khayraadka Dalka

 

Mabaadi’da ilaalinta khayraadka iyo qaybinta dakhliga ka soo xerooda ilaha khayraadkaas, kuwa dabiicigaa iyo kuwa kalaba waa:

 

(a) In dadka degaanka la siiyo dhiiriggelin ay ku ilaaliyaan, kuna maamulaan kheyraadka dabiiciga ah si masuuliyadi ku jirto.

 

(b) In xukuumadaha heer kastaa ay haystaan dhiiriggelin iyo dhaqaale lagu horumariyo, laguna fuliyo siyaasadaha maamulka kheyraadka aan la cusbooneysiin karin, iyo in sida ugu habboon looga fa’iideysto kheyraadkaas.

 

© Bulshada qaybaheeda ka faa’ideysata kheyraadka dabiicga ah waa in loo xilsaaraa xannaanaynta, maaraynta iyo ka-faa’ideysiga kheyraadkaas.

 

Qodobka 161aad - SharcidDejinta Federaalka ee Arrimaha Maaliyadeed

 

Waa in sharci federaal ah lagu soo saaraa heykal maamul-maaliyadeed oo masuuliyadihiisa ay ka mid yihiin:

 

(a) Habka loo soo bandhigo miisaaniyadda dawlad-goboleedda iyo jadwalka habraaca miisaaniyad-samaynta dawlad-goboleedyada;

 

(b) In ay damaanad-qaad siiso Dawlada Federaalka deymaha ay soo weyddiistaan dawlad- goboleedyada;

 

© Habraaca Dawladdu u marayso Qandaraasyada Guud;

 

(d) Baarista xisaabaadka hay’adaha aan dawliga ahayn ee dawladda dhaqaale ka hela;

 

(e) Tallaabooyinka guud ee lagma-maarmaanka u ah dhaqangelinta cutubkaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

CUTUBKA 15AAD - (SUGIDDA NABADDA IYO AMMAANKA QARANKA)

Qodobka162aad - Hawlaha Ammaanka ee Jamhuuriyadda

 

(1) Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo ammaanka qaranka ee Jamhuuriyada iyo bedbaadinta shacbigeeda, iyadoo loo marayo adeegyada ciidammada amniga oo ay ku jiraan ciidammada qalabka sida, nabasugidda iyo ciidanka booliska ee federaalka.

(2) Ciidammada qalabka sida ee Jamhuuriyadda waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta gobannimada iyo madaxbannaanida Qaranka iyo difaaca midnimada dhuleed.

(3) Booliska Federaalka xilkiisu waa ilaalinta nolosha muwaaddiniinta iyo dadka kale ee deggan Jamhuuriyada. Wuxuu kalo oo uu ilaalinayaa ammaanka iyo nabadgelinta hantida

muwaddiniinta iyo degganeyaasha.

(4) Ciidanka booliska ee lagu abuuray sharciyada dawlad-goboleedyada xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida muwaaddiniinta iyo dhawrista xasilloonida iyo ammaanka degaannadooda iygoo kaligood ah ama kaashanaya ciidammada booliska ee federaalka.

 

Qodobka 163aad - Kormeerka Ciidammada Qalabka Sida

 

(1) Ammaanka qaranka waxaa mabda’ asaasi u ah in dad rayid ah ay kormeeraan hawlaha

ciidammada qalabka Sida.

(2) Ciidamada qalabka Sida ee qaranka ayaa ah ciidanka keliya ee sida sharciga ah uga jira

Jamhuuriyada dhexdeeda, waxaana reeban maleeshiyaad hubaysan oo gaar loo leeyahay.

 

Qodobka 164aad - Mabaadi’da Ciidammada Qalabka Sida

 

(1) Waa in ay Ciidammada Qalabka Sidaa dhawraan mabaadi’da soo socota:

(a) Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad;

(b) Dhawrista Talinta Sharciga, hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga;

© U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka;

(d) Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan, iyo

(e) Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed.

(2) Qof kasta oo Soomali ah waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato jagooyinka Ciidammada Qalabka Sida, iyada oo aan la takooreyn.

 

Qodobka 165aad - Ku-tagrifalidda Awoodeed

Gaboodfallada xuquuqda aadanaha ee la tuhunsan yahay xubno ka tirsan Ciidammada Qalabka Sidaa inay dad rayid ah ka galeen waa in dacwadooda lagu qalaa Maxkamadaha rayidka ah.

 

Qodobka166aad - Amarro Sharcidarro ah oo Cad

 

Xubnaha ka tirsan Ciidammada Qalabka Sidaa uma hogaansami karaan amar sharcidarro cad ah.

Qodobka 167aad - Kormeerka Rayidka ee Ciidammada Qalabka Sida iyo Nabadsugidda

 

(1) Madaxweynuhu [marka lagu dhaqamayo nidaamka baarlamaaniga ah) isaga oo fulinaya codsiga Ra’iisul-wasaaraha wuxuu magacaabayaa madaxda Ciidammada Qalabka Sida iyo Nabadsugidda.

(2) Madaxweynaha ayaa oggolaanaya dagaal hubaysan oo lagu difaacayo Jamhuuriyadda, iyadoo la fulinayo waajibaad dawladnimo, waxaana ansixinayo Golaha Shacabka.

(3) Waa in uu jiraa Wasiir ka tirsan Golaha Wasiirrada oo masuul ka ah arrimaha difaaca.

(4) Hawlaha Ciidammada Qalabka Sida waxaa lagu samaynayaa kormeer rayid ah oo ay ku jiraan guddi gaar ah oo baarlamaan.

 

Qodobka 168ad - Booliiska

 

(1) Ciidammada booliska ee jamhuuriyaddu waxay ka kooban yihiin ciidammada booliska madaniga ee federaalka iyo ciidan kastoo boolis ah oo ay dhistaan dawlad- goboleedyadu.

(2) Ciidammada booliska madaniga ee federaalku waxay ka hawl-gelayaan dalka oo dhan; ayagoo iskaashi dhow la samaynaya hay’adaha dawlad-goboleedyada.

(3) Dhammaan ciidammada boolisku waa in ay xushmeeyaan Dastuurka, sharciyada dalka iyo habdhaqankooda kaas oo uu sharci gaar ahi xakamaynayo.

 

Qodobka 169aad - Xaaladda Degdegga Ah

 

(1) Xaaladda degdegga ah waxaa lagu dhawaaqi karaa oo keliya marka ay lagama-maarmaan noqoto in la xaliyo xaalad halis ah oo ka dhalatay dagaal, weerar, gedood, rabshado, masiibo Rabaani ah ama xaalad guud oo culus.

(2) Xaalad degdeg ah waxaa lagu dhawaaqi karaa marka ay dhibaato saamayso dhammaan ama qayb ka mid ah dalka, waase in aysan ka badan inta loo baahan yahay in lagu xalliyo xaaladdaas.

(3) Madaxweynuhu [barlamaaniga, isagoo fulinaaya codsiga Golaha Wasiirada] wuxuu awood u leeyahay inuu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah, waxaana lagama-maarmaan ah in Golaha Shacbigu uu ka doodo, kuna oggolaado 21 maalmood gudahood laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqay. Marka Golaha Shacbigu arrinta ka doodayo waa inay ahaato mid dhegeysiga dadweynaha u furan, haddi aanay jirin wax ka reebaya.

(4) Golaha Shacbigu wuxuu oggolaan karaa ama kordhin karaa xaaladda degdegga ah muddo aan ka badnayn saddex bilood markiiba. Haddii baarlamaanku oggolaan waayo kordhinta xaaladda degdegga ah waxaa istaagaya sii-socoshada xaaladda degdegga ah.

(5) Ku-dhawaaqidda xaaladda degdegga ahi waxay siinaysaa hay’adda fulinta awoodo gaar ah oo lagma-maarmaan u ah xakamaynta xaaladaha.

(6) Awoodaha lagu oggolaaday xaaladaha degdega ah waa in aysan ka mid ahayn in lagu xadgudbo xuquuqaha lagu sheegay Dastuurkan, haddii xadgudubkaasi uuna u ahayn lagama- maarmaan ujeeddooyinka xakamaynta iyo xal-u-helidda xaaladda degdegga ah.

(7) Ansaxnimada ku-dhawaaqidda xaaladda degdegga ah iyo habraacyada ku lugta leh waxaa looga hortegi karaa Maxkamadda.

 

Qodobka 170aad - Sharcidejinta Arrimaha Nabadda iyo Amniga

 

(1) Waa in la soo saaraa sharci federaal ah si loo xaqiijiyo hirgelinta cutubkan iyo dhawrista mabaadi’da Dastuurka, waana in si gaar ah:

(a) Loogu muujiyaa siyaasadda qaranka ee ka-hortagga argaggaxisannimada, burcadbadeedda iyo tahriibinta sharcidarrada ah iyo dembiyada abaabulan, iyadoo loo dhisayo hay’ad gaar ah oo wax ka qabata khataraha gaarka ah;

(b) Loo nidaamiyaa qaabdhismeedka iyo xilalka booliska federaalka madaniga ah;

© loo nidaamiyaa xiriirrada u dhexeeya booliska madaniga ee federaalka iyo ciidammada

booliska dawlad-goboleedyada, si loo xaqiijiyo iskaashi iyo wadashaqayn;

(d) loo caddeeyaa arrimaha la xiriira u-hoggaansamidda amarrada sharcidarrada ah;

(e) loo dhisaa, lana nidaamiyaa hawlaha guddiga baarlamanka ee u xilsaaran arrimaha

Ciidammada Qalabka Sida;

(f) loo xaqiijiyo ka-qaybgalka rayidka ee kormeerka ciidamada booliska federaalka medaniga ah;

(g) Waa in ay jirto hay’ad ay dadweynuhu u geysan karaan cabashooyinkooda ku saabsan

xadgudubyada xubno ka tirsan ciidammada ammaanku ay u geystaan;

(g) In la mamnuuco maleeshiyooyinka sida gaarka ah loo leeyahay, iyo

(h) In la nidaamiyo shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay iyo gaar ahaan arrimaha la

xiriira shuruudaha shirkadaha amniga gaarka ah ay hub u isticmaali karaan.

(2) Sharci dawlad-goboleed waa in uu xaqiijiyaa nidaaminta booliska dawlad-goboleedyada heer u dhigma midka loo isticmaalay nidaaminta booliska madaniga ah ee federaalka , iyo in ay xaqiijiyaan inay nidaamintaasu waafaqasan tahay mabaadi’da ku xusan cutubkan oo kormeerka rayidku uu ku jiro.

(3) Sharci federaal ayaa go’aaminaya xaaladaha degdegga ah iyo awoodaha gaarka ah ee loo baahan karo.

(4) Sharci federaala ayaa go’aaminaaya xaaladaha maangalka ah ee lagu hayn karo qofka la soo xiro mudada xaaladda degdegga, sida loola dhaqmayo iyo magdhawga laga siinayo haddi dulmi lagula kaco.

(5) Sharciga federaalku cudurdaar uma samayn karo, iyadoo marmarsiiyo laga xaalad degdeg ah, cid lagu helay xadgudub xuquuq kaas oo aan la aqabali karin ama ku xadgudub masuuliyadda madaniga ama ciqaabta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

CUTUBKA 16AAD - (QODOBBADA GUUD)

Qodobka 171aad - Wax-ka-beddelka Dastuurka

 

(1) Qodobada soo socda ee Dastuurka waxba lagama beddeli karo:-

(a) Mabaadi’da Aasaasiga ah ee ku jira Cutubka 1aad;

(b) Xuquuqda asaasiga ah iyo xorrriyadda ku jira Cutubka 3aad

(2) Wax-ka-beddelidda qodobbada wax laga beddeli karo ee Dastuurka waxaa lagu samayn karaa oo keliya iyadoo la raacayo habraaca ku qoran faqrqadaha hoose ee qodobkan [haddii aysan ahayn qodobbada wax looga beddelaayo xuduudaha dawlad-goboleedyada oo looga hadlay Cutubka 7aad.

(3) Habraaca wax-ka-beddelidda qodobbada dastuurka waxaa soo jeedin kara dawladda Federalka ama Dawlad-goboleedyada, xubin ka mid ah golaha xeerdejinta federaalka ama codsi qoraal ah oo ay keenaan ugu yaraan 20.000 oo muwaaddin.

(4) Soo-jeedin sharci ee wax-ka-beddelidda Dastuurka waxaa la hor-geynayaa labada Aqal ee baarlamaanka federaalka.

(5) Marka soo-jeedin sharci ee wax-ka-beddel dastuur la hor-keeno mid ka mid ah Aqallada, xubnaha Aqalka la hor-keenayna ay aqablaan, waxaa la magacaabayaa Guddi iskudhaf ah oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Wakiillada dawlad-goboleedyada.

(6) Guddiga iskudhafka ahi wuxuu ka baaraan-degayaa soo-jeedinnada waxbeddelka. Guddigu wuxuu ku war-gelinayaa daweynaha soo-jeedinnadaas, wuxuuna xaqiijinayaa in ay helaan fursad ku filan oo ay kaga doodaan. Xubnaha bulshada waa in lala tashadaa, lana siiyaa fursad ay ugu soo bandhigaan, uguna soo gudbiyaan talooyinkooda guddiga iskudhafka ah.

(7) Guddiga iskudhafka ah waxay ugu soo gudbinayaan warbixintooda baarlamaanka federalka 2 bilood gudahood marka laga soo bilaabo maalinta la magacaabay.

(8) Waxba lagama beddeli karo qodobbada dastuurka, haddii aysan ku ansixin Golaha Shacabku ugu yaraan saddex dalool labo dalool xubnihiisa, iyo ugu yaraan saddex dalool labo dalool ergooyinka Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyada.

(9) Qodobbada la soo jeediyey in wax laga beddelo haddii ay saamayn muuqata ku leeyihiin awoodaha iyo hawlaha dawlad-goboleedyada, sidaasna uu caddeeyey afhayeenka Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyadu, waa in baarlamaannada dawlad-goboleedyada oo dhan loogu yeeraa inay aragtiyadooda u soo gudbiyaan baarlamaanka federaalka .

(10)Codaynta ugu dambaysa ee labada Aqal waxaa la qaadi karaa ilaa ay saddex bilood ka soo wareegto marka loo soo gudbiyo soo-jeedin wax-ka-beddelid sharci.

 

Qodobka 172aad - Xadididda Wax-ka-beddelka Dastuurka

 

Lama soo jeedin karo wax-ka-beddelid qodobbada dastuurka toddobada sano (7) ee ugu horraysa dhaqangalkiisa, marka laga reebo wax-ka-beddelidda lagama-maarmaanka u ah fududaynta ka-sooqaybgalka buuxa ee Soomaliland iyo Puntland ay uga soo qaybgalayaan nidaamka Federaalka.

 

Qodobka 173aad - Dib-u-eegidda Dastuurka

 

Dhaqangalka Dastuurka lix sano iyo bar kadib, baarlamaanku wuxuu dhisayaa Guddi dib- u-eegid ku sameeya hirgelinta Dasturka iyo shaqayntiisa, isla markaasna kala tashada dadweynaha waxka-beddelidda in lagu sameeyo ay suurtogalka tahay. Guddigani wuxuu warbixintiisa u soo gudbinayaa baarlamaanka federaalka iyo dadweynaha lix bilood gudahood. Kaddib markuu uruuriyo kana, baaraan-dego aragtiyada dadweynaha, guddigu wuxuu dib u habaynayaaa warbixintiisa. Wuxuu soo gudbinayaa talooyinkiisa haddiiba ay jiraan, wuxuuna hor-geenayaa baarlamaanka, si uu wax uga beddelo Dastuurka, isagoo raacaya habraaca lagu xusay qodobka 171.

Qodobada174aad - Dhaqangelinta Dastuurka

 

Dastuurku wuxuu dhaqan-gelayaa 90 maalmood kaddib markii lagu ansixiyey Afti Dadweyne, haddaysan jirin qodobo dhaqangalkooda dib loogu dhigay Jadwalka 1aad.

 

Qodobka 175aad - Hirgelinta Dastuurka

 

Jadwalka 1aad wuxuu jideynayaa in dib loo dhigo dhaqangalka qodobbada qaarkood, si loogu sameeyo jadwal sameynta sharciyo iyo hay’ado cusub iyo si guud ahaan loo xaqiijiyo hirgelinta Dastuurka.

 

Qodobka 176aad - Sii Socoshada Shuruucda Horay u Jirtay

 

Sharciyada jira taariikhda uu dhaqan-galo Dastuurkan way sii jirayaan haddii aan si kale loogu sheegin Jadwalka 1aad.

 

Qodobka 177aad - Waajibaadka Dawliga ee Caalamiga Ah

Waajibaadka ka dhasha heshiiisyada dawliga ah ee jira taariikhda uu dhaqan-galo Dastuurkan, waxay sii ahaanayaan kuwo taabbogal ah.

 

Qodobka 178aad - Afti

 

(1) Haddi ay noqoto in la qaado afti uu amary dastuurka ama sharci kale ama sababo kaleba loo qaadayo, dhammaan cod-bixiyayaasha waxay xaq u yeelanayaan in ay muujiyaan aragtiyadooda una dhiibtaan codkooda si xora, toos ah, qarsoodina ah isla waafaqsan sharci gaar ah oo

tilmaamaya habraaca aftida.

(2) Sharciga aftida waa in uu xaqiijiyaa in su’aasha ama su’aalaha dadka la weydiinayo ay noqodaan kuwo cad, una qoran qaab fududeynaya in la helo aragtida dhabta ah ee cod-bixiyayaasha isla markaana aan mugdi gelinayn arrimaha ay kala dooranayaan cod-bixiyayaasha.

(3) Waa in aysan su’aalaha qaabka loogu dhigay warqadaha codeynta iyo habraacu aftiduba aysan ku hogaamineyn cod-bixiyaha inuu jawaab gaar ah ka bixiyo su’aasha ama su’aalaha aftida.

 

Qodobka 179aad - Burinta Axdiga Federaalka Ku-meelgaarka

 

Axdiga ku-meelgaarka ee Federaalku wuxuu dhaqangeb noqonayaa laga bilaabo marka Dastuurkan dhaqan galo sida uu qabo qodobka 174, Jadwalka 1aad ee Lifaaqyada dastuurka waxaa ka mid ah in qaar kamid ah qodobada Axdiga Ku-meelgaarka Federaalku ay sii jiri karaan muddo xaddidan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this