Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland National army clashes with clan rebels prisoners of war captured + casualties

Recommended Posts

War Deg Deg ah: Dagaal Xoogan oo Saaka Ka Socda Laascaanood iyo Ciidanka Qaranka oo Gawaadhi ka Qabsaday Maleeshiyaadka Khaatumo

 

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada laascaanood ayaa Sheegay in Dagaal baahsan

 

Laascaanood (GNS)-Dagaal Goos goos ah ayaa Saaka Subaxdii hore ka Bilaabay Gobollada Sool iyo Buuhoodle kuwaasi oo sababay Khasaare ba’an.

 

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada laascaanood ayaa Sheegay in Dagaal baahsan ka socdo Deegaanadaasi isla markaana aan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay Dagaalkaasi, Sarkaal ka Tirsan ciidanka Qaran Somaliland oo Gabiley News wax ka Waydiisay Dagaalka Saaka ayaa Carabaabay in ay Qabteen Afar Gaadhi oo tikniko ah iyo Maxaabiis farabadan oo ka mid ah Maleeshada Taabacsan Muumul Ku sheega Khaatumo.

 

Maleeshiyo taabcasan kooxda falaagada ah ee Khaatumo State, ayaa saaka la sheegay in ay weeraro goo-goos ah ku qaadeen fadhiisimooyin ay ciidamada Somaliland ku leeyihiin jiidaha Kalabaydh iyo Sooljoogta, waxaana ay isku dayayaan in ay rabshada ka abuuraan Magaalada caasimada u ah gobolka Sool ee Laascaanood.

 

Maleeshiyaadkan ayaa Khamiistii todobaadkii hore waxa Magaaladda Kalabaydh ugu yimid si uu dagaal iyo colaad dhiig ku datao ugu hanuuniyo dagaal Ooge Axmed Karaash oo ah ninka ku magacaaban Madaxwaynaha koowaad ee Maamul ku sheega dhibaatada ka abuuray Sool iyo Buuhoodle ee Khaatumo-seeg, kaasi oo dhalinyaradan moogan uu u jeediyay khudbad ku dhisan naceyb iyo dagaalo dhiig ku daato oo ka dhaca jiidaha gobolka Sool, gaar ahaan fadhiisimada ciidamada qaranku fadhiyaan.

Dhanka kale, qurbo-meerka deegaanada Sool iyo Buuhoodle ee iyagu taabacsan colaado hor leh oo ka qaraxda Laascaanood ayaa si isdaba joog ah lacago dhiig lagu daadiyo ugu soo ururinaya kooxda qas-wadayaasha ah ee Khaatumo, kuwaasi oo ka war la’ in dhalinyarada colaada lagu ababiyey ay ka horeeyaan ciidan qaran oo sida xaabada u shidan doona.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khasaarana naf iyo maalba ee dagaalada saaka ka dhacay Laascaanood iyo Buuhoodle

 

Written by Qaran news

 

Apr 01, 2012 at 05:17 AM

Hargysa,(Qaran news)-Warar xogogaala oo naga soo gaadhay magaalada Laascaanood ayaa noo xaqiijiyey in ciidamada qaranka Somaliland dhirbaaxo weyn ku dhufteen koox maleeshiyo oo taageerta siyaasiga debed wareega ah Cali Khlaiif Galaydh oo la magac baxday Khaatumo Satate oo beryahan danbeba laga soo abaabulaayey xuduuduha u dhexeeya Puntland iyo Somaliland siiba bariga tuulada Ganbadha iyo Tukaraq .

 

Ciidamada Somaliland ayaa dagaalkaas ka soo hooyey guulo waaweyn isla markaana khasaare naf iyo maalba ah gaadhsiiyey maleeshiyaadkaas weerarka ku soo qaadey jiida hore ama fadhiisimada ciidamada Somaliland ee Ganbadha oo watay gaadiid waaweyn iyo dhawr gaadhi oo tikniko ah ,khasaaraha ilaa hadda na soo gaadhaya ayaa tibaaxaaya in laga dilay maleeshiyada Khaatumo State 8 qof halka dhaawacooda ilaa hadda inta la hubana yahay ilaa tobaneeyo qof oo ay qaar kaga yaaceen maydkooda iyo dhaawacoodaba goobihii lagu dagaalamey.Dhinaca ciidamada qaranka ayaa ilaa hadda la sheegay in laba askari ka dhaawacmeen.

 

Dhinaca kalena isla saaka arooryadii hore ayaa degaanka Sooljoogto oo ah saldhig ay fadhiyaan ciidanka qaranka ayaa waxaa dagaal ku soo qaadey maleeshiyada u daacad ah cali khaliif galaydh oo uu hogaaminayey Axmed Karaash kuwaas oo khasaare laxaadle leh la gaadhsiiyey dibna ugu gurtay degaanadii laga soo abaabuley

 

Wixii warar dheeraada ee ka soo kordha dagaalada kala soco Shebekada Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii Suuljoogta Oo Ciidamda Qaranku Ku Qabsadeen Tikniko iyo Baabuur iyo Kii laascaanood Oo Ay Maxaabiis badan ka Qabtay Maleeshiyaadkii ka Soo hor jeeday

 

Published: 01/04/2012 @13:26

Jiida Laascanood

Sida aan warar lagu kalsoonyahay ku helnay waxaa saaka abaaro 4:30 subaxnimo uu ka bilaabmay dagaal aan sidaas u sii waynayn kaas oo ay soo qaadeen koox maleeshiyaad ah oo aan sidaas u sii badnayn waxayna Ciidamada Militariga Somaliland cagta mariyeen kooxdaas. waxayna mardanbe isku uruursadeen meel aan sidaas uga fogayn dooxa Waqdari halkaasna ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland ay kaga daba tageen cagtayna mariyaan halkaas baanu ku joogsatay weererkii ay maleeshiyaadkaasi soo abaabuleen iyadoo laga qabtay maxaabiis tiradooda lagu sheegay 20 maxbuus.

 

Waxaa hadana mar danbe koox kale oo maleeshiyaad ahi weerar ku soo qaadeen ciidamada fadhiisinka ku leh aaga Ganbadha, runtii ciidamadaas oo ah kuwo cudud xoogle leh ayaa waxay dhirbaaxo libaax ku dhufteen maleeshiyadaas kuwaas oo dib u yaacay Ciidamada qarankuna waxayna kaga dabada tageen meeshii ay ka yimadeen iyada oo ujeedada ka danbaysaana tahay inay cagta soo mariyaan saldhigyada maleeshiyaadka nabad diidka ah ee la baxay khaatumo dagaalkaasina wali wuu socdaa.

Degmada Buuhoodle.

Sooljoogto oo ah tuulo ka tirsan Degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa waxay saldhig u tahay Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa waxaa soo weeraray saaka maleeshiyaad is uruursaday kuwaas oo tuur tuur ku soo sameeyay ciidamada qaranka waxaana isla markiiba jawaab adag ka bixiyay ciidamda Qaranka Somaliland waxaana halkaa ka dhacay dagaal kaas oo ay ciidama geesiyaasha Somaliland kaga qabteen maleeshiyadaas maxaabiis badan waxaana laga qabtay maleeshiyaad ilaa 30 maxbuus, waxaa kale oo maleeshiyadaas laga qabsaday 4 tiknimo ah iyo gaadhi bus ah dagaalkaasina wuu istaagay inakasta oo ciidamadu rabaan in ay Degmada Buuhoodle ka sifeeyaan canaasiirta isku uruursanaysa ee rabay in ay khalkhal nabad galyo xumo ka abuuraan Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laba Wasiir ,Saddex Sarkaal ,Sagaal Tikniko ah iyo Maxaabiis Tiro badan Oo Laga qabtay Maleeshiyaadka Khaatumo + Hogaamiyahoodii Axmed Karaash Oo Firxad ku galay Boocame.

 

Published: 01/04/2012 @14:35

Laascaanood/Buuhoodle/ToggaHerer 01 April

 

Ciidamada Qaranka Somaliland Ayaa Cashar lama ilaabaan ah ku dhuftay Maleeshiyada Khaatumo Oo Saaka Dhawr Meelood Weerar kaga soo qaaday Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Dagaalkan ayaa socday Muddo Saacado ah.

 

Khasaaraha Dhinaca Dagaalka Khaatumo

 

Ciidamada Qaranka Somaliland Waxay Cagta Mariyeeen Maleeshiyaadkii ku sugnaa Deegaamadan Xarar Daanyeer ,Gacandar, Dar yare , Karin Dabayl Weyn iyo Deegaanka Kalabaydh ee Koonfurta Gobolka Sool oo ay Haatan Ciidamada qaranku ku sugan yihiin.

 

Ciidamada Qaranka Somaliland Waxay gacanta ku dhigeeen Sagaal baabuur oo ay afar ka mid ahi yihiin Baabuurta Gaashaaman ee dagaalka Xaga shan ka mid ahi ay yihiin Baabuur Xamuul ah oo uu u saarnaa saadku iyo kuwo ay u isticmaalayeen Daadguraynta ciidankooda.

 

Dagaalkan ayaa maxaabiix gaadhaysa 47 masbuux lagaga qabtay Maleeshiyada Khaatumo kuwaan ay ay ku jiraan laba Wasiir oo ka mid ah wasiiradii ay dhawaan kaga dhawaaqeen Degmada Taleex , Cismaan Axmed Jeex Oo Ah wasiirka Maaliyada Khaatumo Ayaa ka mid ah Labada wasiir ay lagu qabtay Dagaalkan.

 

Sidoo kale waxaa ka mid ah Saddex Sarkaal oo darajadoodu tahay Taliyayaal Guuto oo hogaaminaayey maleeshiyaadkii Saaka weerka la beegsaday Ciidamada Qaranka Somaliland, dhinaca kale Axmed Karaash Oo Ah Madaxweynaha Khaatumo ayaa firxad ku galay deegaanka Boocame oo ah ka mid ah Xudoda Somaliland iyo Somaliya ay wadaagaan.

 

Dhimashada Maleeshiyaadka ilaa hadda la gaadhsiiyey Deegaanka Buuhoodle ay gaadhaysa 21 Iyo dhaawac xad dhaaf ah .

 

Dhinaca Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa waxaa ka geeriyooday dagaalkan Afar ka mid ah ciidamada Qalabka Sida halka ay kaga dhaawacmeen 13 Askari oo dhaawacoodu fudud yahay .

 

Ugu dambayntii Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa Abaabul Xoogan ugu jira Sidoo Ay u raad guri lahaayeen una soo taaban lahaayeen Maleeshiyada iyo Goobaha uu saldhigoodu yahay Taas oo ay Ciidamada Xooga dalka Somaliland ay maalmahan soo socda meelo badan oo saldhigyo u ah ay soo taaban doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Your sources can not be attributed as news reporting sources. This has come from one of the secessionist clan fighting soldiers or the secessionist clan militia spokesperson.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Buuhoodle oo uu dagaal ka socdo.

 

Posted by Pi G 2 on April 1st, 2012

 

Wararka aanu ka helayno Degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn ayaa waxay sheegayaan in saaka subaxnimadii hore uu ka bilawday dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland iyo dadka deegaanka.

 

Dagaalkan oo labada dhinac ay isku waydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan ayaan ilaa iyo hada la garanayn khasaaraha ka dhashay saacadihii uu socday waxayse wararku tilmaamayaan in dagaalku uu sii xoogaysanayo daqiiqadba daqiiqada ay ka dambayso.

 

labada dhinac waxaa u kala imaanaya gurmadyo kala duwan, lamana garanayo wali sida dagaalka saaka uu ku bilawday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^All I can see is that the secessionist clan are getting all excited about this non-starter and tragic issues, by getting ahead of themselves and report 'Buhodle waan jiidhnay' and 'Garowe cagta ayan marinay dhaafsiinay' but in the end eat their own words like they always do - defeat at sooljoogta and L.A harareheda la isla taaganyahay, that's what the credible source are reporting.

 

But the secessionist clan knows no bounds...

Share this post


Link to post
Share on other sites

BUUHOODLE : Dagaalkii oo istaagay iyo saansaan colaadeed oo wali taagan

 

April 1, 2012 11:34 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor Print

Buuhoodle:-Dagaal maanta galinkii hore Ciidanka Deegaanka iyo Soomaalilan ku dhexmaray duleedka Buuhoodle ee deegaanka Sooljoogto ayaa goordhawayd istaagay, waxaana uu dagaalkaasi sababay khasaare isugujirta dhimasho, dhaawac, maxaabiis iyo khasaare gaadiid.

 

Dad xogogaal ah oo aan doonayn in magacooda la shaaciyo ayaa Puntlandpost u sheegay in 3 qof ay ka dhimateen Ciidanka deegaanka dhowr kalana ay dhaawacmeen, sidoo kale waxay xaqiijiyeen in maxaabiis 5 ah ay Ciidanka Somaliland la tageen, waxaa kaloo ay xaqiijiyeen in laga gubay gaari Takniko oo Jiib ah.

 

Dhanka Ciidanka Soomliland ayaa la sheegayaa dhimasho 1-2 qof ah ay jirto, baabuur Takniko ahn ay waxyeelo soo gaartay.

 

Ciidamada dirirsan ayaa isku muuqda waxaya isku horfadhiyaan meeshii uu dagaalku uu ka dhacay maanta.

 

Dagaalka ayaa iminka istaagay, hase ahaaatee, sida ay sheegayaan goobjoogayaal kusugan deegaankaasi waxaa muuqata saansaan colaadeed iyo abaabul dagaal taas oo sahlaysa in dagaalku uu mar labaad qarxo.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qandalawi;812967 wrote:
^All I can see is that the secessionist clan are getting all excited about this non-starter and tragic issues, by getting ahead of themselves and report 'Buhodle waan jiidhnay' and 'Garowe cagta ayan marinay dhaafsiinay' but in the end eat their own words like they always do - defeat at sooljoogta and L.A harareheda la isla taaganyahay, that's what the credible source are reporting.

 

But the secessionist clan knows no bounds...

No one is getting excited dagaal means dhimasho iyo dhawaac wax kale maha every one knows but those are the facts and i am just posting the news my friend. And lets just hope it all cools down in the next coming days.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^That Puntlandpost report is more balanced, they report death of both sides of up 3/2, one group hal gaari laga gubay while also the other may have sustained similar damage - This is well wrote news report and completely impartial.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland sources also reported the casualties on the side of the national army the same way they they reported the casualties on the side of the clan militia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaaladii Duleedka Laascaanood Iyo Buuhoodle, Sagaal Gaadiidka Dagaalka Ah Iyo 45 Maxbuus Oo Laga Qabtay Maleeshiyaadka

 

Buuhoodle (Ramaas) Apr 1,2012 – Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhaya Jiidihii saaka dagaaladu ka dhaceen ayaa sheegaya in ciidamada qaranku talaabo adag ka qaadeen Maleeshiyaadkii fadhiisimadooda weerarada ku soo qaaday ee Khaatumo.

 

Ciidamada qaranka ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay Maleeshiyaadkii weerarada ku soo qaaday fadhiisimada Sool-joogta iyo duleedka Laascaanood waxayna ka qabteen 45 maxbuus, sagaal gaadiidka dagaalka iyo xamuulka isugu jira.

 

Dagaalkan oo hadda si ku meel-gaadh ah u istaagay isla-markaana la filan karo inuu mar labaad ka qarxo jiidaha uu saaka ka dhacay.

 

Ciidamada qaranka oo heegan culus ugu jira sidii ay cagta u marin lahaayeen Maleeshiyaadka nabad-diidka ah ayaa la sheegay inay kaabiga ku hayaan Magaladda Buuhoodle oo fadhiin u ah nabad-diidka ah.

 

Dagaalkan oo ay ku dhinteen maleeshiyaad badan oo ka mid ah kuwo dagaalka ku soo qaaday ciidamada qaranka ayaa la sheegay in khasaraaha ciidamada ka soo gaadhay aad u hooseeyo isla-markaana ay jiraan 3 askari oo dhaawac ah iyo hal sarkaal oo dhimasho ah, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Dayr ahaana taliyaha guutada Gurmadka ciidamada qaranka.

 

Ramaas kala soco wararka soo kordha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faah Faahin: Dagaaladii maanta ka dhacay Buuhoodle iyo Laascaanood

 

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaaladii maanta ka dhacay duleedka degmooyinka Buuhoodle iyo Laascaanood oo ka kala tirsan gobolada Sool iyo Cayn.

 

Labadii dhinac ee uu dagaalkaasi u dhexeeyey oo kala ah ciidamada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo iyo kuwa Somaliland ayaa dagaalkaas guulo ka kala sheegtay.

 

Saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dhowr gaari oo noocyada dagaalka iyo kuwa xamuulka qaada isugu jira islamarkaana ay askar badan ku dileen.

 

Haseyeeshee mas’uuliyiin ka tirsan maamulka khaatumo ayaa beeniyey warkaas iyagoo sheegay in dhinacooda aanu wax khasaare ahi soo gaarin, balse laga qabsaday hal gaari iyaguna ay gubeen dhowr gaari mid kalena ay qabsadeen.

 

Ila wareedyo ka madax banaan labada dhinac oo ay Horseed Media xiriir la samaysay ayaa sheegay in dagaalkaasi uu sababay dhaawac soo gaarey in ka badan 10 qof oo labada dhinac ka kala tirsanaa iyo dhimashada 6 kale kuwaas oo ay 3 kamid ahi yihiiin ciidaamda maamulka Somaliland.

 

Dhinaca kale ciidamada maamulka Somaliland ayaa qabsaday degmada Kalabayr oo ah magaalo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada maamulka Khaatumo.

 

La wareegista ciidamada Somaliland ee degmada Kalabayr ayaa timid kadib markii dagaalo 3-aag ahi ay maanta ka dheceen duleedka degmada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Si kastaba ha ahaatee xaaladda deegaanada gelinkii hore ee maanta ay dagaaladu ka dhaceen ayaa xiligan ah mid xasiloon, waxaase weli jira xiisad dagaal iyadoo cabsi laga qabo in dib mar kale iska hor imaadyo ay u dhacaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this